SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DOWLADDA HOOSE EE MAGAALADA GALKACYO OO NIN KU DHAAWACDAY SUUQA WEYN EE MAGAALADA.

Galkcyo; (Somalitalk).

Talaado, 29/0305.

Waxaa maanta suuqa wayne ee magaalada Galkacyo lagu dhaawacay nin lagu magacaabo Cabdi Jaamac oo da,diisu tahay 32, jir ninkan dhaawaca ah ayaa waxa uu ka mid ahaa ragga ka ganacsada gudaha suuqa gaar ahaanna kuwa gaari gacanada ee loo yaqaan xamaaliga qaadana waxyaabaha ay dadku doonayaan in loo geeyo goobo iyo guryo kala duwan.

Ninkan oo in muda ahaydba ka mid ahaa dadka u soo shaqo tagayay suuqa, ayaa saaka ay murmeen mid ka mida ciidamka D/hoose, ka dib muranka oo dheeraaday ay dhalisay in uu qorigii uu watay ku furo" ayna xabad kaga dhacday dhinaca barida bidix.

Hadaba waxaa Somalitalk u suurto gashay in ay waraysato ninka dhaawaca ah oo lagu dawaynayay cisbitalka wayn ee Galkacyo, waxa aan waydiiyay xaaladiisa caafimaad waxa uuna ii sheegay in uu ladanyahay haatan walow ayuu ii raaciyay waxa ka danbeeya in uu san garanayn. sidoo kale mid kamida shaqaalahiicaafimaadka ee gacanta ku hayay daawayntiisa ayaa ii xaqiijiyay in uu yahay dhaawaciisu mid sahlan.

Waraysi ku saabsan arintan ninka dhaawaca ah in uu wax ka ogyahay ayaan la yeelanay Xoghayaha D/hoose Maxamed Faarax Dhaashane asagoo ku sugan xafiiskiisa shaqo" xoghaye waxaad nooga warantaa ninka ay D/hoose saaka suuqa ku dhaawacday?

Jawaab: Anigu waxaan maqlay in suuqa nin lagu dhaawacay ayadoo la igu yiri falkana waxaa gaystay ciidanka D/hoose, kadib waxaan imi suuqii waxaanna ogaaday in ninka gaystay dhaawaca ee xabadda riday uusan ka tirsanayn D/hoose ee uu ahaa nin shacab ah' hadaba waa nasiib daro in dadku ay sheegaan wax aysan hubsan waxaan ka loo ka xunnahay ninka uu dhaawacu soo gaaray.

S: Maxaad ku xaqiijinaysaa in falkan uu san adinka idinka iman?

J: Waxaan tagay goobta waxaana noo tirsan ciidanka noo shaqeeya waxay leeyihiin lambaro ay ku shaqeeyaan magacyay leeyihiin nin kastana waxa uu hoostagaa maamul iyo madax uu hoostago sidaas ayaan baaritaan ugu sameeyay ciidankayagii iyo kuwii kale oo waax yaha ka shaqaynayay.

S: Mala kulantay ninka dhaawaca ah?

J: Haa aniga iyo gudoomiye ku xigeenka dagmada ayaa si wadajir ah ugu tagnay waxaan la ku lannay dhaqtarkii gacanta ku hayay waxaan u sheegnay in aysan D/hoose falkan gaysan.

S: "Waxaan la kulmay ninka dhaawaca ah waxa uuna kamid yahay shacabka ka  shaqaysta suuqa oo waxa uu kala garanayaa shacabka iyo ciidanka waana nin wayn waxuuna  ii xaqiijiyay in ciidankiina mid ka mida ay murmeen iskuna qabsadeen qoriga lagu dhaawacay kadibna uu xabadda ku riday adiguna waad beeninaysaa tiisa tankalana waad rumaynaysaa goobjoogna maad ahayn marka mawadaysaa sidii aad u xaqiijin lahaydeen falka cida gaysatay mise sidaas ayaa kaga haraysaan?

J: Anagu waxaan yeerinaynaa magaca iyo liiska shaqaalahayaga hadii laga helo ninkaas saaka falka gaystay D/hoose waxii ceeba iyo waxaan gaysanay anaga ayay dushayada noqonaysaa, waana dhici kartaa in nin kale oo ciidanka ka danbeeyay uu gaystay falka laguna qaldayo ciidankayaga.

S: Waxaa suuqa ilaaliya ciidanka booliska mala xiriirtoo mawaydiisay in ay qabteen ninka riday xabadda dhaawacana gaystay, ciidankiina isagu maqaban karaa danbiilaha?

J: Anaga horta manihin ciidan qabta dadka danbiga gaysta aniguna waxaan raadinayay oo kaliya in ciidankaygu uu falka gaysatay.

Dowladda hoose ee magaalada galkacyo ayaa in mudo ahaydba waxay ciidankeedu gaysanayeen gabood fallo kala duwan oo ay ku eedeeyaan shacbka, ayna ka mid tahay dad si cad loogu furo rasaasta ama dhaawacma, waxayna badanaa D/hoose shacabka isaga horyimaadaan isku qabsi dhulal kala duwan oo ah  mid ganacsi iyo mid ay u qabsadaan dhisme iyo waraaqo si sharci daro ah ay ugu sixiixaan dad aan lahayn goobaha loo sharciyaynayo, ayadoo loo haysto danbiyadan kala duwan ayna socoto dacwadeedii qaar kamida illaa haatan.

ayaa la isu diyaarinyaa doorashooyinkii D/hoose waxaana ku tartmaya maamulka haatan haysta iyo mid kamida aqoonyahanada gobolka waxaase wali socda sharaxaad ay abaabulayaan illaa haatan labada musharax.

Sahro Sheikh | sahrosiglan@hotmail.com

SomaliTalk Gaalkacyo

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 29, 2005


U.N. oo Soomaalida Uga Digtey Badgariir...
»Wasiiro & Xildhibaano Gaaray Magaalada Xudur
»Kismaayo: Kulan looga hadlay dhismaha Maamul Goboleed
»Liibiya: Kulan ay yeesheen waftiga madaxweynaha DFKMG
Warka oo dhan ka akhri... Guji...

8 Maxaabiis ah oo Lagu Wareejiyey Beesha Saleebaan
»Magacyada siddeeda qof ee maxaabiista ahaa...
»
Dagaal ka Dhacay Gelinsoor
»Shir ay Gaalkacyo Ku Yeesheen Beelaha Cayr iyo Saleebaan
»Waraysiyo: Gudoomiyaha dagmada cadaado
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...

WARARKA TODOBAADKA EE SOOMAALIYA
»Gudoomiyaha baarlamaanka oo diray baaq nabadeed...
»Xubno ka mid ah DFKMG: "baydhabo itixaad ayaa qabsaday"
»Xidhibaan black oo dagaalka Baydhabo ku eedeeyey DFKMG
»Sh. Aweys oo ka digay ciidamo la geeyo Soomaaliya..
Warka oo dhan ka akhri halkan...

Xashiishad lagu Gubey Kismaayo
Waxaa daroogadan meel fagaare ah si wada jir ah ugu gubey maamulka degmada iyo kan maxkamada islaamiga Guji Mar 27

Waftiga Madaxweynaha oo Qaabilay Xog-Haynta ururka Saaxil iyo Saxaraa
Waftiga DFKMG oo ku sugnaa Liibiya ayaa...
Guji.. Mar 27


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD