SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Qaramada Midoobey oo Soomaalida Uga Digtey Badgariir
  • Wasiiro iyo xildhibaano gaaray Magaalada Xudur .
  • Isbahaysiga doxada Jubba iyo odayaasha dhaqanka oo ka wada hadlay dhisida maamul goboleed
  • Wafdiga DFKMG ee ku sugan Liibiya oo halkaas shir ku yeeshay

Qaramada Midoobey oo Soomaalida Uga Digtey Badgariir...

Hay'da Qaramada midoobey ayaa sheegtay in ay dadka Soomaaliyeed ee deggan xeebaha ku war gelineyso in ay ka feejignaadaan badgariir ay dhici karto in uu ka dhasho dhul-gariirkii Isniin (Maarso 28) ka dhacay dalka Indonesia. Dhul-griikaas Indonesia waxaa lagu qiyaasay 8.7 cabbirka lagu qiyaaso dhulgariirka. Dalkaas Indonesia oo ahaa kii bishii December ee sannadkii hore uu ka dhacay badgariir sababtay in ay dhintaan qiyaastii 270,000 oo qof, kaas oo xilligaas soo gaarey xeebaha Soomaaliya.

Maxwell Gaylard oo ka tirsan Qaramada Midoobey qaybteeda Soomaaliya ayaa VOA waxa uu u sheegay in haddii dhul-gariirkii Isniintii ka dhacay Indonesia uu sababo badgariir in uu markaas badgariirkaasi uu soo gaari karo Soomaaliya waaberiga.

Sidaas darteed hay'adda Qaramada midoobey waxay Soomalida deggan xeebaha Soomaaliya kula taliyeen in ay ka fogaadaan xeebta.

Wararka ugu horeeyey ee ka soo baxaya Indonesia waxa ay sheegeen in dhulgariirkani uu jasiirada Sumatra ku diley dad lagu qiyaasay inta u dhexaysa 1000 ilaa 2000.

Isha: VOA | Reuters | AP


Wasiiro iyo xildhibaano gaaray Magaalada Xudur .

Wasiiro iyo xildhibaano ka soo jeeda baydhabo ayaa maanta gaaray magaalada xudur oo xarun ah gobolada bay iyo bakool,xubnahan oo gaarayay 11 xubnood waxaa hor kacayay wasiirka beeraha Maxamad Nuur Sharguduud iyo wasiirka garsoorka iyo cadaalada Sh.Aadan Madoobe.

Xubnahan ay hogaaminayaan labadan wasiir waxaa kale oo ku wehliya wasiirka Dastuurka iyo arrimaha federalka C/lla deerow isak,wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka ibraahim aadan Xasan(Kiish) iyo xubno kale.

Ujeeda safarkan ayaa la xiriira sidii ay dhinacyadan magaalada laga qabsaday xal uga gaari lahaayeen meelahaas laga hasto,qaarkoodna waxa ay ku tilmaameen in Al-ixtixaad ka qabsaday deegaankooda oo ay iska difaacayaan dagaal ama nabad waxii ay kala kulmaana ay la beegsan doonaan waxa ayna ku hanjabayeen in ay xoraysanayaan dhulkooda itixaadkana ka qaadi doonaan sida ay hadalka u dhigeen.

Wasiiradan iyo xildhibaanada ayaa safarkooda waxa uu ku soo beegmay xili ay dagaalo culusi ka dhaceen magaalada baydhabo oo gaystay dhimasho iyo dhaawac xun kadib markii la isku adeegsaday hubka calculus waxaana magaaladu hadda gacanta ku dhigay Ibraahim xaabsade ah garab ka mid ah labad dhinac ee dagaalkan u dhaxeeyo iyo Yuusuf indha cadde oo sheegay In uu halkaasi u joogo dhex dhexaadin waxaana ku sugan sida ay wararku sheegayaan  40 tikniko ah oo uu leeyahay Yuusuf Indhaha cadde,mas’uul u hadlay dhinaca indha cadde ayaa sheegay in ciidankoodu halkaas ka wado arrimo dhexdhexaadin ah iyo sidii ay u kala dhex gali lahaayeen dhinayada dagaalku ka dhexeeyo.

Warar aan la xaqiijinin ayaa sheegaya in Ciidamo la soo dhigay xudur,si ay u taageeraan garabka shaati gaduud ee ka dagay maanta magaaladda xudur,waxaana aad looga cabsi qabaa in dagaalo cusub ay halkaasi ka dhacaan.

Maxamad dheere oo shalay ka duulay magaalada Nairobi ayaa wararka qaar sheegayaan in uu qabanqaabinayo sidii uu ciidan ugu diri lahaa magaalada xudur una taageeri lahaa garabka shaati gaduud iyagoo ka soo wada jeeda ururka SRRC ee lagu soo dhisay dalka itoobiya.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
Maarso 28, 2005


Kulan ay  yeesheen isbahaysiga doxada Jubba iyo odayaasha dhaqanka ee gobolkan  oo looga arinsanayay maamul u samayenta gobolada Jubooyinka  ayaa maanta lagu qabtay hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo 

kulankaan oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan odayaasha beelaha kala duwan ee gobolada jubooyinka iyo waliba mas uuliyiin sarsare oo ka tirsan maamulka isbahaysiga dooxada  juba oo uu horkacayay gudoomiyaha isbahaysiga dooxada Jubba xildhibaan Barre Aadan Shire ayaa waxaa looga arinsanayey sameynta maamul goboleed uu yeesho gobalka ayadoo ay carabaabeen masuuliyiinta isbahaysiga in maamulkan uu gogol xaar u yahay DSKMG  iyo sugida amaanka gobalada jubooyinka .

Dhisida maamul goboleedkan ayaa waxaa dhowaanahan laga waday qaban qaabadisa guud ahaan gobolada jubbooyinka ayadoo ay in muda ahba isbahaysigu ku mashquulsanaayeen midayenta fikiradaha siyaasiyiinta ka tirsan isbahaysiga iyo waliba kuwa dadka dagan gobolkan aydoo haatan ay muuqato iswaafaqsanaan buuxda iyo dadaalo wada jir ah oo lagu doonayo sidii maamul loo dhanayahay looga islaaxin lahaa gobolada jubbooyinka  

Hadaba Isku dayga ceenkan ah oo lagu doonayo in maamul loogu sameeyo gobolada jubooyinka ayaa uusan ahayen markii ugu horeysay oo ay isku dayaan isbahaysiga dooxada jubba waloow ay ku fashilmeen marar badan kadib markii ay isku afgaran waayeen masuuliyiin ka mid ah kuwa ku sugan gobolkan balse kani waa ka badalanyahay ayaa la orankaraa kuwii hore  maamdaama ay maanta ka soo  qeybgaleen kulankii manta dhamaaan hogaamiyaha beelaha oo iyguna si rasmi ah qalinka ugu duugay in ay wax ka dhisayaan maamulakan ugubka ah, 

Dhanka kale taliyaha ciidanka isbahaysiga dooxada jubba Maxamed rooble jimcaale Goobaale ayaa maanta hadal uu shirkaasi ka jeediyay  ku sheegay in isbahaysiga dooxada jubba aysan lug kulahayn dagaalada ka soo cusbonaaday deegaano katirsan gobalka Bay ,sidoo kalana  waxa uu sheegay in ay soo dhoweynayaan dadaalada nabadeed ee gudoomiyaha gobolka sh/ hoose sh/Yusuf  maxaed siyaad  Indha cade uu kawado gobalka Bay iyada oo marka hadalkaas lahaa mudane goobaale uu ag fadhiyay gudoomiyaha isbahaysiga dooxada jubba islamrkaana uu madaxa u ruxayay hadalada ka soo yeeraya ninka u taliya ciidanka isbahaysiga waloow uusan halkaas oga hadlin xilshibaan barre arimo ku saabsan gobolka baay 

Isago in taasi ku daray taliyaha cidanka isbahaysiga mudane goobaale  in aysan ka qeybqaadanaynin dagaalada sokeeye ee haatan dib oga soo cusboonaaday gobolka baay  balse ay galayaan dagaalka hadii  ay soo gasho ama ay soo fara galiso dowlada itoobiya arimaha soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigay mudane goobaale. 

Isku soo wada duuboo  kulankii maanta o ahaa mid ay ka soo qeyb galen ganacsato, odayaasha beelaha dega jubbooyinka, iyo golaha hogaaminta isbahysiga ayaa ahaa mid ku dhamaaday jawi caadi ah oo laga dheehan karo in uu yahay kulan kabadalan kuwii ay hore ay u yeelan jireen odayaasha dhaqanka ee gobolada jubbooyina  iyo isbahaysiga dooxada jubba . 

Cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
Kismaayo soomaaliya
Cabdiqadar84@hotmail.com


Wafdigii u hagaaminayay  Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulahi Yuusuf Axmed & Rasulwasaare Prof Cali Maxamed Geedi ayaa Hotelka Al Kabiir  ee Liibiya shir ay maanta ku yeesheen 

Waxaa maanta Hotelka ay daganyihiin ee Al Kabiir shir ku yeeshay Wafdigii madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Rasulwasaare Cali Macamed Geedi ay kalla horkacayeen, 

Ujeedada shirku waxa ay ahayd Xaalada nabadgalyo iyo siyaasadeed ee wadanka Soomaaliya iyadoo kulankaa diirada lagu saaray xaalada colaadeed ee Gobolka Bay& Bakool gaar ahaan magaalada Baaydhabo, 

Kulankan  waxaa gudoominayay Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxaana madaxwaynaha warbixin ka siiyay xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi rasulwasaaraha Soomaaliya, 

Prof Cali Maxamed Geedi waxa uu ku dheeraaday xaalada Siyaasadeed iyo dhaqaale& Nabadgalyo ee Soomaaliya waxa uuna sheegayy in umada Soomaaliyeed ay doonayaan nabad kuwada noolaansho, 

Markii madaxwaynaha Soomaaliya Muudane Caabdulaahi Yuuusuf Axmed dhagaystay warbixintii rasulwasaaraha Soomaaliya ayeey Maadaxda Saare ee Xuukuumadu ujeediyeen baaq nabadgalyo xubnaha ku dagaalamaya Baaydhabo, 

Madaxwaynaha Soomaaliya Muudane Caabdulaahi Yuuusuf Axmed waxa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed uusan hada diyaar uahayn is colaadin waxa uuna ugu baaqay dadka dagaalamayaa in ay Jooojiyaan Coolaada kuna laabtaan dageenadoodii,

Dhinaca kale Madaxwayne Cabdulaahi Yuuusuf Axmed waxa uu sheegay in u ka xunyahay Dagaaladaa isagaa sheegay in Hantidii iyo dadkii Sooomaaliyeed ee Gooobtaa ku geeriyooday ay yihiin wax qaranka Soomaaliyeed wax utari laha. 

Waxaa hore baaq colaad joojina udiray Guudomiyaha Baaarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan isaga oo ugu baaqay in ay joojiyaan Coolaada qolyaha ku diriraya baydhabo  xaaladana ay ku dhameeyaan wada hadal. 

Dhinaca kale waxaa manta ku biiray wafdiga madaxwaynaha ee ku sugan Liiibiya Waasiirka Arimaha Dibada ee Xukuumada Soomaalida Feederaalka Soomaaliyeed Prof Cabdulaahi Sh Issmaaciil oo isagu ka qaybgalay shir ay magaalada Kaaasa balanka ku lahaayeen Wadamada Caarabta& kuwa Laaatiin Ammeerika,

Shirkaa sida u ii sheegay Afayeenka Xuukuumada Cabdirixmaan Nuur Diiinaari oo goordhawayd ila soo xariiray waxa ay ka qaybgalayaashu ku balanqaadeen in ay garab istaagi doonaan xukuumada Sooomaaliya,

Wafdiga madaxwaynaha Soomaaliya ee ku sugan Liiibiya waxaa kamid ah rasulwasaaraha Soomaaliya Prof Caali Maaxamed Geeedi Raasulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Guudaha Eng Xuuseen Maxamed Faaarax Caydiid,Rasulwasaare ku xigeen ahna wasiirka Maaliyada Dr Saalim Caliyoow Ibrow,,Wasiirka Arimaha Dibada Prof Cabdulaahi Sh Ismaaciil, Xuseen Ceelaabe Faahiye,Afayeenka Xukuumada C/rixman Nuur Maxamed Diinaari, iyo xubno kale,

Axmed Muusse Cabdulle(idaawaqaca)Kenya_Nairobi
Axmeddheere65@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 28, 2005

8 Maxaabiis ah oo Lagu Wareejiyey Beesha Saleebaan
»Magacyada siddeeda qof ee maxaabiista ahaa...
»
Dagaal ka Dhacay Gelinsoor
»Shir ay Gaalkacyo Ku Yeesheen Beelaha Cayr iyo Saleebaan
»Waraysiyo: Gudoomiyaha dagmada cadaado
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...

WARARKA TODOBAADKA EE SOOMAALIYA
»Gudoomiyaha baarlamaanka oo diray baaq nabadeed...
»Xubno ka mid ah DFKMG: "baydhabo itixaad ayaa qabsaday"
»Xidhibaan black oo dagaalka Baydhabo ku eedeeyey DFKMG
»Sh. Aweys oo ka digay ciidamo la geeyo Soomaaliya..
Warka oo dhan ka akhri halkan...

Xashiishad lagu Gubey Kismaayo
Waxaa daroogadan meel fagaare ah si wada jir ah ugu gubey maamulka degmada iyo kan maxkamada islaamiga Guji Mar 27

Waftiga Madaxweynaha oo Qaabilay Xog-Haynta ururka Saaxil iyo Saxaraa
Waftiga DFKMG oo ku sugnaa Liibiya ayaa...
Guji.. Mar 27


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD