Elman Peace & Human Rights Center
Lower Shabele Report.
2004
Kadib markii ay soo bexeen warar
sheegaya in gobolka shabeelada hoose ay ka jiraan tacadiyo ka dhan
ah xaquuqda aadanaha ayaa hay’adda elman waxay isku taxalujisay iney
u dirto gudi baaris kusoo sameeya baaris ka dhan ah tacadiyadaas iyo
daroogo la sheegay in lagu beero deegaanada gobolkaas hoos taga,
waxayna safarkoodii ka bilaabeen tuulooyinka kala ah Buulo golweyn,
Buulo mareer, qoryoolay, Kutuwaarey, Abowheerow iyo Dacaraha,
waxayna hay’adu intaa ka soo aruurisay xog kusaabsan daroogada iyo
tacadiyada ka dhaca deegaanadaas.
Hay’addu waxay wareysatay dad
beeralay ah waxayna hay’ada u sheegeen in deegaankaan lagu beeri
jiray daroogada, xashiishada balse aysan hada jirin wax daroogo ah
oo hada beeran waayo majiraan biyo wabiguna waa guray oo ma wado wax
biyo ah daroogaduna waxay u baahantahay biyo saa;id ah ayadoo loo
waraabiyo sida bariiska oo kale, waxaa kaloo ka mid ahaa dadka aan
waraysanay gabar naga codsatay in aan magaceeda la sheegin ayaa
waxay noo sheegtay in bishii November iyo December in ayadu ay
beeratay daroogada waxaana iiga soogay ayay tiri sided kiish oo
daroogo ah waxayna noo sheegtay in aysan jirin wax koontoroola
beerahooda ayna jiraan rag had iyo jeer u taagan iney beeraan
daroogadaas, ayadoo weliba qaarkood ay u wareegeen dhinaca degmada
janaale ayagoo halkaa ka wada hawlo ay ku hormarinayaan daroogada.
Waxaa kaloo ahay’adu waraysi la
yeelatay odayaasha dhaqan ka ee degmada kutuwaarey iyo gudiga
maamulka degmadaas waxaana wax ka weediinay dhibaatooyinka ka jira
deegaanadooda ee ku saabsan beeraha la sheegay in xooga lagu kala
heesto waxaana ugu horeentiiba wax ka weydiinay suldaanka deegaanka
kuntuwaarey Suldaan xasan Caliyow Beere wuxuuna yiri “anigu waxaan
suldaan ka ahaay deegaankaan ilaa 1971dii waxaana ahay suldaankii
dowladii maxamed siyaad barre kala tashatay in halkaan la keeno
dadka ay abaaruhu ku habsadeen waxaana lay ga saxiixay isla
sanadkaas waxaanan ogolaanay in deegaamadeena la keeno dadkaas illaa
maantana wax dhib ah naguma hayaan faa’iido mooyee waayo waxaa
faa’iido ah dadkii la keenay 1974 aysan aqoon markii halkaan la
keenayey afafkeena gaar ahaan afka jiidada maantana afkeenii ayey
wax nooga gadanayaan waa faa’iido fiican oo u soo hoyatay dadka
jiidada ah, waxaan rabaa in aan wax ka iraahdo dadka oranaya beeraa
nagala dhacay tuulooyinbaa nagala gubay in aysan ahayn dad wax garad
ah ama wakiil ka ah dadka, dadka gubay beeraha kama aysan imaan
Mogadishu kuwa gobay tuulooyinka kama aysan imaan Mogadishu ee waxay
yihiin deegaanka waana jiido kuwa wax laga gubana waa jiido taasna
waxay kuu muujinaysaa tafaraaruq ku dhaxjira jiidada, hadii aan usoo
noqdo beeraha lakala gadanayo waxa gadanaya waa dad jiida ah oo
lacag raba waxaana diidan mid kale oo walaalkiisa, waaxaan rabaa in
aan manta ogaysiiyo dadka walaalahey ah ee ku nool magaalada
Mogadishu in aysan jirin wax hujuun ah ama barakicin ah ee lagu hayo
dadka jiido balse ay jiraan jiido isdiidan oo aan waxba isku ogolayn”
Waxaa kaloo wareysi layeelanay
Gudoomiyaha degmada kuntuwaarey Salaad cali koofi waxaana wax ka
waydiinay cabashooyinka ka imaanaya degaanka uu xukumo ee
kuntuwaarey wuxuuna ku jawaabay “anagu waxaanahay maamulka degmada
waxaana degmadaan hoos yimaada 45 tuulo nasiib darose noolamayimaan
wixii howl ah ee ay u baahanyihiin hadii ay noqon lahayd beero la
kala gadanayo kala wareejin dhul iyo khilaafaadka beelaha qolo
walbana waxaad moodaa in ay howlohooda ay si gooni ah u qabsanayaa
anagana way nala xumaatay in aanu faragelino deegaamo hoos yimaada
degmadaan anagoo ka xishoonayna waxa maanta laga sheegayo
deegaankeena, hadii aan u gurmanana la oranayo waa qabiil iyo
xoogbay nagu haystaan taasina ay suurto gelisay in aan gacmaha kala
baxno beelaha deegaanka si ay ayagu arimahooda u xalistaan, waxaan
maqlaynay waayahaan beero ayaa nagala dhacay waxaan rabaa in aan
cadeeyo beer aan suldanku saxiixin in aan lagadan Karin deegaankaan
beeruhuna waxay isgu jiraan kuwa ay dowladii hore la hayd iyo kuwa
dad shacabihi ay leeyihiin oo ay ka tageen waxaana gadanaya dadkii
haystay 14-kii sano waxaana igu maqaalaa in rag xamar ka yimid oo
lacag wataa ay yimaadeen deegaanka oo ay dhul gadanayaan dhulkaasna
waxa gadanayaana waa dad deegaanka ah iyo kuwa deegaan kula nool oo
ah dad kii la dejiyey deegaanka 1974 tii.
Waxaan kaloo la kulanay Gud. Gudiga
degmada kuntuwaarey :- Maxamuud yuusuf maxamed waxaana waydiinay bal
in uu wax nooga sheego caqabadaha ka jira deegaanka siiba daroogada
wuxuuna ku jawaabay “daroogada dhulkaan waa lagubeeraa mase ahan mid
aan anagu shaqo ku leenahay ee waxaa beeranaya dad wax magarata ah
oo fiirsanaya shilinka ay ka helayaan, daroogo la beero wax dhibaato
ah maleh waayo waxaa la waayey dowladii kontarooli lahayd maamulkuna
awoodiisu magaarin in uu galo dhulalka fog-fog ee lagu beero
daroogada qofkii aad maanta tiraahdo maxaa u beeraysaa wuxuu kuugu
jawaabayaa beerta anaa leh anigaana abuurtay waxaana nala xumaatay
in aan faragelino nin beertiis illaa dowlad caadila laga helayo”.
Waxaa soo u ruuriyey madaxa
baarista xadgudubyada ee hay’adda elman
Mr: Cali sh yaasiin “Cali fadhaa”
Qoraalka oo dhamaystiran.... Akhri |