SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  RA'YI
Barnaamijkii Radio Xoriyo

22 Mar. 2005

  • Dagaallo lagu naafeeyey ciidamada cadowga Itoobiya ee ku sugan gudaha Ogadenya
  • Dad badan oo bilaa sabab lagu xidhxidhay meelo Ogaadeenya ka mid ah.
  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo maxkamad loosoo saarayo xasuuqii Gambella.
  • Generaal Galaal oo soo bandhigay qorshe la doonayo in Soomaaliya lagu kala qeybiyo. 

======================

Dagaallo lagu naafeeyey ciidamada cadowga Itoobiya ee ku sugan gudaha

Wariyaha RX uga soo warama jiida hore ee furinta dagaallada ayaa noo soo tabiyey dagaaladii ugu dambeeyey ee ay fooda is dareen cwxo iyo ciidamada gumaysiga itoobiya,waxaana ka mid ah dagaaladaas:

-14/03/05 ay cutubyo ka tirsan CWXO goor habaynimo ku mireen ciidammada gumaysiga Itoobiya ee ku sugan magaalada Fiiq oo ah magaalo madaxda Gabolka Nogob. Hawlgalkaas mirta ah ayaa cadowga Itoobiya loogu gaystay khasaare lixaad leh oon tafaasiishiisa wali la helin.

-15/03/05 dagaal ka dhacay meesha la yidhaahdo Madax-Maroodi oo ka tirsan Gabolka Qorraxay, ayaa ciidamada cadowga lagaga dilay 14 askari,halka dhaawucuna gaadhay 9 kale.

-15/03/05 baabuur ciidanka cadowgu saaraa oo marayey La-helow oo ka tirsan Gabalka Doollo ayey koox ka tirsan CWXO dhufays u galeen, waxayna ciidankii saaraa ee gumaysiga Itoobiya halkaas kaga dileen 4 askari, 3 na way ka dhaawaceen.

Horaanteedii bishan Maarso ee aynu kujiro ayuu taliska Itoobiya laayey saraakiil badan oo ay ka mid yihiin taliyihii Gaaska fadhiya Ogaadeenya, Gen. John, taliyihii siyaasadda Haylay, taliyihii Guutada Godey Hagos iyo laba Dhamme oo la kala yidhaado Mulgeeta iyo Wadhacarwa. Laynta saraakiishaas waxay la xidhiidhaa inqilaabkii fashilay ee bishii hore.

 Dad badan oo bilaa sabab lagu xidhxidhay meelo Ogaadeenya ka mid ah.

Ciidanka cadowga ayaa ku gadooday dadwaynihii rayadka ahaa ee degganaa meesha lagu magacaabo Madax-maroodi, ka dib markii 15kii Marso uu halkaas ka dhacay dagaal dhex maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya. Ciidammada gumaysigu waxay halkaas ku dileen 4 qof oo rayad ah, kuwaasoo uu ka mid yahay wiil yar oo 11 jir ah. Dadkaas gardarrada lagu laayey weli nama soo gaadhin magacyadoodii,dib ayaana idiinkaga soo sheegi doonaa haduu eebe ogolaado.

 23/02/05 ayaa dad aad u badan lagu xidhxidhay tuulada Dig, waxaana dadkaas ka mid ah:

  1. Aadan Colob oo ah Duqii tuulada Dig
  2. Maxamed Xuseen Eemar
  3. Deeq Diiriye Xuseen Eemar
  4. Siigaale Maxamuud Diiriye oo 70 jir ah.  
  5. Anas Cabdi Shaafi
  6. Maxamed Aadan Cumar
  7. Daahir Cumar Marshaale
  8. Gaanbayse Bashiir oo ahaa Xoghayihii Tuulada
  9. Sanweyne Cabdi Khaliif.
Magaalada Dhagaxbuur ayaa iyana 27/02/05 lagu xidhxidhay dad badan wuxuuna magacooda nasoo gaadhay Ayaan Maxamed Yuusuf oo ka mid ahayd dhibanayaashaas bilaa sababta la iska xidh-xidhay.

Sidoo kale7/03/05 magaalada Shilaabo waxaa lagu xidhxidhay dad badan oo shacab ah, waxaana dadkaas ka mid ahaa Shamis Maxamed Madle. 

Dhinaca kale ciidanka gumaysiga Itoobiya ayaa ku qabsaday magaalada Caado oo ka tirsan gobolka Doollo 90 Dibi oo ganacsi loo waday, kuwaasoo ay ilaa iyo hadda haystaan.

Sida ay qortay shabakada internetka ee Qorahay Online waxay ciidammada gumaysiga Itoobiya ku dheceen magaalada Yucub hantida ganacsade lagu magacaabo Makhtal Aaden Xirsi, kaasoo ay ka dheceen lacag aad u tiro badan.

Ciidammada gumaysiga Itoobiya ee ku sugan magaalada Yucub waxay sidoo kale xabsiga u taxaabeen odey lagu magacaabo Cumar SaleebaanAamin oo 80 jir ah.waxayna dab qabadsiiyeen ciidammadaasi gumaysiga itoobiya gurigii uu odeygaasi ku lahaa magaalada Yucub halkaasoo gurigii ku basbeelay.

Ciidammada gumaysiga ayaa sidoo kale si qasab ah lacago kala duwan uga qaatay dadwayne rayad ah oo ku dhaqan magaalada Yucub. Dadkaasi waxay kala yihiin:

  1. Cabdi Xukun Maxamuud Xuseen oo laga dhacay 1000 Bir
  2. Cali Saac oo isagana laga dhacay 1000 Bir
  3. Shire Biixi (Budeeye) oo isagana laga boobay lacag dhan 800 Bir
  4. Ibraahin Cabdi Biixi oo isagana laga dhacay 300 Bir

Ciidamo Itoobiyaan ah oo maxkamad loosoo saarayo xasuuqii Gambella.

Lix askari oo ka tirsan ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa la soo hortaagi doonaa maxkamad, si looga abaal-mariyo kaalintii ay ku lahaayeen xasuuqii ka dhacay gobolka Gambella daba-yaaqadii 2003 iyo horraantii 2004.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegay in lixdan askari ay ka qayb qaateen xasuuqii Gambella, sidaas darteed maxkamad la saarayo, hase yeeshee ma aanuu sheegin xilliga maxkamada la soo saari doono iyo meesha lagu saari doono midna.

Boqollaal qof oo rayad ah ayay ciidammada Itoobiya ku xasuuqeen gobolka Gambella, waxay sidoo kale guryohoodii ka qixiyeen dad kumayaal gaadhaya. Guddi uu Baarlamaanka gumaysiga Itoobiya u saaray inuu soo baadho sida ay cidammadu xasuuqan uga qayb qaateen ayaa caddeeyay in ciidammadu ay gacantooda ku dileen ugu yaraan 13 qof, hase yeeshee xubin guddigaas ka tirsanaa ayaa sheegay in dadka ay ciidammadu dileen ay intaas aad uga badnaayeen.

 Ilo madaxbannaan ayaa iyaguna sheegay in ciidammada Itoobiya ay dileen boqollaal qof oo u badan duqaydii iyo wax-garadkii qabiilka gobolkaas u badan ee Anyuak.

 Generaal Galaal oo soo bandhigay qorshe la doonayo in Soomaaliya lagu kala qeybiyo

Gen. Maxamed Nuur Galaal oo kamid ah saraakiisha milatariga ee xoogii dalka Soomaaliyeed ayaa shalay soo bandhigay Map ay dowladda Itoobiya ku dooneyso in ay ku kala qeybiso Soomaaliya si ay gacanta ugu dhigto qeybo ka mid ah dhulka jamhuuriyadda Soomaaliya.

Gen. Galaal oo shalay ka hadlay dibadbax balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka Banadir kana dhacay garoonka weyn ee Stadio Muqdisho ayaa daaha ka rogay naqshad lagu qeybinayo Somaaliya oo lagu tiimbareeyey Timparaha ururka midowga Afrika(African Union,) waxaana naqshadaas sameeyey qorshahaasna fulinayay ayuu yiri Generaalku nimankii ajnabiga iyo Soomaalida ahaa ee lagu sheegay xaqiiqo raadinta, kuwaasoo u shaqeynayay dowladda Itobiya oo dooneysay in loo milkiyo Soomaaliya waxaana uu ku daray jananku in Itoobiya ay sabab u tahay dhibaatada Soomaaliya.

C/llaahi Sheekh Xassan oo kamid ahaa gudigii xaqiiqo raadinta ayaa kal hore shaaca ka qaaday qorshe ladoonayay in laga soo weerar caasimada Soomaaliya dhowr jiho kadibna la go,doomiyo.

Radio Xoriyo

22 Mar. 2005

C/nuur Sh. Mohamed

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 22, 2005


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD