SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  BOOSAASO
  • Howlgalada Ciidanka Booliska saldhigyada Boosaaso oo ay ku soo Qabteen Burcad
  • Aqoon isweydaarsi socday mudo afar cashaa oo lagu soo gabagabeeyey jaamacada Bariga Afrika Boosaaso Puntland

Warbixintii: C/Fataax Jaamac
Boosaaso | somalitalkpl@yahoo.com

Howlgalada Ciidanka Booliska saldhigyada Boosaaso oo ay ku soo Qabteen Burcad


Taliyaha Saldhiga Booliska Biya Kulule

Dharkii lagu qabtay Burcada
 

Bastooladii lagu qabtay Burcadka

Hawgal ay sameeyeen Ciidanka Saldhiga Biya kulule ee magaalada Boosaaso ayaa ku soo Qabqabtay Burcad ku hubaysan Dharka Ciidanka iyo Bastoolado kuwa Ciyaalka ku cayaara ah oo ay habeenkii ku baaran Jiray Dadka intay u galaan Meel mugdiya, Taliyaha Saldhiga Biya Kulule Boosaaso Dhame: Yaxye Maxamed Muuse oo iiga warbixiyay ayaa ii sheegay in ay ku daba jiraan kuwa hada la soo qabtayna ay kala yihiin Magacyadooda 1- Cabdi Xasan Cali 2- Cawil Cali Faarax 3- Cabdifataax Xuseen Axmed.

Taliyaha Saldhiga Booliska Biyo Kulule ayaa ii sheegay in ay u gudbiyeen Xabsiga Dambiilayaashaa, waxa kaloo uu sheegay in ay habeen iyo Maalin ay u shaqeynayaan Dadweynaha ayna ka Codsanayaan in ay la shaqeeyaan Dadweynaha oo ay Dambiilaha aysan qarsan oo ay soo sheegaan si loo helo Nabadgalyo hadii Illaah idmo.

Ciidanka Booliska ee Saldhigyada Booliska Boosaaso ayaa ku hawlan sidii ay u qaban lahayeen Burcadka iyo kuwa Nabadgalyada khalkhalka galinaya lakiin ay mar walba ka Codsadaan Dadweynaha in ay kala shaqeeyaan Nabadgalyada oo u wada dana.

Aqoon isweydaarsi socday mudo afar casho ah oo lagu soo gabagabeeyey jaamacada Bariga Afrika Boosaaso Puntland

Macalimiintii oo fadhida Aqoonisweydaarsiga
 

Maamulaha Iskoolka Manaaratu Baydaa oo ka hadlaaya Xiritaankii Aqoon isweydaarsiga

Aqoon iswaydaarsgaa oo kor loogu qaadayay Tayada Macalimiinta Dugsiyada Hoose ilaa Sare ee Gobolada Puntland ayadoo Magaalo walba macalimiintooda loogu qabanaayey Magaaladooda ay ka howlgalaan Aqoon,iswaydaarsigaa ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Dr. Cali Cabdulaahi Warsame oo Dagan Dalka Maleesiya aqoon isweydaarsigaa oo ay ka codsadeen Maamulayaasha Dugsiyada Puntland mar uu hore u yimi Dalka.


Gudoomiyaha Hay ada Tadaamun oo kahadlaaya Xiritaanka Aqoonisweydaarsiga


Gabdhaha Macalimiinta ah ookaqayb galaya Aqoonisweydaarsigii

Aqoon iswaydaarsigaa ayaa waxaa ka faa,iidaystay Macalimiin gaaraya 1800 oo kala jooga magaalooyinka Puntland. Mar aan wax ka waydiinay ka qaybgalayaashii ayaa waxa ay ii sheegeen in ay aad uga faa,iidaysteen ayna jeclayeen in lagu soo celceliyo Tababar Noocaas ah.


Prof Cabdirisaaq oo kahadlaaya Xiritaankii aqoon isweydaarsiga

Dr Cali Cabdulaahi warsame oo ahaa Fududeeyihii Aqoon isweydaarsiga

Xiritaankii Aqoon iswaydaarsiga ayaa waxaa ka hadlay Xiriiriyaha Jaamacada Bariga Afrika Boosaaso Prof: Cabdirisaaq Shoola oo ka warbixiyay in ay jaamacadu ku tala jirto in ay Furto Kuliyad Tababarka Macalimiinta oo hada uu Dhismaheedii uu socdo Aqoon iswaydaarsigaana uu noqonayo mid ay ka codsanayaan Cidii uga faa,iidaynaysa sida Dr: Cali Cabdulaahi uu si tabarucaada ah uu ugu huray Dadkiisa uuna jecelyahay in uu ka qayb qaato sidii looga badbaadin lahaa burburka Jiilka soo kacaya, waxaa uu ku soo dhaweeyay Dr: Cali Cabdulaahi oo ka hadlay in uu uga mahad celinayo Maamulka Jaamacada sida ay ugu diyaarka yihiin in ay kor u qaadaan Aqoonta iyo tayada Waxbarasho, waxa kaloo uu u mahad celiyay kasoo qayb galayashii waqtigooda u huray in ay ka qayb qataan Aqoon iswaydaarsigaan oo ay ka faa'iideen aqoon ayuu yiri Dr: Cali Cadbulaahi.

Waxaa kale oo ka hadlay (oo ku hadlaayay magaca Gudiga tayanta iyo Isku xirka Aqoonta Gobolada Puntland) Prof: Cabdulaahi Sheekh oo ah Gudoomiyaha Hay,ada Tadaamun oo isagu ka hadlay wax qabadka Gudigaas, waxaa kaloo ka hadlay Maamulaha Iskoolka Manaaratul Baydaa Cabdisamad oo ku hadlaayay magaca ka faa,iidaystayaashii oo aad ugu dheeraaday sida ay uga faa,iideesteen Aqoon iswaydaarsigaa, waxaa ugu dambeyntii ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika Dr: Cabduqaadir oo ka hadlay Faa,iidada ay u leedahay Bulshada in macalinku helo tababaro si uu aqoonta Ardayga uu wax barayo tayadiisa uu u soo saaro iyo Kuliyada ay damacsanyihiin in ay furan Maamulka Jaamacada Bariga Afrika,


Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika Boosaaso Dr Cabduqaadir oo kahadlaaya Xiritaanka Aqoon isweydaarsiga

Macalinkamida Macalimiinta ugu horeeyey oo fadhiya Aqoon isweydaarsiga

Macalimiintii ka faa,iidaystay ayaa lagu balamiyay in ay yimaadaan si loo siiyo Shahaadadii ama Cadeyntii in ay ka qayb qateen Aqoon isweydaarsiga.

Warbixintii: C/Fataax Jaamac
Boosaaso | somalitalkpl@yahoo.com

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 21, 2005

Warbixin:;; Safarkii Diridhaba ee Hargeysa... Guji...

Aqoon isweydaarsi kusaabsan ilaalinta xuquuqda carruurta oo lagu qabtay Boorama... Guji...


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay... Guji...

 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD