SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - W/AMEERKA
Bayaan ka soo baxay Golaha Masaajida Waqooyiga Ameerika

Bismilaahi Raxmaani Raxiim          3/19/2005 

  • Ku: Baarlamaanka Faderaalka Kumeel gaarka Soomaaliyeed
  • Ku: Dowlada Faderaalka ku Meel gaarka  Soomaaliyeed
  • Ku: Dhamaan Umadda Soomaaliyeed

Ujeedo: Taageerid Go’aankii Baarlamaanka ee March 17, 2005 

Anagoo ah golaha Masaajida Waqooyiga Ameerika Waxaan taageeraynaa go’aankii Baarlamaanka Soomaaliyeed ay ka qaateen keenista  ciidamo ka socda safka hore, waxaana ku baaqaynaa qodobadan soosocda; 

  1. waxaan taageer sanahay go’aanka Baarlamaanka Faderaalka Kumeel gaarka Soomaaliyeed uu ka qaatay keenista ciidamada Safka hore.
  2. Waxaan ugu baaqaynaa BFKMS inay ku taagnaadaan go’aankooda aysan marna aqbalin waxaan Umada iyo Dalka Soomaaliyeed dan u ahayn.
  3. Waxaan ugu baaqaynaa BFKMS inay dhowraan sharaftooda iyo Sharafta umada Soomaaliyeed, wax kastana ku dhameeyaan wada hadal iyo cod dheeri.
  1. Waxaan ku baaqaynaa inaan ciidamo Itoobiyaana la gaynin dalka Soomaaliya marnaba.
  2. Waxaan ugu baaqaynaa  DFKMS inay u hogaan santo Go’aankii Baarlamaanka, kuna dhamayso waxkasta wada hadal iyo si nabad ah
  3. Waxaan ugu baaqaynaa  DFKMS inay tixgaliso doonista Umada Soomaaliyeed.
  4. Waxaan ugu baaqaynaa DFKMS inay ka noqoto kana waan towdo, dalabkeedii ahaa keenista Ciidamo ka socda safka hore Soomaaliya.
  5. Waxaan ugu baaqaynaa Dhamaan imaamyada Masaajida Soomaaliyeed meelay joo gaanba inay khudbadaha jimcaha soo socda (March 25, 2005) uga hadlaan dhibaatada ay leedahay imaanshaha Itoobiya Dalka Soomaaliya.

Ugu danbaytii waxaan ugu baaqaynaa Umada Soomaaliyeed meelay joogaan ba inay jimcaha soo socda ee taariikhdu tahay March 25, 2005 Banaanbax ku muujiyaan diidmadooda ku aadan keenista Ciidamada Itoobiya Dalka Soomaaliya.

Waxaan Illaahay  ka baryeynaa inuu umada Soomaaliyeed ka saaro dhibaatadda  ku habsatay kuna hanuuniyo Diinteeda.

Golaha Masaajida Waqooyiga Ameerika
Afhayeenka Golaha Masaajida
Imaam Shiikh C/shakuur Ibraahim

cabdishakur@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 20, 2005

C/Lahi Yuusuf oo Waaniyey Dawladiisa
»Muuse Suudi Yalaxow oo Kenya Lagu Xiray
»Afhayeen Xariga Yalaxow ku eedeyey DFKM
»Uganda & Sudan ciidamadooda oo aadaya Som.
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Mar 19

Xirsi Bulxan: Waxay u dhacday codbixintaas si sax ah
Guddoomiyihii Kumeelgaarka ahaa ee Baarlamaanka KMG ayaa oo goobjoog ka ahaa codbixintii ayaa... Guji... Mar 18

Prof. Geeddi: Wax Codayn ahi kama dhicin Kulanka Baarlamaanka
Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Shirka Gudoominaya Dagaal dhaco.. Guji... Mar 18

BAARLAMAANKA IYO XAALADDA SOOMAALIYA
Baarlamaanka FKMG ah oo Dagaal Dhiig ku Daatay ku Diiday Ciidamada Safka Hore..
.Guji... Mar 17
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD