SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  KENYA

MADAXWEYNE CABDULLAAHI YUUSUF & ALLOW MADAXDA NOO SUUBI 

Sida aan ognahaya waxaa Soomaaliya ka dhacay bur bur lixaad leh oo 15 jirsaday, ka dib markii ay duntay ama ay bur burtay dowladii dhexe ee Soomaaliya January 1991, halkaas waxaa lagu waayey qaranimadii, kala danbeyntii iyo sharaftii ummadda Soomaaliyeed, ayaandaradaa foosha xun waxaa laga dhaxlay dil, kufsi, dhaawac, jirdil, boob iyo barakac aan qiyaas lahayn. Shacabka Soomaaliyeed waxay ku dhinteen dal kasta, bad kasta, xabsi kasta, sidoo kale waxaa lagu fara xumeeyey intaa meelood ee aan soo sheegnay oo dhan, qof kasta oo goob joogka ahaa dhacdooyinkaa foosha xun ama looga sheekeeyey waxaa buuxinaaya qalbigiisa murugo iyo tiiraanyo. 

In kastoo bur burkii qaran jabkii Soomaaliya ka hor ay jireen dhibaatooyin badan oo dalka ka dhacay, ku waas oo saameeyey qof, qoys iyo qabiil intaba, hadana waxaa la dhihi karay, waxaan lahayn dowlad aan harsano hooskeeda.

Mar hore iyo mar danbaba dhibaatooyinka Soomaaliya ka dhacay waxaa lays waydiin karaa dhibkaan yaa bilaabay, dhibaataduse wakhtigee bay bilaabatay, inta badan dadka Soomaaliyeed waxay ka dharagsanyihiin dhibaatada Soomaaliya, in uu bilaabay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ah Mudane. Cabdullaahi Yuusuf waqtigaas oo uu ahaa Col. Militari ah oo xukuma Gaaskii fadhiyey Gobolka Gedo, ka dib markii uu fashilmay inqilaabkii dhicisoobay 9kii April 1978.  

Col. Cabdullaahi Yuusuf wuxuu soo galay dalka Kenya, ka dibna wuxuu u wareegay dowlada Ethiopia oo ay cadaawad xun ka dhaxaysay iyada iyo Soomaaliya, halkaas oo uu ku aas aasay Jabhadii ugu horeysay ee ka soo dagaalantay gudaha Ethiopia SSDF, Jabahadaas SSDF dowlada iyo shacabka Soomaaliyeedba waxay u geysatay amaba gaarsiisay khasaare aad u weyn iyo nabaro bogsoon waayey, iyagoo ka helaayey kaalmooyin farabadan dalal shisheeye oo cadow ku ahaa jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

Xaaladdu markay halkaas mareyso waxaa bilowday qof ama qabiil kasta oo dareema inay cadaaladdu dhinacmartay inuu ku biiro jamhadii SSDF, iyo Itoobiya, kadibna waxaa bilowday Jabhado badan oo saldhig ku yeeshay dowladda Itoobiya oy naga dhaxaysay cadaawad soo jireen ah, jabhadahaas waxaa ka mid ahaa SNM, USC,SPM, iyo kuwo kale, dadka Soomaaliyeed waxay caan ku yihiin xoolaha iyo dhaqashadooda, beeluhuna waxay leeyihiin summado lagu kala garto qoys kasta xoolihiisa. 

Sidaas darteed Jabhadihii hubaysnaa ee kasoo horjeeday Dowladdii Soomaaliya, waxay ahaayeen kuwo salka ku haya qabiil laguna dhisay qoys, isla markaana calaamad looga dhigay qoyskaasi summadii xoolohoodu lahaayeen.

Arinta ay ku keceen jabhadihii hubaysnaa ee kaso horjeeday Dowladii Soomaaliya, iyo magacyada ay labexeen ee kusalaysnaa qabiil koodii iyo summadii geelooda, waxay ku tusaysaa tayo xumada ummada Soomaaliyeed, iyo inaysan wali fahmin qaran, iyo qabiil waxa, ay kala xambaarsan yihiin.

Guuldarada iyo masiibooyinka ku habsaday ummada Soomaaliyeed, waxaa horseed u ahaa Jabhadihii hubaysnaa ee saldhigoodu ahaa magaalda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, sidoo kale waxaa bilaabay dhiiri galinta la dagaalankii dowladii Soomaaliya Wadaxwaynaha Jamhuuriya Fedaraalka ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed. 

Madaxwayne C/laahi , wuxuu in badan raadinayey in mar un loogu yeero madaxwaynaha Soomaaliya, wuxuuna usoo marey dhib aad u balaaran dalka iyo dadkana wuxuu ugaystay khasaarada, laga kaban la’yahay ilaa maanta, hadaba madaxwaynaha waxaa la gudboonayd, haduu kugulaystay riyadiisii ahayd mar in uu Madaxwayne ka noqdo Soomaaliya, in uu wax kabadalo dhaqamadiisii hore, iyo Jabhadnimadii uu kujiray mudada dheer, nasiibdaro se madaxwaynuhu wali wuxuu ku sugan yahay xaaladiisii jabhadnimo, dhinac kastaba ha noqotee. 

Sidaan ognahay bur bur kii Soomaaliya wuu qaan gaaray qof kasta oo cilmi iyo caqli usaaxiiba wuxuu dareemi karaa, dabeecadda iyo rabitaanka kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed, iyo sida ay fowdadu iyo dhaqan xumadu usaamaysay, hadaba waxay ubaahan yihiin khudbad ku wajahan xaaladda ay ku sugan yihiin isla markaana dawayn karta dhibaatooyinkii ka dhashay Dowlad la,aantii 14 ka sano. Madaxwaynaha hadalkiisu maahan qof caadi ah oo kale, madaxwaynuhu ma ahan urur gooni ah oo siyaasadeed, madaxwaynuhu ma ahan firqad diimeed oo gaar ah, madaxwaynuhu ma ahan qabiil iyo jifo gaar ah, waa udub dhaxaadkii guriga, waxaa lagama maarmaan ah qof kasta in uu sidaa u fahmo kuna shaqeeyo. 

Sida aan wada oganahay qoomiyad kasta waxay leedahay dhaqan u gaar ah iyo tusaalooyin ay wax ku fahmaan, geelu markuu aroorka yahay wuxuu leeyahay hees loo qaado, markuu fulintaanka yahayna wuxuu leeyahay hees kale oo loo qaado, hadii aad isdaba mariso oo geela oo fulitaan ah qaado heestii aroorka waxaad kala kumaysaa geela dhaga adayg. 

Hadaba waxaa loo baahanyahay dadka in dadka lagula hadlo hadal wanaagsan oo wax ka badali kara xaaladii hore ay ku sugnaayeen. 

Bal aan soo qaadano Khud-badii madax-waynahu uu jeediyay intii ladoortay. 

14kii oktoobar 2004ta maalintaasi waxay ahayd maalin Shacabka Soomaaliyeed inta badan farxad u ahayd maalintasi waa maalintiii la dhaarinayey Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed Madax-waynuhu wuxuu jeediyey khud-bad kooban oo uu kula hadlaayey Shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay ku nool yihiin khudbaddiisii waa tan:- 

Wuxuu yiri fulay xantiisa ma mooga, waxaad igu xamataan inaan ahey nin dagaal, laga bilaabo maanta, waxaan ahay, nin nabadeed waxaana ugu baaqayaa ummada Soomaaliyeed in ay is cafiso anigana halay cafiyo aniguna waan cafiyay dadkoo dhan, waa inaan hubka iska dhigno soona ceshanaa qaranimadeenii, waxaa jira dad dhib badan dadkaasna nadaayaan leenahay oo hubka iska dhiga, hadey nadayn waayaana waan iska celinaynaa, waa intii ugu muhiim sanayd khudbadiisii xusuus tayda iyo  aragtidayda, xaqiiqda dhabta ahna  allaa og. 

20kii Jan 2005 oo ku aadanayd maalintii Ciidii Carafo wareysi ay kaqaaday BBC du wuxuu ugu baqay madaxwaynuhu ummada nabad iyo wada shaqayn, illaahayna wuxuu u baryey ciidan ciideeda kale in ay nabad, wada jir, iyo midnimo ay ku gaaraan, mar wax laga wiidiiyey culumada Soomaaliya qaar ka mida oo diidanaa ciidamada, waxa uu kayeelayo, wuxuu yiri, dalka anaa la iidoortay wadaad kaligii iska hadlaya, ninna war kiisa ku majiro, wadaadku Ilaahiisa ha caabudo anniguna Ilaahay baan caabudayaa, intaasaa ugu muhiim saneyd xusuus tayda iyo aragtidayda, xaqiiqda dhabta ahna  allaa og. 

25kii feb;2005 Madaxwaynuhu wuxuu kudhbad dheer ka jeediyay Gobalka Sh/dhexe, wuxuu  ammaan iyo mahad celin uu ujeediyay  madaxda Jowhar iyo Shacabkeeda kadib wuxuu yiri Soomaaliya waxaa ku dhacay bur bur , halays cafiyo wixii lakala galay, wax lakala guri karo ma aha, waxaan balan qaadaynaa siduu sheegay ra,iisul wasaaruhu dadka inaan hubka ka dhigno qarannimadii iyo sharaftii ummadana aan soo celino, aniga magaalada jowhar waxaan ka maqnaa 40 sano iskamana maqnayn, waxaan ahaa ninkii ugu horeeyay ee bilaabay ma siibadan, iyo xabbadaan Soomaaliyoo dhan raamsatay, waxaan ahaa, baabuur la gooyo oo qori lasaaro ninkii ugu horeeyay kaasna faa’iido malahan waa wixii halkaa na dhigay, waxaan ahaa, ninkii ugu horeeyay ee u adkaysan waayey waxii dalka ka jiray, ka dibna ka dhidhiyay, caasimada dalku waa Muqdisho waana lagu qasban ayay in ayada la tago laakiin inta ayada laga hagaajinayo meel kale oo dalka dhexdiisa ah ma hurayso in latago, Cali Maxamed Geediyoow xageed ku dhalatay, Cail wuxuu ku jawaabay Muqdisho, yaa kuu diidi kara meeshaad ku dhalatay inaad tagto, Muqdisho waan tagaynaa hadii alle idmo annagu xaqbaan wadanaa qof xaqdaro wataa nagama celin karo. 

Anniga nin iga ciidan badan majiro, nin iga dagaal aqoon sanna majiro, nin iiga adkaysi badan majiro, hadaba dagaal iyo dhib waxba laguma keenayo, hubka aan iska dhigno annagoo gacmaha is haysana aan soo celino sharafteenii. Waa intii ugu muhiim sanayd xusuustada iyo aragtidayda xaqiiqda dhabta ah na allaa og. 

Haddaba markaan tibaaxo aragtidayda khudbadahaan aan kor kusoo xusay ee Madaxwaynuhu jeediyay, waxaa ka dhex muuqda, amase laga dheehan karaa, inay ku jiraan erayo badan oo aan munaasab u ahayn inuu ku hadlo Madaxwaynuhu, amase aan ku haboonayn xaaladda maanta ay ku sugan tahay ummada Soomaaliyeed. 

Waxaa suurta gal ah in ay ka faaiidaystaan ama ay beec geeyaan dadka war xuma tashiilka ah, qaran diidka ah, sama diidka ah, xumo doonka ah, ee leh aragtida gaaban ee ku wajahan qof iyo qabiil, sidaas darteed waxaan aaminsanahay madaxwaynuhu wali ma uusan jeedinin khudbaddii ummada Soomaaliyeed, khudbaddii ay lahayd ummad 15 sano ku gaartay dowlad la’aan, khudbaddii ay lahayd ummad is dishay, is kufsatay, is dhacday, is bara kicisay, madaxwaynaha waxaan si xushmad leh uga codsanayaa, inuu jeediyo khudbadda ay leedahay ummada Soomaaliyeed, khudbad ku wajahan xaaladda dhabta ah ee uu ku suganyahay Shacabka  Soomaliyeed. 

Fiiro gaar ah 

Waxaan ugu baaqayaa ummada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan sida, Xildhibaanada, Wasiirada, Culumaa’udiinka, Odayaasha dhaqanka, aqoon yahanada, Saraakiisha Ciidamada, Dhalinyarada, Hooyooyinka, iyo dhamaan Shacabku meelkasta uu kusugan yahay in looga cudurdaaro Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federalka ee Somaliya khaladaadkii ka dhex muuqanayay khudbaddihiisa, waxaan ognahay qofkasta oo Banii aadam ah waa khaldamaa, khalad ay ummadu aragto iyo mid uu Ilaahay ogyahayba, hadana midkastaba wuxuu jecel yahay in loo qariyo ama laga cafiyo, ama looga cudurdaaro khaladkiisii kadhacay, waxaa wanaagsan inaan maanka ku hayno Bani Aadamku inuu yahay mid neceb, inuu  arko ceebtiisa, aadna u jece,l inuu faafiyo qofka kale ceebihiisa mid Alle u naxariistay mooyee. 

Hadaba waxaan markale ka codsanayaa Shacabka Soomaaliyeed si naxariisi ku dheehan tahay in loogu cudur daaro Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf axmed. 

Madaxwaynahana waxaan ka codsanaynaa inuu Shacabka ka daayo hadalada khudbadihiisa sunta u ah, iyo hadalada loo qaadan karo in ay taabanayaan  qabiil, qoys iyo qof gaaraba, sidoo kale, waxaa ayaan daro ah masiibooyinkii Soomaaliya ka dhacay in lagu faano, Madaxwaynaha waxaan ka rajaynaynaa khudbadihiisu inay naga farxiyaan oo aysan naga nixin. 

Khudbadda Madaxwaynaha ee ku wajahan mar xaladda Soomaaliya ay maanta ku sugan tahay. 

Waxaan ka xumahay kana tiiraayays nahay inaan ahaa ninkii ugu horeeyay ee Soomaaliya dhibka ku bilaabay, waxaan eedaynayaa damacaygii khaldanaa, iyo Dhalinyaro nimadaydii aan waayo aragnimada lahayn, waxaan ka codsanayaa Shacabka Soomaaliyeed in lay cafiyo, idinkoo tixgalinaya waxkasta inay ku dhacaan qadarta Ilaahay, iyo inaan dareen sanahay khaladaad kaygii hore, waxaan u tacsiyaynayaa maalintaan xabadda bilaabay ilaa maanta dadkii Soomaaliyeed ee eheladoodii ku dhimatay dagaaladii ama ku dhaawacantay, ama sharaftoodii lagu wax yeeleeyay, ama ku waayay hantidoodii, waxan leeyahay samir iyo iimaan Allaha ha inagasiiyo, kuwii dhintayna Allaha u naxariisto, kuwii dhaawacmayna Allaha u booga dhayo, kuwii dhacmayna Allaha dhureeyo, kuwii barakacayna Alle ha badbaadiyo. 

Waxaan balan qaadayaa hadii Alle idmo inaan ka gudbo Jabhad nimadii, ilayn Jabhadi waa Qabiil, oo aan garto inaan Qaran ahay,  

Walaalayaal Soomaalidu waxay tiraadaa waxii tagay tiigsimaad maleh, aan hilmano wixii aan soo dhaafnay, aan u diyaar garowno xaaladda maanta aan taaganahay iyo midda nagu soo wajahan, waa inaan is cafino gacmahana is qabsano Qabiilkana aan ka gudubno Qarana aan u gudubno, sidaas ayaa lagu heli karaa Qarannimadii, Cadaaladii iyo Sharaftii ummada Soomaaliyeed, Walaalayaal middnimadu waa horumarka ummada, kala qayb sanaantuna waa dib udhaca Shacabka, waxaan idiin sheegayaa Shacabka Soomaaliyeed waa dad Qabiil dilooday, hadii la hadlo ama howl la qabto, dadka war ku nool ka ah, ayaa laga yaabaa inay dhinaca kale u gadiyaan, ayagoo uga danleh in ay abuuraan qas iyo balaayo horleh. 

Waxaan idiin xaqiijinayaa Dowladu inaysan diiradda saaraynin Qabiil reer qansax layiraado, mid reer qurac la yiraado iyo mid reer sarmaan layiraado, iyo qof hebel hebel layiraado midnaba, diraddu waxay usaaran tahay Dowlada ninka Qaran diidka ah, Samo diidka ah, ee xuma doonka ah, 

Walaalayaal waxaan idiin balan qaadayaa qofkasta oo aan lakulmo inaan ka qanciyo wixii uu tabanayo intii suurto gal ah, balanteenu waa wada shaqayn iyo hufnaan. 

Wabilaahi Att:towfiiq 

Qore: Guddoomiyaha Golaha Midaynta Iyo Dib U Heshiisiinta Beesha Sade, Ahna Afhayeenka Salaadiinta Beelaha Daarood,  

Ugaas Maxamed Wali Sh. Axmed Nuur
E-mail: kulmiyepress@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkaas waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
Link email tuugada

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD