SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
 
WARARKA MAANTA:::
  • Waxaa Xabsiga Nairobi laga Siidaayay Xubnihii ka tirsanaa Baarlamaanka& Al Xaaj Muusse Suudi Yalaxow,
  • Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan ayaa lagu wargaliyay in uu ka baxo Hotelka uu Daganyahay 21 Bishan maalinka Isniinta
  • Gudoomiyaha baarlamaanka oo ka quustay in uu xaliyo kiiska lagu xiray muuse suudi, laba xildhibaan.
  • Muuse Yalaxo oo Xabsiga Loo Taxaabay
  • C/Laahi Yuusuf oo Waano u soo Jeediyey Dawladiisa
  • IGAD oo Go'aamiyeyey Ciidamada Uganda & Suudan in Soomaaliya loo diro
Waxaa Xabsiga Nairobi laga Siidaayay Xubnihii ka tirsanaa Baarlamaanka& Al Xaaj Muusse Suudi Yalaxow,

Waxaa Xabsiga Magaalada Nairobi laga sii daayay Al Xaaj Muusse Suudi Yalaxow oo ah wasiirka Ganacsiga Xukuumada Federaalka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya iyo Xuseen Caraalle Cadaan & Macalin Jiis oo ka tirsan Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya. 


Mohammed Gules (bidix) iyo Abdikafir Maalim oo Sabtidii tegey saldhiga dhexe ee Booliska Naiorbi si ay u qoraan dacwad ku saabsan dhaawacyadii kusoo gaarey dagaalki baarlamaanka | Sawirka: East African standard.

Xubnahan waxaa lagu eedeeyay in ay waxyeelo ugaysteen qaar ka tirsan Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed iyadoo 17/3/2005 Dagaal dhinaca gacanta ahi ku dhaxmaray Xubnaha Baarlamaanka Magaalada Nairobi. 

Waxaa sii daynta Ragan dadaal xoogan ugalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Sh Xasan Sh Adan iyo Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumada Federaalka Maxamed Qanyare Afrax. Iyo Jen Maxamed Saciid Xirsi Morgan.

Waxaa kaloo Amuurtan si aada ugu luglahaa oo qayb muhiim ah ka qaatay Kipligat iyo Maxamed Cabdi Afey. 

Waxaa Masuuliyiinta la xiray 1.30 Daqiiqo ee Maanta iyadoo Ay xabsiga ku Jireen in kabadan  13saacadood oo xariira wali ma aysan soo sarin wax wara oo ku saabsan xarigooda iyo waxa ay qaban doonaan oo ku xiga.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan ayaa lagu wargaliyay in uu ka baxo Hotelka uu Daganyahay 21 Bishan maalinka Isniinta

 

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan ayaa maamulka Hotelka uu daganyahay ee Garand Regency ku wargaliyeen in uu ka baxo ilaa iyo 21 Bishan oo ku aadan maalinka Isniinta.

 

Amarkani waxa uu ku soo aaday saacado uun markii xarigii wasiirka Ganacsiga Al Xaaj Muusse Suudi Yalaxow iyo Xidhibaan Caraale & Macalin Jiis oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Guud ahaan xubnaha Xidhibaanada Soomaaliyeed waxa ay is wadiinayeen  sabata keentay Amuurtan iyagoo carabka ku dhufanaya in lagaaray xiligii Soomaalidu ka tashan lahayd aayaheed.

 

Waxa kaloo isagana lagu wargaliyay Jan Maxamed Saciid Xirsi Morgan in maalinka Isniinta isaguna ka Baqoolo goobta uu daganyahay ee ah isla Hotelka Garand Regency ee Nairobi Hotelkan waa Mid ka mida Hoteelada ugu Casrisan Hoteelada Nairobi .

 

Hotelka waxa uu ka koobanyahay 12 Dabaq Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan waxa uu daganaa tan iyo intii la doortay isaga oo shariifku ka daganaa 4 Qol  ilo ku dhawdhaw Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay tibaaxayaan in laga yaabo in Sh Xasan ka Fakarayo sidii uu Soomaaliya u aadi laha.

 

Dhinaca kale waxaa laga Badalay Goobtii ay ku Xirnaayen Xubnihii Baarlamaanka Soomaaliyeed ee ay ku  Jireen Al Xaaj Muusse Suudi Yalaxow oo la geeyay Goob ka Firaaqo roon Goobtii hore ay ugu xirnaayeen, waa intii aan la soo deyn sida ku cad warka sare oo ka dambeeyey warkan..

 

Ma ahan markii ugu horaysay oo la xiro Xubno ka Tirsan ergooyinkii Soomaaliyeed ee ku sugan Nairobi waxaase hore loo Xiray Eng Xuseen Maxamed Faarax Caydiid

Waxa kaloo Naftooda ku waayay Xubno ay ka mid ahaayeen

 

1-     Adan Abdulahi Gabyow

2-     Dr Raajis

3-     Sahro Ali Abdi

Iyo xubo kale o ku sababo caafimaad iyadoo ay jireen qaar si bareera loo dilay oo ay ka mid ahaayeen

 

1-Dr Axmed Rashiid

Sh Ibraahin

Drs Istarliin Caruusha

Waxa kaloo iyagoo Xidhibaano ah dhintay Xubno ay ka mid ahaayeen

1-     Dr Faarax

2-     Jan Maxamed Xashi Gaani

3-     Xasan Abdulle Qalaad

4-     Muqtaar Muunye Bishaar

WARARKII HORE::::


Gudoomiyaha baarlamaanka oo ka Quustay in uu xaliyo kiiska lagu xiray Muuse Suudi & laba xildhibaan.

Afhayeen u hadlay muuse suudi oo sheegay in xabsiga ay ka dambaysay dowladda FKMG ah. 

  • Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi | Maarso 18, 2005
    EMail: cmmumtaz@somalitalk.com ama canabmumtaz@yahoo.com 

Hogaamiayaasha feertamaya::: VIDEO::
DAAWO DAGAALKII BAARLAMAANKA: Reuters
 
yalaxow
Shariif xasan | Muuse Yalaxow
Xabsiga dhexe ee magaalada Nairobi ayaa maanta laga dareemayay culays iyo shaqo badan waxaana buux dhaafiyay xubno ka socday labada golle, dowladda kenya, warbaahinta dalka iyo dad weyne caadi ah waxa ayna sugayeen waxa uu ku dhamaado xabsiga ay ku jiraan muuse suudi iyo laba xildhibaan oo kale.
 
Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan sh Aadan ayaa shir muddo saacad ah qaatay kula yeeshay xabsiga qol ka mid ah labadda wasiir ee kiiskan ku soo oogay Xaaji Muuse iyo labada xildhibaan waxa uuna ka codsaday in ay kiiska fududeeyaan oo ay baarlamaanka u daayaan xalintiisa xabisgana ragga ka sii daayaan.
 
Lakiin kulankan waxba kama soo baxin oo waxa uu ku dhamaaday natiija la'aan kadib markii ay diideen in ay kiiska fududeeyaan maxkamadna la tiigsan doonaan nimanka sidda xun dhaawaca ugu gaystay markii ay socotay dooda baarlamaanka ee ciiidamada safka hore looga hadlayay.
 

Daawo xildhibaanada oo Dagaalamaya:: Reuters TV
Mas'uul u hadlay Wasiirka ganacsiga oo aan wareysi kooban kala yeeshay ayaa ii sheegay in xabsigan ay ka dambayso dowladda kiiskana uu yahay mid ay soo qorshaysay kadib markii laga diiday in amxaaro loo gacan galiyo dalka sida uu hadalka u dhigay afhayeenkan muuse u hadlay,intaasna waxa uu ku daray hadii ay ku adkaystaan in aan la sii daynin ay ka baxaan shirka oo ay weerar ku soo yihiin ciidamadda muuse suudi yalaxo dalka kenya.
 
Maxamad Maxamuud Gacma Dheere oo ka mid ah wasiirada kiiskan keenay oo aan kula kulmay banaanka xabsiga ayaa ii sheegay in si xun loola macaamilay arrintana meel xun ay geeyeen dadkii ka socday Muuse Suudi Yalaxow waxana uuna ii sheegay in arrintan markii ay wax ka qabashada lahayd aan waxba laga qabanin hadana ay tagayso heer maxkamadeed.
 
Gacma dheere waxa uu intaas ku daray in kiiskan ay ku jiraan sadex xildhibaan oo kale uuna ka mid yahay xildhibaan Seeraar oo aysan wali booliiska helin, waxana kale oo ka mid ah xidhibaan aan la magacaabin laakiin booliiska loo diray in ay keenaan.
 
Sidoo kale waxaa xabsiga dacwad ka dhiibanayay isagoo dhaawac uu ka muuqdo wasiirka ku xigeenka W/isboortiga C/kaafi oo gacan uu ka soo gaaray dhaawac madaxana bakoorad looga garaacay waxa uuna sheegay in dadkii sidan dhaawaca ugu gaystay ay hadda ku sugan yihiin xabisga sharcigana uu kala saari doono sida uu hadalka u dhigay wasiirka.
 
C/kaafi waa ninka ka muuqda sawirka ee dhulka yaala marna bakooraddda lagu tumayo waxa uuna ahaa qofka sida xun uu dhaawaca ugu soo gaaray dagaalkii ka dhex qarxay baarlamaanka xiligii ay dhacaysay doodda ciidamada safka hore ee daraad.
 
Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in arrintan aysan ka daali doonin sidii ay xal uga gaari lahaayeen arrintan dhibaatadda ka dhex abuurtay baarlamaanka oo laga yaabo in ay sii xumayso xaalka hadda jira.
 
Mas'uul u hadlay Wasiirka ganacsiga oo aan wareysi kooban kala yeeshay ayaa ii sheegay in xabsigan ay ka dambayso dowladda kiiskana uu yahay mid ay soo qorshaysay kadib markii laga diiday in amxaaro loo gacan galiyo dalka sida uu hadalka u dhigay afhayeenkan muuse u hadlay,intaasna waxa uu ku daray hadii ay ku adkaystaan in aan la sii daynin ay ka baxaan shirka oo ay weerar ku soo yihiin ciidamadda muuse suudi yalaxo dalka kenya.
 
Danjiraha dowladda kenya ee arrimaha soomaaliya Maxamad Abdi Affey oo soo booqday xabsiga iyo A.Kiplagad ayaa iyagana ka quustay in ay arrintan dhexdhaadiyaan iskuna dayay in ay wadahadal ka dalbadaan labada dhinac ee uu kiiskan ka dhexeeyo laakiin xal kama imaanin waxaana ay booliiska sheegeen in ay tahay mid shaqsiyadeed oo ay u taallo dadkii soo xiray hadii ay fasaxayaan ama sii haynayaan illaa laga gaarayo heer maxkamadeed.


Xildhibaan Dhiig laga Daadiyey: VIDEO::
DAAWO DAGAALKII BAARLAMAANKA: Reuters

Wasiirada  A/dibada IGAD oo sheegay in ciidamada Yugandha iyo suudaan loo dirayo soomaaliya.

 

Ra'iisul wasaaraha DFKMG iyo Wasiirka Arimaha dibada Uganda | Jimce 18 maarso | nairobi
Wasiirada A/dibada ee urur goboleedka IGAD oo kulankoodi caadiga ahaa uga furmay Nairobi daraad ayaa xalay ka soo saaray go'aamo ay ka mid yihiin in wax laga badalayo qodobadda 6aad iyo 7aad ee ka hadlaya ciidamadda la gaynayo soomaaliya IGAD na u ahaa saldhiga oo ay ku jireen kuwa safka hore ee dhawaan laga soo saaray Addis looguna ogolaaday in soomaaliya in ay hesho ciidamo ka socda IGAD guud ahaa.
 
Wasiiradda waxa ay intaas ku dareen in la qorshanayo wajiga koowaad ee ciidamadda soomaaliya loo dirayo oo ka koobnaan doona wadamada suddan iyo yugandha kadibna loo gudbi doona wajiga labaad ee ciidamadaas oo laga keeni doono dalalka ku jira ururka midnimada afrika.
 
Waxaa kale oo ka mid ahaa go'aamadda ka soo baxay shirkaas xalay in ay dowladdu tagto caasimadda soomaaliya ee mogadisho si ay u hesho dhaqaale iyo taageero caalami xilkii IGAD na uu dhamaaday waxa uga harsana arrimaha soomaaliyana ay tahay sidii loo meel marin lahaa ciidamadaas sugga amaanka goobaha dowlada inta laga habaynayo ciidamo soomaaliyeed,waxa ayna ugu baaqeen baarlamaanka iyo dowladda in ay sameeyaan dib u heshiisiin iyo nabad ka dhalata soomaaliya guud ahaan.
 
Shirkan laguma sheegin xiliga ugu dambaysa ee ay ciidamadaas tagi doonaan dalka soomaaliya,laakiin waxa ay sheegeen in ay u saarayaan guddi isku soo habeeya ciimadaas wajigooda ugu horeeya dowladda marka ay tagto mogadisho.
 
Dhinaca kale waxaa xalay soo gaaray magaalada Nairobi La taliyaha dhinaca siyaasadda ee Madaxweynaha dowladda FKMG ah Maxmad Cumar Xabeen (dheere)  iyo xubno ka mid ah maamulkiisa waxa ayna la tashiyo la leeyihiin mas'uuliyiinta dowladda.
 
Maxamad dheere waxa uu horey u sheegay in dowladu ay dagi doonto jowhar halkasna laga maamulayo inta laga helayo meel amaan wanaagsan,waxa uuna jowhar ku soo dhaweeyay Wafdigii dowladda oo ay hogaaminayeen Madaxweynaha iyo Wasiirka koowaad.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi | Maarso 18, 2005
EMail: cmmumtaz@somalitalk.com ama canabmumtaz@yahoo.com

Warbixin dheeraad hoos ka akhri:::

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la xiray ka dib markii lagu soo edeeyay in ay dhaawacyo ugeesteen xubno kaloo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

Waxaa xabsiga loo taxaabay Wasiirka Ganacsiga Xukuumada Federaalka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya Al Xaaj Muusse Suudi Yalaxow, waxaa kaloo xabsiga isaga loo taxaabay daqiiqada ka hor isagana Xidhibaan Xuseen Caraalle Cadaan. 

Sida ay ii sheegeen dad xog ogaala waxaa labada mas'uul loo xiray amuur la xariirta gacan ka hadalkii Xubnaha Baarlamaanka maalinkii Khamiista oo ay taariikhdu ahayd 17/3/2005 ka dhacay codbixintii baarlamaanka. 

Mid ka mida dhibanayaasha ku dhaawacmay Dagaalkaa ayaa ii sheegay in uu Dacwad ugudbiyay Saldhiga Booliska isaga oo sheegay in ay ugaysteen dhawac waxa uuna iga codsaday in aana magaciisa sheegin ilaa Amar Danbe, waxaa kulankaa lagu dhaawacay Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. 

Waxaa si cadaana looga daawanayay Talafishinada iyo Idaacadaha Dirirta xubnaha Baarlamaanka maalinkii khamiista  waxii soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa.

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed: Runti arintaasi waxa ay ahayd mid aan lagu farxin waxaan jeclahay in aan ka codsado Golayaasha Qaranka Soomaaliyeed ee dhawaan la dhisay in ay ka waantoobaan waxii aan loo baahnayn ayna gacmaha is qabsadaan si nabad galyo ah oo isku kalsoonaan ay ku jirto xilkasnomo iyo si wada hadalana ay kuwada shaqeeyaan.

Abdullahi Yusuf
C/lahi Yusuf: Nairobi Kenya Jimce, March 18 2005 | AP

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa Habeenimadii Xalay Shir Jaraaid ku qabtay Hoygiisa magaalada Nairobi ee Wadanka Kenya isaga oo uga hadlay arimo Badan oo ubadan waano& Caqli celin ku socota Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed iyo Mahad Celin Wadamada Soomaaliya la garabtaagnaa taageerada dhinaca Nabada iyo arimaha dib uheshiisiinta.

Madaxwaynuhu waxa uu warkiisa ku bilaabay Salaan guud oo shacabka Soomaaliyeed ku socota isaga oo Xusay Waajibka iyo Xilka saaran xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaan jeclahay anigoo tixraacaya waxii shalay galab 17/3/2005 ka dhacay shirkii golaha baarlamaanka Soomaaliyeed.

Runti arintaasi waxa ay ahayd mid aan lagu farxin waxaan jeclahay in aan ka codsado Golayaasha Qaranka Soomaaliyeed ee dhawaan la dhisay in ay ka waantoobaan waxii aan loo baahnayn ayna gacmaha is qabsadaan si nabad galyo ah oo isku kalsoonaan ay ku jirto xilkasnomo iyo si wada hadalana ay kuwada shaqeeyaan.

Iyagoo uwada adeegaya Danta umada Soomaaliyeed iyo Dalka Soomaaliya iyo Gobolkaan soomaaliya ay ka tirsantahay oo dhan waxaan kaloon jeclahay in aan u mahad celiyo Dalalkii & Ururadii aadka isku kaayo garab taagay oo nataageeray noona taageeray sidii Soomaaliya Gobonimadii ka Burburtay ay ugu soo noqonlahayd& sidii ay udhismi lahayd runtiina gacan buuxda nagu siiyay.

Iyagoo ujeedadooda ay ahayd in Soomaaliya Xasisho Qaranimadii ka burburtayna la soo noqoto dhibaatadii wadankeena ka dhacdayna sidii looga soo kaban lahaa aynu uga shaqayno waxaana jeclahay in aan markalle ka codsado gacantii iyo taageeradii ay ina siin jiren in kastoo waxyaabo aan loo bahnayn xagooda ay ka imaankaraan in ay noo wadaan ayna nagarab is taagaan ilaa ay soomaaliya ay cagaheeda isku taagayso,

Oo iyadu ay noqonayso Dal xoraoo isagu is maamulaya oo qaranimadiisii oo buuxda haysta waana mahadsantihiin anigu waxaan jeclaystay in aan idiin sheego  intaas Madaxwaynuhu Kama Jawaabin Su aalo isaga oo sheegay in uu ka fakarayo Danta iyo Maslaxada umada Soomaaliyeed ayna sugayso Mas uuliyad aad ubalaaran oo Culus ahna Midnimada Umada Soomaliyeed,

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ma uusan sheegin Moowqifkiisa Siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaan arimihii muranka Badan dhaliyay ee Gacan kahadalka Xubnaha Baarlamaanka iyo Natiijadii uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan oo ahayd in aan Soomaliya la keenin Ciidamada Safka hore ee Baarlamaanku Ansixiyay sida uu ku waramay Sh Xasan oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka


Mudaharaad:
VIDEO: Soomaali Ku Mudaharaaday BFKMG

Golaha wasiirada arrimaha dibeda ee IGAD oo isku raacay in Soomaaliya loo Diro marka Hore Ciidamo ka socda Suudaan & Yugaandha waxayna dalalka dhiman ee safka hore isla wajiga koowaad gacan ka geysan doonaan inay bixiyaan farsamo,qalab&hawlaha deg deg ah  

Golaha wasiirada arrimaha dibeda ee IGAD ayaa waxay caawa 8:00 Habeynimo kulankooda 24aad ee ka soo saareen warmurtiyeedkoodii,iyagoo sheegay inay ka jawaabayeen Qoraalkii rasmiga ahaa ee 31kii bishii janawari shirkii Abuja(Najeeriya) ee Ururka Midawga Afrika awoodda u siinayay inay Ururka IGAD u diraan Soomaaliya ciidamo nabad ilaalineed oo Dawladda FKMG ah ka taageera dhinaca ammaanka sidii dalka dib ugu guuri lahayd,

Islamarkaasna sii wadi lahayd sidii looga dhabayn lahaa najiidadii ka soo baxday shirkii dib u heshiisiiinta ee IGAD martigalisay si loo xaqiijiyo sii socoshada taabagalinta nabada,ciidamadaas gacan ka geysan doona tababarida ciidan booliska ee ammaanka sugi lahaa iyo ciidankii xoogga qaranka soomaaliyeed.

Golaha wasiirada IGAD ayaa waxay soo akhriyeen,iyagoo ka baaraan dagaya warbixintii kulankii 14ka bishaan ku yeesheen Wasiirada Difaaca ee IGAD magaalada Entebbe,kaasoo lagu ogolaaday inay wajiga koobaad (Phase 1) loo diro ciidamo ka socda dalalka IGAD ee kala ah Uganda iyo Suudaan,waxayna dalalka dhiman ee safka hore isla wajiga koowaad gacan ka geysan doonaan inay bixiyaan farsamo,qalab,hawlaha deg deg ah iyo tababarida ciidan ka kooban milatari iyo boolis.

Wasiirada Arrimaha Dibeda ee IGAD ayaa waxay sheegeen inay wajiga labaad(Phase2) ka qaybqaadan doonaan ciidamo ka socda dalalka harsan ee IGAD,kuwaasoo ku xigi doonaan ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda Ururka Midawga Afrika,waxayna go,aansadeen Golaha wasiirada IGAD in wax laga bedelo Qodobada 6A iyo 7 ee ku jjiray heshiiskii Wadamada IGAD gaareen si Qodobka 19aad ee Axdiga IGAD u ogolaado in Ururkaasi ciidamo nabad ilaalin ah u diro Soomaaliya,iyagoo ka dalbaday Xoghayaha joogtada ah ee IGAD inuu qaado tillaabooyin muhiim ah ee lagu hirgaliyo daad gurinta qorshaha ciidamada wakhti loo gooyey.

Warmurtiyeedka IGAD ayaa waxay IGAD wasiiradeedu u soo jeediyeen Xoghaynta IGAD inay Ergeyada,Safiirada ee dalalak u qaabilsan Soomaaliya iyo wakiilada kala shaqeeyaan Ururka Midawga Afrika qorshaha Ururka IGAD ugu dirayo ciidamo nabad ilaalineed Soomaaliya,waxayna Wasiiradu wax laga Xumaado ku tilmaameen sidii Xubnaha baarlamaanka FKMG ah u dhaqmeen ee dilka,dhaawaca lahaa 17kii bissha ka dhacday Hotelka Grand Regency ee Magaalada Nairobi.

Wasiiradu ma sheegin in ay Aqoonsanyihiin Natiijadii ay gaareen Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed iyaga oo ku gaabsaday uunn Canbaarayn dhinaca Dagaalka ah,

Wasiirada IGAD ayaa waxay qoraalkooda uga digeen Hoggaamiyaasha Soomaalida,Qofkasta iyo kooxihii inaysan carqaladayn najiidadii ka soo baxday Shirkii Soomaalida,iyagoo tilmaamay inay tillaabo ka qaadi doonaan cidii horistaagta hanaanka nabada,islmarkaasna cunaqabatayn doonaan,waxayna ugu baaqeen Beesha caalamku inay kala shaqayso IGAD isku deyga ah xasilinta soomaaliya.

IGAD Wasiiradeeda Arrimaha Dibeda ayaa waxay ka codsadeen inay Dawladda FKMG ah sii wado hanaanka dib u heshiisiinta iyo wada xaajoodyada si loo abuuro kalsooni ummadd dhexdeeda ah,iyagoo dalalka IGAD hoosta ka xariiqday go,aankeeda ah inay ka caawiso soomaaliya sidii lugaheeda isugu taagi lahayd oo loo soo celin lahaa nabadii iyo xasiloonidii,waxayna soo dhaweeyeen go,aankii Wasiirada Arrimaha Dibeda ee Jaamacadda Carabta ee ahaa inay ka qaybqaadan doonaan ciidamada nabad ilaalinta ah ee soomaaliya loo diri doono iyo inay Ururka iyo Midawda Afrika ka wacin doonaan arrintaas.

Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya_Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 19, 2005
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD