SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN

SIMINAARKA URURKA MIDOWGA DHALINAYARADA SOOMAALIDA SWEDEN

Shir ay soo qabanqaabinayaan maamulka ururka midowga dhalinyarada soomaalida Sweden oo magacooda loo soo gaabiyo SSUF ayaa kulan siminaar ah ku yeelanaya maalinta berito ah oo ku beegan sabti tr. 19/03/2005 xaafadda Kista ee magaallada Stockholm, dalka Sweden.

Shirkaan oo ay isugu imaanayaan dhammaan xubnaha ururka oo ka kala imaanaya dhammaan gobollada dalka uu ka kooban yahay ayaa looga doodi doonaa waxqabadka uu qabtay ururka SSUF laga soo billaabo aasaaskii ururka oo laga joogo qiyaastii hal sanno.

Qaar ka mid ah dhalinyaradii isugu jiray wiilal iyo gabdho ayaan caawa ku arkayay, iyagoo ku casheenayay makhaayad ku taalla xaafadda Rinkeby ee magaallada Stockholm, iyagoo si farxad iyo kaftan ku jirta halkaas ku sheekeesanayay. Ahmed Hassan oo ah agaasimaha ururka SSUF ayaa ii sheegay inay jiraan marti ka imaan doona dalka dibaddiisa, iyagoo barnaamijyo waxtar u leh dhalinta u soo jeedin doona. “horumarka iyo kor u qaadidda mustaqbalka ubadkeena ayuu yahay ula-jeeddada ururka SSUF” ayuu yiri Ahmed Hassan oo caawa ku mashquulsanaa soo dhoweynta iyo qaabilaadda martidii ka kala yimid magaalooyinka kala duwan ee Sweden.

Xubno ka socda qaar ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee dalka Sweden ka jira iyo qaar kale oo ka socda hay’adaha deeqa bixiya ayaa misna ka soo qaybgali doona shirweynaha koowaad ee ururka SSUF oo si rasmi ah u furmi doonaa maalinta berito.

Wixii faahfaahin ee ka soo baxa shirweynaha ururka midowga dhalinayarada ee SSUF ayaan insha Allaah shabakadda somalitak idiinkaga soo gudbin doonaa.

Ibraahim Saalax
Stockholm, Sweden  
ibra88@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 18, 2005


Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle:
Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in.. Guji.. Dec 7, 2004


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD