SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Cali Maxamad Geeddi oo eedayn Kulul usoo Jeediyay Gudoomiyaha BFKMG.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi | Maarso 18, 2005
EMail: cmmumtaz@somalitalk.com ama canabmumtaz@yahoo.com

Wasiirka koowaad ee dowladda FKMG ah ee soomaaliya Cali Maxamad Geddi oo ku hadlayay codka dowladda ayaa ku eedeeyay gudoomiyaha baarlamaanka in uu lumiyay xilkiisi kuna tuntay sharcigii u yaalay baarlamaanka FKMG ah ee soomaaliya kadib markii uu sida uu hadalka u dhigay wasiirka, shariifku ansaxiyay codayn aan jirin mar uu xalay shir ku qabtay guriga Madaxweynaha.

Waxa uu intaas ku daray in uusan sinaba aqoonsanayn codadkaas iyo sida uu gudoomiyuhu sheegay in la diiday ciidamadaas safka hore ka socda oo ay dowladda dalbatay isagoo xusay in shacanku ay rabaan Nabad si loo helana ay ku xiran tahay hub ka dhigis ay dowladdu la kaashato ciidamada IGAD oo dhan.

Wasiirku oo ay ka muuqatay carro xoogan waxa uu intaas ku daray in xilka ka qaadi doono wasiiradda ku kacay fowdadan ee horseeday in ay qalqalgaliyaan doodd xanibaadna ku sameeyay in dalka lagu sameeyo hub ka dhigis si ay dowaladdu u shaqayso xilka ka qaadi doono dhawaan sharcigana la tiigsan doono.

Cali Maxmad Geddi maahan markii ugu horeysay ee uu u hanjabayo wasiiradda kaga siyaasad duwan dhinaca ciidamadda ee horay ayuu u sheegay in siyaasad aysan aqoonin ee la barayo mar uu ka hadlayay jowhar isagoo wareysi siinayay tifaftiraha BBC-da Afkasoomaaliga Yuussuf Garaad 24-02-05 ee sanadkan.

Wasiirka ugu dambayn waxa uu sheegay intaas ku daray in uu gudoomiyah ka dalbaday in uu la laabto barnaamijkiisa si hoosena ula hadlay laakiin sharifka ka diiday isagoo ku adkaystay in uu fartaag ku ansaxiyo sidaasna ugu dhawaaqay.

Qaar ka mid ah xilidhibaanada ayaa dhankooda qaba in aysan dhicin wax codayn ah,sidaas si la mid ah ayuu cali geddi usheegay in ay xiligii la bilaabayay codaynta ay dhacday gacan ka hadalka.


Raysul Wasaaraha Soomaaliya: Waa maalin Madawo waana Nasiib Daro in Gudoomiyaha Baarlamaanku Isagoo Shirka Gudoominaya Dagaal dhaco..

axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya, Nairobi 


Feerkii la isku dhaafsaday codbixintii... Guji...
| Sawirka: AP

Raysulwasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi ayaa Habeenimadii Xalay Shir Jaraaid ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ku Meelgaarka ah ee Soomaalidu ku leedahay Nairobi isaga oo Diirada ku Saaray go aankii Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee ku aadanaa Codayntii shalay.

 
Prof Cali Maxamed Geed waxa u qalinka ku duugay in aysan wax Codayn ahi ka dhicin Kulanka Baarlamaanka Sooomaaliya ee shalay ka dhacay Magaalada Nairobi isagoo intaa ku daray in ay nasiib daro tahay in Markii Labaad Gudoomiyaha Baarlamaanku Isagoo shirka Golaha Gudoominaya Dagaal dhaco,
 
Wasiirka Koowaad ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi waxa uu sheegay in ay Shacabka Soomaaliyeed Doonayaan Nabadgalyo iyo Wada noolaansho isagoo intaa raaciyay in ay Xukuumadiisu Diirada Saari Doonto Soo celinta Sharciga iyo Nidaam Xasilan.
 
Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan ayaa ii Xaqiijiyay in kulanka Baarlamaanku ku dhamaaday 156 Xidhibaan oo Diiday in aan Soomaaliya la keenin Ciidamo ka socda Safka hore Balse ay Ogolyihiin Ciidamo ka socda Caalamka intiisa kale.
 
isagoo dhinaca kalle sheegay in 55 Xidhibaan ogolaadeen in Soomaaliya la keeno Ciidamo ka Socda Dariska iyo Caalamkaba, waxaa kaloo Jiray 6 Xidhibaan oo iyagu ka aamusay Codbixinta.
 
Figrado kale gadisan ayeey ka bixinayaan Xubnaha Baarlamaanku Amuurtaas iyadoo Qolana Aaminsantahay in aysan wax Codbixin ahii ka dhicin Shalay dhinaca kale waxaa Jira qolo iyago isla shalay Bilaabay Farxad iyo Fantasyo iyago aaminsan in Ay Cod bixintu  udhacday si Cadaalada.
 
Waa markii Labaad oo Fadhiga Baarlamaanka uu ka dhaco Dagaal gacan ka hadal ah waxaana shalay kulanka Baarlamaanka ku Daatay dhiig badan oo waxaa jiray Xubno badan oo dhaawacyo soo Gaareen iyadoo la isku adeegsaday Kuraastii lagu Fadhiyay iyo Bakoorado.

BAARLAMAANKA IYO XAALADDA SOOMAALIYA
Baarlamaanka FKMG ah oo Dagaal Dhiig ku Daatay ku Diiday Ciidamada Safka Hore..
.Guji...

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 18, 2005


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD