SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca)
Axmeddheere65@hotmail.com

Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Ayaa Gacan ka hadal ka dib ucodeeyay in aan Soomaaliya la keenin Ciidamada Safka Hore

Shirkii Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ee maanta ka Furmay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa soo gaba gaboobay iyadoo looga hadlayay Laba Arimood aa kala ahayd in Soomaaliya la keeno Ciidamo ka Socda Midoowga Afrika iyo Wadamada Carabta oo isku jira, Iyo Figarad kale oo ahayd in Soomaaliya la keeno Ciidamo Ka Socda Wadamada Midoowga Afrika iyo Wadamada Carabta Balse aysan Ku Jirin Wadamada Safka Hore ee Soomaaliya Xuuuda lalleh,

Hadaba Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan ayaa isagu ku dhawaaqay natiijadii isagoo warkiisa ku bilaabay Sidan

156 Xidhibaan waxa ay ucodeeyeen in Soomaaliya la keeno Ciidamo Ka Socda Wadamada Midoowga Afrika iyo Dalalka Carabta, laakiin aysan ku Jirin Wadamada Safka Hore,

55 Xidhibaan waxa ay ucodeeyeen in Soomaaliya la keeno Ciidamo Ka Socda Midoowga Afrika iyo Wadamada Carabta oo aan lakalla Saarin

dhinaca kale 6 Xidhibaan ayaa iyagu ka aamusay Labada Figaradood

Kulanka Baarlamaanka ee Maanta waxaa Hareeyay Buuq gacan ka hadal dhaliyay

Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca)
Axmeddheere65@hotmail.com

WARARKII SHALAY:::::


BAARLAMAANKA OO BARI COD U QAADAYA CIIDAMADA SOOMAALIYA LOO DIRAYO EE SAFKA HORE.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Nairobi | Maarso 16, 2005
Email: cmmumtaz@somalitalk.com ama canabmumtaz@yahoo.com

Xiisaddi ugu kululayd ayaa maanta ka dhex furan labada gole ee baarlamaanka iyo dowladda ka dib markii guddiga nidaaminta baarlamaanka ay soo dhajiyeen qoraal muujinaya in bari (Maarso 17, 2005) laga doodayo ciidamada safka hore ee soomaaliya la gaynayo oo waayadanba lawada sugayay in baarlamaanku u codayn doono xili ay noqotaba.

Doodan ayaa furmaysa bari,ka dib markii ay dowladda soo saartay qoraal uu ku saxiixan yahay wasiirka koowaad ee dowlada FKMG ah ee soomaaliya oo cadaynaya in gollaha uu madaxda ka yahay ee wasiiiradda isla ogolaaden bishii hore lixdeedi in la keeno ciidamo ka socda IGAD,waxaana ku cad qoraalkan afar qodob uuna ka mid yahay in wasiiraddu aysan u kala saarin saf hore iyo saf dambe ee baahiddu tahay ciidan in la helo waxaana aqlabiyad ku ansaxiyay ciidamadaas 63 ka mid ah golaha wasiiradda Dowlada FKMG ah ee soomaaliya.

Barnaamijkaas dowladda ay ansaxisay ee ciidamada IGAD ayaa bari baarlamaanka loo soo bandhigayaa kadibna marka laga aqriyo ayay dhici doontaa in qodob qodob looga doodo kadibna laga yeelo sidii cod loogu qaadi lahaa ciidamadda IGAD gaar ahaan kuwa safka hore oo buuq wayni uu ka jiray tan iyo markii ururka midnimada afrika gollihiisa amniga iyo nabad galyada IGAD u ogolaaday in ay soomaaliya gayso ciidamo ka qayb qaata hub ka aruurinta maliishiyaadka iska soo horjeeda ee ku sugan dalka soomaaliya.

Hoteladda ay dagan yihiin labada golle ayaa waxaa ka soo baxaya doodo kul kulul oo ay is dhaafsanayaan xubnahani una muuqda fadhi ku dirir iyo sii mala awaalid waxa dhaci kara bari inta lagu guda jiro doodan ciidamada safka hore looga hadlayo,waxaana laga cabsi qabaa in dad badani ay isku feeraan sidii ka dhacday xil ka qaadistii gollaha wasiiradi cali geedi intii aan dib loo soo magacaabin xiligaas oo ku beegnayd 11-12-04 ee sanadkii hore.

Warar ku dhaw dhaw dowlada ayaa sheegaya in mas’uuliyiintu damacsan yihiin in ay dalbadaan sidii dib loogu dhigi lahaa doodan codka loogu qaadayo ciidamda safka hore sababo lagu macneeyaya in ay ka yimaadeen safar dalka masar ah xalay saq dhexe iyo in ay la tashiyo samaynayaan dhexdooda ah ka hor inta aan la guda galin doodan.

Caadiyan marka ay dhacdo in la guda galo doodaha noocan ah waxaa soo baxa hoos iskala hadal iyo gacan iskala hadal dhex mara dadka ay quseyso doodaas iyo cod bixinteedaba,laakiin waxaa laga dhursugayaa waxa ay ku dhamaato codayntaas ciidamada hadii aysan baaqanin bari.

Waxaa la saadaalinayaa in baarlamaanku u codaynayo ciidamada ka socda IGAD oo aan loo fiirin saf hore iyo saf dambe,qaar ka mid ah labada golle oo aan maanta arrintan wax ka waydiiyay ayaa ii sheegay in ay wadamada safka hore yihiin kuwii soomaaliya u dhisay dowladda iyo baarlamaanka meelna aysan ka aadi doonin illaa soomaaliya hubka laga aruurinayo ciidamdana ay kawada imaanayaan wadamada IGAD oo dhan arrintan oo ay dowladdu si wayn ugu ololaynso hadii aysan caawa wax is badal ahi ku imaanin.

Hay'addo caalami ah iyo wadamo kale ayaa horey uga dayriyay ciidamada safka hore ee la gaynayo soomaaliya,sheegayna in aysan wax dan ah u keeni doonin soomaaliya,waxaana la filayaa in dagaal uu ka dhex qarxi karo ciidamada safka hore ee la gaynayo halkaas taasna waxaa ka iman kara in dowladda FKMG ahi burburto waxii loo fadhiyay labada sano ka badana eber ku dhamaadaan.

Diidmo tan la mid ah waxaa banaanbaxyo ku muujiyay shacabka soomaaliyeed,halka culumadda iyo siyaasiyiinta shirka iyo kuwa ka baxsanba ay horay u diideen in ciidamo ka socda safka hore la geeyo dalka soomaaliya,sababo la xiirira in soomaaliya iyo wadamadan au ka dhexeeyaan dano siyaasadeed iyo istiraajiyadeed ay kala dhexeeyaan wadamadan safka hore ee ay itoobiya ku jirro.

Maalintii isniinti ayay ahayd markii ay wasiiradda Gaashaandhiga ee urur goboleedka IGAD Go’aamiyeen in soomaaliya loo dirayo ciidamo gaaraya 10’000 iyagoo aan ka saarin safka hore sheegayna in ay ka imaanayaan wadamada IGAD ayna ku jiraan kuwa safka hore.

Heshiis la isu Gacan Qaaday lana is cafiyay oo  dhexmaray xildhibaan Barre Hiiraale iyo Jaamac Aadan dheere oo ka dhacay hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo

Kulan balaaran oo shalay ka dhacay hotel Tawakal ee magaalada Kismayo ayaa waxaa lagu heshisiiyay Jaamac dheere iyo Barre hiiraale oo ay ka dhaxaysay xurguf siyaasadeed oo aan qoto dhayreeyn. 

HAMBALYO:::::
Waxaa halakan hambalyo uga diraynaa hadan  nahay ardayda puntland ee ku dhaqan Qaahira, waxaan hambalyo u diraynaa Faarax Ahmed Maxamed (Faarax Qubo) iyo Hodon Hodon Yaasiin Abdi oo gabar ugu dhalatay Magaalada Qaahira gabadhaaso loo bixiyey Caasho, waxaan leenahay noqo tii soo korta dalkeeda iyo diinteeda anfacda.
 
Hambalyadan waxaa Diraya.
 
Raage Osman Omar
Sharmarke Abdi risaaq Elmi
Asad Abdi Gufure
Mahamed Abdi Shire
Maxamed Diis
Sharmarke Xuseen Barre
Cali Xuseen Bari
Abdi laahi Ali islaan
Maxamed Yaasiin
Maxamed Faarax Maad
Maxamed Faarax Mire
Cabaas Ismaacil
 
iyo Dhamaan ardayda Puntland oo an halakan lagu so koobi karin
 
Puntland Students Association in Cairo. (PSAC)

La xiriir: raage6@hotmail.com

Kulanka oo ahaa mid aan saxaafada loo ogolayn ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin waxgarad,gudigii horay ugu hawlanaa xalinta amuurtan,iyo wax garadkale oo aad u faro badan, hadalo dheer dheer iyo dood kadib ayaa waxaa halkaasi isku gacan qaaday labada masuul oo shafka shafka isku saaray si loo ilaabo wixii horay u dhacay layskuna cafiyo.

Sida uu ii xaqiijiyay afhayeenka isbahaysiga Bille Cabdule Cabdi oo kulankaasi goobjoog ka ahaa. 

Bile ayaa ii sheegay in lagu heshiiyay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin,in Jaamac uu ka tanaasulayo sheegashada gole siyaasadeed oo aan ahayn midka isbahaysiga,in diyada dadkii ku dhintay dagaalkii dhex maray labada dhan ay bixiyaan isbahaysiga,in maleesiyaadka dib ay ugu xaroodaan goobaha ciidamada ay ku jiraan,& qodobo kale.

waxa uuna kulkankani ahaa mid si wayn loogu lafo guray waxyaabihii lakala tabanayay oo dhan,waxa uuna Jaamac soo dhaweeyay dhamaan qodobadii lagu heshiiyay asaga oo dhankiisa qodobo dhowr ah soo bandhigay, wada hadal ka dibna la qaatay qaar kamid ah qodobadaas oo uu soo bandhigay Jaamac Aadan dheere oo ay ku jireen in xubnaha maamulka isbahaysiga ay ka dhex muqdaan qaar ka mid ah jifada uu ka soo jeedo,waana la aqbalay ayuu yiri Bile. 

Labada masuul oo halkaasi ka hadlay ayaa midba dhankiisa waxa uu ka cadeeyay in ay nabada ka wada shaqeeyaan islamarkaana ay is cafiyeen  aydoo mid waliba uu sheegay in dhankiisa uu  qancay uuna soo dhawaynaya qodobada lagu gaaray shirkaan. 

Masuuliyiinta iyo wax garadkii kulankaasi ka soo qayb galay ayaa waxa ay muujiyeen sida ay ugu faraxsantihiin in ay soo gaba gabowdo arintaasi isla markaana la aqbalay go'aamadii ay gudigu soo bandhigeen,ayada oo ay horay u jiratay kulamo dhowr ah oo looga hadlaayay arimahan iyo sidii  loo soo afmeeri lahaa. 

15 Bishii koobaad ee sanadkan ayay ahayd markii labada dhinac maleesiyaadkoodu ku dagaalameen xaafada calanleey ee magaalada kismayo ayada oo laysku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud,oo ay ku wax yeeloobeen dad aad u faro badan oo ay tiradioodu kor u dhaaftay sodon dhaawac ah iyo lix dhimasho ah,halka ay ku gubteen guryo isugu jira ganacsi iyo deegaanba. 

Tan iyo xiligaasi waxaa soconayay dadaalo iyo isku dayo ay wadeen waxgaradka labada dhan oo ku hawlanaa in ay ka guul gaaraan arinta ay hada ku guulaysteen. 

Jaamac aadan dheere oo ahaa nin ganacsade ah ayaa lagu xamanjiray in uu xariir la leeyahay raga ay dhinaca siyaasada isaga soo horjeedaan isbahaysiga asaga oo laf ahaantiisu muujin jiray inuu xariiri la leeyahay ragaasi balse haatan ayaa waxaa soo baxaya in ay jirto arin hoosaad ku saabsan in uu jaamac ka mid noqonayo madaxda isbahaysiga loona dhiibayo xil uu u qabanayo isbahaysiga sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah oo aan ka soo xiganay wararkaasi. 

Guntii iyo gabab gabadii hedhiiska shalay ayaa ah mid ay siwayn ugu farxeen dadka reer kismayo oo walaac ka muujin jiray in ay suurto galtahay in uu iska hor imaad hubaysani  imaankaro hadii aan la heshiisiin labad garab ee iska soo horjeeday, maleesiyaadkana aan xoyahoda lagu celin. 

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya

cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 16, 2005"

10,000 oo Ciidamo IGASOM ah oo Soomaaliya Loo Diri Doono April 30keeda"
»Madaxweynaha Uganda oo u digey Qabqablayaasha...
»
Kulan ay Galkacyo ku yeesheen DFKMG, DGPL iyo Itoobiya
»34 Qof oo lagu Diley Xadka Kenya iyo Soomaaliya
»Taageero loo diray maamul u dhisida Mugadisho
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Mar 15


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD