SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • KULAN SADEX GEESOODA OO SAAKA AY YEESHEEN GUDIGII HESHIISIINTA BEELAHA SACAD IYO SALEEBAAN
  • 34 Qof oo lagu Diley Xadka Kenya iyo Soomaaliya::
  • Mas'uuliyiin ka tirsan labada Gole oo baaq taageero ah u diray maamul u dhisida mogadisho.

Wasiirada Difaaca IGAD oo Soo Jeediyeey in 10,000 oo Ciidan ah Loo Diro Soomaaliya

  • Ciidamadaas oo loo aqoon doono "IGASOM"

Wasiirada Difaaca toddoba dal oo kamid ah IGAD ayaa Shalay soo jeediyey in Soomaaliya loo diro 10,000 oo ciidamo nabad ilaalin ah, ciidamadaas oo ay yiraahdeen waa in Soomaaliya la geeyo Bisha April 30keeda.

Wasiirka Difaaca dalka Yugaandha, Major Shaban Bantariza, ayaa warbaahinta Shiinaha waxa uu u sheegay in go'aankaas shalay oo Isniin ah lagu gaarey Entebbe oo 40 km koonfur kaga aadan Kampala. Waxana uu sheegay in ciidamadaas loo aqoon doono IGASOM [IGADPeace Support Mission for Somalia], waxayna Soomaaliya joogi doonaan sagaal bilood iyo ka badan.

Madaxweynaha Ugandha waxa uu Isniintii sheegay in ciidamdaas Soomaaliya loo diri doono xataa haddii ay diidaan qabqablayaasha dagaalku, waa sida warku u dhegaye.

Xubno ka tirsan Baarlamaanka DFKMG ayaa maanta oo Talaada ah ka hor yimid arrinta keenista ciidamada IGASOM la keenayo Soomaaliya.

Xildhibaan Xassan Dhimbil Warsame aya si kulul uga hor yimid hadalkii madaxweynaha Uganda ee keenista ciidamada nabad Ilaalinta.. Halkan ka dhegeyso VOA ISHA: Warbaahinta Shiinaha & Maraykanka..


KULAN SADEX GEESOODA OO SAAKA AY YEESHEEN GUDIGII HESHIISIINTA BEELAHA SACAD IYO SALEEBAAN  EE KA KALA SOCDAY DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA, DOWLAD GOBOLEEDKA PL IYO WAFTI KA SOCDAY DALKA ETHIOPIA.

Galkacyo (Somalitalk).

Talaado 15/03/05.

Kulan sadex geesooda ayaa saaka  waxaa yeeshay  xubnihii heshiisiinta labada beelood ee sacad iyo saleebaan, gudigan sadex geesoodka ah ayaa waxay kala ahaayeen gudigii dhowaantan ay magacowday dowladda federaalka ee Soomaaliya mudadii ay joogtay magaalada Galkacyo.

Gudigan ayaa xubnahooda laga kala magacaabay Dowladda federaalka Soomaaliya, Dowlad goboleedka PL iyo gudi labada dhinacba ka socda.

Waxaa kulanka maanta si gaara u yeeshay sadex dhinac oo kala ah saraakiil sar sare oo ka socday dalka Ethiopia iyo gudigii dhexdhexaadinta iyo heshiisiinta Dowladda federaalka, iyo gudigii dhowaantan uu magacaabay madaxwaynaha DGPL Mudane Cadde Muuse, iyo wafti saraakiila oo ka socda dalka Ethiyobia.

Waxa ka mid ahaa xubnaha saaka kulanka yeeshay Suldaan Maxamed Garaase oo kamid ahaa gudigii laga magacaabay Gobolada PL, gudigaas oo laga kala magacaabay, Galkacyo, Garoowe, Laascaano, iyo Boosaaso.

Gudiga kale ee isna ka socday dhinaca Dowladda federaalka ah ayaa waxaa ka mid ahaa Ciise dhere.

Hadaba kulanka saaka ay yeesheen sadexda dhinac ayaan wax ka waydiiyay qaar kamida goob joogayaashii saaka waxa aan ugu horaynna waydiiyay waxa ay kawada hadlayeen.

Waxayna ii sheegeen in uu san kani ahayn kulan ama shir balaaran bale saaka lagaga  wadahadlayay sidii loo fulin lahaa hadalkii  ka soo yeeray beesha Sacad oo ku aadanaa in la isugu yeero dhamaan Isimada, Nabadoonada, Salaadiinta beelaha Soomaaliyeed ayagoo codsaday in ay marka hore helaan xubnahaas ka dibna lawada hadli karo.

waxaan kaloo wax ka waydiiyay  xiliga lafilayo in ay imandoonaan Isimada beelaha Soomaaliyeed ?

Waxayna ii xaqiijiyeen in la filayo illaa caawa ayadoo qaar kalana ay iman doonaan deegaanka Galgaduud gaar ahaanna dagmada Cadaado.

Waxaan kaloo wax ka waydiiyay cidda imanaysa cadaado ? waxayna iigu jawaabeen.

Waxaa la filayaa ugaasyada beelaha Cayr, Xawaadle, Mareexaan iyo kuwii kaloo sooraaca, waxaana la filayaa war dheeraad ah lahelo caawa cidda timaada iyo cidda kalaba.

Sidoo kale waxay Somalitalk isku dayday in ay warasiyo layeelato Labo Sarkaal oo sar sare oo ka socday dalka Ethiopia balse waxay ii xaqiijiyeen in aysan haatan wax warbixina diyaaar u ahayn, maadaama aysan wax qabsoomin ayagoo ii sheegay in laga yaabo bari marka ay soo gaaraan qaybaha kale ee soomaalida ah ee lasugayo imaatinkooda uu hadal ka soo bixi karo.

Labadan sarkaal ayaa kala ahaa Shambal Ugaaya oo u qaabilsan arimaha siyaasadda kililka 5aad ee ismaamulka Soomaalida, iyo Col.Tiglay oo isna ah sarkaal sare ee jiida ciidamada kililk 5aad ee ismaamulka soomaalida ee dalka Ethiopia.

Waxaa kaloo isna ka mid ahaa xubnaha saaka Gudoomiyaha dagmada Galaadi, Cumar Daahir Xoosh.

Intaa ka dib ayaa Somalitalk waxay damacday in war bixin ay ka hesho gudoomiyaha dagmada Galaadi balse ay haatan u suurto gali wayday.

Waxaa lafilayaa kulan in ay yeeshaan bari guud ahaanba xubnaha saaka shiray iyo kuwa ka socda beelaha Sacad iyo Saleebaanba ayadoo la filayo in kulankooda wadaxaajooda uu ka dhicidoono Hotel Taar ee magaalada Galkacyo.

Sidoo kale shalay ayay galinkii danbe kulan yeesheen labada beelood ee sacad iyo saleebaan, kulankan oo ahaa isna mid ay albaabadu u xirnaayeen oo aysan ka soo qaybgqalin saxaafadda.

Sahro Sheekh | sahrosiglan@mail.com


34 Qof oo lagu Diley Xadka Kenya iyo Soomaaliya::

Wararka ka imanaya Mardheera ayaa sheegay in ugu yaraan 16 qof xalay lagu diley tuulo ku taal xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, arrintaas oo la sheegay in ay tahay mid la xiriirta dagaal qabiil, waa sida wararka ugu horeeya ee halkaas ka soo baxay ay tibaaxeen. Warar kale ayaa sheegaya in tirada dhimashadu gaareyso ilaa 34 qof - 22 qof oo carruur iyo dumar u badan oo ay dileen kuwii soo duulay iyo 12 qof oo loo malaynayo kuwii soo duuley oo ay dileen ciidamada ammaanka Kenya, sida ay werisey AP, waxaana warku intaas ku daray in arrintaasi ay la xiriirto aano qabiil oo dhex martay laba beelood ee Garre iyo Murule . ISHA: SOMALIA NEWS: TODAY


Mas'uuliyiin ka tirsan labada Gole oo baaq taageero ah u diray maamul u dhisida mogadisho.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi

 
Xildhibaano iyo wasiiro ka soo jeeda shanta beelood ee baarlamaanka ayaa maanta waxa ay baaqan ku taageereen heshiiskii ay gaareen dhawaan hogaamiyaasha reer mugadisho ee caasimadda loogu dhisayay maamul iyo amaan ku soo dabaalid ayna saxiixeen hogaamiyayaasha ugu xooga badan caasimada xamar kuna jira labada gole ee dowlada iyo barlamaanka.
 
Qodobadan  baaqan taageerada ah waxa ka mid ahaa in ay soo dhawaynayaa heshiiskaasi uguna hambalyaynayaan siyaasiyiinta reer mogadisho go'aanka ay ku gaareen in ay maamul ka sameeyaan caasimmada soomaaliya ee xamar oo ah halkii ay dowladdu cagga dhigan lahayd kana bilaabi lahayd wax qabadkeeda.
 
mas'uuliyiinta warsaxaafadeedkan qabtay oo iskugu jiray labada gole tridoodana ay kor u dhaafaysay boqol xubnood waxa ay ugu baaqeen beesha caalamka kana codsadeen in ay ku garab istaagaan dadaalka ay hogaamiyayashaasi ku dhisayaan caasimadda dalka soomaaliya ee mogadisho oo in badan maamul la'aan ahayd.
 
Waxa ay la yaab ku tilmaameen in qaar ka mid ah siyaasiyiinta ay ku sheegeen baaq ah in ay go'aanka mogadisho maamulka loogu samaynayo ay  leeyihiin labada golle baarlamaanka iyo dowladda,waxa ayna xubnahani ku tilmaameen in ay tahay faa'iido soo korortay maamul u samaynta caasimada ee aysan ahayn mid dhaawici karta dowladaha barnaamijkeeda ee ku aadan caasimadda.
 
waxa ayna intaas ku dareen in dowladani tahay dib u heshiisiin si loo gaarana la balaariyo ismaamuladda si ay u yaraato nabad la'aanta hubkana loo helo meel lagu kaydiyo si looga badbaadiyo qatartiisa shacabka iyo dalkaba.
 
Qoraalkan oo aad u dheeraa waxa ay xubnahani intaas ku dareen iyagoo la dardaarmaya siyasiyiintas heshiiska gaartay in ay ka dhabeeyaan dadaalkoodaas ku wajahan maamul iyo amaan u samaynta magaalada mogadisho oo hadii loo dhiso maamul midaysan hubkana xadida wax badan ku soo kordhin karta nidaam buuxa oo soomaaliya oo dhan ka hirgala.
 
Ugu dambayn waxa ay ummadda soomaaliyeed, qaybaheeda kala duwan ee dalka dibadisia iyo gudahiisa ku sugan ka dalbadeen in ay taageeraan go'aankaas maamulka loogu dhisayo magaalada mogadisho dhinacoodana aysan ka hagran doonin sidii uu maamulkas lagu dhawaaqay u hirgali lahaa caasimaddana waxa ay ku tilmaameen in ay tahay mid u siman dalka oo dhan dowladuna ay ka howlgali doonto dhawaan. 

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 15, 2005

Wafti uu Hogaaminayo C/Laahi Yuusuf oo u Dhoofay Masar
Waxaana waftigaas kamid ah Prof Geedi, Eng Xuseen Caydiid iyo...
Guji... Maarso 14

Nin ka Ganacsan Jirey Geela oo Kismaayo Lagu Diley
»Baaq aysoo saareen xubno katirsan Beesha Hawiye
»
Madweynaha DGPL oo Dib ugu laabtay Garoowe
»Wasiiro ka tirsan DGPL oo Kormeer ku tagay Goldogob
»Howlo burcad sifayn ah oo ka bilowday kismayo
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Mar 13

Mashruuca Indhaha ee Almanhal
Warbixin kusaabsan waxqabadka hay'adda Almanhal... Guji...

30 Soomaali ah oo Shirkadda Dell ay Shaqadii ka Cayrisay Salaada Makhrib Awgeed
Tennessee, USA: Shirkadda Computerada ee Dell ayaa waxay shaqadii ka cayrisay... Guji...

Xaflada lagu soo Afjarayay Arimaha Amniga Muqdisho
oo lagu soo gabagabeeyay Nairobi... Guji... Mar 12

Nabadgalyada iyo Dib u Habaynta Caasimadda Dalka
Qoraal ay ku saxiixan yihiin 60 xubnood ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii nidaam loogu soo celin lahaa Xamar  TXTPDF


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD