Wafdigii uu hogaaminayay Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa saaka gelinkii hore kasoodegay gegida Dayuuraha Qaahira
Warbixintii: c/risaq ader ali kaneec | Qaahira | Masar
Madaxwayne c/laahi iyo yusuf axmed iyo wafdigisii aayaa saaka si habsami leh logu soo dhoweyey gegeda dayuuradaha qaahira wafdiga madaxwaynaha oo uu wehlinayey Raysulwasaare Prof Gedi,iyo xubno katirsan baarlamaanka,wafigaan waxaa si aad ah usoo dhoweyey madaxwaynaha maser iyo wasiirka difaaca dadlka maser iyo ururka jaamacada carabta waxaa kaloo soo dhowayntaas qaby lixaad leh kaqaatay safarada somalida ee dalka maser.iyo dhamaan jaaliyada soomaaliyed ee degan masar iyo ururka ardayda soomaaliyeed ee masar. Oo hoostaga safaarada.
Madaxwaynaha Waxaa safarka ku weheliyay Raysulwasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi waana Markii Labaad oo ay si wada Jira wafdi uhogaamiyaan tan iyo intii la dhisay Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya.
Ujeedada Safarka Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yusuf Axmed & Raysulwasaare Geedi waxaa ugu wayn in ay Wadamada Carbeed ee Soomaalidu ka jirto laga dhaadhiciyo dhibaatada Haraysay Soomaalida 14 Sanadood ee la soo dhaafay
Soo dhoweyntan madaxwaynaha lasoo dhoweeyey ayaa ah tii ugu ballaaranyd, safar noo can oo kale ah oo uu madaxwaynuhu kutago dalcarbeed,iyadoo dowlada masarna ay balan qaaday sidii ay wax uga qaban laheed xaalada soomaliya dowladana cusub,dowlada masar waxay sheegtay in ay intii karaankeed ah la shaqayndoonto.caawa ayey mar kale madaxwaynaha iyo wafdigiisa iyo madaxwaynaha masar iyo jamacada carabtuba ay balan san yihiin.iyadoo berina lagayaabo in madaxwaynuhu ulaabto dadka Kenya waa sida wararkii ugu danbeyey ay sheegayaaan
c/risaq ader ali kaneec
kaneec1@hotmail.com
qaahira masar
Wafdi uu hogaaminaya Madaxwayne
Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa Saaka u dhoofay Wadanka Masar,Waxaana
Safarka ku weheliyay Raysulwasaare Prof Gedi
Waxaa saaka waabarigii ka dhoofay
Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Nairobi Madaxwayna Cabdulaahi
Yuusuf Axmed iyo wafdi uu horkacayo iyaga oo ku sii Jeeda Wadanka
Masar Magaalada Caasimada ah ee Qaahira si ay Madaxwaynaha Masar
Maxamed Xusni Mubaarak ugala Xaajoodaan Arimaha Soomaaliya.

C/Laahi Yuusuf oo u gacan haadinaya dadweynaha iyo weriyayaasha...

wasiirada Gudaha iyo Dibada

cosoble |
Madaxwaynaha Waxaa safarka ku
weheliyay Raysulwasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Prof
Cali Maxamed Geedi waana Markii Labaad oo ay si wada Jira wafdi
uhogaamiyaan tan iyo intii la dhisay Xukuumada Federaalka ah ee
Soomaaliya.
Ujeedada Safarka Madaxwaynaha
Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yusuf Axmed & Raysulwasaare Geedi waxaa
ugu wayn in ay Wadamada Carbeed ee Soomaalidu ka jirto laga
dhaadhiciyo dhibaatada Haraysay Soomaalida 14 Sanadood ee la soo
dhaafay.
Iyadoo ajandaha ugu balaaran ee
Safarkoodu yahay Bal in wadamada Carabtu ku deeqaan Ciidamo soo
celiya Nabadii iyo Xasiloonida Luntay ee Soomaaliya waloow Amuurta
keenista Ciidamo shisheeye si aada la iskugu khilafay oo ay diidmo
xoogan ka muujiyeen Xubno ka tirsan Xukuumada Madaxwayne Yusuf.
Waxaa ka mid ahaa Wafdiga
Madaxwaynaha & Raysulwasaaraha Xubno ay ka mid ahaayen Rasulwasaare
Ku Xigeen Ahna wasiirka Arimaha Gudaha Eng Xussen Maxamed Faarax
Caydiid, Raysulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Maaliyada Saalim
Caliyoow Ibroow, Wasiirka Arimaha Dibada Prof Cabdulaahi Sh
Ismaaciil, Wasiirka Waxbarashada Cali Cabdulaahi Cosoble, Wasiirka
Iskaashiga& Horumarinta Caalamiga Dr C/saaq Jurulle, Xidhibaan Cali
Fiqi iyo Xubno kalle.
Wafdiga waxaa goroonka Diyaaradaha
ku sii sagootiyay Xubno ka Tirsan Labada Gole ee Xukuumada Hase
yeeshee Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh Xasan Sh Adan iyo Hogaamiyaasha
Hubaysan ee Muqdisho kuma Jirin Xubnihii Sagootiyay Madaxda
Xukuumada Federaalka ah.
Madaxwaynaha iyo Raysulwasaaruhu
waxa ay hore ubooqdeen Wadamada Itoobiya, Jabuuti, Ugaandha,
Imaaraadka, Saciidiga, Qadar, Naajeriya, iyo Yaman waxa kaloo ay
Safar ku Tageen Magaalooyin ka tirsan Soomaaliya.

Geeddi oo Horkacaya wafti....
Waxa kaloo saacadaha Fooda nagu soo
haya la filayaa in ay udhoofaan wadanka Ruwaanda Gaar ahaan Kigaali
Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qaybgalaya shir ka
dhacay Kigali oo looga hadlayo nabadaynta Bariga iyo Bartamaha
Afrika.
Waxaa ka qaybgalaya shirkaa
wadamada ,toobiya ,Jabuuti, Kenya, Eritereeya, Suudaan, Ruwanda,
Kongo, Tansaniya, Burundi iyo Wadamo kalle waxaana soomaaliya uga
qaybgalaya Xidhibaanada kall ah Maxamed Xasan Maxamed Fiqi, Daahir
Xaaji Khaliif ,iyo Xidhibaan Burulle.
Axmed Muusse
Cabdulle(Idaawaqaca)kenya_Nairobi
Axmeddheere65@hotmail.com