8-dda March, Maalinta haweenka
iyo Halgankii dheeraa ee la soomaray!.
W/Q: Suldaan Nayruus Xaaji
Aadan.
Karachi-Pakistan.
suldan25@hotmail.com
suldan25@yahoo.com
New Zealand
waxay ahayd qarankii ugu horreeyey ee laydhka cagaaran u siiyey
haweenka in ay dhiibtaan codkooda 1893-kii.
Intii lagu jirey horraantii
qarnigii 20-aad (labaatanaad) haweenka Britain, Canada, Finland,
Germany iyo Sweden, ayaa waxay bilaabeen dhaq-dhaqaaq xooggan si
ay u helaan xuquuq ay codkooda ku dhiibtaan.
Bani-aadamka
waxaa ladhalaa isagoo xor ah lakiin wuxuu ku koraa hadhka
caqabado farabadan. Qaar ka mid ah caqabadahaas waxaa soo
hindisa bulshada lafteeda iyagoo daah saara xornimada iyo
xuquuqda asaasigaa ee ay dadka kale leeyihiin. Ummadaha ku kala
nool daafaha caalamka waxay u soo halgamayeen xuquuqdooda ilaa
iyo muddo dheer. Dhab ahaan dadku waxay u dagaalamayeen
tobannaankii sano ee ugu danbeeyey (the last decades) sidii ay u
heli lahaayeen talo-wadaag (Democracy) taasoo siisa xuquuq ay ku
woodeeyaan kuna dhistaan dowlad.
Cod-bixinta
dooroshooyinka hadda waxay noqotay mid iska caadi ah, laakiin
xuquuq ay dadkoo idil si siman codkooda ugu dhiibtaan wali dadku
ma aysan gaarin gaar ahaan haweenka. Halganka ay ugu jireen
haweenku xaqa cod-bixinta doorashooyinka ayaa waxaa hor istaagay
caqabado farabadan xilliyadii lasoo dhaafay iyadoo caqabadahaasi
ay wali jiraan. Haweenka dunida qaarbaaban wali helin xaq ay
codkooda ku dhiibtaan.
Waayo dhaweyd
waxay saxaafaddu soo tabinaysay in aan loo ogalaan haweenka
aftida loo qaadayey dowladda hoose ee Riyad, tasoo sabab looga
dhigay in aysan haweenku lahayn ama aan loo dhisin xarumo u
gooni ah iyo waliba iyadoo aysan jirin Saraakiil haween ah oo
tababaran kuwaasoo cod-bixinta nidaamiya ama habsami-u-socodka
woodeynta kabixi kara.
Inkastoo
haweenka caalamka kunnool ay kayihiin boqolkiiba konton (50 pre
cent) dadweynaha dunida haddana in ka yar boqolkiiba shan iyo
toban (15 per cent) ayaa xildhibaanno ka ah baarlamaanada
quruumaha adduunka. Dumarku waxay haystaan wali waddo ay ugu
mitidaan sidii ay ku hanan lahaayeen xuquuq siyaasadeed oo
dhammaystiran.
Dadka u ola-oleeya xuquuqda
haweenka ay u leeyihiin in ay footeeyaan (woodeeyaan) ayaa waxay
aaminsan-yihiin dumarka oo loo ogolaado in ay codeeyaan inay wax
kabadali doonto habka caddalad-darro oo faafa (prevailing unjust
system), waxay kaloo rumaysan-yihiin: haddii ay haweenku helaan
xuquuqda ay codka ku dhiibtaan in ay haddana heli karaan xuquuqo
kale. Dabayaaqadii qarnigii 18-aad (sideed iyo tobnaad) ku
dhawaad 50 (konton) sano oo ay haweenku ku jireen hawl ayaa
waddada u xaartay (paved the way) in ay hantiyaan xuquuq
maaliyadeed. Shaqaalaynta iyo fursadaha waxbarasho ayaa haddana
baahay. Furriinka iyo sharciyada carruurta ayaa laqaabeeyey,
haweenkuna waxay bilaabeen in ay ku damaashaadaan xorriyad
bulshadeed (Social freedom).
Horraantii qarnigii
inasogoontiyey (qarnigii labaatanaad) ayaa haweenku waxay
sameeyeen dhaq-dhaqaaq xooggan oo ku aaddan cod-bixinta
doorashooyinka, gaar ahaan waxay dhaq-dhaqaas ka sameeyeen
waddamada USA, Great Britain, iyo France. Dhaq-dhaqaaqa xuquuqda
cod-bixinta ee haweenka ayaa wuxuu bilowday 70 (todobaatan) sano
kaddib markii laqabtay shirweynihii rasmiga ahaa ee haweenka
(Formal women’s convention) July 1884-kii lagu qabtay Senece
falls, New York, waqtigaasoo laga gudbay haajinta qodobkii
19-aad ee Axdiga u yiilay Maraykanka.
Laba haween ah oo lakala
yiraahdo Lucretia Mott iyo Elizabeth Cady Stanton ayaa bilaabay
dhaq-dhaqaaqii la isugu dubariday dhirweynahaas. Bayaankii laga
soo saaray gaba-gabadii shirkaas ayaa erayadii laga qabatimay
waxaa kamid ahaa [We hold these truths to be self-evident: that
all men and women are created equal.] Waxaannu u qabannaa
xaqiiqooyinkaan in ay marag-madoonto noqoto: in gabi-ahaanba
ragga iyo dumarka loo abuuray si siman.
Akhri qaybaha labaad... Guji
W/Q: Suldaan Nayruus Xaaji
Aadan.
Karachi-Pakistan.
suldan25@hotmail.com
suldan25@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: Somalitalk.com | Maarso 13, 2005