Mashruuca Indhaha ee Almanhal
Jamciyada Samafalka ALMANHAL oo
ah jamciyad Soomaaliyeed kana shaqeysa dhammmaan gobolada Dalka
, gaar ahaan arrimaha (Agoomaha -Caafimaadka - Biyaha -Waxbarashada
) iyo taakuleynta dadka dhibaateysan.
Jamciyaddu waxay bilowday
sannadkii 2002 mashruuca la dagaalanka indho la'aanta (Blindless
Control Programme), waxayna ku qabatay magaalooyin badan oo
dalka ka tirsan mashruucan oo dadkii ka faa'ideystay iyo
mas'uuliyiinta magaalooyinkaasba ay aad ugu riyaaqeen.

Waxqabadka Al-Manhal...
Waxaa la qabtay mudadaas uu
mashruucu socday 27 Howlgal (27 eye Camps) oo lagu qabtay 27
magaalo , midkiiba uu soconayay mudo 10 casho ah.
Waxaa ka faa'ideystay:
1- Dadka indhaha la'aa oo la qalay
(6060 qof) Dadkaas oo marka ay imaanayaan mashruuca la hagayo
qalliinka kadibna iyagoo wax arkaya kaligood soconaya iyagoo aad
u faraxsan una duceynaya cidii mashruuca ka qaybqaadatay.
2- Dadka la daaweeyay 34964 qof oo
qabay cudurada kala duwan ee indhaha.
3- Muraayadaha (okiyaalaha) la
qaybiyey 10942 xabbo
Mashruucan oo dadka loogu qabto
lacag la'aan (free) waxa ku deeqa dad muslimiin ah , sidaa
aawadeed Jamciyadu waxay ka codsanaysaa walaalaha Soomaaliyeed
meel walba oo ay joogaan inay ugu deeqaan mashruucan.
Kharashka ku baxaya qalliinka
qofka waa 30 dollar oo keliya.
Kharashka ku baxaya EYE CAMP ka
waa 10,000 dollar (iyadoo 300 qof la qalayo 1000 qofna la
daweynayo).
Waadna garan kartaa ajarka aad ka
helayso inaad qof muslin ah aragiisa aad u soo celiso, kaas oon
awoodin inuu helo daaweyn iyo qalliin haddii aan loogu tabarucin.
Qofkii doonaya inuu mashruca ugu
tabaruco ama ugu deeqo ha la xiriiro:
Maamulaha Mashruuca
DR. Maxamuud Axmed Shiine
iyo xiriirayaha Mashruuca
C/raxman Xuseen Ceeljaale