Warad furan oo ku socota Hoggaamiye kooxeedyada
Muqdisho
(Badbaadiya bulshada, aad badbaaddaane !!)
Ku: Hoggaamiye Kooxeedyada Muqdisho
Uj: Talooyin soo jeedin
Taariikh: 10.03.2005
Markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa ummadda
Soomaaliyeed la soo deristay marxalad aad u qallafsan. Musiibooyinka la
soo gudboonaaday Soomaalida, ayay kuwooda ugu darani ku habsadeen
caasimmaddii waddanka ee Muqdisho iyo shacbi-weynihii ku noolaa.
Arrintaas waxay eeddeedu inta badan dusha uga dhacaysaa hoggaamiyayaasha
dagaalka ee is-magacaabay oo aad idinku ( qabqablayaashiinnu) ugu
horraysaan.
Laga soo billaabo heshiiskii dhacay 1991 ee la magac baxay "Cali Mahdi
waa Caydiid, Caydiidna waa Cali Mahdi", waxaa marar aad u badan dhagaha
shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho ku soo dhacay heshiisyo
tiro beelay, oo ay hoggaamiyeyaal sheegta in ay Muqdisho maamulaan isku
marxabbeeyeen. Hehiisyadaas in badan oo ka mid ahi waxay ka dhaceen
waddanka Kiinya labadii sanadood ee na dhaafay, waxaana ugu dambeeyey
kii aan ujeeddadiisu caddayn ee aad ku gaarteen Nairobi, taariikhdu
markay ahayd 26-02-2005ta.
Shaki kuma jiro in hoggaamiye kooxeedyada aad idinku ugu horraysaan ay
waddankeennii Soomaaliya iyo Caasimaddiisii Muqdishaba asaaggood ka
reebeen, waxaa isweydiin mudan in aad weli xisaabtanteen, oo aad is
weydiiseen, dhib iyo dheef waxaad dalka, dadka iyo diintaba ku soo
kordhiseen.
Waxaa kale oo aan idin weydiinayaa, haddii aad boqollaal jeer idinku (
hoggaamiye-kooxeedyadiinnu) is cafiseen, mar kaliya shacbiga ma
weydiisateen in ay idiin cafiyaan halaaggii iyo darxumadii aad baddeen?
Mise iyaga cafiskoodu adduunka waxba kama galo, aakhirana waa yeelkeed
ee ha la gaaro?!
Ereyga is-cafis waa mid aad u qiimi badan, macno wayna maanta ugu
fadhiya ummadda Soomaaliyeed, waqtigan dhibaato ee aan ku jirno. Waa
arrin qof kasta oo badbaadada ummadda Soomaaliyeed daneynayaa uu u guuxi
karo. Cafiskaasi ha dhex maro shaqsiyaad iyo kooxo, amaba ha noqdo mid
guud oo ummadeede. Waxaase habboon in aan la macno tirin qiimiga ay
leeyihiin is-cafinta iyo heshiisku, oo aan laga dhigin is-khiyaamid iyo
is-luggoyn.
Haddaad tihiin Hoggaamiye-kooxeedyada Muqdisho, Waxaad is cafiseen dhowr
bilood ka hor, waxaadna ummadda u sheegteen in aad gaarteen heshiis
buuxa, aadna dhamayseen khilaafkii dhexdiinna yaallay muddada dheer.
Waxaa haddaba iga su'aal ah, xaggee ayuu ku dambeeyay is-cafiskii iyo
heshiiskiinnii hore? Yaa ka baxay heshiiskii la gaaray? Maxaa tallaabo
ah oo aad ka qaaddeen amase ka qaadi kartaan dadka dhinac mara wixii aad
ku heshiiseen? Muxuuse heshiiskiinnani uga duwanaanayaa kuwii ka
horeeyay?
Haddii aadan su'aalahaas u helin jawaabo lagu qanci karo, waxuu shacbiga
Somaaliyeed xaq u yeelanayaa in wax kasta oo aad ku heshiisaan uu ku
tilmaamo Riwaayad iyo luggooyo!
Gabagabadii anigoo idiin xusuusinaya in ay wanaagsantahay in qofka
muslimka ahi uu is xisaabiyo inta aan la xisaabin, ayay ila tahay qaraar
iyo macaan mid ay idiin noqotaba, in maanta la gaaray waqtigii aad
beddeli lahaydeen jihada aad wax ku waddaan. Waxay ila tahay in la
gaaray waqtigii aad ku dhiirran lahaydeen in aad cod dheer cafis ku
waydiisataan guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa aad ku
amar-ku-taaglaysaan ee reer Muqdisho.
Xamar::: Shalay |
Xamar: Maanta |
Ugu danbayntii aniga oo idin leh "badbaadiya
bulshada, aad badbaaddaane!" ayaan idiin soo jeedinayaa talooyinkan, oo aan
u arko in ay yihiin kuwo aakhiradeenna iyo adduunkeennaba waxtar u yeelan
kara. Waxayna talooyinkaasi yihiin:
1. In haddii aad is cafiseen, aad sidoo kale cafis waydiisataan shacbiga
Soomaaliyeed ee dulman, gaar ahaan kuwa reer Muqdisho oo u sii daran.
2. In aad ficil ku dartaan cafiska aad shacabka waydiisanaysaan, aadna ka
waantoowdaan dhibaatooyinka aad shacabka ku haysaan. Haba ugu horrayso in
aad isku magacowdaan hoggaamiyeyaal, iyadoo haddii aan dareen fayow iyo
halbeeg cilmi ku qotoma adeegsanno ay soo baxayso in aad tihiin
‘Halaajiyeyaal’ ee aaydnaan hoggaan shaqo ku lahayn, waxaad doontaan idinku
isku magacaabee! Arrinkan taariikhda ayaa ka markhaati-kici doonta.
3. In aad ka xishootaan adeegsiga iyo ku hadaaqa qabyaaladda oo muddooyinkan
dambe aad ugu soo fufaysa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda. Qabyaaladdu waa
mid sii kala fogaynaysa shacbiga walaalaha ah, waana mid sii damqaysa
boogihii hore oo weli buka. Waa cudur maslaxad u ah oo kobcinaya danaha
cadowga ummadda iyo adeegayaashooda. "Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso
mooyaane" C/laahi Suldaan "Tima cadde" ( AHN)
4. In aad si geesinnimo leh uga xarig-furataan dowlado, hay 'ado, shaqsiyaad
iyo cid kasta oo idinku gacan-siisay dambiyada aad ku eedaysantihiin ee aad
ummaddiina ka gasheen. Isla markaana aad ku dhiirrataan in aad soo
bandhigtaan wixii xog ah ee aad arrimahaas ka haysaan. Tani waxay hiil u
noqon doonta ubadkiinna iyo ubadkooda hadduu Rabbi idmo.
5. In aad si buuxda oo kalsooni leh uga qaybqaadataan dib u soo celinta
karaammadii luntay ee shacabka Soomaaliyeed. Wanaag badan oo aad shacabka u
samaysaan waxuu hilmaansiin karaa xanuunkii ka soo gaaray ficilladiinnii
hore ee aan la mahadin.
6. In aad ogolaataan in magaalada Muqdisho ay noqoto magaalo-madaxda
Soomaaliwayn!. Waa in uu qof kasta oo Soomaali ahi magaalada xurriyad kula
dhex noolaan karaa, ha hubaysnaado ama yuusan hub haysannin, ha ka yimaado
Raas Kiyambooni ama ha ka yimaado Raas Caseyre. Mudisho waa xaruntii
xadaaradda bariga iyo bartamaha Afrika. Waa magaalo ka maamuus iyo qiimi
badan, kana taariikh iyo xadaarad dheer wax uu maanta qabiil ku gorgortamo
ama sheegto. Dhanka kalena waa magaalo leh nacab faro badan, cadowgeeduna uu
ka xoog badan yahay wax qabiil daafici karo.
Marka la daaraaseeyo Cilmiga magaalaynta, waxna laga qiimeeyo dhinacyo badan,
waxaan muran ka joogin in ay Muqdisho si fudud uga soo kabsan karto
dhaawicii gaaray. Walibana ay waqti gaaban ku gaari karto ugana hormari
karto magaalooyinka dhiggeeda ah ee gobolka. Waase haddii ay gacan ka hesho
shacbigeeda aad idinku ka mid tihiin.
Gabagabadii haddii aad talooyinka kor ku xusan tixgelisaan, waxaa ii muuqda
xal degdeg ah oo loo helo xaalka quusta ah ee ay maanta Soomaaliyi ku
sugantahay. Muqdishu waa madaxii iyo maskaxdii Soomaaliwayn, xal loo helo
dhibaatooyinkeeduna waa furaha rajada ummadda. Waxaa Alle mahaddii ah in
dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad walaalo ah oo si fudud boogahooda u dhayan
kara, haddii ay ka badbaadaan dabinnada uu cadowgoodu qorsheeyay,
qabqablayaasha aad ka midka tihiinna ay u maleegayaan.
Haddii aad ku adkaysataan in aad tihiin hoggaamiyayaal Mujaahidiin ah, magac
iyo mansabna aad ku raadisaan hagardaamaynta maxasta, ogaada in idinka iyo
kuwa idinla dhaqanka ahi ay Soomaali rogeen. Waxaad ogaataan in aad badda
gunteeda ku dejiseen doonnidii aad dusheeda saarnaydeen. Waxaad ogaataan in
aan aakhiro iyo adduunba lagu liibaani doonin dhibaato loo gaysto shacbi u
badan maati iyo danyar.
Ugu dambayntii, anigoo mar labaad idin leh "Badbaadiya bulshada, aad
badbaaddaane", Alle- weynana ka rajaynaya in uu Soomaali badbaadiyo
danteedana garansiiyo, ayaan qoraalkaygii talooyin soo jeedinta ahaa ku soo
gabgabaynayaa, ereyo ka mid ah maansadii Xadhko-jiid ee uu curiyay Abwaan
Maxamed Yusuf Cabdi(kayse)
"Nin xumeynayow heedhe
Nin xujaynayow heedhe
Runta xaasidow heedhe
Xeeladaynayow heedhe
Xadhka-goysahow heedhe
Xidhiidhshaha sharkow heedhe
Xisaab baa hadhaye kaadso
Xukunkii Allaa laaban
Xaakinkii naftaa jooga
Waa xanuun ciqaabtiisu!
Waa sidaa xaqiiqdiiye
Berito iyo xusuusteeda
Inaad xeerisaa fiican! "
Wabillaahi towfiiq
--------------------------------------------------------------
Na taageer Allahayow arrintayadan kala taal, adaa toosin karayee.
--------------------------------------------------------------
Inj. Maxamed Cali Cibaar
Delft, Holland
mohamed_ebar@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2005
XAMAR DAAWO
DACALLADA.. SAWIRRO
Isha sawirada: Google
Search | swan.ac.uk
Waraysi Samsam
iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo
Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u
gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com