SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA

Shirkada Dell oo Shaqadii Dib ugu Celisey 31 Muslimiin ah oo  oo Markii Hore Shaqada Uga tegey Salaada Makhrib ee loo Diidey Awgeed

Maarso 18, 2005

Nashville, Tennessee, USA: Shirkadda Computerada ee Dell ayaa shaqaddii kusoo celisey 31 Muslimiin ah oo u badan Soomaali kuwaas oo markii hore shaqada looga cayriyey ama shaqada ka huleelay bishii Febraayo kaddib markii loo diidey in ay salaada Makhrib waqtigeeda ku tukadaan.

Shirkada Dell waxa ay hadda shaqadii kusoo celisey dhammaan shaqaalahaas oo tiradoodu dhan tahay 31 qof, waxaana shaqaalahaas la siinayaa lacagtii intii maalmood ee ay shaqada ka maqnaayeen. Arrintaas oo ka dambeysey kaddib markii heshiis laga gaaray arrintii markii hore muranka dhalisay oo ahayd Salaadda Makhrib.

Heshiiska waxaa kale oo kamid ah in shirkada Dell ay tababar dheeraad ah siiso maamulayaasha shirkada si ay dib ugu eegaan siyaasadaha ama xeerarka hadda ee shirkada ee ku aadan arimaha la xiriira ogolaanshaha cibaadaysiga (ee goobta shaqada).

Heshiiskaasi waxa uu shacay Khamiistii Maarso 17, markaas oo uu wada hadal dhex maray Shirkada Computerada ee Dell, Hay'adda Muslimiinta u doodeysey ee CAIR, Shaqaalaha hadda shaqada lagu soo celiyey, Guddiga magaalada (Nashville) u qaabilsan xiriirka dadweynaha iyo shirkada Spherion Corp oo shaqaalaha u qorta Dell. Sida ay shaaca ka qaaday CAIR.

Madaxa CAIR, Nihad Awad waxa uu yiri "Waxaan aad ugu faraxsanahay qodobada heshiiska iyo wada shaqaynta dhinacyada heshiisku dhex maray", waxan uu intaas ku daray "Waxaan u mahad celineynaa dhammaan dadkii daafaha dunida kala soo xiriiray shirkada Dell si ay goobta shaqada ugu ogolaato cibaadaysi macquul ah".

CAIR waxa ay sheegtay in aan la shaacin qodobada kale ee heshiiskaas.

...Codbixintii Wargeyska Tennessean....

ISHA: http://islamonline.org | http://www.cair-net.org | http://www.tennessean.com

Tarjumadii SomaliTalk | Maarso 18, 2005

WARARKII HORE EE SHAQAALAHA MUSLIMIINTA


Shirkada Computerada ee Dell oo 30 Soomaali ah Shaqada ka Cayrisay Salaada Makhrib oo ay Tukanayaan Awgeed.

CAIR oo Ku Baaqday in lala Xiriiro Dell si ay Shaqada Ugu Soo Celiso Muslimiinta Shaqada looga Caysriyey Salaadda Makhrib [Mesha lagala xiriiri karo ka eeg dhammaadka warkan]

  • Tarjumadii SomaliTalk.com | Maarso 11, 2005

Abdi Halane (bidix) iyo, Hassan Ahmed  oo qorrax dhaca (Makhribka) ku tukanaya xarunat Jaaliyada Soomaalida "Somali Community Center" ee Nashville.
Sawirka:
www.tennessean.com

Qoraal dheer oo shalay (Khamiis Maarso 10, 2005) kusoo baxay jariidada tennessean  [www.tennessean.com] oo ka soo baxda gobolka Tennessee ayaa qoraal dheer kubilowday sidan:

Shaqo ama Salaad.

Go'aan adag ayaa la soo gudboonaadey, Abdi H. Nuur waxa uu iska xayuubiyey calaamdii shaqada waxana uu bishii hore ka huleelay shirkadda Computerada Dell xarunteeda Nashville oo uu ka ahaa dareewal aaladda wax lagu qaado ama lagu raseeyo ee loo yaqaan "forklift". Asaga iyo 29 kale oo Soomaali Muslimiin ah waxay yiraahdeen waxaa nalaku khasbay in aan kala doorano diintanada iyo shaqadanada.

Guddiga magaalada (Nashville) u qaabilsan xiriirka dadweynaha ayaa isku deyaaya in uu soo dhexgalo iska-hor imaadka dhaqanka waxsoosaarka ameerikaanka iyo Islaamka oo looga baahan yahay in ay maalin kasta tukadaan xilliga qorraxdu dhacdo (Salaada makhrib).

"Waxay noo sheegeen in aanaan tukan karin qorrax dhaca," ayuu yiri Nuur, oo intaas ku daray "waxay noo sheegeen in aan sugno xilliga biririftayada."

Waxa uu yiri waxaan sharaxay in qaybo kamid ah shanta salaadood ee maalintii ay waqtigoodu yarehe durki karo, laakiin salaada qorrax dhaca (makhribku) iyadu sidaas ma ahan. Qorraxduna isku xilli ma dhacdo maalin kasta. [Woqooyiga Ameerika salaadda Makhrib aad ayey isu bededbedeshaa, tusaale ahaan bilaha June iyo July waxaa makhribka la tukadaa 9:00pm, Halka December iyo Janaayo laga tukado 4:30 ilaa 5:00pm).

Shaqo bixiyaasha aagga Nashville jawaabo aad u kala duwan ayey ka qaateen Muslimiinta u shaqeeya weydiisashadooda in ay shaqada ka baxaan shan daqiiqo oo ay kusoo tukadaan salaadda.

Tusaale ahaan, shirkada Whirlpool Corp., sannadkii hore waxaa muran sidaas oo kale ah ay hor geysey qareen dawlada dhexe ah, kaas oo shirada ku raacay in ay shaqaaleheeda weydiisashadooda salaadda qorrax dhaca in ay wersheda shirkada ee La Vergne jadwalkeeda wax soosaarka ku abuurtay culays adag oo aan loo baahnayn.

Sida laga soo xigtey hoggaamiyayaasha jaaliyada Soomaalida ee aagga Nashville, shirkadda Dell waxay ahayd mid kamid ah dhawr shaqo bixiyaal oo aagga ah oo lahaa  taariikh adag oo ah in ay tix gelin gaar ah siiyaan shaqaalaha Muslimiinta ah.

Laakiin taas waxaa muuqata in ay hal-mar istaagtey bishii Febraayo kaddib markii shaqada laga cayriyey 30 shaqaale ah. Dadkaas oo ay shaqada qortay shirkada shaqa qorista ee lagu magacaabo Spherion, taas oo shaqaalaha u qorta shirkada Dell ee Nashville, sida laga soo xigtey David Perez oo ah sarkaal ka tirsan Guddiga magaalada u qaabilsan xiriirka dadweynaha.


CAIR
www.cair-net.org

Nashville Human relations
www.nashville.gov/humanrelations

Dell
www.dell.com

Spherion
www.spherion.com

Golaha Masaajida
Guji halkan...


Afhayeenka Dell waxa uu ka gaabsaday in uu ka faallodo wax ku saabsan arrimahan, asagoo dhehay shirkadu ma helin cabasho khaas ah.

"Dell waxa ay qiimeysaa kala duwanaanshaha, oo ay kujiraan aaminsanaata diimaha" ayuu yiri afhayeenka Dell, Mark Drury, oo  intaas ku daray "Shirkadu waxay mudnaan gaar ah siisaa diimaha, inta mudnaantaasi ay macquul tahay, oo aysan carqaladaynayn hawlgalka ganacsiga, ayna waafaqsan tahay siyaasadanada ah ka shaqaynta goob-shaqo oo tixgelin leh".

"Shaqaalaha waxaa loo ogolaadaa waqti ay tukadaan oo lacagtoodu usocoto. Waxaan u qoondaynay meel  socodka ka caagan oo ay ku tukadaan". Laakiin marmarka qaarkood baahida diimuhu waxay ka hor yimaadaan ganacsiga. Drury oo hadalkiisii sii wata waxa uu yiri "marka la ogolaanayo waqti biriirf ah xilliga shaqada lagu jiro waxaa carqalad gelaya khadka isku xiriirsan ee wax soo saarka, waxaan ka shaqaynay hab macquul ah, sida in aan u cayino waqtiga uu qofka shaqaalaha shaqada ka baxayo si uu soo tukado una soo laabto, taas oo u ogolaaneysa shaalaha ku xigaana waqti uu khadka ka bixi karo si uu usoo tukado."

Laakiin waxa uu yiri kama jawaabi karo su'aalaha la xiriira 30 shaqaalaha ee Soomaalida ah.

Saraakiisha Spherion kama ay soo jawaabin weydiisashadii wargeyska The Tennessean uu weydiistey in ay arintaas faallo ka bixiyaan.

Bilowgii toddobaadkan ayaa dersin kamid ah shaqaalihii shaqada laga cayriyey waxay isugu yimaadeen xarrunta Jaaliyadda Soomaalida oo kutaal Thompson Lane (Nashville, Tennessee) si ay u miisamaan fusadaha u furan. Qaar waxay rabaan in ay ku laabtaan oo keliya shaqo ay jecel yihiin oo ay qadariyaan.

Qaar kale, sida Nuur, waa xanaaqsan yihiin, ayagoo yiri waxaa xoog looga cayriyey shaqada si degdega, mana ku fekerayaan in ay ku laabtaan, xataa haddii dib shaqadii loogu yeero.

"Waxey nagu yiraahdeen, haddaan salaada tukano, shaqada ayaa nalaka ruqsaynayaa" asagoo intaas ku daray in uu dareemay in ay waajib ku tahay Salaada sababtoo ah waa diintiisa.

Iimaamka Masjidka Nashville, Abdishakur Ibrahim, oo hada kahor soo dhex galay arimo noocan oo kale ah, oo arinta hadda taagan ka hadlayey waxa uu yiri "Waxay tahay in aad fahamtid waa in Islaamku yahay diin aan kala saarin aaminsanaata iyo nolosha. In badan oo masiixiyiin ah waxaa dhici karta in ay guriga aadaan oo tukadaan. Laakiin Islaamka waxaa jira waqtiyo cayiman oo ay waajib tahay in aad tukatid. Dadka Muslimiinta ahna, in aadan tukan waa adigoo caasiyey Allah. Dadkuna waxay aaminsan yihiin haddii aad Allah caasidid waxaad geleysaa naarta."


Abdi Halane (bidix) iyo, Hassan Ahmed  oo qorrax dhaca (Makhribka) ku tukanaya xarunat Jaaliyada Soomaalida "Somali Community Center" ee Nashville.
Sawirka AP

5,000-8,000 oo Soomaali ah ayaa kunool Nashville, ayuu yiri Ibrahim, asagoo intaas ku daray in badan oo Muslimiin ah waa garwsan yihiin baahida waqtiyada kala duwan ee goobaha shaqada.

Guddiga magaalada u qaabilsan xiriirka dadweynahu wuxuu rajayanayaa in ay caawin karaan in ay arrintaas dhexdhexaadiyaan. "Aad ayey u wanaagsanaan lahayd hadday gaaraan heshiis dhexdhexaadineed" ayuu yiri Perez oo ah sarkaal ka tirsan guddiga magaalada. Waxana uu sheegay in maamulaha Dell uu asaga soo wacay Talaadadii asagoo wax ka weydiinayey arintan. Spherion asagu weli ma soo wecin ayuu yiri.

Hadda waxa uu qorayaa cabsho laga diiwaan gelinayo dawlada degmada, taas oo ku salaysan cabashada ay shaqaalaha Soomaalida ah soo gudbiyeen. Haddii gudigaasi ku helo in cabashadaasi ay tahay mid ka hor-imaneysa xeerka degmada, markaas waxaa dhici karta in shirkada la ganaaxo.

Shaqaaluhu waxa kale oo ay cabasho ku saabsan kala faquuqa ka furi karaan hay'adaha gobolka iyo  dawlada dhexe.

Cabasho taas la mid ah oo ayaa sannadkii hore waxay sabatay dacwad markii dambe ku dhammaatay in xukunka heshay wershed maxalli ah.

Saraakiil la tirsan shirkada Whirlpool waxay (sannadkii hore) xaakim ka socda dawlada dhexe u sheegeen in shirkadu isku dayday in ay tixgelin gaar ah siiso in badan oo shaqaaleheeda Muslimiinta ah weydiisashadooda la xiriirta diinta. Tusaale ahaan, waxaa wax laga bedeley cuntada laga cuno makhaayasha shirkada, dumarkana waxa loo ogolaaday inay xirtaan dharka hidaha ah haddii aysan ka hor imanayn xeerarka ammanka "Safety".

Laakiin Whirlpool waxay tiri arinta salaada qorrax dhacu waxay ay curyaamineysaa wax soo saarka.

Shirkadu waxay shaqaalaha ka mamnuucday ay shan daqiiqo shaqada ka siibtaan si ay u tukadaan, in kastoo ay shaqaaluhu tilmaameen in aan horjoogayashooda iyo  shaqaalaha kale ee ay wada shaqeeyaan aysan waxba ka qabin in ay shaqada usii qabtaan.

Xaakim ka socda Nashville waxa uu xukunka u ridey ama uu raacay dhanka Whirlpool taas oo uu sheegay in weydiisasha Salaada qorrax dhacu in ay shaqa bixiyaha ku abuurtay adkaansho aan loo baahnayn.

Shirkad kale oo aad u weyn ayaa qaadatay hab aad uga duwan marka laga hadlayo baahida Muslimiinta ee salaada.

Sannadkii 2001, shirkada Tyson Corp. waxa ay wershed hilib ka furtay Goodlettsville, taas oo hilibka u qabsida dukaamada aagaas. Wershedaas qofka u qaabisan shaqaaluhu waxa uu yiri wershedu waxa ay leedahay laba meelood oo Muslimiintu ku tukadaan. Waxa kale oo shirkadu soo dhejisaa jadwalka waqtiyada salaada, waxaana shaqaalaha shaqada laga bedelaa marka qorraxdu dhacdo si ay u tukadaan.

"Haa, waa arin adag waayo qaar kamid ah maamulayaashayadu waa in ay dadka hadba meel u kaxeeyaan," ayuu yiri Gary Denton oo katirsan shirkada Tyson. Laakiin shirkada waxaa ka go'an in ay arintaas ka shaqaysiiso. "Sidaan u aragnaa waa in shirkada dadka ka shaqeeya ay yihiin dad kala duwan" ayuu yiri. Sidaa ayuu wargeyska The Tennessean qoraalkiisii kusoo gabagabeeyey.

Wargeysku waxa uu soo bandhigan codbixin iyo dood furan oo uu dadka afkaartooda ku weydiinayo in ay tahay in tixgelin gaar ah la siiyo 'aaminsnaanta diimaha' iyo in kale.... [Guji...].

Muslimiin iskaga Huleelay Shaqo...

30 Muslimiin ah oo Shaqada Iskaga Huleelay Muray la Xiriira Salaada oo soo dhex galay ayaga iyo Dell, sidaas waxaa werisey (Sabti Maarso 12) hay'adda wararka ee AP, oo intaas ku dartay Abdirizak Hassan oo kamid ah madaxda Jaaliyada Soomaalida ee Nashville waxa uu yiri Soomaalidu waxa ay shaqadaas iskaga huleeleen bishii hore waayo waxaa loo diidey waqti ay salaada ku tukadaan.

AP waxa ay intaas ku dartay in afhayeenka Dell, Mark Drury, uu yiri saraakiil ka tisan shirkada ayaa eegaya dhacdadii Febeeryo 4.

Hay'ada AP oo warkeedii sii wadata waxa ay tiri dhacdadan oo kale waxa ay horay uga dhacday Minnesota oo ah meesha ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee deggan Maraykanka oo AP ay ku qiyaastay 20,000 oo Soomaali ah in ay deggan yihiin Minnesota. Sannadkii 2003 ayaa shirkada Electrolux Home Products ay heshiis ku xalisay cabasho loo gudbiyey dawlada dhexe, waxana ay shirkadaas wershedeeda kutaal magaalada St. Cloud, Minnesota ay hadda Muslimiinta u ogoshahay in ay salaadda qorrax dhaca (makhrib) tukadaan.  Sannadkii hore Soomaali ayaa qaadacday in ay u shaqeeyaan shirkad Minnesota kuleh Cell-phone-nada ayagoo taas kaga mudaharaadayey arimo la xiriira Salaadaha iyo arimo kale.

CAIR oo Ku Baaqday in lala Xiriiro Dell si ay Shaqada Ugu Soo Celiso Muslimiinta Shaqada looga Caysriyeye Salaadda Makhrib


Sawirka File: islamoline
Shabakadaha kale ee arintan wax ka qoray:

...islamonline.org
...islamonline.com

Ururka ay leeyihiin Muslimiinta Maraykanka ee loo yaqaan CAIR (Council on American-Islamic Relations) ayaa ku baaqay in Muslimiinta shaqada looga caysriyey salaada ay tukanayeen dib shaqadoodii loogu soo celiyo.

Warqad uu agaasimaha CAIR, Arsalan Iftikhar, u diray maadxweynaha shirkadda Dell, Kevin B. Rollins, waxa uu ku weydiistey in shaqaalaha shaqadooda dib loogu soo celiyo inta wada xaajoodka arintaas lagu xallinayaa uu socdo, waxana uu sheegay in shaqaalaha CAIR oo xirfad u leh xallinta arimahan oo kale ay diyaar u yihiin in ay dhexdhexaadinta ka qayb qaataan.

CAIR waxa ay soo bandhigtay meel si toos ah loogala xiriiri karo Madaxweynaha Dell, Mr. Kevin B. Rollins, taas oo ay CAIR xustay in si xushmad leh loola xiriiro, cinwaanka lagala xiriiri karona waxay kusoo bandhigeen dhanka hoose ee boggan... Guji...

ISHA: www.tennessean.com www.cair-net.org | islamonline.org

Tarjumadii SomaliTalk.com | Maarso 11, 2005 | Updated: March 12, 2005


Warar Degdeg ah oo Khuseeya Soomaalida Deggan USA
War kasoo baxay Xafiiska Legal Aid ee Minneapolis ayaa shaaca ka qaaday in dad badan oo Soomaaliyeed loo soo diray warqado ka yimid wasaaradda Amniga Gudaha USA kuwaas oo... Guji... Mar 9


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD