Wasiirka Warfaafinta DGPL oo Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da Ku
Eedeeyey in aysan Soomaaliya si siman uga waramin
- Gen. Cadde Muuse oo u Amababaxay Gaalkacyo
- Caluula oo ay Ka Dhaceen Dabaylo
Xooggan
- Heshiis laba beelood ku dhexmaray Rako,
Karkaar
- Laba Qof oo gaari Saarnaa oo lagu diley Duleedka
Kismaayo
Warbixinadii: c/fataax Jaamac (Boosaaso) iyo C/qadar
Nuur (Kismaayo)| March 10, 2005

Madaxweynaha DGPL Gen. Cadde |
Madaxweynaha DGPL Gen: Maxamuud Muuse Xirsi (Cade)
ayaa u amba baxay Magaalada Gaalkacyo isagoo ay ku weheliyaan qaar ka
mida Madaxda iyo Odayaal ka socday DGPL waxaa safarkaa oo aan hore loo
sii sheegin Madaxweynaha uu ugu amba baxay Magaalada Gaalkacyo lagu
sheegay in uu ku salaysanyahay sidii uu ula kulmi lahaa Gudigii Sadex
Geesoodka ahaa ee ay Dhiseen Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya iyo Reysal
Wasaaraha DFKMG Soomaaliyeed Gudigaa oo ahaa Gudi Dhexdhexaadin ka dhex
waday Labadii Beelood ee Dagaaladu ku dhex maraayey Magaalooyin ka
tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud oo hore ay Xabad joojin ay uga
Saxiixeen Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha DFKMG Soomaaliyeed Xabad
Joojintaa oo Fashilantay kadib markii labada Beelood ay Xabad Joojintaa
ay jabiyeen.
Madaxweynaha DGPL Gen: Cade oo ka mid ahaa Madaxda Gudigaa
ay u magacaabeen Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha DFKMG Soomaaliyeed ayaa
waxaa ilo xogogaal ah aan ka helnay in Madaxweynuha DGPL uu mar labaad laga
yaabo in uu soo Nooleeyo Xabad joojintaa uuna la kulmo in ka badan Gudiyadaa
hore loo magacaabay lana raadiyo Dadka Xabad joojinta ka Qayb qaadan karana
oo laga balaariyo intii hore iydoo hada la soo sheegayo in ay jiraan Hub
urursi aad u balaaran oo labada beelood ay wadaan hub urur sigaa ayaa ka
socad kiisa ugu Balaran MagaaladaMuqdisho sida wararka laga helayo.
Madaxweynaha DGPL ayaa intuu ka amba bixin Magaalada
Garoowe ee Caasimada DGPL uu Dhagax Dhigay Dhisme loo dhisaayay Wasaarada
Dowladaha Hoose DGPL iyadoo Wsaaradu hore u daganeeyd Guri kiraa oo ay
leeyihiin Shaqsi.
"...BBC laanteeda Afka Soomaaliga
oo aan si siman aan uga waramin Soomaaliya..." Cabdirisaaq Geesood

Wasiirka Warfaafinta DGPL |
Waxaa maanta kalfadhiigii Caadigaa ee
Golaha Wasiirada DGPL Khamiis kasata ay yeelan jireen ay ku yesheen
Xarunta Madaxtooyada DGPL oo uu Gudoominayay Madaxweyne ku xigeenka ay
kaga hadleen Arimo badan.
Mar uu ka hadlaayey Shirkaa Wasiirka
Warfaaafinta DGPL Cabdirisaaq Geesood oo Xafiiskiisa ku qabtay
Warsaxaafadeed ayaa sheegay in ay maanta Shirkaa looga hadlay sidii loo
hormarin lahaa Wasaarada Xanaanada Xoolaha madaama Xoolaha ay yihiin
Lafdhabarka Dhaqaale iyo Manaafacaad ee Ummada Soomaaliyeed kadib markii
Xilayadii Abaaraha ay Xoolahoodii ka baaba'een Dadkii Xoola dhaqatada
ahaa, taas si looga gudbana loo sameeyo Daaqsin, Ceelal iyo Biyo Qabadyo,
waxaa kale oo uu Wasiirku ku daray war saxaafadeedkiisa oo Shirkaa looga
hadlay in Waaxda Duulista hawada oo ka madaxbanideeda Wasaarada Howlaha
Guud oo in muda ah Muran ka taagnaa iyadoo xiligii Madaxweynaha uu ka
ahaa Cabdulaahi Yuusuf laga madaxbanaaneeyey Wasaarada Waaxdaa taasna ay
Golaha Wasiiradu Maanta u Codeeyeen in ay Wasaarada ka mid tahay.
Waxaa kaloo Wasiirku uu Dhaleeceen
Dusha kaga Tuuray Hay'ada Warbaahinta ee BBC laanteeda Afka Soomaaliga
oo aan si siman aan uga waramin Soomaaliya Guud ahaan ayna wararka keena
Dagaalo iyo Dhib kasii Cusboonaada ay ka faafiso meelo ka mida
Soomaaliya taasna uu wasiirku ku eedeeyay Tafatiraha Laanta Afka
Soomaaliga Yuusuf Garaad oo ka dhigay BBC meel uu isagu leeyehey ayuu
yiri wasiirku. Waxaa kaloo oo wasiirku ku eedeeyay Laanta Afka
Soomaaliga in ay Qaar ka mida Gobolada Soomaaliya ay siiso Wariyaal
Tababaro Gobolada Puntland oo ah dhul degana oo ay nabadi ka jirto ay ka
Gaabsato wariyeyasha ku dhaqan Puntland.
Caluula oo ay Ka Dhaceen Dabaylo
Xooggan
Gudoomiyaha Degmada Caluula Xareed
Ciise Cumar oo nagula soo xiriiray Isgaarsiinta Fooneeyaha ee Radiyaha
ayaa sheegay in ay ka dhaceen Degmada Caluula Dabaylo Tariikhdu markay ahayd 06-03-2005 Dabaylahaa ayaa geystay Dhibaatooyin qasaaro leh oo ay
burburiyeen Xafiisyadii Maamulka iyo Guryo degaan ah iyagoo Dibada u soo
Saaray Doomahii kaluumaysiga iyagoo Burbursan, Dabeylahaa ayaa waxa uu
sheegay in ay socdeen 15-20 Daqiiqo oo ay ka mid yihiin goobaha ay
Burburisay Saldhigii Booliska oo daganaa dhisme lagu magacaabo Qoryoolay
oo ay hore u lahaan jireen Ciidamadii Bada ee Soomaliyeed.
Gudoomiyaha
oo aan wax ka waydiinay in xiligaan uu la soo xiriiro oo ka hore uu ula
soo xiriiri waaya Warbaahinta iyo Maamulka Gobolka ayuu sheegay in ay
Dabayshu usocotay si goosgoosa ah ayna ku dhiiran wayeen in la xiro
Isgaarsiinta Fooneeyaha oo Biraha loo taago ay Dabayshu riday Badana ay
ku dhiiran wayeen Doomihii marka manta oo Dabayshii ay yaraatay ayaa
noogu horeysay in aan la soo xiriirno Gobolka iyo Saxaafada.
Gudoomiyaha
ayaa ka codsaday in lala soo gaaro caawinaad Dadkii ay ka burbureen
Guryaha oo aan haysan hoy ay galaan iyo wax ay ka xirtaan Qabowga iyo in
laga Caawiyo Dhismayaasha Maamulka. oo burburayiyagana.
Heshiis laba beelood ku dhexmaray
Magaalada Rako ee Gobolka
Karkaar

Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdirashiid |
Gudoomiyaha Gobolka Karkaar
Cabdirashiid Yuusuf ayaa noo sheegay in ay xaliyeen Dhibkii kala gaaray
Labo beelood oo dhiig ku kala dhex maray Magaalada Rako oo ka tirsan
Gobolka Karkaar Bishaan 08-03-2005 labadaa Beelood oo ay wada degaan,
Gudoomiyaha ayaa sheegay inay soo qabteen Gacan ku dhiiglayaashii dhibka
geystey Qaarkood kuwa kalena ay daba joogaan ayna ogyihiin meelaha ay ku
sugan yihiin.
Gudoomiyaha oo aan wax ka waydiinay in
ay heleen waxyaabihii ay ka bilaabatay Dilalkaa oo keenay Gudoomiyaha oo
ka jawaabaya ayaa noo sheegay in ay wali xaqiijinayaan oo ay ku howlan
yihiin Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska DGPL iyo Talihii Qaybta
Booliska Karkaar oo ilaa hada lagu tala jiro Xaqiiqada in la helo.
Warbixinadii cabdifataax Jaamac |
somalitalkpl@yahoo.com |
March 10, 2005
Halqof ayaa dhintay qof kalena waa
uu dhaawacmay saakay kadib markii maleeshiyo hubaysini ay rasaas ku
fureen gaari rakaabsanaaa oo marayay deegaanka kuuba kibir ee ku yaala
duleedka magaalada kismaayo.
Cabdi qadar
nuur maxamed (filipiin)
Kismaayo soomaaliya | March 10
Labadii qof ee gaarigaasi ku
waxyeelowday ayaa waxa ay ahayeen laba qof oo dumar ah ayadoo baabuurkan
saakay la xabadeeyay uu ahaa baabuur nooca UD oo ka anba baxay magaalada
kismaayo kuna sii jeeday degmada jilib ee gobolka jubada dhexe.
Hadaba labadii qof ee hakaasi lagu
waxyeelayay ayaa waxaa islamarkiiba loola sii gudbiyay deegaanka kuuba
kibir oo uu gaarigaasi sii marayay ayadoo la sheegayo in maleeshiyada
baabuurka xabadaysay ay ahaayeen kuwo ay isbaaro u tiilay duleedka
tuulada kuuba kibir islamarkaana la sheegayo marka ay maleeshiyada
gaariga ay xabadaynayso uu darawalka gaariga isku dayay in uu xoog ku
maro isbaarada ay maleeshiyada dhigteen sidaasna lagu xabadeeyay
gaarigaas.
Waa shilkii labaad ee lagu
waxyeelaynayao dadka shacabaka ee ku safra wadadaaska ayadoo loo
gaysanayo dil dhac tan iyo intii ay isbahaysiga dooxada juba ay howol
galka nabadeed oo ay ku kala dhexgalayaan beelahii ku dagaalamay
deegaaanka uu hada shilka ka dhacay
Cabdi qadar
nuur maxamed (filipiin)
Kismaayo soomaaliya
Faafin: SomaliTalk.com |
Maarso 10, 2005
100 Soomaali oo ah Ku Dhintay Badda Cas
»Tahriibayaasha
waxaa laga daabulay xeebta Boosaaso
»Heshiis
30 qodob ah oo ay Gaareen Beelaha Muqdisho
»Xus
Muqdisho loogu Sameeyey Elman
Wararka oo dhan
ka akhri
halkan... Guji Maarso 10
Warar Degdeg
ah oo Khuseeya Soomaalida Deggan USA
War kasoo baxay Xafiiska Legal Aid
ee Minneapolis ayaa shaaca ka qaaday in dad badan oo Soomaaliyeed loo
soo diray warqado ka yimid wasaaradda Amniga Gudaha USA kuwaas oo...
Guji...
Mar 9