SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print


  • Saxafiyad ay Maliishiyaad ku dileen Wadada Afgooye.
  • JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE DALKA UK

Saxafiyad ka tirsanayd Hornafrik oo Maliishiyaad ay ku dileen Wadada Afgooye.

W.D: Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kenya | canabmumtaz@yahoo.com 

June 6, 2005

 
Duniyo Muxudiin nuur oo ka mid ahayd howlwadeena idaacada Hornafrik ayaa shalay duhurkii maliishiyaad hubaysani ku dileen Wadada Afgooye xili ay halkaasi ka jireen shaqa joojiyeen ay sameeyeen gawaarida BL-ka  ah ee iskaga goosha mogadisho ee afgooye kadib markii ay isbaaradii ku soo badatay wadadaas dhaca baabuurta iyo lacagta leejadana ay ku sii siyaadeen.
 
Duniyo oo Allaha u naxariistee ka mid ahayd wariyayaal u aaday halkaas in ay soo ogaadaan sababta keentay shaqa joojinta basaska ayay maliishiyo ka mid ah kuwa isbaaradu u tiilay halkaasi la beegsadeeen xabado gaarigii ay saarnayd kadib dhaawacii ka soo gaaray ayaana sababay in ay nafteeda ku wayso.
 
Duniyo muxudiin oo ka mid ahayd Wariyaayaasha Soomaaliyeed ee waqtigooda ku bixinayay in ay ummadooda y tabiyaan wararka ayaa nafteeda ku waysay iyadoo ku jirta howlaheeda caadiga ah.
 
Falalkan noocan ah ayaa ah kuwo aan xad lahayn oo inta badan ka dhaca caasimadda Somaliya ee mogadisho,xiligan oo la hadalhayay in la qaadayo isbaarooyin ayaa la yaab ka dhigtay in ay soo badanayaa isbaarooyinkii.
 
Horay waxaa mogadisho dhaawac loogu gaystay Abwaanka iyo saxafiga ee Abdalla Nuuradiin oo hadda u jiifa dhaawac ka soo gaaray sadex xabadood oo lala beegsaday maalin cad iyadoo aan la qabanin qofkii u gaystay dhibkan.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kenya | canabmumtaz@yahoo.com 



JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE DALKA UK

Oo Wada tashi layeelatey wasiiro ka tarisan dawlada federalka Somalia

UJEEDDO: Shir wada tashi iyo wacyi-galin

Manta oo ay taariikhdu tahay 5th June, 2005 waxaa magaaladda Birmingham ka dhacay kulan ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda soomaaliyeed ee ku nool dalka UK. Waxaa kale oo shirkaas ka qaybqaatay kana hadlay madax sar sare oo ka tirsan DFKS oo ay ka mid ahaayeen Axmed Sh. Maxamed Loxos oo ah Wasiiru Dowlaha dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha dibada iyo kuwa kaga qayb qaatay khadka telefoonka oo ay ka mid yihiin. Ali Ismaaciil Abdi Giir Wasiirka dekadah iyo gaadiidka bada, wasiirka reer miyig iyo daaqa maxamed maxamud gacamadheer,

maxamed Ali xareed wasiira dawlah gaashandhiga, mowliid macaane wasiirka degaanka iyo dhulka iyo salad cali jeele wasiir ku xigeenka warfaafinta waxayna dhamaan ka qeyb qaateen shirka oo ay kaga qeyb qateen khadka telefoonka

Ujeedada shirku waxay ahayd in jaaliyaddu muujiso sida ballaaran ee ay u taageersantahay DFKS iyo in ay wax ka ogaadaan howlaha dib u heshiisiintu meesha ay marayaa iyo madaama uu soo dhawaaday guuritaankii dowladu qaabka ay rabaan in ay u guuraan iyo meesha ay dowladu ay u guuri doonto.

Shirkaas oo ay ka soo qaybgaleen Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo waxgarad kale oo farabadan, xanbaarsanaa xamaasad qaran jecel oo aad u sareysa ayaan halkaas ku soo bandhigey tageero buuxda iyo talooyin kale duwan oo ku aaden dawlada Federalka Somaliyeed.

Waxaana shirkani u dhacay si heer sare ah taas oo ay ka soo shaqeeyeen gudiyadii loo xilasaaray taas oo laga dhax arkayey midnimo ku salaysan somalino taas oo aan hore looga baran qurba joogta somaliyeed lakiin hada waxay noqon kartaa arinkani mid yididiilo geliya dhamaan shacabka iyo dowladooda.

Runtiina waxaa si aad ah noo farax geliyey jawaabihii ay bixiyeen dhamaan wasiiradii iyo wasiiro ku xigeenada taas oo ay ku cadaday in dowladu ay ka go.an tahay sidii ay dalkeeda hooyo uga howl geli lahayd.

Intaa wixii dheer ah waxaad ka dhegeysan kartaan radio daljir oo si tooos ah ula socday hadba meesha uu marayo shirku

Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey
Awad Hersi   lingax@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 6, 2005


Maalinta Dhirta oo si Weyn Looga Xusay Galkacyo
"Yaynaan Dhaqan Wareegine Kaca Aan Dhir Beeree": waa hal-ku-dheggii munaasabada Galkacyo... Guji...

Geeddi oo Mogadishu u Magacaabay Saddex Guddoome Ku-Xigeen
Ra'iisulwasaaraha dowlada FKMG ah ayaa magacaabay ku xigeenada duqa magaalada Mogadishu ee.. Guji..


Maxay isku Khilaafeen C/laahi  iyo Cali Geeddi
Abdullahi Yusuf AhmedAli Mohamed Geedi
Khilaafkan oo hadda la soo afjaray, kaas oo u dhexeeyey Madaxweynaha DFKMG, C/llaahi Yusuf iyo Ra'iisul Wasaare Cali Geeddi ayaa guntiisu ahayd kaddib markii.. Guji...
 


Soomaalida Reer Minnesota oo Helay Xaruntay Raadinayeen
Khudbaddii Jimcaha ayaa shaaca looga qaaday in lahelay Xarun in mudo ah ay raadinayeen Soomaalida reer Minnesota, taasoo lagu iibiyey lacag dhan $1,700,000.. Guji.. Jun 4


Saddex Qof ayaa Ku Dhaawacmay Iska Hor Imaad ka dhacay Kismaayo
iyo Nin dhaawac ah oo lagala baxay Isbitaalka magaalada kismaayo kadibna la toogtay... Guji... Jun 4

Dablay Itoobiyaan ah oo dad ku laayay Dalka Kenya
iyo Shir haweenka Ogaadeenya ay ku qabteen Danmark oo marwada guddoomiyuhu ka qayb gashay.. Guji... Jun 3

Waraysi: Dr. Qaasim Xirsi Faarax
Xoghayaha joogtada ah ee wasaarada deegaanka iyo maaraynta aafooyinka oo dhowaan safar ku tegaya xeebaha Somalia oo ay waraysatay Canab Mumtaz ka dhegeyso halkan...

Saddex Qof ayaa Ku Dhintay Dagaal Ka Dhacay Cabdalla Biroole
Tuulada C/biroole oo 65 km galbeed kaga aadan Kismaayo ayaa waxaa... Guji.. Jun 2

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD