SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  NAIROBI
Daabaco Boggan | Print


Ra'iisulwasaaraha dowlada FKMG ah oo magacaabay ku xigeenada duqa magaalada Mogadishu.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kenya | canabmumtaz@yahoo.com 

June 5, 2005

 
Ra'iisul wasaaraha dowlada FKMG ah Prof Cali Maxamad Geddi ayaa maanta magacaabay ku xigeenada duqa magaalada mogadisho ee dhinacyada siyaaasada, dhaqaalaha iyo Nabad galyada.
 
Xubanaha la magacaabay iyo sida loo kala magacaabay ayaa ahaa.
 
1-Md. Cali Maxamed Cali “Ugaas Cali” in uu noqdo Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee arimaha siyaasada iyo dib u heshiisiinta;

2. Md. Maxamed Cusmaan Cali “Dhagaxtuur” in uu noqdo Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee arimaha nabadgalyada

3- Md. Maxamed Cabdulqaadir in uu noqdo Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee arimaha dhaqaalaha iyo Maaliyada.

Duqa magaalada Mogadisho oo horey loo magacaabay wali cag ma dhigin caasimadda, waxaana la filayaa in mar dhaw marka ay dowladdu ku dhawaaqdo howlgalkooda in ay u ambabaxaan caasumadda Somaliya ee Mogadisho.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kenya | canabmumtaz@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | June 5, 2005


Maxay isku Khilaafeen C/laahi  iyo Cali Geeddi
Abdullahi Yusuf AhmedAli Mohamed Geedi
Khilaafkan oo hadda la soo afjaray, kaas oo u dhexeeyey Madaxweynaha DFKMG, C/llaahi Yusuf iyo Ra'iisul Wasaare Cali Geeddi ayaa guntiisu ahayd kaddib markii.. Guji...
 


Soomaalida Reer Minnesota oo Helay Xaruntay Raadinayeen
Khudbaddii Jimcaha ayaa shaaca looga qaaday in lahelay Xarun in mudo ah ay raadinayeen Soomaalida reer Minnesota, taasoo lagu iibiyey lacag dhan $1,700,000.. Guji.. Jun 4


Saddex Qof ayaa Ku Dhaawacmay Iska Hor Imaad ka dhacay Kismaayo
iyo Nin dhaawac ah oo lagala baxay Isbitaalka magaalada kismaayo kadibna la toogtay... Guji... Jun 4

Dablay Itoobiyaan ah oo dad ku laayay Dalka Kenya
iyo Shir haweenka Ogaadeenya ay ku qabteen Danmark oo marwada guddoomiyuhu ka qayb gashay.. Guji... Jun 3

Waraysi: Dr. Qaasim Xirsi Faarax
Xoghayaha joogtada ah ee wasaarada deegaanka iyo maaraynta aafooyinka oo dhowaan safar ku tegaya xeebaha Somalia oo ay waraysatay Canab Mumtaz ka dhegeyso halkan...

Saddex Qof ayaa Ku Dhintay Dagaal Ka Dhacay Cabdalla Biroole
Tuulada C/biroole oo 65 km galbeed kaga aadan Kismaayo ayaa waxaa... Guji.. Jun 2

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD