Soomaaliya waa
hal qowmiyad ama qaran,lana yeeli maayo
caqligalna ma’ahan in dadka Soomaalida ah ay
kala wanaagsan yihiin ama kala nasab fiican
yihiin xagga qabiilada,balse lagu kala fadli
leeyahay xagga taqwada sida uu Allaah sheegay
rasuulkeena suubanaana inoo caddeeyay,waxaa
kaloo lagu kalaa wanaagsan yahay xagga
iimaanka,aqoonta,akhlaaqda iyo dabeecad wanaagga.
Waa arrin laga
xumaado oo laga ciishoodo in dhaqan iyo caado
laga dhigato in la takooro dad ka mid ah
Soomaalida oo waliba ah dadkii Soomaalida ugu
aqoonta sarreeyay dhinaca farsamada
gacanta,uguna taariikh fogaa dhinaca deegaanka
dhulka Soomaaliya,maah-maah ayaa oranaysa: qofku
wuxuu cadow ku yahay wixii uu jaahil ka
yahay,dadkii Soomaaliyeed ee ahaa xoolo
dhaqatada ayaa markii ay arkeen dad ka ilbaxsan
kana aqoon fiican ku tiriyay in ay yihiin
dadkaas u dhaqmaya si dhaqankooda ka duwan in ay
ka wanaagsan yihiin,kuna qaaday olole ama kacaan
cimrigiisu dheeraaday kaasoo ay ku takoorayaan
dadkaas farsamayaqaanada ah.
Takoorkan oo
socday sanooyin aad u badan ayaa keetnay in ay
dhaqan ama caado noqoto in la duudsado dad
xaqooda,laga tuuro sharaftii ay lahaayeen,lagana
faa’iidaysan waayo aqoontoodii sarraysay,waxaase
taas ka sii daran dadka Soomaaliyeed ee la
takooro in muuqaal ahaan ay Soomaali uun
yihiin,waxaan ka wadaa taas in aan la kala saari
karin xagga aragga midka wax takoora iyo midka
la takooro.
Haddii aan u soo
noqdo hal ku dhegga qormadaydan ayaa professor
Ahmed Ashkir Bootaan Allaha u naxariistee
intuusan dhimanin waxa uu waday baaritaan uu ku
baarayo taariikhda dadka Soomaaliyeed ee
aqoontooda darteed loogu takooray iyo taariikhda
raacatada Soomaaliyeed, professorku wuxuu
baadigoobkii uu ugu jiray taariikhdii hore ee
dadka la takooro waxay ifisay waxyaalo badan oo
mugdi ku jiray,waxay kaloo nagu abuurtay raad
raacii uu sameeyay professor Bootaan farxad ah
sidii ay dadkii hore ee Soomaalida ahayd u
sarreysay xadaaraddooda ama ilbaxnimadooda iyo
aqoontooda,waana mid mudan in la sheego laguna
faano in Soomaaliya ay soo martay heer ka
wanaagsan midka ay maanta ku jirto.
Magaalada
Hargeysa oo markii hore la oran jiray
Hargageys ayaa la sheegay in ay keli ku
ahaan jireen ama degganaayeen dad muruqmaal ahaa
dadkaas oo ahaa dadka Soomaaliyeed oo maanta loo
geysto dhibaato xoog leh,lana takooro,walina ay
deggan yihiin dadkaas meeshii loogu yimid ee
Hargageys. Magaaladaas Hargageys ama Hargeysada
maanta ayaa ahaan jirtay magaalo shidan oo ahayd
meel ay dadku wax ku kala iibsadaan gaar ahaan
hargaha xoolaha iyo waxyaalo kale oo ay samayn
jireen dadkaas lahaa aqoontaas hodanka ah.
Professor Bootaan
oo sida ay dad badanba garanaayaan wuxuu ahaa
ninkii qori jiray khuudbooyinkii Madaxweynihii
hore ee Soomaaliya Allaha u naxariistee Maxamed
Siyaad Barre,wuxuuna ka mid ahaa dadkii aqoonta
lahaa haddana farta lagu fiiqi jiray,nin
ceynkaas ah oo aqoontaas lahaa oo haddana la
xaqirayo ama la takoorayo,sow ayaandarro
ma’ahan,sow caqli xumo ma’ahan,sow islaamnimo ka
abax ma’ahan,sow dadnimo ka bax ma’ahan, waxaana
xaqiiqo ah in jaahilnimadu ay xirto indhaha isla
markaana ay daboosho maskaxda qofka.
Zahra
Abdi Hersi.
umubakar@hotmail.com
Holland