XAMAR IYO ISBAARADA
Nabaddoon (Cumar C/nuur
Nuux)
omarabdinur@hotmail.com
London – UK | June 5, 2005
Dadka Muslimka ah ayaa
ku duceysta “Ilaahow ha nagu salladin cadow aan
adigana kaa baqayn, annagana noo naxariisaneyn”
waxaa taas lagu tilmaami karaa dugaagaan midabka dad
leh ee ummadda Soomaaliyeed lagu salladay 15kii sano
ee ugu danbeysay. Tan iyo intii dawlad-ku-sheegga
ku-meelgaarka ah lagu soo yagleelay dalka aan
deriska nahay ee Kenya, wax sii xumaaday ma ahane
wax ka soo raayey lama hayo.
Halkii Mooryaanta
madax isku-sheegga ahi ay inta wada fariistaan,
go’aan ku qaadan lahaaayeen – danbi iyo darxumo in
ku filan dalkaan iyo dadkaan waan u geysanaye, aan
diirkeenna badbaadsanno oo caano daatay waa la daba
qabtaaye, aan qaladkeennii hore wanaag nalooku
danbidhaafo aan sameysanno – ayey waxay u guntadeen
in ay god dheer ku sii ridaan hammigii iyo
rajo-beenaadkii dadku ka qabay in dawladda lagu soo
dhisay Nairobi ay wax uun wanaag ah keeni doonto.
Waxaa loo kala jabay laba garab, waxaana loo kala
guuray dhowr meelood. Waxaa qolo walba ku eedeysay
qolada kale in ay iyadu wiiqeyso qarannimadii iyo
dawladdii dadka iyo dalka soomaaliyeed loo dhisay!
Waxaa dhagaheenna ku
soo dhacayey muddo laba bilood ah in
Mooryaanta-Madax-isku-sheega ah ee masiirka dalka
faraha loo geliyey qaar ka mid ah oo Xamar rug ka
dhigtay ay lahaayeen waxaan nabadaynaynaa Caasimadda,
waxaan saaraynaa mallayshiyada isla markaasna waxaan
qaadaynaa Isbaarada Xamar iyo nawaaxigeeda teedsan.
In kastoo hadaaqa iyo sheegashada noocaan ah ay
dhammaan ummadda Soomaaliyeed rajo gelisay, dad
badanna isku qancinayeen – madax muuqda iyo mindi
saawir ah midna lagama samree – bal ha la sugo rag
lagama quustee!. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “
Libaax nin aan aqoon baa lax ka dhigta” taas waxaa
la mid ah dadkeenna rajada ka qaba in Madax kooxeed
xaaraan ku naaxa ah uu habeen iyo dharaar isku
baddelo oo ku noqdo nabaddoon waddani ah.
Su’aasha isweydiinta
mudan waxay tahay: Ma suurtagalbaa mise dhici
doontaa in Hogaamiye-kooxeedyada Xamar ay Isbaarada
qaadaan, Malleyshiyada dhaqancelin ku sameeyaan,
magaaladana nabad iyo kala danbeyn ku soo dabaalaan?
Intaan jawaab loo
raadin su’aashaan waxaan isku dayeynaa in aan wax ka
niraahno sababaha markii hore keenay Isbaaradaan iyo
Mallayshiyadaan, haddii sababahaas la waayo ama xal
loo helo waxaa sahal noqon doonta in Isbaarada iyo
Mallayshiyadana xal loo helo.
-
Power(Awood-sheegasho): Maadaama dagaalkii iyo
ismaandhaafkii caasimadda ka socday 15 sano ee
ugu danbeysay uu ku saleysnaa xukun jaceyl iyo
awood bursi, cududda mallayshiyo iyo caddadka
isbaaro ee Xamar kuu yaal waxay ahaaayeen
dariiqo lagu gaaro awood bursigaas.
-
Finace(Dhaqaale-raadis): Awood kasta oo jirtaa
waxay u baahan tahay dhaqaale ay ku tiirsanaato.
Si loo joogteeyo habsami u socdka maamulka
mallayshiyaadka iyo abuuridda awood-sheegasho
cusub waxaa loo baahday il dhaqaale taas oo ah
Isbaarada u taal koox kasta.
-
Security(Nabadgelyo-xumo): Ammaan la’aanta iyo
dhibaatadii laga dhaxlay burburkii hannaankii
dawladnimo ayaa waxay keentay in koox kasta iyo
beel kasta isku xeyndaabto malleyshiyo iyo
isbaaro lagu sugo ammaanka beeshaas iyo
hogaamiyaheeda.
-
Mistrust(Iska-aaminbax): Kala duwanaanshaha
danta hogaamiye kooxeedyada iyo beelaha ay salka
ku hayaan iyo ismaquuninta dhexdooda ah ayaa
waxay keentay kala aaminbixid taasi waxay sabab
u noqotay in koox kasta iyo beesheedu isku
ilaaliso Isbaarooyin lagu sugo ammaanka, laga
soo saaro dhaqaale, laguna joogteeyo awoodda
beesha iyo hogaamiyaheeda.
Afartaas sababood ayaa
ugu weynaa waxa dhaliyey in Xamar lagu kala qoqobo
dhowr iyo afartan Isbaaro iyo in jid walba oo Xamar
soo gala la dhigo isbaarooyin hadba inta jidkaas
dherer le’eg yahay. Si ay haddaba u sahlanaato in
jawaab loo helo su’aashii ahayd ma laga yaabaa in
Xamar isbaarooyinka laga qaado mallayshiyada la
dhaqanceliyo amniga iyo kala danbaynna lagu soo
dabaalo, waxaa ka horeeya in jawaab loo helo
afartaas sababood ee dhaliyey isbaarooyinkaan,
haddase weli ma jiraan mise laga gudbi karaa?
Sababahaasi weli waa
jiraan wax iska badalayna ma laha. Weli sidii baa
beel walba ugu oomantahay in ay awood ku maquuniso
beelaha kale ee deegaanka Xamar kala dhaxeeyo. Sidii
baa beel walba u rabtaa in ay hoggaanka dalka xoog
iyo xaaraan tii ay noqotaba ku hantido. Sidii baa
amni darradii u jirtaa oo ma jiro hogaamiye kooxeed
ku dhaca in uu isbaaradiisa iska qaado,
malleyshiyadiisana iska fogeeyo. Sidii baa loogu
baahan yahay dhaqaale lagu kala wado hawsha
mallayshiyada iyo kala fogeynta shacabka xaqdarada
lagu haysto mustaqbalkiisii iyo jiritaankiisii.
Sidii baa kalsooni darradu u dhextaal labadii
hogaamiye kooxeed ee kasta iyo labadii beelood ee
colaadda la dhexdhigay ee kasta. Sidaas baan looga
yaabin in hawlgalka Isbaaro qaadka ah iyo Xamar oo
mallayshiya laga sifeeyaa ay u noqoto hawl sahlan
ama dhib yari ku hirgasha. Waayo iyadoon hubkii iyo
mallayshiyadii Xamar yaallay 4% weli la saarin,
isbaaradii Xamar iyo agagaarkeeda daadsanaydna aan
mid qura laga qaadin balse maalinba maalinta ka
danbeysa ay sii kordhayaan ayaa waxaa soo baxaya
habacsanaan iyo iska-aaminbax u dhaxeeya hogaamiye
kooxeedkii la rabay in ay hurmood ka noqdaan hawsha.
Waxaa muuqda daneysi iyo kala aragti duwaan u
dhaxeysa mallayshiyaadka kala duwan iyo beelaha kala
duwan. Waxaa muuqda in mallayshiyaadkii la saaray ay
goobo hor leh ku habsadeen isbaarooyin cusubna
dhigteen. Waxaa imaan karta in meelihii
mallayshiyaadka laga raray ay mallayshiyaad kale oo
aan hawshaan u jajabnayn ama beeshoodu diyaar u
ahayn ku habsadaan taas oo keeni karta hurgun iyo
dib-isu habayn kale.
Waxaa dhici kata ama
imaan doonta in hogaamiye kooxeedka isbaaradiisa
qaada ama mallayshiyadiisa saara uu nabadgelyadiisa
u baqo, ama dhaqaalahiisu hoos u dhaco ama yaraado
taas oo meesha ka saareysa awooddii uu caasimadda ku
lahaa. Intaas oo mala-awaal oo dhammaantood runta u
dhow waxay saadaal ka bixinayaan in hawsha Xamar iyo
Isbaaro qaadkeedu aysan ahayn mid ku hirgalaysa
habka hadda wax loo wado. Caasimadda oo nabad iyo
kala danbeyn lagu soo dabaalaana aysan ku imaan
doonin axsaan iyo isxilqaan laga sugo
hogaamiye-kooxeedkii halkaas dhigay.
Waxaa xusid mudan in
dhaqdhaqaaqaan iyo isku daygaan ay hogaamiyeyaasha
aan runta looga baran inoo sheegayeen labadii bilood
ee ugu danbeysay uu ka dhashay cadaadis ama cabsi ku
timid nafsad ahaantooda. Cadaadiskaas ha uga yimaado
beesha caalamka oo u sandulleysay shirkii Nairobi ka
socday iyo mirihii ka soo baxay. Ama ha ka dhasho
dhaqdhaqaaqa iyo hadalada ka soo yeerayey kooxda
isla dawladda ay ka tirsanyihiin madaxda ka ah ee ay
danta (aragtida maya) ku kala duwan yihiin. Waxaa
halkaas laga fahmayaa in markasta oo ay yaraato
cabsidii iyo cadaadiskii nimankaan dareemayeen in
wax qabadkooduna yaraanayo, waayo markii horaba ma
ahayn waxqabad ku yimid daljaceyl, dan guud iyo dar
Ilaahay.
Gunaanad:
-
Waa in hogaamiye
kooxeedyada lagu wadaa cadaadiska iyo
cabsigelinba haddii la awoodo ilaa hawsha la
gaarsiiyo meel Caasimadda, dalka iyo dadkaba dan
ugu jirto.
-
Waa in qolooyinka
dawladda kula jira ee aan hogaamiye kooxeedka
ahayn ay cadaadiska iyo dhiirigelinta isku feer
wadaan si hagaamiye kooxeedyadu qol yar ugu
xirmaan ama danta guud u istaagaan.
-
Waa in dumarka iyo
dadweynaha Xamar cadaadiska, mudaaharaadka iyo
dalabka nidaam, kala danbeyn iyo nabadgelyo ay
ku sii wadaan hogaamiye kooxeedyada ilaa ay qol
ku go’doomiyaan ama ay danta dadka iyo dalka
ogolaadaan.
-
Waa in ciidan aan
ahayn mallayshiyaadka la dhisaa, si meeshii
mallayshiya ka kacdaba loo dejiyo, si aan loogu
soo noqon meeshaas iyo si ammaankeeda loo sugo.
Ciidankaas wuxuu noqon karaa mid laga soo xulay
beelaha kala duwan horeyna aan uga mid ahayn
malleyshiyaadka beelaha (ciidankii hore ee dalka),
ama wuxuu noqon karaa ciidan dhexdhexaad ah oo
laga keenay dibadda (deriska maya).
Talooyinkaas afarta ah
iyo afartii sababood ee markii horaba isbaarada
keenay haddii maanka lagu hayo, loona hawlgalo sidii
looga faa’iideysan lahaa, waxaa dhici karta
ogolaansha Eebbe kadib in mushkiladda Xamar iyo
Isbaaro xal loo helo.
Wabillaahi tawfiiq.
Nabaddoon (Cumar C/nuur
Nuux)
omarabdinur@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | June 5, 2005