Xamar ha iska
xoreeyso isibaarda badatay ee baadeediina la
kordhiyey.....
Canshuuraha
sideedaba waxaa loo qaadaa in bulshada loogu
adeego sida
amniga,caafimaadka,waxbarashada, abuuritaanka
heykalka dawladda ee dadku shaqada ka helaan oo
aan maanta ka jirin magaalo madaxdii dalka ayaa
hadana dadweeynahii 15kii sanoo tegay dhibka ku
soo jiray ee la tacaalayey sidii ay ku noolaan
lahaayeen ayaa waxaa xoog looga qaadaa baad xad
dhaaf ah oo aan waafaqsaneyn sharci muslin iyo
mid gaalo toona.
Marka intii ka
dambeeysay. dawladdii lagu soo dhisay Kenya ,waxay
xaaraan quutayaasha burcadnimada ku naaxay isku
dayayeen in dawladda ayan hirgalin si dambiyadii
ay galeen iyo xoolihii ay dhaceenba loogu dabo
imaanin , ayna u sii socoto dhakhliga jig-gooyada
ka soo gala ee ay dhigteen wadooyinka Xamar iyo
inta ka sii hooseeysa.
Ayaamahaana ,waxay
qabqablayaashu iyo qaadwalaha Gud. barlamaanka
ahba dadku ku maaweelinayeen in isbaarada ay
qaadayaan, laakiin waxaa leyska wada ogaa in
taas waxba ka jirin.
Intii hawshaas
been beenta ah ay wadeen tirada meelaha leysku
baarto ee Xamar iyo agagaarkedaba waxay gaareen
45, waxaana la kordhiyey lacagtii baadda aheyd
ay mooryaantu qaadan jirtay.Tusaalaha soo
socdana waxaan ku soo xigtay Guulane .com oo
warbixin arrintaas fajacisada ah ka qoray ee
hoos lka akhriso:-
1. Isgoyska
Bakaaraha ( Qanyare), horay waxaa gaadiidka laga
qaadi jiray 60.000 , maantana waxaa
laga qaadaa
100.00 oo shilinka macmalka ah.
2. Hawlwadaag (
Maxkamadda Islaamiga ah ee Mooryaanta ), waxay
gaarsiiyeen baadoodii 30.000.
3. Jidka
Mareexaanka ( Caydiid ) horay 40.000 , hadana
waa 60.000.
4. Siinaay (
Maxkamadda Xararyaale ee Mooryaanta ah) , hadda
40.000, horayna 20.000.
Haddaba, anigoo ka
reebay isbaarooyinka dadka degaanka ee iyaguna
xaaraanta ah ayaa waxaa jira kuwo kaloo dad soo
haajiray ay leeyihiin oo daadsan Xamar iilaa
Afgooye oo ay iska leeyihiin Caato, Qaybdiid,
Ilqeyte, Xaaf, Deylaaf iyo kuwo la mid ahba.
Diinta Islaamkuna
waxay qabtaa in leyska qabto qaadhacul dariiqa
ee tuugada ah oo qaarkood muslimnimo oo ayan
aheyn sheegta sida Xasan Dahir Aweys ama
burcadka degaanada ayan iska laheyn xoogga ku
heysta ee leh ciidan yaan la keeynin, ee waa
tahay Somaaliya ma sidaan bey ku jireeysaa
waligeed. Qof ahaana waxay ila tahay in dulmiga
uu waarin , xag aakhiro iyo mid aduunba dulmi-
waduhu uu cawaaqib xun uu la kulmi doono .
Waxaan isweeydiin
laheyn in dhaqan dooris ka Xamar ay masúul ka
yihiin jaahiliinta qabqablayaasha ah ee Xamar oo
xumaan kasta u horseeday , dulleeyeyna
dhalinyaro badan oo Xamar deggen markii ay ku
yiraahdeen wixii aad dhacdaan waa idiin "Xalaal
Caleyk" ', oo 15kii sano tegay cid ay
dhaafeenba ay iska yar tahay. Dhabtuna waxay
tahay in qof markii uu dhalanaayey dullinimo ku
dhashay aysan jirin , laakiin ababiska qofka iyo
duruufaha uu ku barbaaro ay wax badan ku xiran
tahay.Inteena daawatay filimkii uu ka soo qaaday
Raage Oomar Xamarna waxaa ka arkeen dambiga
daýarta laga galay iyo sida loo dhalan- rogayba.
Marka qabqable
isagiiba guri xaaraan ah deggen oo ka ganacsada
maandooriyaha iyo mid qaxooti ku ah halkaas oo
gurigiisiiba la heysto sida Jini-boqor iyo kuwa
la midika ah ma qaadi karaan isbaaro?.
Jawaabto waa maya, ee
dadka ku nool Xamar iyo agagaarkeeda oo hadda
gaadiidkii ka istaagay ha u sara joogsadeen in
ay ka qayb qaataan sidii maxbuusnimada uga bixi
lahaayeen, dawladnimadiina u soo noqon laheyd oo
ah sida qura ee xoriyadoodii dib ugula soo noqon
lahaayeen
Faafin: SomaliTalk.com | June 5, 2005