SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  FAALLO
Daabaco Boggan | Print


Maxay isku Khilaafeen Madaxweyne C/llaahi Yusuf iyo Ra'iisul Wasaare Cali Geddi.
Somali President Abdullahi Yusuf Ahmed
Madaxweynaha Soomaaliya: Abdullahi Yuusuf Ahmed

Somali Prime Minister Ali Mohamed Ghedi
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya:
Prof. Ali Mohamed Ghedi

Khilaafkan la soo afjaray Shalay galinkii dambe ayaa ahaa mid socday mudo, una dhaxeeyay Mas'uuliyiinta Dowlada FKMG ah ugu sareeya(Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha) waxa uuna ka dhashay arrimo u badnaa dhinaca guurista iyo kasbashada Xubnaha Labada golle ee baarlamaanka iyo dowlada.
 
Haddaba khilaafka ugu dambeeyay ayaa ka yimid kulan ay yeesheen ergayga dhawaan ay QM usoo magacowday arrimaha Somaliya Qaar ka mid ah Beesha caalamka iyo Wasiirka koowaad,kuna aadanaa halka ay dagayso dowlada kadib markii ay xiisado colaadeed ka bilaawdeen baydhabo oo ahayd halka ugu wayn ee ay dowladu isku halaynaysay in ay ka dhigato fariisin magaalada jowhar oo iyadana laga baqayo in xiisado ay ka abuurmaan,waxa ayna xubnahani kulan gaar ah la yeesheen Ra'iisul wasaaraha oo ay ka dalbadeen in la geeyo dowlada caasimadda waan waana lala sameeyo gudoomiyaha baarlamaanka si looga badbaadiyo dowlada colaad laba garab noqota balse waxaa ku gacan sayray madaxweynaha. 
 
Soo afjarida khilaafkan ayaa ku timid kulamo badan oo ay maalmihii la soo dhaafay la yeelanayeen xubanaha dowlada,wakiilo ka socda wadamada shirka dhaqaalaha ku bixiya ee midawga yurub, iyo dowlahada IGAD qaarkood,waxa ayna ku guulasteen in ay xaliyaan khilaafkaas oo wali aysan wax badan ka ogaanin xaqiiqda heshiiskaas iyo khilaafkiisaba Warbaahinta laakiin ay jiran warar xog-ogaal ah oo ka soo baxaya xarumaha labada hogaamiye ee ugu sareeya dowlada.
 
Gunta Khilaafka.
 
Khilaafkan waxa uu  ka dhashay kadib markii uu Madaxweynaha Dowlada FKMG ahi marmar badan ka dalbaday Ra'iisal wasaaraha in uu tago Caasimadda Soomaliya ee mogadisho, kana samaysto saldhig, kadibna uu samayso xero ciidan oo uu maliishiyaad ay leedahay dowlada ku xareeyo,isla markaana kasbado xeelad ahaan xubnaha ugu muhiimsan hogaamiyayaasha mogadisho xooggana ku leh si ay ugu fududaato wax qabashada caasimadda iyo fullinta howlaha siyaasadeed ee dowladdu uga baahan tahay Si Gaar ah mogadisho.
 
Hadaba arrimahaas oo dhan ma dhicin waxaana jirtay in Cali Geddi uu wax badan ka baaqday in uu tago caasimadda,waxaana kaga hormaray Gudoomiyaha baarlamaanka FKMG ah Shariif Xasan Sh.Aadan oo si wayn looga soo dhaweeyay caasimadda Somaliya ee Mogadisho ka dib markii ay ku hungoobeen in uu Ra'iisul wasaaruhu tago Caasimadda.
 
Madaxweynaha ayaa la yaab dhowr jeer ka muujinayay sida uu cali geddi uga biya diidan yahay in uu tago caasimadda Somaliya waxii uu farayna u diidan yahay, waxaana dhacaday intaas kadib C/llaahi yuusuf ku eedeeyo Cali geddi uu kasban waayay in uu isku keeno ugu yaraan shan hogaamiye oo hubaysan oo beeshiisa ka soo jeeda xoog ama xeelad laakiin arrimahaas oo dhan waxba kama soo baxin waxa ayna sii kordhisay khilaafkii  u dhaxaysay labadooda.
 
Waxii ka dambeeyay safaradii ay ku tageen magaalooyinka jowhar kuna soo dhamaaday Baydhabo waxa uu ahaa khilaafkaasi mid taagan, waxa uuna madaxweynaha u aanaynayay khilaafka soo kala dhexgalay dowlada iyo Baarlamaanka in uu sabab u yahay Ra'iisul wasaaraha dowalada FKMG ah, waxa uuna dhowr jeer fagaare ka sheegay in waxa u dhaxeeya isaga, waa C/llaahi yuuusufe, iyo Baarlamaanka uu yahay Wasiirka koowaad.
 
Safarkii uu Cali Geedi ku tagay Magaalada Mogadisho oo ahaa mid aan horay loo sii qorshaynin waxa uu meesha ka saaray in wax badani iska badalan xiriirka labada hogaamiye ee dowlada ugu sareeya,arrimaha ugu waynaa ee Madaxweynaha uu ka walwalsanaa ayaa ahayd in Cali Geeddi uu heshiis la soo galo hogaamiyaayaasha xamar, dowladana uu ka dajiyo Mogadisho, maadaama ay safarkaas ku wehliyeen xubno ka socda Jaamacada Carabta, Midawga yurub, Ururka midnimada Afrika iyo Safiirada Jabuuti iyo Kenya ayna ahaayeen kuwo warbaahinta siinayay warar ah in caasimada dadka joogaa ay yihiin dad u baahan dowlada soona dhawaynaya kuna talinayay in dowlada ay usoo wareegto caasimadda hadii kale aysan heli doonin taageero dhaqaale,waxaana sii yaabiyay markii uu uu Cali Geddi ku sheegay warbaahinta in uu u tanaasulay Hogaamiyaasha Mogadisho,laakiin iyadoo wali laga sugayo ayuu maalin cad ka soo duulay garoonka Ceel macaan oo ku yaala magaalada mogadisho dhinaceeda waqooyi xili ay sugayeen qaar ka mid ah hogaamiyayaasha oo uu balan la lahaa.
 
Ra'iisulwasaaraha laf-ahaantiisa ma shaacinin waxa uu ka tanaasulay, waxa ayna qaar badan oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka ku eedaynayeen in hadii uu sheego waxa uu ka tanaasulay in ay sii kala fogayn karto isaga iyo Madaxweynaha,waxaana u qorshaysnaa in marka uu madaxweynaha u yimaado uu si hoose ugala hadlo waxa uu kala soo kulmay xamar ee ah hogaamiyayaasha Xamar iyo shacabka halkaas ku noolba iyo waliba waxa sababay in uu sheego tanaasulaad xili ay jirto siyaasad kala fog oo ku salaysneed aragti iyo Dastuur lagu xadgudbay laakiin marka si hoose loogu daadago ka saraysay dhamaan arrimahaas ay kala sheegayaan labada dhinac.
 
Soo laabashadii Cali Geddi wax badan kama badalin khilaafkoodi,waayo C/llaahi yuusuf waxa uu ka sugayay in uu soo celiyo Wasiiradii ka carooday shirka ee sheegay in ay xamar nabadeynayaan ciidamadoodana ay ka dhigayaan kuwo qaran, in uu keeno aragti ka badalan kuwa ay sheegeen wasiirada dowlada ee ku sugan ee xamar maadaama uu ka dhashay beelaha xooga ku leh caasimadda,waxa uuna arkay Ra'iisul wasaarihii uu soo laabtay fara marnaan.
 
Cali Maxamad Geddi waxa uu sheegay in uu la soo baxsaday lafahiisa, iskaba daa in uu halkaas ka soo qabto howle,waxa uuna u sheegayay wadamadii laga filayay ciidamada in halkaas ay tahay meel ay xaaladeeda nabadeed aad u culustahay una baahan in la geeyo ciidamo ka socda Ururka midnimada Afrika si ay u hantaan amaanka dalka, Waxa uuna qaraxiii isbartiibada oo ay dad badani ku dhamaadeen kuna dhaawacmeen darteed soo jeediyay in xamar ay noqoto halka ugu horeeya ee ciidamada AU-da ka howlgalaan.
 
Balse C/llaahi yuusuf kuma qancin wararkaasi waxa uuna Qabay in Cali geddi uu ku guuldaraystay in uu hanto Ra'iisul wasaarenimadiisa, mar hadii uu keeni waayay hogaamiyayaasha mogadisho, waxna meel la soo dhigi waayay,waxaana socotay maalmihii la soo dhaafay in Ra'iisul wasaaraha laga qaadi doono xilka laguna badali doono xubin ka mid ah Gollaha wasiiradda, Balse hadda sida muuqato kana soo baxaya illo xog-ogaal ah waa mid la soo afjaray khilaafkaas.

Canab Mumtaz | Somalitalk | Nairobi | canabmumtaz@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 4, 2005


Soomaalida Reer Minnesota oo Helay Xaruntay Raadinayeen
Khudbaddii Jimcaha ayaa shaaca looga qaaday in lahelay Xarun in mudo ah ay raadinayeen Soomaalida reer Minnesota, taasoo lagu iibiyey lacag dhan $1,700,000.. Guji..

Waraysi: Dr. Qaasim Xirsi Faarax
Xoghayaha joogtada ah ee wasaarada deegaanka iyo maaraynta aafooyinka oo dhowaan safar ku tegaya xeebaha Somalia oo ay waraysatay Canab Mumtaz ka dhegeyso halkan...

Jen. Cadde Muuse: Hay'adaha shisheeye waxay rabaan in Dalka Maamulaan
Waraysi dheer oo uu Madaxweynaha DGPL siiyey Telefishanka ETN ayuu shaaca kaga qaaday in... Guji.. May 29

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD