SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print


Barnaamijkii Radio Xoriyo

03 June 2005

  • · Jaaliyadda Ogaadeenya ee Toronto oo ku guulaysatay dacwad lagu soo oogay
  • · Dablay Itoobiyaan ah oo dad ku laayay Dalka Kenya
  • . Xisbi mucaarad ah oo sheegay in dad laga laayay
  • · Shir haweenka Ogaadeenya ay ku qabteen Danmark oo marwada guddoomiyuhu ka qayb gashay.
  • · Cali Khaliif Gallaydha oo sheegay in IGAD ayna daacad ka ahayn arrimaha Soomaaliya
  • · Iyo Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga oon ku eegayno odhaahda "Waxba-Qoodhi"

======================

Jaaliyadda Ogaadeenya ee Toronto oo ku guulaysatay dacwad lagu soo oogay

Jaaliyadda Ogaadeeniya ee dalka Kanada, gaar ahaan maagalada Toronto ayaa 31 bishii May 2005 ku guulaysatay dacwad maxkamadeed oo in muddo ahba ka socotay maxkamad dalkaas ku taalla, taasoo ay ku soo oogeen dad Jaaliyadda ka soo horjeeda.

Lix xubnooda oo horay uga tirsanaan jiray Ururka Ogaden Somali Community Association of Ontario, balse hadda ka baxay, ayaa ururka dacwad ku soo oogay, iyagoo doonayay inay shaki geliyaan magaca ururka. Maxkamadii ugu denbaysay ee kayskaas lagu soo afjari lahaa ayaa la isugu yimid 31 May, hase yeeshee waxaa fadhigii maxkamadda wajiga soo siin waayay xubnihii daw-seegga ahaa ee dawacdda waday, taasoo keentay in qaadigii uu soo saaro go’aan u dan Jaaliyadda Ogaadeenya.

Go’aankani wuxuu ka dhigan yahay in muddo 21 maalmood gudohood ah lagu qabto doorasho lagu dhisayo maamul cusub oo Jaaliyadda, taasoo lagu baahinayo qalabka warbaahinta ee maxalliga ah.

Dadweynihii Jaaliyadda Ogaadeenya ee dalka Kanada ayaa markii ay maxkamadu dhammaatay si wayn ugu mahad celiyay qareenkii Jaaliyadda Ogaadeeniya iyo qareen isaguna qaabilsanaa dhaxdhaxaadinta oo ka socday wasaaradda caddaalada ee Kanada. Ka dibna waxay dadweynuhu madashii maxkamadda ka dareereen iyagoo aad ugu faraxsan guusha u soo dheelmatay iyo sida uu xaqu uga hiiliyay xubnihii ma-kasta ahaa ee doonayay inay Jaaliyadda baabi’iyaan.

Sannadihii denbe waxaa dalalka dibadda laga dareemayay dhaqdhaqaaqa dad daba-dhilif ah oo u adeegaya danaha cdowga Itoobiya, kuwaasoo isugu jira uu cadowgu si toos ah u soo dirsaday iyo kuwo danaha cadowga si dedban u fulinaya.

Ururka Ogaden Somali Community Association of Ontario waxaa la aasaasay sanadkii 1990kii wuxuuna ka mid yahay Ururada ugu waaweeyn ee ka jira dalka Kanada.

Dablay Itoobiyaan ah oo dad ku laayay Dalka Kenya

Dablay Itoobiyaan ah ayaa tuulo xadka u dhaw ku dilay 7 qof oo kinyaan ah. Toddobadan qof ee la dilay waxay isugu jiraan 3 boolis ah, ilmo yar iyo 3 odey. Waxaa kaloo weerarkaas lagu dhaawacay shan qof oo kale oo hadda lagu dawaynayo Isbitaalka Gobolka ee Marsabit ee dalak Kenya.

Dablaydan ayaa dilalkan gaysatay, ka dib markii ay ka soo gudbeen xadka u dhexeeya Kenya iyo Itoobiya. Meesha dadka lagu laayay waxaa lagu magacaabaa Ceel Xaddi.

Booliska Kenya ayaa sheegaya in dablaydani ay dheceen 10400 oo Adhi ah, 380 Geel ah iyo tiro aan la garanaynin oo Lo’ ah, kuwaasoo ay ula gudbeen dhinaca Itoobiya. Tan iyo 26 May waxaa la dilay 10 qof oo kiinyaan ah, wuxuuna dagaalku ka billowday nin 72 jir ah oo la dilay.

Masuul kiinyaan ah oo deegaanka dhibaatadu ka dhacday ku sugan ayaa sheegay in dad badani ay guryohoodii ka qaxeen iyagoo ka cabsanaya in dablayda itoobiyaanka ahi ay soo weeraraan. Wuxuu kaloo intaas ku daray in lixdii maalmood ee u denbeeyay ay dablayda itoobiyaanka ahi si agaasiman u soo weerarayeen dhul ay baaxaddiisu 100 km dhan tahay oo xadka Kenya ku soo jira.

Masuulku wuxuu kaloo sheegay inuu arrintaas kala hadlay wasiirka amniga gudaha ee dalak Kenya oo u sheegay in la soo diri doono diyaarado helikobtar ah iyo saraakiil dhibaatadan wax ka qabata, balse aan wali wax taakulo ah loo soo dirin.

Marar badan oo kala duwan waxaa dhulka xadka u dhaw ee dhinaca Kenya soo weerara ciidammo malleeshiyo ah oo ka tirsan ciidammada Itoobiya, kuwaasoo soo booba hantida dwadyanah kiinyaanka, mararka qaarkoodna laaya dadwaynaha rayadka ah.

Xisbi mucaarad ah oo sheegay in dad laga laayay

Xisbiga mucaardka ah ee Oromo National Congress ONC ayaa daboolka ka qaaday in 13 xubnood laga dilay intii doorashada ka horraysay iyo intii ka denbaysay.

Wuxuu kaloo intaas ku daray in xubno xisbiga ka tirsan oo doorashadii ku guulaystay ay hadda ka baxsadeen deegaannadoodii, ka dib markii ay marar badan ka badbaadeen dil la isku dayay in la dilo.

Xisbiga ONC ayaa sheegay in shan ka mid ah 13 xubnood la dilay intii u dhaxaysay 22-23 May 2005, ayna dileen qaar ka mid ah ciidammada kaydka Iroobiya oo ka yimid magaalada Beladumo, oo bariga Harar ku taalla.

Cali Khaliif Gallaydha oo sheegay in IGAD ayna daacad ka ahayn arrimaha Soomaaliya

Dr Cali Khaliif Gallaydh oo raii’sal wasaare ka soo noqdayt dawladii Soomaaliya ee Carta lagu soo dhisay, ayaa dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ku eedeeyay inayna daacad ka ahayn xal u helidda dhibaatada Soomaaliya, isla markaana ay la kala safan yihiin garabyada kala duwan ee siyaasadda Soomaaliya ku hardamaya.

Dr Gallaydh waxaa ka mid ah arrimaha uu dalalka IGAD ku eedeeyay inay aqoonsadeen go’aan ay soo saareen koox yar oo Baarlamaanka dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ka tirsan, kaasoo lagu oggolaaday in Soomaaliya ciidammo shisheeye ah la keeno.

Dr Cali Khaliif Gallaydh ayaa baaq u soo jeediyay xubnaha Baarlamanka Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay inay ku dadaalaan sidii ay u badbaadin lahaayeen Baaralmaanka, oo ah hay’adda ugu sarraysa ee talada wadanka lagu aamini karo.

Dhinaca kale afhayeenka madaxwaynaha Soomaaliya Yuusuf Barie-bari ayaa daboolka ka qaaday, mar uu shir jaraa’id jeedinayay ina madaxwayne C/llaahi Yuusuf uu dalalka safka hore loo yaqaano, gaar ahaan Itoobiya ka codsan doono inay badbaadiso xukuumaddiisa, oo kala shaqayso sidii ay ugu guuri lahayd magaalooyinka Baydhabo iyo Jawhar.

Afhayeenku wuxuu kaloo intaas raciyay in madaxweynaha iyo raii’sal wasaarihiisu ayna marnaba ka noqon doonin qorshahooda ah in dawladu u guurto magaalaooyinka Baydhabo iyo Jawhar.

 

Radio Xoriyo

03 June 2005

Axmed Gaal-eri

info@radioxoriyo.com

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | June 3, 2005

Shir wayn ay ONLF & OLF ku qabteen  Jarmalka
iyo Shir ku saabsan xadgudubyada xuquuqda aadnaha ee Ogaadeenya oo lagu qabtay Atlanta.. Guji...

Af-hayeenka Madaxweynaha: Dowladdu Wax Lug ah kuma Lahayn Dagaalkii  Baydhabo
»Bari-bari: Dawladu waa ka xuntahay Dagaalkii Baydhabo
»Maamulka Dooxada Jubba: Baydhabo ayaan geleynaa hadii...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji..

Warar Googoos ah:::
»Muqdisho: Aqoon isweydaasi ay qabatay SSUP
»Sweden: Hadal kasoo baxday gudiga sharcilaawayaasha
»Baydhabo: Baaq nabadeed ku wajahan baydhabo...
»Laanta Buur: Urur deeq gaarsiisey ciidanka laanta-buur
»Al-Islaax oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka
»Qaahira: Siminaar loo soo gabagabeeyey suxufiyiinta Afrika
Wararka oo dhan halkan ka akhri... Guji...

 

 

Siciid Tumaal oo Baaq kasoo Saaray Dilkii Khadar Cismaan Dhabar

Waraysi: Madaxweyne ku Xigeenka DGPL
Galkacyo: Qaylo dhaan ka soo yeertay Ceelka Yamayska

Garoowe: Xasan Abshir oo ka qayb qaadanaya caana shubka
Muqdisho: Kulan looga hadlay qaadisat Isbaarooyinka...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... May 28

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD