SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print


  • Sadex qof ayaa la dhaawacay galabta kadib markii maleeshiyo hubaysani uu iska hor imaad ku dhex maray  Saldhiga booliska ee magaalada kismaayo
  • Nin dhaawac ah oo lagala baxay Isbitaalka magaalada kismaayo kadibna la toogtay.

Sadex qof ayaa la dhaawacay galabta kadib markii maleeshiyo hubaysani uu iska hor imaad ku dhex maray  Saldhiga booliska ee magaalada kismaayo

Seddexdaan nin oo haatan Isbitaalka magaalada kismaayo lagu daweenaayo  dhaawacooda, ayaa waxa sababay dhaawacoodaan ka dib markii Baabuur lakala gatay la bixin waayey lacagihiisii taasoo dhalisay iska horimaadkaan hubaysan ayadoo labadan Malayshiyo uu dagaalakan hubaysan ku dhexmaray halka loo yaqaan FIAT, ee ah Bartamaha magaalada kismaayo. 

Wararka ayaa tibaaxaayo in Baabuurkan lakala dhacay maalinnimadii shalayto kadib markii ay bixin waayeen lacag lagu lahaa dadkii gatay waxayna arinta isu bedeshay durba mid Qabiil oo qoryo laysugu qaatay. 

Labadan dhinac ee isku hayo arinta Baabuurkan ayaa ah laba garab oo Isbahaysiga Dooxada Jubba ku abtirsado.   

Maahan markii ugu horeysan ee ay laba Malaysiyo isku xabadeeyaan Baabuur iyo waxii la mid ah  balse illo xog Ogaal ah ayaa tibaaxayo in arinta ay gacanta la galeen xalinteeda maamulka Isbahaysiga Dooxad Jubba. 

Hadaba Waxaa jira nin si weyn loogu tuhmaayo in arintaasi uu ka dambeeyey waxaana ku daba jira soo qabashadiisii Ciidamada Amaanka Isbahaysiga, waa sida aan wararka ku helnaye.. 

Nin dhaawac ah oo lagala baxay Isbitaalka magaalada kismaayo kadibna la toogtay.

Marxuunkan oo ku soo dhaawacmay dagaalkii shalayto ka dhacay Tuulada C/Biroole ee gabeedka magaalada kismaayo, ayaa sideedii Fiidnimee Xalayto lagala baxay Isbitaalka ka dibna la dilay hadaba mar ay maanta saxaafada u waramayeen qaar ka mid ah Odayaasha Beesha uu ka soo jeedo ninkaasi ayey u xaqiijiyeen in ninkaani uu yahay gacan ku dhiigle shalayto ku jirey dagaalka isla markaana dilay ninkii Ciidanka watay ee Sarkaalka ahaa ee Dalmar Nuunow.

Ninkan oo la dhashay sida la xaqiijiyay Ninkii falka dilka ahaa geystay ee ladoonaayey ayaa waxay Odayaasha wax garadka iyo dhamaan Beesha ay ka soo jeedeen ee Cowramale, waxay cadaynayaan in Ninkan uu ahaa Ninkii xabada ku dhuftay Sarkaalka Ciidanka howlgalinaayey ee shalay geeriyoday.

sikastaba ha ahaatee waxay sheegayaan wax garadka Odayaasha iyo aqoonyahanada Beesha Cowramale in ay gacanta ku soo dhigayaan Ninkii falkan oo dhan ka dambeeyey ee ahaa kii ku cararay duurka islamar ahaantaa saacadaha soo socdo ay u bixidoonaan Ciidamo ka socdo Beesha mar labaad si gacanta loogu soo dhigo.

dadkii ku waxyeeloobay dagaalka shalay oo uu ka mid ahaa Ninka dhintay ayaa haatan lagu dawaynayaa Isbitaalka. lama garanaayo dhibaatada ay keeni karto falkii Xalayto ka dhacay isbitaalka ee ahaa ninka lagala baxay ee kadibna la qaarajiyay

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com ama cabdiqadar@somalitalk.com


Faafin: SomaliTalk.com | June 3, 2005

Shir wayn ay ONLF & OLF ku qabteen  Jarmalka
iyo Shir ku saabsan xadgudubyada xuquuqda aadnaha ee Ogaadeenya oo lagu qabtay Atlanta.. Guji...

Af-hayeenka Madaxweynaha: Dowladdu Wax Lug ah kuma Lahayn Dagaalkii  Baydhabo
»Bari-bari: Dawladu waa ka xuntahay Dagaalkii Baydhabo
»Maamulka Dooxada Jubba: Baydhabo ayaan geleynaa hadii...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji..

Warar Googoos ah:::
»Muqdisho: Aqoon isweydaasi ay qabatay SSUP
»Sweden: Hadal kasoo baxday gudiga sharcilaawayaasha
»Baydhabo: Baaq nabadeed ku wajahan baydhabo...
»Laanta Buur: Urur deeq gaarsiisey ciidanka laanta-buur
»Al-Islaax oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka
»Qaahira: Siminaar loo soo gabagabeeyey suxufiyiinta Afrika
Wararka oo dhan halkan ka akhri... Guji...

 

 

Siciid Tumaal oo Baaq kasoo Saaray Dilkii Khadar Cismaan Dhabar

Waraysi: Madaxweyne ku Xigeenka DGPL
Galkacyo: Qaylo dhaan ka soo yeertay Ceelka Yamayska

Garoowe: Xasan Abshir oo ka qayb qaadanaya caana shubka
Muqdisho: Kulan looga hadlay qaadisat Isbaarooyinka...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... May 28

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD