SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BADHAN

Culimo ka timid G/Bari ayaa wacdi iyo muxaadarooyin ka bilowday meelo ka mid ah G/Sanaag.

Badhan: Culimaa'udiin ka tirsan kuwa ugu magaca weyn gobolada Puntland ayaa maalintii Isniinta ee bishu ahayd 27/06/2005 soo gaadhey magaalada Badhan.

Culimada ayaa hawshooda ka bilaabay iney la kulmaan Duqa degmada Badhan Md. Maxamed Axmed Cismaan iyo odayaasha degaanka ee kala ah :

  •  (1) Saalax Garaad Cali shire.
  •  (2) Axmed Muse Suldaan.
  •  (3) Xaaji Maxamud Maxamed Shire.
  •  (4) Shiikh Axmed Shiikh Saalax.
  •  (5) Shiikh Khaliif Xuseen Kamiin.
  •  (6) Axmed Jaamac Faarax.
  •  (7) Shire Saalax Axmed.
  •  (8) Xasan Jamac Dhegood.
  •  (9) C/casiis Maxamuud Jaamac (guribar).

Waxayna u sheegeen in safarkoodu yahay iney dadweynaha ku baraarujiyaan shukri naqa barwaaqada ilaah ina siiyey , ayna meelo badan soo mareen, hadafkooduna uu intaas ahaa.  culimadaas oo kala ahaa :

  • (1) Shiikh Xasan Xuseen.
  • (2) Shiikh Axmed Daahir.
  • (3) Shiikh Daahir Aw-cabdi.
  • (4) Shiikh Maxamed Macalin.
  • (5) Shiikh C/raxmaan Bukhaari.

oo dhamaantood ka mid ah hay'adda culimada ee gobollada Puntland. kadib markii culimadu hadalkooda dhamaysteen ayaa waxa hadalkii la wareegey odayaashii ,waxayna culimada kusoo dhoweeyeen magaalada , iyagoo sheegay in baahi weyn loo qabo dadka in lagu baraarujiyo ka fogaanshaha waxa xun iyo samaynta waxa fiican, waxayna intaas ku dareen iney la shaqaynayaan maamul iyo odayaalba.

culimadu intii ay joogeen magaalada Badhan oo ahayd 2 habeen waxay muxaadarooyin ka jeediyeen masaajidada , iyadoo si toos ah looga dhegeysanayey idaacadda FM-ta ah ee magaalada, dadkuna ay su'aalo fara badan weydiinayeen.

mawduucyada ay culimadaasi xoogga saartay ayaa ahaa : ilaalinta dhaqanka suubban ee Islaamka iyo ku dadaalidda barashada caqiidada Islaamka ee shardiga u ah camalka iyo cibaadada.

culimada ayaa waxay kale oo kulan la yeesheen culimada magaalada Badhan , kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Shiikh Cabdi xayi Sh.Muuse , Shiikh Qudubi ,Shiikh C/qaadir Axmed Ismaaciil iyo  Shiikh  Siciid Cismaan .

saaka subaxnimadii ayey culimadaasi u anba baxday dhanka magaalada Hadaaftimo oo ay wacdi iyo muxaadarooyin ka jeedin doonaan. 

Waxanse aad uga xumahay warbixinta khaldan ee allpuntland lagu soo daabacay, ee wax u dhimaysa degaanada Puntland iyo xidhiidhka dadka walaalaha ah, iyadoo dhanka kalena aan waxba ka qorin dhibta ka jirta magaalada Gaalakacayo ee bendooda ku jirtey 3-da casho, Badhanna ka qortay warbixin aan jirin, waa su'aale kumay u warhaysaa Badhan iyo Gaalkacayo ? maxayse u huwatay magaca qaaliga ah ee la wadaago haddii ay sidaas u kala saarayso magaalooyinka dadka walaalaha wada yaalliin? mise allpuntland baan ahayn cidda aynu moodney.

Iyadoo horena u caadaysatay  been abuurka arimahan oo kale, kwaas oo ka dhcay Boosaaso iyo meelo kaleba.

Maxamud Ciyoon / Badhan.z
ciyoon10@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 30, 2005


Bishaaro : Kulankii 5-aad ee Kulaylaha 2005/1426H -Toronto

Waxaan Dhammaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee  ku nool North America ugu baaqaynaa in uu shirweynihii Kulankii 5-aad ee Kulaylaha 2005/1426H uu ka dhici doono dhawaan magaalada Toronto ee dalka Canada:

 
Taariikhda : Sabti July 2, 2005 & Axad July 3, 2005.
Waqtiga : 9:00 am illaa 10:30 pm.
Goobta : Toronto Congress Center
              650 Dixon Road , Toronto, Canada.
Gelitaanka : $ 10 (Labada Maalmoodba).
Babysitting: $ 5/Child (Maalinti).
 
Cuntadu waa Iib (qiimo jaban).
 
Cinwaanka Kulanka: Mustaqbalka Islaamkaa Leh.
 
Culimada Ku Martiqaadan waa:
  1. Sh. Maxamed M. Umal
  2. Sh. Maxamed Sh. Cismaan
  3. Sh. Mustafe X. Haaruun
  4. Sh.  Maxamed Idriis Axmed
  5. Sh. Cismaan X.  Madad
  6. Sh. C/raxmaan Sh. Cumar
  7. Sh. Bashir Yusuf Shiil
Waxaa kaloo ku martiqaadan shirkan odayaal iyo aqoonyahanno ka tirsan Jaaliyaddeenna.
 
" Walaalayaal Kororsada Aqoontiinna Diineed"
 
Wixii Faahfaahin ah nagala soo xiriira :
Tel. 416-745-2888 Ext. 0, Fax. 416-745-9360,
 
Bazaar Tables : Contact the Masjid @ 416-745-2888 Ext. 313.
 
" Gacmo Furan Ku Soo Dhawaada".

Silsiladdii Taariikhda Islaamka:
Qaybtii 11aad: Ka Akhri halkan... [W.D: Sh. C/risaq Macallim Abshir]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD