SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print


Dagaal Ka Dhacay Cabdalla Biroole

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com

June 2, 2005

  • Seddex qof oo midi caruuryahay ayaa ku geeriyootay, seddex kalana waa ay ku dhaawacmeen, kadib markuu dagaal ka dhacay tuulada c/dalla Biroole 

Dhimashada  seddexdaan qof iyo dhaawacan ayaa yimid ka dib markii ay is rasaaseen  ku dhex martay tuulada C/biroole oo 65 km kaga beegan dhanka galbeed magaalada kismaayo nin geestay fal dil ah bilowgii todobaadkan iyo niman loo xilsaaray soo qabashadiisa oo iyagu ka soo jeeda beesha ninka geeystay falka dilka ah,is rasaaseen socotay muddo saacado ah ayaa waxaa ku geeriyooday Sarkaalkii watay ciidamada oo lagu magacaabi jirey Dalmar Nuunow .

Hadaba dagaalka maanta ka dhacay tuulada cabdule biroole ayaa waxa lagu sheegay dagaal u dhaxeeya dad isku hayb ah balse dagaalka ayaa waxa uu gayestay qasaaro naf iyo maal leh.

Si kastooy ahaataba  waxaa haatan la keenay isbitaalka guud ee magaalda kismaayo  nin ku dhaawacmay dagaalka oo isagu ahaa ninkii la doonaayey in la soo qabto walaalkii oo dagaalka ku dhaawacmay waxaana uu haatan ku jiraa xabsiga isagoo dhaawac ah iyo dadkaloo rayid ah sida ay ii xaqiijiyeen qaar ka mid ah beesha ay ka soo jeedaan dadkani dagaalka dhex maray Odayaashooda oo ah beesha Cawramale ayagoo sheegay in ay ku raad joogaaan ninkii dambiilaha ahaa isla markaana ay soo qabandoonaan, waa siday warka u dhigeene. 

Ilo xog ogaal ah ayaa tibaaxaya in aan wali gacanta lagu soo dhigin ninkaasi falkaasi ka dambeeyey waxaana lagu wadaa in ay aadaan ciidamo ka socdo beeshiisa sidii kuwii horaan tagay beesha ee ku jiray baadi goobka ninkaas dembiga loo haysto.

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 2, 2005

Kenya oo sheegtay in dowlada Somaliya ay u guurayso Baydhabo iyo Jowhar
Wasiirka Iskaashiga gobolka iyo xiriirka caalamiga ah ee dalka Kenya Mr.John Koech ayaa sheegay in... Guji..

Shir wayn ay ONLF & OLF ku qabteen  Jarmalka
iyo Shir ku saabsan xadgudubyada xuquuqda aadnaha ee Ogaadeenya oo lagu qabtay Atlanta.. Guji...

Af-hayeenka Madaxweynaha: Dowladdu Wax Lug ah kuma Lahayn Dagaalkii  Baydhabo
»Bari-bari: Dawladu waa ka xuntahay Dagaalkii Baydhabo
»Maamulka Dooxada Jubba: Baydhabo ayaan geleynaa hadii...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji..

Warar Googoos ah:::
»Muqdisho: Aqoon isweydaasi ay qabatay SSUP
»Sweden: Hadal kasoo baxday gudiga sharcilaawayaasha
»Baydhabo: Baaq nabadeed ku wajahan baydhabo...
»Laanta Buur: Urur deeq gaarsiisey ciidanka laanta-buur
»Al-Islaax oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka
»Qaahira: Siminaar loo soo gabagabeeyey suxufiyiinta Afrika
Wararka oo dhan halkan ka akhri... Guji...

 

Siciid Tumaal oo Baaq kasoo Saaray Dilkii Khadar Cismaan Dhabar

Waraysi: Madaxweyne ku Xigeenka DGPL
Galkacyo: Qaylo dhaan ka soo yeertay Ceelka Yamayska

Garoowe: Xasan Abshir oo ka qayb qaadanaya caana shubka
Muqdisho: Kulan looga hadlay qaadisat Isbaarooyinka...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... May 28

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD