SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print


Wasiirka iskaashiga gobolka Dalka Kenya oo sheegay in dowlada Somaliya ay u guurayso Baydhabo iyo Jowhar.
Wasiirka Iskaashiga gobolka iyo xiriirka caalamiga ah ee dalka Kenya Mr.John Koech ayaa sheegay maanta in dowlada iyo baarlamaanka Somaliya ay dhawaan ka ambabaxayaan dalka kenya iyagoo ku sii jeeda magaalooyinka Jowhar iyo baydhabo oo ka mid ah dalka Somaliya.
 
Wasiirka oo maanta u waramayay Warbaahinta ayaa intaas ku daray in dowladaha IGAD iyo kuwa caalamiga ahba ay soo dhawaynayaan dib u guurista dowlada iyo baarlamaanka,si ay uga howlgalaan dalkooda Somaliya ka dib markii dib u heshiisiin socotay muddo laba sano ah ay ku guulaysteen ergooyinka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiintaba in la helo dowlad iyo baarlamaan iyadoo beesha caalamka iyo dowladaha urur goboledka IGAD-ba  ku garab taagnaayeen dhiirigalin Nabadeed iyo dhaqaale sida uu hadalka u dhigay Mr.John Koech Nabad ku soo dabaalida dalka Somaliya awgeed.
 
Wax ka yar laba todobaad ayaa laga yaabaa in ay ku qaadato sii joogitaankooda Labada Golle dalka kenya iyo Mas'uuliyiintoodaba ayaa ka mid ahaa hadaladii uu maanta sheegay wasiirka gobolka,waxa uuna xusay in qaar ka mid ah labada golle oo ku sugan dalka soomaaliya ay tababarayaan Maliishiyaadkii dagaalka iyadoo ay joogaan ciidamadii hore ee milatariga taasna waa guul wayn oo laga fili karo in ay keento Amaan ka dhashay dalka Soomaaliya.
 
Dalka Kenya iyo Dowlada Somaliya.

Dowlada kenya waxa ay horay dhowr jeer ugu celcelisay in ay ka baxaan dowlada iyo baarlamankeeda dalka kenya,si loo arko wax qabadkooda,waxa ayna u qabteen ugu dambayn bishan juun tobankeeda oo maalmo ay harsan yihiin,sidan si la mid ah ayay beesha caalamku u sheegtay in labada Golle u guuraan dalka gudahiisa hadii kale aysan wax taageero ah siin doonin.
 
Dowlada Somaliya Tixgalin badan kuma lahan dalka Kenya,waxa ayna diblomaasiyiin la socda shirka Somaliya iyo siyaasada wadamada dariska ahi sheegayaan in Dowlada Kenya aysan waxba ka qabanin khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay mas'uuliyiinta ugu sareeya labada golle,taas oo keentay aaqiritaankii in ay noqdaan laba quwadood oo ku tartamaya Hanasho dhuleed oo ay ka taliyaan halkaas oo ay marwalba waxyeelo ugu gaysanayaan shacabkii ka sugayay wax qabad iyo Nabad ka dhalata dalka.
 
IGAD waxa ay si wayn idhaha ugu hayaan xaalada dalka soomaaliya marayo,iyo in dowladii ay soo dhiseen xaalad walba ha ku dhacdee ay hadda tahay laba garab,xalka u furnaa IGAD waxa ay ahayd in ay u furaan albaab kale oo wadahal ku dhisan si loo yareeyo mucaaradnimada ay isku muujinayaan Qaybaha dowlada iyo baarlamaanka ugu sareeya,laakiin taas malahan wali wax ka soo muuqda ama u eg xalinta khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan dowlada iyo baarlamaanka oo awood sheegad iskugu maqan dalka gudahiisa.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
Email:
canabmumtaz@yahoo.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2005

Shir wayn ay ONLF & OLF ku qabteen  Jarmalka
iyo Shir ku saabsan xadgudubyada xuquuqda aadnaha ee Ogaadeenya oo lagu qabtay Atlanta.. Guji...

Af-hayeenka Madaxweynaha: Dowladdu Wax Lug ah kuma Lahayn Dagaalkii  Baydhabo
»Bari-bari: Dawladu waa ka xuntahay Dagaalkii Baydhabo
»Maamulka Dooxada Jubba: Baydhabo ayaan geleynaa hadii...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji..

Warar Googoos ah:::
»Muqdisho: Aqoon isweydaasi ay qabatay SSUP
»Sweden: Hadal kasoo baxday gudiga sharcilaawayaasha
»Baydhabo: Baaq nabadeed ku wajahan baydhabo...
»Laanta Buur: Urur deeq gaarsiisey ciidanka laanta-buur
»Al-Islaax oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka
»Qaahira: Siminaar loo soo gabagabeeyey suxufiyiinta Afrika
Wararka oo dhan halkan ka akhri... Guji...

 

 

Siciid Tumaal oo Baaq kasoo Saaray Dilkii Khadar Cismaan Dhabar

Waraysi: Madaxweyne ku Xigeenka DGPL
Galkacyo: Qaylo dhaan ka soo yeertay Ceelka Yamayska

Garoowe: Xasan Abshir oo ka qayb qaadanaya caana shubka
Muqdisho: Kulan looga hadlay qaadisat Isbaarooyinka...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... May 28

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD