SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Waqooyiga Ameerika iyo Wadida Baabuurta Waaweyn (Qaybtii Labaad)

YUSUF SHABAC II
yusufshaba@yahoo.com

Qaybtii 1aad  ka akhri halkan... GUJI..


Ka dib markii aan fariimo badan aan ka helay akhristeyaal Soomaaliyeed oo ku nool meelo fara badan oo ka mid ah Waqooyiga Ameerika, waxa aan go’aan saday in aan sii kordhiyo akhbaarta la xiriirta ka shaqaysiga baabuurta Waaweyn.

Wadida baabuurta waaweyn waa shaqo socota toddobo maalmood isbuucii, afar iyo labaatan saac, inkasta oo ay jiraan sharciyo kuu diidaya in aad waddo baabuurta waaweyn inka badan toban saac oo xiriir ah. Maadaama ay tahay nolol adag, waxa haboon in uu qofku galo ka shaqaysiga baabuurta waaweyn isaga oo leh qorshe xadidan, sida adiga oo raba in aad iska bixiso deen fara badan, ama aad iibsato guri iyo gaari fiican, ama guryo iyo ganacsi u dhisto kuwii aad jecleyd ee weli ku maqan dhulkii hooyo. Ama adiga oo doonaya in aad guursato gabar qaali ah, oo weliba doonaya in aad u dhigto aroos gaaleed qaali ah. Waxa aad kala kulmeysaa daal fara badan, uskag iyo nafaqo daro, dhafar aan caadi ahayn, qayli joogto ah, cabsi iyo cidlo ilaah laga magan galo, laakin waxa aad rafaadkan aad ka dhaxleysaa in ay kusoo galaan qarash fara badan oo aad ugu faraxdo maadaama aad dadaashey, laakinse waxba kuuma hagaagayaan haddii aadan lahayn qorshe xadidan oo ku eg muddo sanad iyo seddex sano. Waxa uu ilaah ku yiri Qu’raanka, gaar ahaan suurad Luqmaan “Wa aqsid fii mashyik” meel welba oo aad u sodcaaleyso ha noqoto meel ay dan kaa gashey. Marna ha wadin baabuurta waaweyn adigoo leh balwad adag sida jaadka iyo khamrada, ama adiga oo ku xun beekhaaminta ama in lacag meel la dhigto, haddii kale, waxa uu wakhti kuu dhamaanayaa adiga oo aan waxba haysan oo weliba uu buufis ku hayo. Sidii aan ku soo sheegay maqaalkeygii hore, wax lacag ah lagama sameeyo baabuurta waaweyn inta aad ka yeelaneyso khibrad fiican oo gaaraysa illaa lix bilood. Waxa ugu badan ee kusoo galaa waxa uu noqdaa $590 illaa $670 isbuucii adiga oo shaqeeyey toddobo maalmood habeen iyo maalin, oo weliba ka fog reerkaagii iyo asxaabtaadii. Sidaa awgeed waxa lagama maarmaan ah, in aad usoo diyaar garawdid adiga oo diyaar ah ilaahna talo saartey. Maxaa yeelay qofkii alla talo saarto ma hungoobo.

Marka uu qofka soo qaato laysinka darawalnimada, waxa markiiba la soo xiriira shirkado waaweyn, waxa shirkadahaas ugu caansan “Swift” iyo kuwa kale oo fara badan, inta ay qofka shaqaaleyn ka hor waxa ay ka qaadaan imtixaan darawalnimo ah, haddii uu ku barmooso waxa ay misana u diraan in kaadida qofka laga soo baaro daroogo, haddii uu labadaa ku barmooso, waa ay shaqaaleeyaan, marka ay qofka shaqaaleeyaan ka dib waxa ay raaciyaan qof ka mid ah darawaladooda khibrada durugsan u leh qawaaniinta shirkada iyo qawaaniinta gobolada kala duwan. Qofkaas waxa uu tababaraa illaa iyo shan isbuuc, shantaa isbuuc qofka waxa uu shaqaayee badanaa toddobo maalmood isbuucii waxaana la siiyaa $300 oo kaliya. Badanaa lagama ogolaado in uu reerkiisii soo booqdo illaa uu u dhamaado tababarkiisa. Shantaa isbuuc waxa uu badanaa booqasho uu ku tagaa koonfur illaa waqooyi sida Florida illaa Minnesta, ama Bari iyo Galbeed sida Maine illaa iyo Los Angles California. Marka uu u soo dhamaado tababarkaa ka dib waxa misana laga qaadaa labadii imtixaan oo kale daroogada iyo darawalnimada, markaa ka dib ayaa qofkii la siiyaa gaari uu ku qoran yahay magaciisa.

Waxa jira su’aalo la weydiiyo shirkada aad u shaqo doonaneysid, waxaana ka mid ah: In ay shaqaalohooda siiyaan daryeel caafimaad, oo wata kaarkii ilkaha, lacagta ay kugu qaadanayaan, qaarkood waxa ay darawalada cusub ku shaqaaleeyaan “26 cents a mile” lix iyo labaatan senti, qaarkoodna waxa ay darawalada cusub ku qaataan, “30 cents a mile” qaarna waxa ay ku siinayaan “20 cents a mile, adiga ayey kugu xiran tahay hadba sida aad u baadi goobtid kuwa ugu lacagta badan. Iska weydii inta jeer ay kuu ogol yihiin in aad aaddo xaafadaadii, maxaa yeelay qaarkood waxa ay kuu dirayaan meelo fog fog oo aan marna kuu ogolaaneyn in aad soo booqatid xaafadaadii. Waxa aad weydiisaa in ay leeyihiin, “Toll cards” Laga soo bilaabo Kalifornia illaa iyo Maine waxa jira buundooyin iyo jidad lacag lagu maro, shirkadaha qaar, waxa ay darawaladooda siiyaan kaararkii ay lacagtaas ku bixin lahaayeen, qaarkoodna waxa ay darawalada ka codsadaan in ay lacagahaas ka sii bixiyaan jeebkooda, si ay mar kale ama goor dambe dib u siiyaan. Waxa aad weydiisa waxa ay qaadaan, iyo shirkadaha ay u qaadaan, iyo meelaha ay u badan yihiin. Sida aad la socotaan Maraykanka shacbigiisa ugu badan waxa ay ku nool yihiin Bariga Maraykanka, sida; Boston MA, New York NY, Nework New Jersey, Philadelphia PA. Hartford CT. Cleveland Ohio, Baltimore Maryland, Charleston West Virginia, Washington DC. $70% Toddobaatan boqolkiiba shacbiga Maraykanka waxa ay ku nool yihiin magaalooyinkaas aan soo sheegay, waana magaalooyin duq ah, oo la dhisay labo boqol oo sano ka hor, oo aan loogu talo galin in ay maraan baabuurta waaweyn. Waxa weliba bariga sii jira Gobolka ugu weyn Kanada ee Ontario. Waxa cadaab ah, in allaab la geeyo ama laga soo qaado magaalada New York ee gobolka New York. Ugu dambeyn waxa aad weydiisaa alaabaha ay qaadaan, xusuusta ku hay, shirkadaha leh tareelooyinka sharqama ama leh fintijeerka “Reefer” waxa ay badanaa ka baayac mushtaraan daad gureynta iyo qaadida hilibka iyo cabitaanka fud-fudud. Taas oo ay macneheedu tahay in ay ku weydiisan doonaan in aad qaado hilib doofar iyo khamro. Lacagta xaggan kaasoo gashana waa xaaraam oo ma saddoqeysan kartid, mana ku xajin kartid.

Gobol walba oo ka mid ah Kanada iyo Maraykanka waxa ay leeyihiin shuruuc u gaar ah, khaasatan marka aad waddo baabuurta waaweyn. Waxa ugu dhib badan gobolka Maine iyo gobolka California. Gobolka Maine waa duq, oo ma jecla baabuurta waaweyn, askartoodana waxaa laga biilaa ganaaxa laga qaado darawalada baabuurta waaweyn. California waxa ay leeyihiin buundooyin gaagaaban, taas oo keentay in ay dejiyaan 1800 oo sharci si ay u ilaaliyaan bur-burka ku iman kara buundooyinkaas, dhanka kale si ay ciqaabaan ama u ganaaxaan baabuurta waaweyn. Tareelada waa in la yareeya xajmiga iyo dhererkooda marka la galayo California haddii kale waxa ay dadka ka qaadaan lacag badan. Ohio, Michigan, Ilinios, iyo California waxa ay ayana yareeyeen xawaaraha ay ku socon karaan baabuurta waaweyn oo waxa ay yiraahdeen waa in ay baabuurta waaweyn ku socdaan “55” mile per hour. Haddii aad shan kale ku darto waxa lagaa qaadayaa ganaax. Waxa aad si xasiloon uga digtoonaataa diiwaan gelinta saacadaha shaqada in aadan been ka sheegin ama aadan ka badsan saacadaha laguugu talo galay in aad waddo baabuurta, maxaa yeelay haddii kale waxaa laguugu ganaaxayaa illaa iyo Laba kun oo doolar, waxaana laguugu xukminayaa in aad fadhido hal meel in ka badan siddeed saac oo xiriir ah. Gobol walba waxa uu leeyahay meelo lagu cabiro baabuurta waaweyn, “Weigh Station” marka aad geleyso gobol cusub ama aad ka baxayso gobol kale, waa in aad joogsataa oo la eegaa saacadihii aad wadday baabuurka, xajmiga ama culeyska taraaga iyo tareelaha, iyo in uu gaarigu yahay mid istaahila gobolkaas oo u socon kara si fiican. Haddii uu nal kaa jaban yahay waa ganaax, haddii uu culeyskiisu badan yahay waa ganaax, haddii ay wax ka qaldan diiwan gelinta saacadaha shaqada waa ganaax, haddii aadan sidan ogolaanshaha gelista gobolkasta iyaduna waa ganaax kale.

Qaybtii Seddexaad::

Shirkadaha loo wado baabuurta waaweyn, ma jecla in uu darawalku ka tago sidaa awgeed, waxa ay si toos ah ula xiriiraan shirkad la yiraahdo “DAC’ shirkadaas oo diiwan gelisa darawalka kasta marka uu sameeyo khalad ama uu dhib u geysto xamuulka uu sido ama taraaga, haddii ay noqon lahayd in uu ku dhufto gaari kale, ama jabiyo tabbeele, ama la siiyo tikidh la xiriira “Speed” ama Moving violation guud. Marka aad shirkaddaas ka tagto badana ma heleysid cid kale oo ku shaqaaleysa haddii aad leedahay “DAC” xun.

Gawaarida waaweyn waxa ay leeyihiin sariiro fiican, meel la gashto Talafishin-Viidiyo, iyo qaboojiye, meel la gashto dharka ama la surto, waxa ay intooda badan leeyihiin laba sariir, si aad mar-mar u kaxaysid ciyaalkaaga ama xaaskaaga haddii aad doonto. Xiliyada qaboobaha waxa ay leeyihiin kuleyliye, oo waa in aad seexataa gaariga oo shidan, xiliyada kuleylahana waxa ay leeyihiin qaboojiye sidaa awgeed waa in aad dhexseexataa gaariga oo shidan. Mar haddii aad la qabsato kuma dhibayso shanqartaa oo dhan. Inkasta oo haatan la soo saarey “Hydro Heater” oo aad ka bixineyso lacag yar, kaas oo saamaxaya in uu gaarigaagii kuu damsanaado adiga oo heliya qaboojiye iyo kululeeye. Shirkadaha qaarkood waxa ay sameeyaan, “Banker Heater” waxa kululaanaya sariirtaadii adiga oo uu ku damsan yahay gaariga si ay markaa shirkadaha qaarkood u dhowraan shidaalka uga baxa baabuurta. Waxa ay darawaladu ku hakadaan, joogsadaan ama ku nastaan seddex meel, meesha ay allaabta geynayaa daaradooda, “Destination Hub” meelaha loo yaqaano “Rest Area” iyo meelaha ay istaagaan oo ay ku nastaan wax badan oo ah, “Travel Centers of America” meelaha taraak istoobyada waxa laga helaa shidaal, musqulo lagu qubeysto, meelo lagu dhaqdo dharka, filmaan la daawado, meelo lagu jimicsado ama laysugu mariyo masaajo, takhaatiir si deg-deg kuu arki karta, meelo timaha laysaga jaro, isgaarsiin sida fakis, internet iyo taleefano la isticmaalo, meelo lagu sarifo lacagaha iyo jeegaga iyo weliba meelo lagu ciyaaro Geemam. Ragga darawalada qaarkood ama intooda badan waxa ay ku kaadshaan caagag yar yar, waxa ay ku weyseystaan gaariga dhiniciisa inta badana waxa ay ku tukudaan gaariga dhexdiisa.

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..


Halista Joogtada ah oo ay la kulmaan waxa ka mid ah: Buuraha ku yaala North Carolina, Montana, Idaho, Colorado, Washington, California, Oregon, Utah, New Mexico, iyo Meelo ka mid ah Vermont. Buuraha marka ay fuulaan darawalada waxa misana ay u degaan hoos, haddii ay ceshaan ama ay isku dayaan in ay xakameeyaan gaariga iyaga oo dhulka ku xejinaya bareega, waxa gaarigii weynaa ka dhamaanayaa “Air Brake” hawada bareega dabadeedna waxa gubanaya bareega taraaga iyo tareelaha, ka dibna qaab loo cesho iska dhaafee waxa uu qofkii dhimanayaa isaga oo ololaya. Laakin, marka si fiican laguu tababaro, waxa kuu baxaysa farsamooyin kale. Waxa jira buundooyin gaaban, taraagyada ma dhex mari karaan buundo ka gaaban, “13’6” marmarka qaar sida uu darawalka isaga wado gaariga ayuu ku imanaya buundo gaaban, haddii uusan ka fiirsan waxa uu ku rakanayaa meel dhex, gaarigii iyo buundadiina waxa ay noqoneysaa ka kac. Waxaa jira dabeelo xoog badan, oo aad kula kulmeyso, Florida, Georgia, Oklahoma, Arkansas, Louisiana, Norfolk Virginia, iyo meelo ka mid qalbiga Kanada.oo mar-mar adiga iyo gaarigaaba dhinac dhinac idiin tuuraya. Waxa kale oo ah halis laga digtoonaado xayawaano fara badan oo ku nool Galbeedka Maraykanka iyo Waqooyiga Kanada, waa xayawaano waaweyn oo aan horey loogu arag gayigeenii, kuwaas oo aan ka baqayn in uu gaarigu waxyeelo, mar-mar iyagaaba isu kaa dhigaya markaas buu gaarigu kula gaddoomayaa. Haddii laguu diro Mexico, waxa laga baqaa qolyo qaxooti ah, oo ku dhuunta tareelahaaga, kuwa loo yaqaa, “Uerro” oo tuugo ah, kuwaas oo si joogto ah u dila darawalada, dhacana hantida qaaliga ah ee aad siddo. Gobolka Arizona iyo New Mexico waxaa jira masas sun badan, oo ku qaniini kara adiga oo iska tukanaya ama xaajadaada gudanaya. Waxa aad looga welwelaa baraf kugu helay Montana, North Dakota, Colorado, iyo Maine maxaa yeelay waxa laga yaabaa in aad isbuuc ku dhan aad fadhidid dhulkaas. Roobabka ka da’a Spokaan illaa Seattle Washington, ama Vancouver Kanada ma ahan wax caadi ah, oo waxa laga yaaba in aysan kala go’in ba.

Qaybtii 1aad  ka akhri halkan... GUJI..

YUSUF SHABAC II
yusufshaba@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida Somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 11, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD