SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 
Wasiiradda Haweenka Iyo A/Qoyska oo ka Qaybgalaysa Shirka ka dhacaya Jabuuti oo looga hadlayo FGM.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Nairobi
Email:
canabmumtaz@hotmail.com | Jan 30, 2005

 
Shirkan oo ah mid ay marti galisay dowladda jabuuti waxaa soo qaban qaabiyay hay'adaha u dooda joojinta Gudniinta Fircooniga ah(FGM) waxaana ka soo qayb galaya wadamo badan oo dunida sadexaad ah.
 
Shirkan oo ay magaca soomaaliye ku matali doonto wasiiradda Arrimaha Haweenka iyo Qoyska Dr.Fowsiya ayay ku soo bandhigi doontaa dhibka uu nooca gudniinkan fircooniga ku hayo haweenka soomaaliyeed iyo sidii loo cirib tiri lahaa.
 
Shirkaan oo furmaya maalinta talaada ah ee waxa ay wasiirada iyo xubno ka mid ah Baarlamaanka ka ambaxayaan caawa magaalada Nairbi.
 
Kulamada noocan ah waxaa ka qayb gali jiray Ururo Haween soomaaliyeed ah oo samastay dallado ay ku midaysan yihiin iyagoo samayn jiray siminaaro iyo barnaamijyo wacyi galineed oo ku aadan dhibka uu leeyahay Gudniinta Fircooniga oo ay waayadan dambe socoto olole balaaran oo looga soo horjeedo gudniinkan ayna wadaan ururo ka ka socda Qaramada Midoobay iyo kuwo.
 
Munaasabad Casuumaad ah oo ay wasiirada haweenka u samaysan haweenka iyo barlamaanka maanta.
 
Dr.Fowsiya Sh Xasan ayaa maanta u samaysay casuumaad Qaar ka mid ah Baarlamaanka,Gollaha wasiirada iyo Haweenka waxa  ayna ku soo bandhigtay barnaamijyadka ay ku shaqayn doonto wasaaradeeda Arrimaha Haweenka Iyo Qoyska mustaqbalka dhaw.
 
Munaasabadan oo ka dhacday hotelka Garand Regency waxaa ka hadlay haweenka ku jira barlamaanka Qaarkood oo sheegay in ay taageersan yihiin wasiirada kuna garab istaagi doonaan xilkeeda wasiirnimo ee ay u hayso wasaarada haweenka  iyo caruurta arrimahooda ka shaqaysa,waxayna u balan qaadeen in taageero iyo la shaqayn buuxda u fidin doonaan sida ay hadalka u dhigeen.

Xubnihii lagu casuumay waxaa mid ahaa Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee baarlamaanka Prof maxmad Cumar Dhalxa oo aad si aad ah uga hadlay Kaalinta haweenka ay ku leeyihiin Mujtamaca soomaaliyeed dhexdiisa waxa uuna intaas ku daray inhaweenka looga baahan yahay in ay ka qayb qaataan dhismaha dalka iyo badbaaadinta mustaqabalka soomaaliyeed oo ay dowr muhiim ah ku leeyihiin haweenka hadii ay si sax ah u gutaan waxa uuna u rajeeyay wasiirada in ay u istaagto danaha inta u nugul nabada oo ay ka mid yihiin haweeenka iyo caruurta wax badan ka qabato iyadoo adeegsanaysa dib u heshiisiin iyo dhexdhaaxin.
 
Haweenkii ka hadlay oo aad u badnaa waxa ay dhamaantood xuseen sida looga baahan yahay haweenay walba in ay qoriga ka dhigto wiilkeeda iyo odaygeedaba una horseedo nabad ay ku wada noolaadaan guud ahaan shacabka soomaaliyeed,waxayna u soo jeediyeen dowladda iyo barlamaankaba in ay dagdag ku tagaan dalka oo ay badbadiyaan maatada dhamanaysa.
 
Wasiiradda Arimaha haweenka iyo Qoyska oo ugu dambayntii ka hadashay munaasabdaas ayaa ka hadashay arrimo badan oo quseeya wasaaradeeda waxayna soo bandhigtay in ay wasaaradeedu ku howlan tahay sidii ay wax badan uga qaban lahayn dhibaatooyinka haysta caruurta iyo haweeenka soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka iyo waliba meelo ka baxsan,qaar ka mid wasaaradaha kana mid yihiin wasaarad Caafimaadka iyo tan waxbarashada ayay ka dalbatay in siiyaan haweenka waxbarasho iyo caafimaad lacag la'aan ah oo loo baahan yahay in ay noqdaan wax qabadka ugu horeeya ee dowladda.
 
Munaasabadan waxa lagu soo gagabeeyay heeso,gabayo iyo suuugaan kale oo ay soo bandhigeen qaar ka mid ah fananiinta ku sugan Nairobi waxayn ku dhamaagtay hambalyo loo dirayay wasiiradda.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Nairobi
Email:
canabmumtaz@hotmail.com | Jan 30, 2005


Wasiirka Haweenka & Qoyska ee Jamhuuriyada Soomaaliya Ayaa qodo sharaf usamaysay Labada Gole ee Doowlada& Haweenka Soomaaliyeed,
 


Farxadii ay samaynayeen xubnaha wasiirada

wasiir xigaha warfaafinta Jele

wasiir xigaha warfaafinta

Waxaa kulankaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cumar Dalxa, isaga oo ku dheeraaday ka hadalka doorka muhiimka ah ee Haweenka Soomaaliyeed ku lahaayeen Xoriyadii iyo Gobonima doonkii siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya,waxa uuna hoosta ka xariiqay in haweenku yahay lama huraan , isagoo sheegay in Baarlamaanku aqoonsanyahay Doorka haweenka Soomaaliyeed,

 

Waxaa kaloo kulankaa ka hadlay Qorshaynta& Iskaashiga Caalamka, C/risaaq Cusmaan Xasan,Jurille, oo sheegay isaguna in uu ku dadaali Qorshaynta& Iskaashiga Caalamka, C/risaaq Cusmaan Xasan,dadaali doono in wasaaradiisu aysan ilaawi doonin  hurumarinta Haweenka,Soomaaliyeed,

 

Waxaa isaguna hadlay Wasiir ku xigeenka wasaarada Warfaafinta Salaad Cali Jeele oo si diiniyana uga hadlay, arimaha haweenka, sidoo kale waxaa hadlay wasiiro kale oo dhamaantood isla qiray doorka muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin bulshada Soomaaliyeed& Caalamkaba,

 

Waxaa sidoo kale goobtaa ka hadlay xubno ka tirsan haweenka Somaaliyeed eek u jira baarlamaanka oo iyaguna qiray muhiimada ay hooyooyinka Soomaaliyeed ku leeyihiin Bulshada dhaxdeeda,

 

Xidhibaanad Caasho Cabdulaahi Ciisse oo iyaduna Goobtaa ka hadashay waxa ay sheegtay Doorka Haweenka Soomaaliyeed iyo waajibaadka ka saran dalkooda iyadoo sheegtay dhibicda ugu danbaysa dhiigfooda in ay u hurayaan, Dalkooda, Xidhibaanadu waxa ay sheegtay in ay taageero hiil& hooba lah la dhinac joogaan Wasiirada iyo Doowladaba,

 

Waxaa iyana Goobtaa ka wasiirka Haweenka& Daryeelka Qoyska,Drs Foowziyo Maxamed Shiiq, oo xustay ujeedada qada ee manta in ay tahay in ay is bartaan haweenka Soomaaliyeed ee ay utahay wasiirada iyadoo halkaa ka sheegtay,

 

Waxa aan ka Codsanayaa Wasiirada Caafimaadka,Waxbarashada iyo Iskashiga Horumarintaba in ay ku dadaal Waxbarasshada, Caafimaadka sidii ay haweenka Soomaaliyed uga xaqab tirmi lahaayeen,

 

Wasiiradu waxa ay mahad naq aad u balaaran u soo jeedisay wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Salaad Cali Jeele oo ay ku amaantay Doorkii uu ku lahaa in haweenka Soomaaliyeed helaan xaqooda,

 

Guud ahaan jawiga Xaflada ayaa ku dhamaaday Farxad iyo ranreen iyadoo Gabagabadii halkaa lagu soo bandhigay Qoob ka Ciyaar lagu sagootinayo wasiirka qoysa oo iyadu ka qayb galaysay, shir haweenka Gobolka uga Furmaya Jabuuti maalinka Barito ah,

 

 

Kulankan waxaa goob jog ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cumar Dalxa,Wasiirka Qorshaynta& Iskaashiga Caalamka, C/risaaq Cusmaan Xasan,Wasiirka Garsoorka, Sh Adan Maxamed Nuur Sh Adan Madoobe,Wasiirka Tastuurka& Arimaha Federaalka,Cabdalla Deeroow Isaaq,Wasiirka Waxbarashada Calo Cosble Siyaad,Wasiirka Tamarta Maxamed Nuuraani Bakar,Wasiirka Gaadiidka&Cirka& Dhulka Ibraahin,Adam Xasan,

Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta,Salaad Cali jeele,

 

Waxaa kaloo kulanka Joogay Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee u badan Dumar iyo Martyi sharaf kaloo badan,

 

Kulankan waxaan ka soo xaadirin wasiirada kale ee ah haweenka sida Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada Drs Fahmo Axmed Nuur, Qorshaynta& Iskaashiga Caalamka, Deeqa,Col ujoog,Hidaha& Tacliinta,Qadiijo Maxamed Diiriye,

 

Mar aan waydiiyay wasiirka Qoyska waxa ay ii sheegtay in ay ku maqanyihiin Shaqo,

Waxaase joogay Goobta ku Xigeenka Wasiirka Qoyska,Sahra C/qaadir,C/rixmaan,

 

Haweenka Soomaaliyeed waxa ay soomareen dhibaatooyin aan lagu soo koobikarin qalin iyo warqad iyagoo xaaladii adkeed ee wadanka Soomaaliya,Soomaray 14 Sanadood,

 

Haweenka Soomaaliya waxa ay wada hayeen Xilkii aabaha iyo Hooyada iyagoo raga Soomaaliyeed marki ay dagaalamayeen Ama Gidaarada ku qayilayeen ku jiray Barbaarinta Ilmaha Soomaaliyeed,

 
 
axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya, Nairobi

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 30, 2005


"Qaadkii" oo Ku yaraaday Kismaayo
» Kismaayo: Cashuur Dheeraad oo lagu Soo rogey Qaadka
» Labo qof  oo habeen hore lagu dhaawacay kismaayo
» Beesha Gabooyaha oo Mar Labaad Ka Qaday Dawlada PL
» Beesha Tanade oo Warqad Furan u Diray Gen. Cadde
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. Jan 30

MPLS Shir looga soo hor jeedo dacwada Cali Samantar

Cabdullaahi Yuusuf oo u Dhoofay Nayjeeriya
Madaxweynaha DFKMG ah, Gudoomiyaha baarlamaanka Iyo wafdi ay  hogaaminayaan oo ka Ambaxay Nairobi.. Guji.. Jan 29

Samsam oo CID Hargeysa ay markale Xabsiga kala Baxeen
»Wafti Ka Socda UN-ka oo Hargeysa u tegaya Arinta Samsam
»Samsam hooyadeed oo la jir diley kadib markii ay...
warka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. Jan 29

Cisbitaalkii u Horeeyay ee Dhimirka oo Boorama laga Furay
G/xigeenka Gobolka Awdal ayaa Boorame xadhiga kaga  jaray isbitaalkii u horeeyay ee xanuunka maskaxda.. Guji.. Jan 28

Cadowga Itoobiya oo dad ku laayay gobolka Doollo
ka akhri wararkii radi Xorriyo...
 Guji.. jan 28

Liis lagu Aruurinayo Saraakiishii Xoogga Dalka
» Nairobi oo ay kasocoto liis lagu ururinayo Saraakiishii XDS
» Wasiiro iyo Xildhibaano baaq u diray Sacad iyo Suleebaan
» Dil ka dhacay Mogadishu oo ay ku dhinteen laba qof
Wararkan oo dhan ka akhri halkan... Guji... Jan 27

Urur ay Magacaabeen Ardayda Somaliland ee Karachi
Warbixintii Maxamed Diridhaba... Guji... jan 27

Video Xaafuun: Daawo  dialup | broadband [VOA]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD