SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 
  • Kismaayo: Barre Garweyne oo La Dhaawacay
  • Cashuur Dheeraad ah oo Lagu Soo Rogey Qaadka Kismaayo

Labo qof ayaa  si xun loogu dhaawacay xaafada dalacada ee magaalada kismaayo kadib markii maleeshiyo hubaysan oo maas-garaati ah ay rasaas la beegsadeen ayagoo markaa ku sugnaa meel maqaayad ah oo ay shaah ka cabayeen

Jan 30, 2005

Labadaan qof oo ay habeenimadii Sabtida maleeshida rasaaseysay ayaa waxaa ka mid ahaa nin lagu magacaabo Barre garweyne oo ka mid ah maamulka isbahaysiga dooxaga jubba ayadoo marka ay maleeshiyada rasaaseynaysayna ay ku sugnaayeen meel maqaaxi ah oo shaaha laga cabo,

Lama garanayo sababta dhabta ah ee ka danbaysa dhaawaca dadkan loo gayestay ayadoo aan sidoo kale lagaraneyn cida falkan gaysatay waloow ay jiraan baaritaan xoogan oo loogu jiro sidii loo heli lahaa dadkii falkaan gayestay,

Hadaba dadka falkaan gayestay ayaa waxay ahaayeen dad ay wajiyada u daboolnayeen oo masgaraati ah waxayna ku hubayesnayeen qoryaha fudud oo loo yaqaano ak 47 waxaana dadkii dhaawaca ahaa la geeyay isbitaalka guud ee magaalada kismaayo ayadoo xaaladooda caafimaad ay wanaagsantahay.

Waa markii ugu horaysay oo fal cayen kan oo kale ah oo ay fulinyaan dad maasgarataysan lagu dhaawaco ama lagu waxyeeleyo dadka ku dhaqan magaalada kismaayo gaar ahaan xubno ka tirsan maamulka isbahaysiga dooxada jubba tan iyo intii magaalada kismaayo ay kacanta ku hayeen maamulka isbahaysiga dooxada jubba.

Muran ka taagaan Cashuurta Qaadka

Dhanka kale waxaa wali muran ka jiraa qaabka uu maamulka isbahaysiga uu u qoondeeyay qaadida lacagta canshuurta ah ee laga qaadayo Qaadka soo gala magaalada kismaayo ayadoo ay Jimacadii ka mudaharadeen dadka ka ganacsada qaadka oo sheegayay in lagu badiyay lacagta canshuurta ah ee laga qaadayo qaadka.

Ayadoo Sabtidi shalayna laga dareemayay magaalada kismaayo Qaad la'aan taasoo daba socotay mudaharaadkii ay sameeyeen dadka ka ganacsada Qaadka oo doonaya in laga khafiifyo canshuurta adag ee laga qaadayo Qaadka maamulka isbahaysigana ay sheegeen in aysan kaga dabcinayen qiimaha canshuureed ee laga qaadayo Qaadka.

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliy
cabdiqadar84@hotmail.com


Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa u anbo baxay Abuuja Caawa iyagoo ka qayb galaya Shirkii Madaxwaynayaasha Afrik,

Jan 29, 2005

axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya, Nairobi

Madaxwaynaha oo gacanqaadaya Dadkii Sagootinayay

Dahir Mire & Wasir ku Xigaha Lacagta

Dr Sifi & Dr Mire Xaaji Farax

Madaxwaynaha iyo Raysul wasaaraha

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf iyo Wafdi uu hogaaminaya ayaa caawa u dhoofay Abuuja

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu horkacayo ayaa ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Nairobi waa Jooma Kenyatee,

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxa uu ka qaybgalayaa shirkii wadamada Afrika ee lagu qabanayo Abuuja.

Shirkaas waxaa lagu qaadaa dhigi doonaa Amuuraha Siyaasadeed, Dhaqaale, Caafimaad& Bulsho ee Afrika hore waxaa ujoogay Abuuja wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arimaha Dibada ee Soomaaliya Prof C/laahi Sh Ismaaciil,

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf waxa uu Shirar uga qaybgalay wadamada Itoobiya, Jabuuti, Suudaa, Yaman, Masar, Sacuudiga, Imaaradka Carabta,Qadar,

Madaxwaynuhu waxa uu waydiistay Beesha Caalamka Ciidamo wax ka qabta Amaanka,isla markaasna Tababaro ufura Maleeshiyada Soomaaliyeed,Ilaaliyana Deegaanka Doowlada,

Codsiga Madaxwaynaha Soomaaliya ee ku aadan Ciidamada wali Jawaab cad lagama Bixin inkastoo la isla Ogolaaday in Soomaaliya loo diro Ciidamo.

Shirka Abuuja waxaa la filayaa in Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ku waydiisto mar kalle Ciidamo Shisheye.

Wafdiga Madaxwaynaha Soomaaliya Madaxwayne Yusuf waxaa ka mid ahaa Raysulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Ahna Wasiirka Warfaafinta Dr Maxamuud Cabdulaahi Jaamac Sifir, Wasiiru Doowlaha Madaxtooyada Dr Qaalid Cumar Cali,Wasiir ku Xigeenka Lacagta, Dr Mire Xaaji Faarax,Xidhibaan Shariif Saalax,Xidhibaan,Maxamuud,Maxamed Xasan,Dr Daahir Mire,Cali Cabdi Guuleed,C/casiis Faarax,Guuleed,

Diyaarada Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Wafdigiisa waxaa laga Lahaa Wadanka Itoobiya, waxa ayna Caga Dhulka ka qaaday 7.55 Habeenimo Saacada Afrikada Bari ee Nairobi

Wafdiga Madaxwaynaha waxaa garoonka ku sii sakootiyay Raysul Wasaaraha Soomaaliya,Prof Cali Maxamed Geedi,Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,Sh Xasan Sh Adan Gudoomiye Ku Xigeenka koowaad Prof Maxamed Cumar Dalxa,Gudoomiye ku xigeenka Labaad Cismaan Cilmi Boqore,Gudoomiyaha Bankiga dhaxe Ee Soomaaliya Prof Maxamuud Maxamed Culusow,  Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afraxn Wasiirka Gaadiidka Dagedaha iyo Gaadiidka Badan Cali Ismaaciil Cabdi Giir, Wasiiru Doowlaha Xiriirka Baarlamaanka& Doowlada Prof C/rixmaan Xaaji Adan Ibbi,WasiirkaTamarta Maxamed Nuuraani Bakar, wasiirkaCaafimaadka Dr C/Casiis Sh Yuusuf,Wasiirka Dalxiiska& Duurjoogta Maxamed Maxamuud Xayd,Wasiirka Horumarinta Miyiga Maxamed Maxamuud Guuleed Gacmodheere, Wasiir ku xigaha Dhaqan Celinta maleeshiyooyinka Dr Xasan Isaaq Yacquub, Wasiiro& Xidhibaano ka Tirsan labada Gole ee Doowlada Soomaaliya& Dawayne Soomaaliyeed,


Madaxweynaha DFKMG ah, Gudoomiyaha baarlamaanka Iyo wafdi ay  hogaaminayaan oo ka Ambaxay magaalada Nairobi.

SomaliTalk.com | Nairobi | Jan 29, 2005
Canab Mumtaz | canabmumtaz@hotmail.com

 
Wafdigan oo u hogaaminayo Madaxweyne C/llaahi yuusuf Axmad waxay ka qayb gali doonaan kulanka Madaxweynayaasha ururka Midnimad afrika (AU) oo ka dhacaya Caasimada Abuuja ee Dalka Nayjeeriya.
 
Wafdiga ayaa ku hakan doona sida uu xaqiiyay wasiirka warfaafinta DFKMG ah ee somaliya oo khadka iigu wararamayay isagoo ku sugan garoonka magaalada Addis Ababa oo ay ka sii raaci doonaan diyaaradii gayn lahayd abuuja oo ah halka uu ka furmayo shirkaas Berri.
 
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirka Warfaafinta Maxamed C/laahi Sifir, Qaalid Cali Cumar oo ah Wasiiru dawladaha Madaxtooyada Mire Xaaji Faarax oo ah Wasiir ku xigeenka Lacagta iyo xubno kale.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmad waxa uu ururkaas uga war bixin doonaa Taageeradda ay ururkaa Dowladiisa uga baahan tahay oo ay ugu muhiimsan tahay xiligan Ciidamo Nabad ilaalineed oo dowladda gacan ka siiya Sidii ay hubka u Aruurin lahaayeen Codsigan la filayo in C/llaahi Yuusuf Hor dhigo urukaas waa mid hadda ka hor uu ka dalbaday AU in ay Dowlada cusub ee soomaaliya siiyaan Ciidamo Gaaraya  labaatan kun(20,000).

Wafdiga ayaa dib ugu soo laaban doona Nairobi Sadaxda bisha labaad kadib marka uu usoo dhamaado shirkaas sida uu xaqiijiyay wasiirka warfaafinta.

SomaliTalk.com | Nairobi | Jan 29, 2005
Canab Mumtaz | canabmumtaz@hotmail.com

Sixid: Waftiga kamid ma ahan Sh Xasan, 
 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 29, 2005


Cisbitaalkii u Horeeyay ee Dhimirka oo Boorama laga Furay
G/xigeenka Gobolka Awdal ayaa Boorame xadhiga kaga  jaray isbitaalkii u horeeyay ee xanuunka maskaxda.. Guji..

Cadowga Itoobiya oo dad ku laayay gobolka Doollo
ka akhri wararkii radi Xorriyo...
 Guji.. jan 28

Liis lagu Aruurinayo Saraakiishii Xoogga Dalka
» Nairobi oo ay kasocoto liis lagu ururinayo Saraakiishii XDS
» Wasiiro iyo Xildhibaano baaq u diray Sacad iyo Suleebaan
» Dil ka dhacay Mogadishu oo ay ku dhinteen laba qof
Wararkan oo dhan ka akhri halkan... Guji... Jan 27

Urur ay Magacaabeen Ardayda Somaliland ee Karachi
Warbixintii Maxamed Diridhaba... Guji... jan 27

Maxaabiis la isku weydaarsanayo Damale Xagare
» Warbixintii Maxamed Gaaxnuug ee Damale Xagare
»
Wasiirada DGPL oo lagu dhaariyey Garoowe
» Doorashadii ugu Horaysay ee Ururada Ardayda Puntland
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. Jan 27

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD