SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Barre Hiiraale oo Waraysi siiyeyey Somalitalk
  • Wasiirka arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo wareysi siiyey Sharq-Alwsat
  • Kulankii Golaha Wasiirada ee Maanta

Co.Barre Hiiraale: "Waan Xariirnay Moorgan Lakiin Kama Warqabo imaashahiisa uu Kismaayo sheegayo in uu imaanayo"

"Koonfurta waxaa ka shaqeyn doona isbahaysiga samata bixinta qaranka ee Balcad lagu soo dhisay hadii aysan dowladu shaqyenin."

SomaliTalk oo waraysi la yeelatay Xildhibaan Barre Hiiraale, waxaana waraysigaas qaaday Faysal Xaaji Siyaad Muumin oo jooga Kismaayo, waraysigiina sidan ayuu u dhacay:

SomaliTalk: Maxaa ka jira in aad xariir wada sameyseen adinka iyo general Morgan ? 

Xildhibaan Barre Hiiraale: Bismilahi raxmani raxiim adeer general Morgan waa uu ila soo xariiray si aan oga wada hadalno waxyaabahii inaga dhaxeeyay loona soo afmeero coladahii noo dhaxeeyay, wada hadalkana waan soo dhawaynay , general Morgan waxa uu ku suganyahay magaalada nayroobi maadaama aan isla joogin wada hadalka waxaan ku wareejiyay masuuliyiinta JVA da in ay kawada hadlaan wixii wada hadal ah waxayna ii sheegeen in ay kulankii kowaad ay wada yeesheen asaguna waxa uu codsay in laga wada hadlo wixii horay u dhacay . waana lasoo dhaweeyay . soomaalida oo dhan ayaa dib u heshiisiin ku jira cid diidaysana ma lahan. 

SomaliTalk: maxaa ka jira wararka sheegaya in uu Kismayo imaanayo general Morgan labada todobaad ee inagu soo foodleh,? 

Xildhibaan Barre Hiiraale: Ma aanan maqal waxaan ka maqlay saxaafada imaanshaha waxaa ka horeeya adeer in lawada hadlo wadahadal qoto dheer markaas kadib ayay imaan kartaa in uu yimaado iyo in uusan imaan labadaba. 

SomaliTalk: wadahadalada ay yeesheen masuuliyiinta JVA da  iyo general Morgan ayaa waxaa jira in uu yiri general Morgan waan heshiinay masuuliyiintaas waxa aana  tagaynaa aniga iyo xubno katirsan baarlamaanka magaalada Mismaayo arintaas maxaad ka qabtaa?  

Xildhibaan Barre Hiiraale: imaanshaha morgan ee Kismayo ma ahan mid lagu imaanayo afka ama war lagu qorayo saxaafada ee waxaa wax walba ka horeeya wadahadalka aan kor ku soo sheegay wax weyn ayaana na dhexmaray anaga iyo Morgan wax ka jirana malahan imaanshaha general Morgan. 

SomaliTalk: Waxaa jira warar sheegaya in masuuliyiin ka tirsan isbahaysiga oo ka soo horjeeda heshiis idin dhex mara adiga iyo ururka SPM ee uu hogaamiyo general Morgan? 

Xildhibaan Barre Hiiraale: maya adeer maya yaan JVA da masuuliyiinteeda laga beensheegin horay ayaan u sheegnay in cid kasta oo Somali ah meel kasta ha joogeen wax kasta ha ahaadaan oo nabad doonaya ama ha layila hadlo leh waa lasoo dhawaynayaa waana lala hadlayaa horay ayaana u cadaynay arintaas. Gogolo somaliyeed ayaanu fidinay dhowr-jeer oo aan ku doonayno wada jirka umada somaiyeed. 

SomaliTalk: waxaad sheegtay in aadan aqoon urur la dhaho SPM miyaysan ahayen kuwii kugula dagaalamay meelo badan oo ka mid ah gobolada jubooyinka ilaa iyo maantana saamayen siyaasadeed ku leh gobolka? 

Xildhibaan Barre Hiiraale: adeer wax urur la dhaho ma jiraan hada ururkaasna horay waa uu u jiray lakiin hada goboladaan kama jiro. 

SomaliTalk: Xildhibaan waxaa jira dadaalo ay wadaan qaar ka tirsan mas'uuliyiinta SPM oo doonaya in ay sameeyaan maamul goboleed ka hirgala goboladan jubooyinka ayadoo la filayo in kulan balaaran lagu qabto Bu'aale arintaas ma waadan la socon. 

Xildhibaan Barre Hiiraale: adeer Bu'aale masuuliyiinta isbahaysiga ayaa ku sugan raga ka taliyana waa rag isbahaysiga ka mid ah mana jiro maamul aanan ogeyn oo ka hirgali kara deegaanada aad sheegayso. 

SomaliTalk: hadii aan u soo laabano heshiiska la sheegayo inaad ku guda jirtaan adinka iyo generaal morgan hadii aad ku guulayesataan labadiina dhinac maadaama aad afar sano ku dagaalamayseen gacan ku hayenta gobolada jubooyinka, Malaga yaabaa in ay timaado cudud malitari oo idin kula hardanta goboladan? 

Xildhibaan Barre Hiiraale: cudud milatari way iska curan kartaa anaguna waxaan ilahay ka rajaynayaa in uusan somalida u celin cudud danbe iyo dagaalo kale oo uu u hirgaliyo dowladooda mana jiro xoog kale oo laga cabsi qabo in uu ka jabo goboladan maxaa yeelay konfurta waxaa ka shaqeyn doona isbahaysiga samata bixinta qaranka ee balcad lagu soo dhisay hadii aysan dowladu shaqyenin. 

Faysal Xaaji Siyaad Muumin
Kismaayo soomaaliya
faysalsiyaad@hotmail.com

WARARKII HORE EE KISMAAYO....


Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil: ”Waxaanu dooneynaa kaalmada Jaamacada Carabta si hubka looga dhigo 20 kun oo hubeysan”  

Waxaa tarjuntay; Ikraam Cali-kaar 

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa wareysi dheer uu siiyey wargeyska Sharq-Alwsat ee kasoo baxa magaalada London ku sheegay in xukuumaddiisu dooneyso sidii ay Jaamacada Carabtu dowr muuqda ugu yeelan laheyd dib u dhiska dalka. Waxaana uu sheegay iney jirto xirriiro lugu doonayo in dib loogu soo celiyo malafka la xirriira arrimaha Soomaaliya, shirka Jaamacadda Carabtu ku yeelaneyso magaalada Aljeris ee xarrunta dalkaasi Aljeeriya  bisha maarso ee fooda inugu soo heyso ka furmayo. Si loo hor dhigo suntuuqa dhaqaale ee Soomaaliya carabtu ugu talagashay taasoo qiimuhiisu ugu horeysa gaarayo qiyaastii lacag dhan 3 malyan oo doolarka Mareykanka ah.

Waxa kale oo uu sheegay wasiirku in xukuumaddiisu ay meel eber ah wax kasoo bilaabeyso si loo dhiso dhamaan adeegyadii bulshada iyo kaabayaashi dhaqaale ee bur burka baaxadda lihi ku dhacay  markii la riday xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre sanaddii 1991-kii. Taasoo uu ku tilmaamay mid aan sahlaneyn oo u baahan dhaqaale xoog leh. Dhanka kale isagoo ka hadlaya ahmiyada ay leedahay ciidamo hub ka dhigis ku sameeya 20-ka kun ee meleeshiyaadka kooxaha u hubeysan ee uu sheegay ayuu yiri ” Waxaanu dooneynaa in Jaamacadda Carabtu la shaqeyso ciidamadda Afrikanta ah ama kuwa kale ee caalamiga ah, si xukuumadda Geedi ay u suuragasho in dalka dib ugu laabato iyadoo amni jirro markaasina ka howlgasho dalkeeda”. 

”Annagu markasta waanu soo dhaweynanaa joogitaanta ciidamo carbeed” ayuu misna sii daba dhigay hadalkiisa isgoo muujinaya sida ay u daneynayaan in jaamacadda Carabtu dowr muuqda ku yeelato dibu dhiska guud ahaan Soomaaliyada dagaalada sokeeye jilaafteen.

Wasiirku waxaa kale oo u sheegay wargeyska in xukuumaddiisa dooneyso taageerada Jaamacadda Carabta si dib loo soo celiyo ilihii dhaqaale iyo nabadgalyadii luntay,tanina wuxuu xusay iney jirto xirriir labada dhinac u dhaxeeya oo wadashaqeyn iyo wadahadal toos ah si Soomaaliya u hesho kaalmo caalami ah xilliga adag ee kala guurka. Jaamacada Carabtu dalalka ku jira waa kuwa si deg deg ah guulaha ugu dabaaldaga wixii lasoo hordhigana aqbala balse aan waxba qaban” ayuu yiri wasiirku isagoo si u muujinayey balanqaadyada beenta ah ee carabta waxna aan kasoo naas cadaan. Waxaana hadalka uu sii daba dhigay iney wadayaan cadaadiska ay saarayaan kooxaha carabta si ay meel u mariyaan waajibaadka kasaaran arrimaha Soomaaliya.

Kulaabashada dalka ee xukuumadiisa ayuu wasiirku xusay ineysan sahlananeyn oo wasiiraddu aaney qaarkood ka iman Paris iyo Roma waa sida uu hadalka u dhigay, balse waxa uu sheegay in go’aanka  waqtiga lugu laabanayo dalka ay u taalo xukuumada. Waxaase wuxuu wax kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in dalalka Itoobiya iyo Kenya ay farogelin ku heyaan arrimaha Soomaalida. 

”Dadka sheegaya wararka aan salka iyo raadka leyn waa kuwo aan muqlis aheyn oo doonaya iney ”Caddaawad” ka dhex abuuran Carabta iyo Itoobiya” ayuu yiri isagoo gebi ahaanba dafiray sida tooska ah ay Itoobiya faraha kula jirto siyaasada soomaalida wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhismaha Baaralamaanka iyo dowladda dibad joogta ah ku timid wax uu ku tilmaamay rabitaanka shacabka. Islamarkaasina ay doonayaan in deris wanaag dhexmaro dhamaan dalalka deriska ah.  

Isha warka: Wargeyska Sharq- Alwsat
Tarjumadii: Ikraam Cali-kaar 
ikraam_k@hotmail.com



Prof. Gedi & Ibbi

Wasiirada arimaha: Gudaha & Ganacsiga

wasiirka Caafimaadka

axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya-Nairobi

Kulankii Golaha WAsiirada ee Maanta waxaa lagu soo bandhigay warbixinadii Gudiyadii Sadaxda ahaa waxaana lagu magacaabay Gudiyo Mideeya Warbixinada Gudiyadaas

Kulankan waxaa gudoominayay Raysul wasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi waxaana ka soo xaadiray Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaalida Marka laga reebo Wasiir Dibadeedka Soomaaliya Prof Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil oo isagu ku sugan Abuuja kana qayb galaya Shirka Wasiirada Arimaha Dibada Afrika,

Shirkan oo ahaa mid albaabada loo xirtay waxaa looga hadlay Arimo ku saabsan wax qabadkii gudiyadii hore loo magacaabay iyadoo ay soo Jeediyeen war bixinadoodii iyo wax qabadkoodii,

Markii uu dhamaaday Dhagaysiga warbixinadii gudiyada waxaa raysul wasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi Magacaabay Gudiyo Mideeya Afkaartii iyo wax qabadkii gudiyada

Sadaxda Gudi ee Hore waxa ay kalla ahaayeen Sidan

1- Gudiga Dib uheshiisiinta
2-Gudiga Nabadhgalyada
3-Gudiga Taakulaynta

Markii ay gudiyadu dhameeyeen war bixinadooda waxaa la magacaabay Gudiyo waxaana gudiyadu iskugu jireen Wasiiro,Wasiiru Doowlayaan& Wasiiro ku xigeeno waxa ayna kalla yihiin sidan

1-Maxamed Nuuraani Bakar
2- Prof C/rixmaan Adan Ibi
3-Drs Fahma Axmed Nuur
4-Ibraahin Cali Jeebo
5-Ismaaciil Maxamed Hurre Buubaa
6-Ali Jaamac Jingali
7-Cali Maxamed
8-Maxamuud Maxamed Gacmo Dheere
9-Xusseen Baantu
10-Ibraahin Caqaadir Dhaqane
11-Ibraahin Isaaq Yaroow
12-C/rashiid Maxamed Xidig
iyo Xubno kale kulankan waa kii Sadaxaad oo Golaha Wasiiradu yeesho ilaa iyoIntii Baarlamaanka Somaalidu Ansixiyay 13/1/2005 isagoo Fadhigii uguhoreeyay Yeeshay Sabti 15/1/2005 iyadoo kulankaa Looga Hadlay
Qaabkiiloogu noqon lahaa Wadanka Soomaaliya

axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya-Nairobi

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 26, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD