SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararka Radio Xoriyo

Jan 25, 2005

  • Barnaamijka Radio Xoriyo wuxuu caawa ka kooban yahay qodobadan soo socda
  • Dagaallo cadowga lagu naafeeyay
  • Dhibaatooyin uu cadowgu u gaystay dadwaynaha rayadka ah
  • Xaflad Ciidda Carrafo lagu maamuusayay oo lagu qabtay Copanhagen
  • Itoobiya oo diyaar garow ciidan ka samaysay xadka Eritereya
  • Soomaaliya oo cudurdaar ka bixisay xabaalihii la qufay
  • Faallo aanu ugu magac-darnay Heshiiska Suudaan wuxuu cibro u yahay gumaysiga iyo gobanimo doonka.
  • Iyo suugaan halgameed kala duwan

=================================== 

Dagaallo cadowga lagu naafeeyay

Wuxuu ciidanka Jabhaddu weeraro is daba joog ah ku ahayaa ciidanka taliska dhiig miiradka ah ee Itoobiya ka fadhiya Ogadenya. Dagaaladii ugu dambeeyey ee na soo gaadhay waxaa ka mid ah:

- 15/01/05 Quruuraxle oo ku dhow Nusdariiq wuxuu CWXO cadowga kaga dilay 8 askari, waxaa laga dhaawacay 11 askari oo kale.

- 16/01/05 sida oo kale waxaa dagaal ku dhex-maray ciidanka Gobonimadoonka iyo midka gumeysiga meel u dhow Baarta oo lagu magacaabo Kabawga. Halkaas waxaa cadowga lagaga dilay 4 askari, 6 kalena waa lagaga dhaawacay.

- 1 8/01/05 Kabti-naag wuxuu ciidanka gobonimadoonku cadowga kaga dilay 3 askari, wuxuuna ka dhaawacay 5 kale.

- 19/01/05 Wardheer waxuu ciidanka sooma jeedasadaha ah ka afduubay  nin Sargaal ciidanka Itoobiya ka mid ah.

- 20/01/05 mir kumaandoosta CWXO ay ku galeen magaalada Fiiq waxay u gaysteen khasaare laxaad leh, inta uu le'eg yahayna dib ayaan ka soo sheegi doona.

Dhibaatooyin uu cadowgu u gaystay dadwaynaha rayadka ah

Cadowga gumaysiga Itoobiya waxaa caado u ah inuu dadka rayadka ah ku soo jeesto oo dhibaatooyin dil iyo dar-xumo kalaba isugu jira u gaysto, marka lagaga awood roonaado goobaha dagaalka.

- 17/01/05 waxay ciidanka calooshooda u shaqaysta ee Itoobiya ku dileen Waafdhuug nin shacab ah oo magaciisa la yidhaahdo Xasan Macalim Qorane.

- 17/01/05 wuxuu taliska gumeysiga ahi ku xidhxidhay dad badan meesha la yidhaahdo Boodhley. Dadkaas waxaa markiiba loo soo gudbiyey Shaygoosh oo ay hadda ku xidhxidhan yihiin. Dadkaas waxaa ka mid ah:

  • 1. Siraaje Cabdi Shafeec
  • 2. Jeefad Faarax Cabdi
  • 3.Yusuf Maxamed
  • 4. Cabdulaahi Ibrahim
  • 5. Maxamed Cabdi Daahir

Magaalada Baabili waxay  todoobaadkan gudihiisa ku xidheen 9 qof oo shacab ah oon magacyadooda gadaal ka soo sheegi doono. 

- 21/01/05 Degmada Laag-Hidda waxaa lagu xidhay 5 nin oo maamul ku sheegii degmada ah. Waxaa ka mid ah Guddoomiye ku xigeenkii degmada iyo Guddoomiyihii Garsoorka Degmada.

 Xaflad Ciidda Carrafo lagu maamuusayay oo lagu qabtay Copanhagen

Jaaliyada Oagdenya ee waddanka Danmark ayaa soo qabanqaabisay xaflad ballaadhan oo lagu xusayay Ciidda Carrafo oo lagu qabtay magaalada Copenhagen maalintii sabtida ahayd ee taariikhdu ku beegmayd 22/01/05.

Xafladdaas oo si wayn loo soo agaasimay waxaa si gaar ah loogu diyaariyay hooyooyinka iyo carruurta, waxaana ka soo qayb galay dad aad u fara badan, oo si wayn wajiyadooda looga akhrisan karay xiisaha ay u qabaan inay maalamah sidanoo kale ah la kulmaan dadka ay ku wada-abtirsadaan dalak Ogadenya.

Xafladdaas waxaa hadallo qiimo leh ka soo jeediyay qaar ka mid ah madaxda JWXO iyo madaxda Jaaliyada Ogadenya ee dalka Danmark, waxayna dhamaantood xuseen baahida loo qabo in la sii xoojiyo taageerada halganka iyo dagaalka lagaga soo horjeedo gumaysiga Itoobiya.

Waxaa halkaas carruurta loogu sameeyay tartan ku saabsan aqoonta u leeyihii dalkooda iyo qadiyadooda, waxaana hadiyado la gudoonsiiyay dhamaan carruurtii xafladdaas ka soo qayb gashay. Dadwaynihii xafladdaas ka qayb galay ayaa iyaguna ballanqaaday inay sii labanlaabayaan taageerada ay u hayaan halganka ay horkacayso JWXO ee ka socda dalka Ogadenya.

Itoobiya oo diyaar garow ciidan ka samaysay xadka Eritereya

Masuul sare oo ka tirsan ciidamada Eritereya ayaa ku gacan saydhay in dhaqdhaqaaqa ciidan ee Itoobiya ka samaynayso xadka ay la wadaagto dalka Eritereya uu yahay mid is-difaac oo kaliya ku kooban, wuxuuna sheegay in dhaqdhaqaaqa Itoobiya uu yahay mid daan-daansi loola jeedo.

Masuulkan Eritereyaanka ah ayaa arrintan ku dhawaaqay, ka dib markii ciidamada nabad ilaalinta ah ee Qaramada Midoobey ay isniintii labada dhinac u qabteen kulankii millatari ee 28aad oo lagaga doodayay sidii xasilloonida loo adkayn lahaa.

Ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobey ee Itoobiya iyo Eritereya kala dhex fadhiya ayaa sheegay inuu aad u danaynayaan dhaqdhaqaaqa millatari ee Itoobiya ka samaynayso xadka ay Eritereya la wadaagto. Waxay kaloo intaas ku dareen in dhaqdhaqaaqani aanuu caadi ahayn, iyadoo waliba ay filayeen in sannadkan cusub ay soo bixi doonaan arrimo badan oo horseedi kara in labada dal nabadgelyo dhab ah laga dhex dhaliyo.

Soomaaliya oo cudurdaar ka bixisay xabaalihii la qufay

Madaxwaynaha dowladda federaalka KMG ah ee Soomaliya c/laahi Yuusuf Axmed ayaa muujiyay siduu uga xun yahay tallaabada ay qaadeen kooxo soo qufay lafihii dad Talyaani ahaa oo ku aasnaa qubuuro ku yaalla magaalada Muqdisho, arrintaasoo dawlada Talyaanigu si wayn uga cadhootay.

Madaxwayne C/laahi Yuusuf ayaa sheegay inuu ra'iisulwasaaraha dalka talyaaniga Selvio Berleskoni u ditrayo farriin muuinaysa sida uu falkaas uga xun yahay, wuxuuna ballanqaaday inuu sida ugu dhakhsaha badan tallaabo uga qaadi doono kooxaha falkan ka danbeeyay.
C/laah Yuusuf ayaa wargayska Al-sharqul-awsat u xaqiijiyay in kooxahaas maxkamd la horkeeni doono iyadoo lagu soo oogi doono denbiyada ay ka midka yihiin u gafidda karaamada maydadka.

Dhinaca kale Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa diiday in ciidamadoodu ay ka denbeeyeen burburkii loo gaystay xabaalaha Talyaaniga ee magaalada Muqdisho. Waxayna arrintan ku sheegeen shir jaraa’id oo magaalada Muqdisho ay ku qabteen lix maalmood ka dib markii uu falkaasi dhacay.

Maxkamadaha Islaamiga ahi waxay shirkan jaraa’id qabteen, ka dib markii ay hadda ka hor soo baxeen warar sheegaya inay iyagu falkaas ka denbeeyeen.

C/Nuur Sh.Mohamed
radioxoriyo@ogaden.com
 
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 25, 2005


samsam

Axmed Yaasiin oo Is-hor-taagey Maxkamada Rafcaanka oo la Saari lahaa Samsam
Axmey Yuusuf Yaasiin oo sababtiisa xabsiga loogu taxaabay Samsam Axmed Ducaale ayaa dalbaday in...
Guji...

Caydiid: Soomaaliyeed uma baahna Ciidamo Shisheeye
 
Dadka Soomaaliyeed iyaga ayaa ka tashanaya Arimahooda, Aduunka waxa ay uga baahanyihiin.. Guji..

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arimaha Dibadda DFKMG oo u ambabaxay Abuuja
»Sareeye Guuto Yuusuf Saranle oo Lagu Diley Muqdisho
»
Fanaankii Cabduqaadir Shiikh Cali Sanka oo geeriyoodey
»Baarlamaanka KMG oo Walaac ka Muujiyey Tegitaanka Xamar
»Yalaxow: "Geedi ma ahan nin Cadaana waa nin Soomaaliya"
»Shaati Gaduud: "ciidamo shisheeye waa lagama maarmaan"
»Maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed ee 21 Jannaayo
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...  Jan 23

»MASHRUUCA:- TARTANKA 2aad EE QUR’AANKA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD