SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA

CANADA: Wasiir Isku Casiley Arin La Xiriirta Pizza
  • Tarjumadii SomaliTalk.com | Jimce, Jan 14, 2005

Toronto, Canada: Wasiiradii Socdaalka [Citizenship & Immigration] ee Canada oo magaceeda la yiraahdo Judy Sgro ayaa maanta oo Jimce ah is casishey kaddib markii uu nin leh meel Pizza-da lagu gado ku soo eedeeyey in markii ay doorashada ku jirtey ay u ballan qaaday in ay ka caawin doonto arimo la xiriira degganaanshaha dalka Cannada asaguna uu Pizza bilaash ah sidaas ku siiyey dadkii ayada u ololaynayey.

Ra'iisul wasaaraha Canada, Paul Martin, ayaa isla maanta Aqbalay is casilaadaas, tan oo ahayd wasiirkii ugu horeeyey ee dawladiisa iska casila ilaa 2003 oo uu ra'iisul wasaare noqday. Jagadaas bannaanaatayna waxaa markiiba loo magcaabay wasiir cusub oo magaciisa la yiraahdo Joe Volpe.
 


Ra'iisul wasaaraha Canada
Paul Martin


Wasiirka socdaalka
Joe Volpe

Ninka dacwada wasiirka ku furay oo magaciisa la yiraahdo Harjit Singh, oo dukaan lagu gado Pizza ku leeyahay Brampton, Ontaria, waxa uu sheegay in uu Pizza ku gacan qabtay doorshadii wasiirada, taas oo uu sheegay bedelkeeda in ay wasiiradu u ballan qaaday in ay ka gacan qabaneyso deganaasnsho ka helida Canada, arintaas oo ay Judy Sgro si waadax ah u beenisey kuna tilmaantay wax aan caqliga gelayn.

Harjit Singh waxa uu dacwada ka furay maxkamada dhexe ee Canada ee magaalada Toronto. Waxana uu ku mudacayaa in Sgro ay isaga weydisatey in uu Pizza leh toon siiyo 15 ama 16 qof oo ayada si mutadawacnimo ah ugu ololaynayey xilligii ay ku jirtey tartanka doorashada. Taas oo uu sheegay in uu xaaladiisa u sheegtay ayna hadda ka baxday ballantii ahayd in ay asaga ka caawin doonto arimaha la xiriira laanta socdaalka [Immigrationka] Canada.

Singh waa aabbe leh saddex carruur ah, Canada waxa uu ku sugnaa ilaa 1988. Waxaana qorshaysan in Khamiista soo socota loo tarxiili doono dalkiisii Hindiya.
 


Wasiirkii hore ee socdaalka
Judy Sgro


"Pizza ayaan ku bixiyey
Doorshadii wasiirka" Singh

Wasiirada is casishey waxay TV-ga Canada ee CBC u sheegtay inta ay wasiirka tahay in aysan si xor ah isaga difaaci karayn eedaynta ninkaasi u soo jeediyey, ayna jagadaas iska casishey si ay eedynta isaga difaacdo.

Sgro waxay tiri weligay ninkaas lama hadlin, eedayntaasna waxba kama jiraan, umana baahnayn Pizza bilaash ah. Xaafada aniga xafiiskayga tartanka doorshadu ku yaal waa xaafad Talyaani oo ay ku yaalaan makhaayado badan, ayey tiri.

Sgro waa 60-jir ka tirsan xisbiga Liberal-ka Canada, waxaana laga soo doortaa xaafadda York West ee magaalada Toronto.

Dhegeyso Warkii CBC ee is casilaada...

Ciidamada Canada oo Taariikhda Markii ugu Horeysey Loo Sameeyey Wadaad Islaam ah

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 14, 2005


Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka
Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay Dunida Guud Keeda... Guji...
 

Wasiirro ka Socda DFKMG oo Ka Degey Garoowe
iyo
Gudi Loo xilsaaray Magacaabista Golaha Maxakamada islamiga ah Ee Dagmada Guraceel oo... Guji...

Warar Googoos ah [Qubane 14/01/2005]
»Norway: Nin Soomaaliyeed oo diley Xaaskiisii oo 9-bilood ah
»DFKMG: Wafti loo diray Muqdisho inta aysan dowladda tagin
»Muqdisho: Shineemo lagu qarxiyay xamar.
»Wiilka uu dhalay Amiirka Ingiriiska & fadeexada midabtakoor
»Khartoum iyo Maanta | Warbixin
»Maradona Iyo Muuqaalkiisa Maanta
Wararka oo dhamaystiran ka akhri halkan... Guji Jan 14

Dowladda FKMG ah oo Heshay Kalsoonida Baarlamaanka
Ra’iisul wasaare Cali Maxamad Geddi oo si aad ah uga faraxsanaa in dowladiisa ay hesho kalsoonida iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa.. Guji.... Jan 13

Beelaha qaadacay Golaha Wasiiradda
Baaq ay soo saareen waxgarad ka kamid ah beelaha qaadacay dhismaha golaha wasiiradda ee.. Guji... Jan 13

Qaylo Dhaantii Culimada Iyo Waxgaradka Ee Waxyeeladii Badgariirka
Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday Xaafuun..
Guji Jan 13

USA: 8,000 oo Soomaali ah oo ay Dhici Karto in  Loo Tarxiilo Soomaaliya
» Maxkamada USA: Soomaaliya dadka waa loo tarxiili karaa
» Canada: Dhoofintii Nin Soomali ah oo La Baajiyey
» Newzealand oo Laga Waayey Calanka Soomaaliya
Dhammaan ka akhri halkan.... Guji.. Jan 13

»Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo laga dalbaday in ... [Khamiis]

Beesha Shiikhaal oo Qaadacday Golaha Wasiirada DFKMG
Nairobi: Shir ay iskugu yimaadeen Xildhibaanada, Aqoonyahanka, Ganacsatada beesha sheeqaal oo Guji... Jan 12

Golaha Nabad galyada & midnimada Somaliya
Kismaayo: Warsaafadeed uu soo saaray Jaamac Aadan Dheere oo ah... Guji... Jan 12

Yemen: Filan waa iyo Rajo Xumo
Soo Wajahdey Macalimiinta Soomaaliyeed... warbixin Jan 12

Warsaxaafadeed: Free Awdal Forum
Fashilaada Hargaysa: Ummada somaaliyeed waxay u dhuun dalooshaa isbadalada siyaasadeed ee... Guji Jan 12

Warsaxaafadeed: Xisbiga SSUP
Mowqifka siyaasadeed ee ku wajahan Siyaasadda Guud ee Soomaaliya..
Guji.. Jan 12

Warsaxaafadeed: Sultan Hurre Human Rights
Waa in Wax Laga bartaa Khaladaadkii hore.. Guji... Jan 12

Dhambaallo Ku Socda Cadde Muuse
»Digniin iyo shuruudo ku socda General CADE MUSE
»Hambalyo Iyo Bogaadin Hogaanka cusub Ee PL 
ka Akhri halkan... Jan 12

Basaas itoobiyaan ah oo lagu qabtay  Guriceel
iyo
Dagaallo ciidamada gumaysiga itoobiya lagu jabiyay, ka akhri wararkii Radio Xorriyo Jan 11

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD