SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Daabaco Boggan | Print


Sucaad Said yamen
sucaad03@hotmail.com

Xagee ku danbeeyeen Ragii magaca kulahaa mujtamaca dhexdiisa?

 

Akhristow dufaantii taariikhdu markay ahayd 1991 ku dhufatay guud ahaan dalka Soomaaliya, waxaa jira koox ay si gaara u asiibtay. Adaa iska garan doona cidaan kooxdaas ula jeedee, waligaa ma maqashay ninka lagu magacaabo, Xassan Sheikh Muumin Gaafane? Waa ninka sawirkiisu kor kaaga muuqdee, maqalkiisa iyo muuqiisaba waxaa aniga qof ahaan iigu horaysay july 2003. Markaas oo uu dhalinyaro meel la is kugu keenay uga sheekaynayey taariikhda dalkooda iyo qiimaha uu leeyahay, waxaanse markale la kulmay des. 2004. 

Maxuu yahay Xassan Sheikh Muumin?

Xassan Sheikh Muumin waa abwaan caan ah, waa qoraa qoray buugag caan baxay sida ” shabeelnaagoog” Waa aqoonyahay ku xeeldheer baarista luuqadaha, waxuu ku jiray khuburo lixsano baaraysay luuqadaha ay luuqada af soomaaligu isirka lawadaagto waxuuna ka mid ahaa ragii dajiyey ama ka danbeeyey khibradii lagu qoray farta af soomaaliga. 

Taariikh nololeedkiisii oo kooban.

Xassan Sheikh Muumin waxuu taariikhdu markay ahayd 25.12.1931 ku dhashay magaalada Saylac. Waxuu dugsiga hoose dhexe ku qaatay magaalada Boorama waxaase bilowday asagoo bartanka kaga jira iskuulka waxa uu Abwaanku ugu yeeray ” duufaantii gobonimo doonka” Oo abwaanka siduu noosheegay sixun madaxa ugu dhufatay kana reebtay iskuulkii. 

 Intuu ku jiray halganka gobonimo doonka iyo intii xoriyada la haystayba, waxuu ka badbaaday Abwaanku shirqoolo badan waxuuna ka tilaabsaday booraamo badan oo loo qoday oo siduu Abwaanku noo sheegay ay mid ahaayeen, sun loo qasay asagoo kusugan dalka Jabuuti, shirqoolo badan oo gumaystihii rabay inuu kaga takhaluso iyo dhaawacyo halis ah oo kasoo gaaray dagaaladii sokeeye. 

Waa nin see ah?

Xassan Sheikh Muumin waa nin dagan oo markaad aragtaba aad ka garan karto inuusan ahayn dadka kulaylka u dhashay. Wuxuu kaaga

Sheekaynayaa taariikho kaawayn hadaad shan daqiiqo la joogtana waxaad ka tagaysaa adoo wax wayn kuu siyaadeen. Wuu kaa qoslinayaa intaad la joogto waxuuna wax kuugu sheegayaa hadal xigmadaysan. Waa nin soomaalinimadu ku fogaatay wuuna ilmaynayaa hadaad wax ka waydiiso dalkiisii hooyo. 

Xagee ku noolyahay hada?

Xassan Sheikh Muumin waxuu qaxooti kuyahay dalka Norway waxuuna ku noolyahay magaala madaxdiida Oslo. Waxuu daganyahay guri villo ah markii loo fiirsho guryaha qaxootiga la dajiyo , buulse ah markii loo eego kay daganyihiin raga dhigiisa ah ee u dhashay dalka uu qaxootiga ku yahay. Caafimaadkiisu waa fiicanyahay marka laga reebo tabaryari ugu soo gabatay da’da iyo dhaawacyo kasoo gaaray dagaaladii sokeeye. 

Muxuu ku suganyahay hada?

Abwaanku kaligiis ayaa ku nool gurigiisa siduu noosheegayna wuu cidloodaa inta badan. Abwaanka oo aanu ku booqanay gurigiisa waxaanu la yeelanay waraysi. Inkastoo intaanu waraysiga ku jirnay Abwaanku dhowr jeer ilmeeyey hadana waxaa sixun u taabatay su’aal ahayd ” Soomaaliya waxay ka midtahay dalalka ugu suugaanta badan  uguna suugaanta fiican qaarada Afrika, waxaana kamida abwaanaday soomaalidu ku faanto , adigoo Xassan Sheikh Muumina, Singub, Hadraawi, Abdi Muxumud Amiin iyo qaarkaloo badan, hadana waxaad moodaa inaad da’tihiin markaa hadaad mala awaasho jiilka danbe, maxaad ka oranlahayd? Ma waxaa soo bixi doona rag idinkoo kalaa mise dhowr sano kadib waxaa la orandoonaa soomaalidu baribay Abwaano lahaan jireen?” Abwaanka markaanu su’aashaas waydiinay wuu ilmeeyey waxuuna yiri ” Ragbaa dalka u dhalan doona siduu yahana u dhaami doona”

Waxuu Abwaanku rajo fiican ka muujiyey inuusan madoobaym mustaqbalka Soomaaliya waxuuna yiri ” Budhbaa inaku dhacay deedna waynu gagabnay waynuse soo miyirsan doonaa”

Rajada fiican ee Abwaanku waxay isoo xasuusisey hees uu qaado fanaanka Ahmed Cali Cigaal oo uu yiri ” Uur waxa ku jira iyo waxa imanayeen dhicin, aadmigu ma garankaro waa eebe oo qura, waxse jira indheergarad aayaha danbee jiriyo waayaha odorosoo iska mala awaaloo sidaytahay abaara” 

Maxaa ka mida Heesahuu alifay?

Waxaa ka mida Abwaanka heesihiisa caankaa, heesta lahu furo masraxyada ” halkaan waxaad u timaadeen oon hagar lahayba caawaad naga helaysaan” heesta ” laayey dusheediyo laan gabi kutaaloy lulayaan dabayluhu” ee ay qaado fanaada Hibo Maxamed ” Caqligii wanaadsan itaal inuu ka roonyahay bal eegoo u fiirsada” oo ay  isla fanaandu qaado. Waxuu kaloo Abwaanku leeyahay inta badan heesaha nabi amaanka, kuwa wadaniga ah, kuwo jacayl ah iyo kuwa programada lagu furo sida ” Dadwaynahaan hagnaa hasaawinaa danta u hagnaa” Riwaayado badan ayuu wax ka alifay, waxuuse gaar u alifay oo aan cidna la lahayn afar riwaayadood sida shabeelnaagood, gaaraabidhaan, ehlu naarka aduunka iyo dunidu maskaxday magan u tahay oo la dhigay intii u dhaxay 1967 ilaa 1974 markaa kadib waxuu Abwaanku u wareegay dhanka Jabuuti waxuuse kusoo laabtay dalka 1980.  

Fiiro gaar ah.

Mar uu abwaanku nooga waramayey, cida kala leh heesaha wadinagaa kuwa ugu caansan ayuu noo sheegay ninkii alifay heesta soomaaliyeey toosooy oo uu yiri ” Ragbadanbaa sheegta heestaan, waxaase sameeyey nin lagu magacaaboYuusuf Xaaji Aaden Cilmi Qabbile  oo ahaa aabihii tacliinta, markii iigu war danbaysana ku jiray isbitaal ku yaal London inuu dhintay iyo inuu noolyahana aana war u hayn”  

Mar aanu Abwaanka wax ka waydiiney dhibaatada gaar ahaan u gaartay abwaanada waxuu yiri ” Xussein aw Faarax oo ahaa aabahii suugaanta soomliyeed waxay Baxsan noosoo sheegtay in gaajo uu u dhintay Alle ha u naxariistee. Intii kale qaar maskaxdoodaa la xaday oo waxay raaceen qabiiladoodii, qaar waa aamuseen oo waxba kuma darsan waxii dhacay. Singubaa noogu roon oo halkaa iyo maraykanka waxii tabartiisa isku dayey” 

Hadaba akhristow ragii naf iyo maalba u huray xoriyada maanta lagu kibray, qaar ayagoo da’a ayey ka dhex ilmaynayaan barafka dalalka shisheeye, qaar waxay gaajo ugu dhinteen suudigii Soomaaliya, qaar waxay ku dhex dhinteen xabsiyadii dowladii milatariga ahayd qaarna meel ay ku suganyihiin lama oga. Waxaan aaminsanahay inaan ragaas abaalkoodii la marin, waxa soomaalida isku dirayna aytahay inkaar ka nisbowday ayaga. Inteebay le’egtahay baad u malayn waxa uu la ilmeeyey Abwaan Xassan Sheikh Muumin Gaafane. Waxuu yiri ”Cimrigayagii waxaanu ku dhamaysanay dhisida iyo harumarinta dalka ilaa ay nagu dulduntay waxaanu ku dhimanaynay”  

Ogaysiis.

Waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya oo bahda Wadani Radio la yeelatay Abwaanka waxaa intiina degan Akershus waliba Oslo ka dhagaysan kartaan Wadani Radio oo hawada soogala sabti kasta markay sacaada Norway abaarayso 20.00-21.00 sideeda ilaa sagaalka fiidnimo kana soo gala mawjada dhererkeedu yahay 99,3 FM.  

Ugudanbayntii

Abwaan Xassan Sheikh Muunin iyo raga la halmaalaba waa khayraadkii dalka waase gabbalsii dhacaya. Waxay hayaan taariikh loo baahan doono bari hadaan laga reebina aan laba cali iswaydiin doonin. Soomaali dhaanteed waxaan u rajaynayaa in ay gartaan dullinimada haysata oo ay sida isu dhaamaan..

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan  

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2005

Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada ee Kenya
iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed
xeryaha Ifo, Xagardheer iyo Dhadhaab ayaa waxaa booqday Sh. Maxamed Idris, Sh. Maxamad Umal, Sh Mohamed Kassim, Sh Hassan Ashgar iyo... Warbixintii Sh. Maxamad Idris... Guji...

Bogga Maqaalada Dadweynaha.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD