SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Daabaco Boggan | Print


Dowlada iyo Mucaaradka Suudaan oo Nairobi ku gaaray heshiis buuxa.

Heshiiskan ay labada dhinac ku gaareen Nairobi waxa uu ka dambeeyay shir mud laba sano ka badan uga socday dowladda iyo mucaaradka suudaan,wadahadalan oo ay soo qabanqaabiyeen IGAD waxaa marti galay Dowladda Kenya waxa uuna soo maray marxalado kala duwan. 

Heshiiskan oo labada dhinac ay ku tilmaameen taariiqi mar hadii lagu guulaystay in la isku afgartay xalinta dhibaatadii labaatan jirka ahayd ee ka taagnayd  muslimiinta waqooyiga iyo masiixiyiinta koofurta suudaan waxaana ku dhintay dagaaladaas in ka badan laba malyuun oo reer suudaan ah. 

Munaabadan oo aad u heersareysay waxaa ka soo qayb galay madax ka socotay aduunka Madaxweynaha Dowladda FKMG ah ee Somaliya iyo shacabka kenya waxaana lagu qabtay garoonka Nynya Studium ee magaalada Nairobi. 

Mr.powell oo ka mid ahaa madaxdii lagu casuumay ayaa ka hadlay muhiimada uu heshiiskani u leeyahay dadka reer suudaan ee mudada fog ku soo jiray dagaalada sokeeye,waxa uuna xusay in uu soo xiray heshiiskani baal madaw oo taariiq lama ilaawaan ahna uu ka gali doono dalka suudaan. 

Madaxweyne Cumar Albashiir oo ka hadlayay munaasabadaas ayaa sheegay in uu ku faraxasan yahay heshiiskan uuna ku raja wayn yahay in wax badan is badali doonaan musraqbalka dhaw suudaana ay ku noolaan doonaan heshiis iyo nabad waarta. 

 Mr.John Grand oo hogaamiya mucaaradka koofurta suudaan oo lagu wado in loo magacaabo madaxweyne ku xigeenka suudaan ee dhawaan ayaa sheegay hadii ay dowlada fuliso heshiiskan in wax badani is badali doonaan,suudaana ay ka baxayso dhimashada badan iyo dagaalada sokeeye. 

Ugu dambayntii waxay labada dhinac isla saxiixeen heshiiska buuxa qodobadiisa oo ay ka mid ahaayeen in la qaybiyo awooda dowlada,in lawada isticmaalo kheyraadka ku jira dalka iyo in lix sano ka dib dadka laga qaado afti ah ismaamul goboleedyo. 

Heshiiskan kuma jirin dhibaatada ka taagan gobolka daarfuur,laakiin waa la xalin doonaa sida ay ku waramayaan qubaro ku xeel dheer arrimaha dalkaas iyo nabad ilaaliyaasha dunida ee ku howlan,horay waa dhowr bilood ka hor booqday daarfuur  xoghaya arrimaha dibada ee Mareykana oo sheegay in dowlada suudaan ay joojiso dhibka ay ka wado gobolkaas,xiligaas waxii ka dambeeyayna waxaa la geeyay halkaas ciidamo ku dhaw 1000 oo laga kala keenay wadamada ku jira ururka midnimada afrika(AU)iyagoo ka wadda nabad ilaalin iyo gacan ku haynta meelaha muhiimka ah ee gobolkaas. 

Dowladda kenya oo marti galisay shirarka somaliya iyo suudaan ayaa lagu wadaa bishan 13keeda in lagu qabto magaalada Nairobi munaasabad sagootis ah oo ku saabsan guul ka gaarista soo afjaristii dhibaatadii ka taagnayd iyo heshiiskoodaba labadan dal,kadibna waxaa u qorshaysan kenya in ay u sheegto caalamka in dib u dhis lagu sameeyo labadan dal iyadoo la sheegayo in bishan bartankeeda in ay baarlamanka iyo dowladda soomaaliyaba dib ugu laabtaan dalkooda si buslashadooda wax ugu qabtaan.

Canab Mumtaz | canabmumtaz@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 11, 2005

Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka
Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay Dunida Guud Keeda... Guji...
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD