SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Boobkii Dhulka Soomaaliyeed oo Puntland laga bilaabay (Xaafuun) 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


Lonodn, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed ha ahaato. 


Xaafuun sida ay u ekaan doonto marka laga dhigo waxa loogu yeray "Free Zone" oo sharci gooni ahay yeelan doonto, lagana dhigayo meel loo dalxiis tago.... SOURCE:
www.hafza.com

Boobka dhulka Soomaaliyeed biloow ma ahan sidii qalin-maallo hore sheegeen. Mar horaa jufooyin is leh, dhowr waddan lagu kala qoqobay. Gumeystihii oo noo qabay inaan dad qab leh nahay baa shan waaxood noo qeybiyey. Labadii kale xaggee qabteen? Haddaad arki jirteen waddamo waxqeybsanaya bal hadda aan aragno shirkado iyo shufto dhulkii Soomaaliya qeybsanaya. Waxaa hadda la sheegaa in Maraykanku danaynayo inuu si toos ah ama dadban u qabsado Soomaaliya iyo waddamo kale oo Afrikaan ah maaddaama uu gumeysigii hore ka qaday. Haddii adoo fiirfiirinaya dhibaatadii Sunaamidu u geysatay Xaafuun iyo gobollo badan oo waddanka ka mid ah, aad ku soo baxdo magac ah HAFZA ha moodin magac muslin ama Qiraa’ada Qur’aanka ee aan naqaan ee waa shirkad usoo dhigatay sidii dhurwaagii in innakoon naftu naga dhicin, dhulkeenna gadata. Waxay ka wadaan “Horn of Africa Free Zone Authority” (HAFZA) oo ah quwadda aagga xorta ah ee Geeska Afrika. Maxaa quwad laga wadaa hadday tahay shirkad shisheeye oo heshiis qarsoodi ah lala galay? Marka “authority” laga hadlyo, waddankaaga dhexdiisa, qeybaha dowladdaada ama wakaaladahaaga/shirkadahaaga keliya baa qaadan kara arrintaas. Waxaan filayaa inuu dhulkaas noqdo dhul ay leedahay oo inta “waqtigoodu” u dhammaanayo ay iyaga keliya ka taliyaan! 

Maaddaama dadkii Soomaaliyeed duurjoog loo arkay waxaa soo baxday sheekadii ahayd: waryaa geela la joogooy, mise anaa la joogay! Hadda xaaraantii barqaa la qalanayaa. Shirkaddu waxay sheegtay in Maamul Goboleedka Puntland ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliyeed uu bishii Oktoobar 2004 u ogolaaday HAFZA LTD oo ka diiwaan gashan Alberta, Kanada inay ahaato midda ka howgalaysa inay samayso dhowr meelood oo xor ah, geyiga Puntalnd iyadoo ku shaqogelaysa magaca HAFZA. Falsafaddeeda, shirkaddu waxay ku sheegtay, inkastooy tahay shirkad “private” ah haddana waxaa qorshaha ugu jira inay ku biirto Sayladda kala-bedelashada ee Toronto, waana in loo arkaa sidii iyadoo u adeegeysa dowladda Kanada haddiiba ay dhaqaalaha gobolka kor u qaadeyso. Si HAFZA qorshahaas u gaarto waxay soo jeedisay horumarin cusub ama dib-u-horamarin dhulbadeedkii ama garoomadadii diyaaradaha  ee ka jiray Puntland… si ay ugu dhigaan meelo canshuurta ka caaggan (canshuur-dhaaf). Waxaa intaas ku dareen, in Maamul Goboleedka Puntland baxshay marinka Xaafuun si looga dhigo meel  xarun u noqota dalxiiska iyo ganacsiga gobolkaas. Xaafuun waxay ku fadhidaa dhul dhan 200 oo mayl oo labo jibbaaran waxayna gudaha ugu jirtaa Bad-weynta Hindiya ilaa 30 mayl. 

Janaayo 11 2005 ayaa Shirkaddu sheegtay in 2-dii Janaayo 2005 uu Maamul Gobolleedka Puntland u saxiixay nuqulkii asliga ahaa ee kontaragtiga in la sameeyo HAFZA iyadoo laga duulayo heshiiskii lawada gaaray 23 Oktoobar 2004. Shirkaddu waxay tiri Maamul Goboleedka Puntland ayaa soo daabici doonna warbixin ka hadleysa kontaraktiga lakala saxiixday ka dibna shirkaddu waxay ku dhejin doontaa boggeeda ah www.hafza.com

Waqtiga hadda ah, HAFZA waxay xafiisyo ka sameysatay Dubai iyagoo soo afjaraya maalgelintii mashruucaas, dhaqsana raba inay Puntland uga bilaabaan. Shirkaddu waxay sheegatay in loo saxiixay inay dhulkaas heysato 99 sano waxaana u raaci doona 99 sano oo kale haddii ay dhinacyada khuseyso ku heshiiyaan. Febraayo 1, 2005, shirkaddu waxay sheegatay inay heleen maalaayiin doolar si ay howsha u socodsiiyaan. Shirkaddu waxay sheegtay inay ka howgelayso: Xaafuun, Eyl, Garacad (khad tareen oo ku xira Wardheer), Dekedda Boosaaso, Laasqoray. Garoomada diyaaradahana waa Boosaaso, Garoowe, Badhan, Gaalkacyo, Laascaanood. 

Meeday Dowladda Soomaaliyeed ee Heshiisyada Noocaas ah Geli karta 

Adduunkoo dhami waa ka dheregsanyahay in 14-kii sano ee u dambeeyey aysan Soomaaliya lahayn wax dowlad ah. Shirkadda lafteedu arrintaas waa qirtay markey dhaheen: “Since there is not any diplomatic presence in Somalia, governments cannot provide services to their citizens in Somalia”. Maaddaama aysan wax dublaamisiyad ahi ka jirin Soomaaliya, dowladduhu waxay awoodiwaayeen inay dadkooda Soomaaliya jooga ka daboolaan adeegyada ay u baahanyihiin. Haddii shirkadu Soomaaliya saas ku sheegtay, yaa la gaaray heshiiska lagu kala gatay dhulka intaas le’eg, intaas oo sanadood? Ma filayo in la heli karo dowlad Soomaaliyeed oo heshiis caalami ah gaari karta sanooyinka soo socda iska daa in Puntland heshiis noocaas ah galaane. 

Maamulka Cusub ee Puntland Muxuu Arrintaas ka Oran 

Waxaad mooddaa in heshiiskaas uu saxiixay hogaamiyihii hore ee Puntland ama cid metelaysa. Laakiin maamulka cusub ee Cadde Muuse arrintan wax maka ogyahay? Hadduusan ka ogeyna ma u saareen guddi iskugu jira sharci-yaqaanno iyo aqoon-yahanno kale oo arrintaas darsa? Waxaan sugnaaba waa maamulka cusub oo arrintaas iftiinsha. 

“Mowqifka Dowladda Federaalka ee Cusub” 

Maxaa dowladda cusub uga furan heshiisyadii hore ee uu gaaray hogaamiyihii hore ee Puntland haddase sheegta “madaxweynaha” Soomaaliya? Mise waxa ka dhacaya Puntland uma yaalaan xukuumadda cusub? Waxaa arrintan daneynaya wasaarado badan sida wasaaradda howlaha guud iyo guriyeynta, gaadiidka badda iyo dekedaha, gaadiidka cirka, ganacsiga iyo kuwo kale. Haddii wasiirradaas waraysi loogu tago maxay oran? “madaxweynuhu” arrintaas ma u sheegay labada gole? Maxaa wasiirrada kale iyo xildhibaannadu oran hadday arrintaasi rumowdo? 

Maxaa Soomaaliweyn la gudboon 

Marka hore waa inaan hubino macluumaadka ay shabakaddaasi qortay maxaa yeelay waa sahlantahay oo waxay ka tageen cinwaannadii, teleefoonnadii iyo meeshii lagala xiriirilahaa shirkadda iyo qareemadooda. Marka laga bilaabo idaacadda BBC-da laanta Afsoomaaliga ilaa idaacadaha  Soomaaliya iyo dibadaha ka shaqeeya iyo weliba taleefishinnadda iyo boggagga Soomaalidu inay baaritaan galaan. Kadibna weriye kasta uu su’aasha ugu horraysa ee uu weydiinayo kornayl C/hi, Geeddi iyo Cadde Muuse ay noqoto arrintaas. Haddii korneylka iyo Cadde inkiraan ama beeniyaan waxaan filayaa ineysan jiri doonin cabsi laga qabo dhulkaas laakiin hadday inkiraan dabadeedna shirkaddaasi caddeyso sida laga fahmayo warbixinteeda ku qoran boggeeda waa in talaabo sharciya oo arrintaas waafaqsan laga qaadaa. 

Arrintani ma ahan mid ganacsi keliya salka ku heysa ee waa mid ujeeddo badan ah. Waxaa ka mid ah in quwado shisheeye qabsadaan marinka Xaafuun oo istiraajiyad ahaan qiimo badan leh. Warqaddaan markay soo gasho boggagga Soomaalida, waxaa la rabaa in arrinta ay ugu horreeyaan garyaqaannadda Soomaaliyeed; iyagoo cinwaannada shirkaddaas ka duulaya waa inay la xiriiraan dadka ay shirkaddu ku sheegtay inay ka wakiil yihiin. Hadday arrintaasi dhabowdo waa sahal in maxkamadda adduunka lala tiigsado shirkaddaas. Waxaa farxad noo ah, in kala-iibsiga dhulkaas uu sharci-darro yahay maaddaama aysan Soomaaliya dowladi ka jirin muddo 14 sano ah iyo hogaamiyihii Puntland oo markaas sharci-darro ku heystay markuu shirkadda heshiishka la sixiixanayey. 

Cinwaanada iyo xiriirka HAFZA 

  • Hafza Ltd. (Registration No. 209348309) 

  • Registered Office 

  • 3217 Lake Fraser Green SE 

  • Calgary, Alberta, T2J 7H9 

  • Canada. 

  •  PH: + 1-403 540 1015 

  • FX: + 1- 403.229.2655 
     

  •   Bank 

  • TD Canada Trust 

  • 2 Calgary Place 

  • 340 5th Avenue SW 

  • Calgary 

  • Canada 
     

  •  Lawyers 

  • Burstall Winger 

  • Suite 3100 Home Oil Tower 

  • 324 – 8th Avenue SW 

  • Calgary, Alberta 

  • Canada

  •  

  • HAFZA LTD. (DUBAI)

  • www.hafza.com

C/Waaxid C/hi Khaliif
Lonodn, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2005

CILMI BAARIS SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA...


Ardayda Dugsi Quraanka Dhigata oo ku badan XafuunWarbixin ku Saabsan Xaafuun Badgariirkii Kaddib
Warbixintii Cabdifataax Jaamac oo booqday magaalada Xaafuun oo kamid ah meelihii ay dhibaatadu ka soo gaartey aafadii badgariirka... Guji... Feb 8

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD