SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAYSI

Waraysi ay SomaliTalk la yeelatay Wasiirka Daryeelka deegaanka iyo ka hortaga aafooyinka

"Wadamo badan oo xusay sababta saxaafadda aduunka ugu aamustay in ay ka hadasho sunta lagu shubayo badda Soomaaliya."sidaas waxaa yiri wasiir ka socday wadanka indonesiya oo ka hadlayay shirkii Tsumani ee ka dhacay Thailand.

Shirkii Thailand ka dhacay oo looga hadlayay wadamadii ku waxyeeloobay badgariirka badda ayaa soomaaliya lagu soo hadal qaaday,shirkaas oo uu ka qayb galay wasiirka Daryeelka deegaanka iyo ka hortaga aafooyinka ee Dowladda FGKMG ah ee Soomaaliya, Maxamad Cismaan Maye, kadib markii uu ka soo laabtay shirkaas ayuu iiga waramay qaabkii uu u dhacay iyo wadamadii ka hadlay xaaladda soomaaliya.

 

Ugu horeyn waxaan waydiinay waxa uu ku saabsana shirkaas waxa uuna ku jawaabay wasiirka.

 


Maxamad Cismaan Maye

Osman Maye.Shirkaas waxaa ka soo qayb galay wadamo badan oo ay ka mid yihiin kuwii waxyeeladda ka soo gaartay badgariirkii ka dhacay  wadamo badan oo ku yaala Aasiya iyo guud ahaan kuwii ay badda mowjadaheeda gaareen dabayaaqadii sanadkii aan ka soo gudubnay waxa uuna ku saabsanaa sidii la iskaga kaashan lahaa qasaarahaas iyo sidii taakulayn loogu samayn lahaa wadamii dhibkaas ku waxyeeloobay.

 

Somalitalk:yaa idinku casuumay shirkaas looga hadlayay badgariirka wadamadii uu ku dhacay looga hadlayay?

 

Osman Maye:Haa shirkaas waxaa si rasmi ah loogu casuumay somaliya waxayna noo keeneen waraaqo casuumaad ah oo aan uga qayb galaynay si aan uga hadalno somaliya dhibka ka soo gaaray badgariirki iyo qasaarihii ku dhacayba oo naf iyo maalba leh,waxaana ka qayb galay aniga oo ah wasiirka deegaanka iyo ka hortaga aafooyinka iyo W/dowlaha W/Arimaha dibada.

 

Somalitalk:Wax cadayn ah oo muujinaya qasaarahaas ka dhacay somaliya Meelaha ka mid ah sawir iyo warbxino ma jiraan oo aad usoo bandhigteen shirkaas?

 

Osman Maye:Haa waxaan wadnay warbxin ay keeneen qaar ka mid ah Gollaha wasiiradda oo halkaas ku tagay safar si ay usoo qiimeeyaan xaaladda dhimasho iyo qasaare,laakiin wax sawir ah oo ku saabsan sidii ay wax u dhaceen oo aan wadanay ma jiraan,sawirada somaliya waxay ku jireen kuwo laga qaaday guud ahaan dadalkaas ay waxyeeleeyeen duufaanada iyo badgariirka, waxaan u sharaxnay meelaha ay wax ka dhaceen iyo sida ay u saameeyeen dadkii daganaa goobahaas haday noqon lahayd inta ku maqan wali badaha ee la la’yahay iyo kuwii ku naf iyo hantiba beelay.

 

Somalitalk:Wadamadii ka hadlay ma soo hadal qaadeen dhibaatada ka jirta somaliya sida sunta ku jirta badda?

 

Osman Maye:Aad iyo aad waxaa si wayn uga hadlay arrintan wasiiro badan oo qaaradda Aasiya iyo wadamo kaleba ka socday,waxaa ka mid ahaa wasiir ka socday wadanka Indonisa oo xusay in somaliya badeeda ay ku jirto sun badan,taas oo marmarka qaar keenta cuduro aan la aqoonin oo dadka saf mar uga dhaca arrintana lama yaqaano waxa ay saxaafadda aduunka uga gaabsatay ka hadalkeeda iyo in ay dunida inteeda kale usoo bandhigaan, Suntaas  ayaana ah midda ka   qatarsan Tsunamiga hadda laga hadlayo,waxa uun ka dalbaday wadamadii halkaas iskugu yimid in ay udiraan wafdi soo baara suntaas kadiba loo saaro qubaro ka soo saarta,dhawaana waxaan ku raja waynahay in aan booqan doono xeebaha soomaaliya inagoo wadana wakiilo caalami ah.waxaa kale oo xaqiijiyay arrintan in ay tahay mdi jirta wasiir ka socday dalka Kenya oo qudbadiisa ku daray in xeebaha soomaaliya ay sumaysan yihiin. 

 

Somalitalk:Muxuu ku dhamaaday shirkaas ugu dambay looga hadlayay badgariirkii ku dhacay wadamaadaas maxayna soo jeediyeen?

 

Osman Maye:Waxa uu ku dhamaaday jawi fiican waxaana la isku afgartay in gargaar loo fidiyo dhamaan wadamadii ku waxyeeloobay duufaanadii iyo badgariirkii Tsunami-ga waxayna balan qaadeen in ay iska kaashan doonaan sidii deeq loo gaarsiin lahaa dadka ku gurya iyo hantiba beelay,Wadamadii aan la kulamayna dhamaantood waxay soomaaliya usoo balan qaadeen taageero dhaqaale si wax loogu qabto dadkaas ku gurya beelay badgariirka oo ay ugu daran tahay xaafun oo ah halka masiibadu badgariirka ka dhacday,waana sugaynaa in ay noo soo gudbiyaan laakiin waxay rabaan in la daba galo oo aan looga harin balan qaad kaliya,dhamaan wadamadii iskugu yimid shirkaas oo gaarayay in ka badan konton dal waxay muujinayeen sida ay uga xun yihiin musiibadaas dabiiciga ah ee Tsunami oo ku dhacday wadamo ka mid ah Aasiya iyo xeebaha afirka (somaaliya).

 

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com

canabmumtaz@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 9, 2005

CILMI BAARIS SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA...


Ardayda Dugsi Quraanka Dhigata oo ku badan XafuunWarbixin ku Saabsan Xaafuun Badgariirkii Kaddib
Warbixintii Cabdifataax Jaamac oo booqday magaalada Xaafuun oo kamid ah meelihii ay dhibaatadu ka soo gaartey aafadii badgariirka... Guji... Feb 8

Madaxweyne Yuusuf oo ku adkaysanaya in dowladda la sii dajiyo Baydhabo
Golaha wasiirada DFKMG oo ka dooday halkii dawlada la dejin lahaa iyo waftiyo loo diray Soomaaliya si ay... Guji... Feb 7

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD