SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kulankii maanta iyo Golaha wasiiradda. 

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
canabmumtaz@hotmail.com | Feb 7, 2005

  • Wafdiyo loo dirayo Somaliya si ay u sahmiyaan halkii la dajin lahaa dowladda Si KMG ahaan ah. 
  • Caasimadda mogadisho oo laga warsugayo lixdan maalmood in lagaga baxayo goobaha muhiimka u ah dowladda sida Garoonka, dakada, madaxtooyada Iyo Radio Mogadisho ka hor ciidamada. 
  • Madaxweyne Yuusuf oo ku adkaysanaya wali in dowladda la sii dajiyo baydhabo wasiiradda Digil & mirifle Ma isku raacsan yihiin.  
  • Cali Maxmad Geedi oo ay hortaalo laba daran mid dooro ayaa maanta mar kale soo hor dhigay gollahiisa wasiirada in ay ka doodaan halka la dajinayo dowladda ka hor inta aysan si rasmi ah u caga dhiganin xamar oo ah caasimadda soomaaliya. 

Shirkan oo furmay saakay waxaa lagu lafa guray halka dowladda la dajnayo,waxaana qiimayn iyo faallo laga bixiyay xaalka xamar iyo sida wax loo bilaabayo inta aysan dowladda wada dagin,dood dheer kadib waxa ay wasiiradda qaarkoodo soo jeediyeen in la sii dajiyo baydhabo, balse ma noqonin waxaa ka hadlay kuwo soo qaadanayay qodobka xaqiijinaya in ay caasimadu tahay xamar,in dowlada laga howlagalinaya ay tahay sida ku cad dastuurka FKMG ah. 

Balse dajinta baydhabo waxaa ka hadlay lafteeda wasiirada reer baydhabo oo sheegay in aysan qaadi karin wasiiraddan ka soo jeeda gobolkaas  kaligood mas'uuliyada lagu dajinayo baydhabo dowladda ee ay tahay in ay kala tashadan beeshooda ku sugan dalka iyo kuwa ku jira baarlamaanka. 

Doodan kadib waxaa la isku raacay in la diro wafdi ku soo wareega dalka oo dhan soona qiimeeya xaaladda guud ahaan ka jirta caasimadda iyo dalka oo dhan,kadiban loo guuro halka ay wafdigaasi soo ogaadaan in ay nabad galyo fiican leedahay,wafdigan ayaa shaqadooda bilaabi doona isla maalinta bari ah. 

Waxaana ay sheegayaan warar kale oo xog-ogaal ah in caasimadda laga warsugayo mudo laba bilood ah si loo ogaado in siyasiyiinta ay ka dhigayaan goobaha dowladda kuwa u maamulaan si qaran oo shacabka looga faa'iideeyo garoonka dakada,iyadoo aysana ka maqnaan doonin wafdiyo kala socda labada golle ee dowladda iyo baarlamaanka. 

Xiisadda ugu wayn ee dowladda ka dhex taagan ayaa ah in Madaxweynuhu uusan rabin in dowladda xamar aado sinaba inta laga helayo ciidamo ajnabi oo hubka aruuriya,taasna maahan mid ay wasiiraddu kuwada qanacsan yihiin waxana ka mida in inta diidan hogaamiyaasha xamar ka soo jeeda ee gacanta ku haya meelaha muhiimka oo balan qaaday in ay dowlada ka caawinayaan dhinaca amaanka kuna wareejinayaan waxii ay hayaan oo ah qalab iyo guryo dowladeed dowladan cusub hadii la geeyo baydhabana aan sinaba u aqbali karin in ay raacaan ama taageeraan halkasna uu ka imaan karo fashil ku yimaada dowlada sida ay qaarkood horay u sheegee. 

Balse waxaan shaki ku jirin hadii cod loo qaado in dowladda la geeyo xamar iyo baydhabo mid, ay badanayaan inta rabta in la geeyo baydhabo,sidii ay ku soo baxeen cod u qaadistii keenista ciidamo ajnabi ah lana ansaxiyay in la keeno ciidamo ajnabi ah.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
canabmumtaz@hotmail.com | Feb 7, 2005


MUQDISHO & MAANTA::
»Kulan dhex maray Maxkamahada & Wafdigii Xildhibaanada
»Wafdigii Muqdisho hore u joogay oo kormeeray goobo Muhiim
Warka oo dhan ka akhri halkan...

Wafti uu Hoggaaminayo Gudoomiyaha BKMG oo u ambabaxay Muqdisho
»Hargeysa: Xeerka Doorashada Golaha Wakiillada oo la ansixiyey
»Muqdisho: Kaalmo loogu yaboohay Faadumo Macbuud Cabdi
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Feb 6

 »Jaammacadda Cammuud oo Waddo cusub loo Sameeyey

Golaha Wasiirada DFKMG oo Ansixiyey in Soomaaliya La keeno Ciidamo IGAD
»DFKMG oo Loogu Deeqay $6-million oo doolar
»Xaalada Kismaayo oo cakiran...
»Qaadwalayaasha oo Kismaayo fowdo ka bilaabay...
Warka oo dhan ka akhri halkan... Feb 5

Kenya oo La Ciirciireysa Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo Shaqo ka rajeynaya DFKMG
Aqoonyahanadaas oo ka kala yimid qurbaha iyo gudaha dalka Soomaaliya ayaa buuxiyey xafiisyada araajida ee... Guji... Feb 4

Itoobiya oo Qas Ka Abuurtay G/Gedo
»Dagaallo ciidamada cadowga Itoobiya lagu jabiyay
»"Xasuuqii Gambella waa in Itoobiya tallaabo ka qaado"..
Warka oo dhan ka akhri halkan... Feb 4

Warmurtiyeed kusaabsan Soomaaliya oo laga soo saaray shirkii abuja
» Lix Qof oo kudhintay Dagaal ka dhacay Kismaayo
» Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG oo warqad ka helay UK
» Xuseen Caydiid oo la kulmay Safiirka Jarmalka ee Kenya
 Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. Feb 3

Samsam oo Soo Gaartey Garoowe
» Samsam oo soo gaartey Woqooyi Bari...
» Samsam oo shuruud la'aan lagu siidaayey...
...
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Feb 3

Madaxweynaha DFKMG  Kusoo laabtay Kenya
»C/lahi Yusuuf & Wadigiisi oo dib ugu soo laabtay Nairobi
»Wafdigii balaaran oo DFKMG ah oo dib ugu laabtay somaliya
»Cashuur Ururin & Tirokoob si hagaasan uga socda Kismaayo
»Gudiga Xiriirinta & Dabogalka Somaliya oo  ku kulmay Nairobi
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Feb 2

Gothenburg oo Noqotay meel aan fanaaniinta Soomaaliyeed kusoo dhiiran karin
iyo Wafti ka socda DFKMG oo tegey Muqdisho Guji.. Feb 2

Dood kulul oo ka Dhex Taagan Golaha Wasiirada DFKMG
Doodaas oo ku aadan Qaabkii Soomaaliya Nabad galyo loogu soo dabaali lahaa.. Guji... Feb 1

Video Xaafuun: Daawo  dialup | broadband [VOA]

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD