SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Afhayeenka Baarlamaanka FKMG ah iyo xubno labada gole ka mid ah oo booqanaya moqdisho markii ugu horeysay.
  • Waraysi: Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan
  • Kaalmoloogu yaboohay Faadumo Macbuud Cabdi oo ah gabar ku jirta Cisbitaalka Madiina ee Muqdisho
  • Golaha Guurtidda Somaliland oo Ansixiyey Xeerka Doorashada Golaha Wakiillada
Afhayeenka Baarlamaanka FKMG ah iyo xubno labada gole ka mid ah oo booqanaya moqdisho markii ugu horeysay. 

Canab Mumtaz | SomaliTalk Nairobi
Email: canabmumtaz@hotmail.com

Wafdigan ayaa saakay ka ambaxay garoonka yar ee Wilson iyagoo ku sii jeeda mogadisho caasimada soomaaliya halkaas oo waayadan uu wafdi ku sii socday si loo qiyaaso xaalada amaan ee halkaas ka jirta in ay dowladdu ka heli karto soo dhawayn iyo kalsooni ku filan ka hor inta aan la keenin ciidamada ay dowladdu ansaxisay shalay. 

Wafdigan oo ka koobnaa in ka badan afartan (40)waxaa hogaaminayay Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif xasan Sh.Aadan,waxaana ka mid ahaa wasiiro iyo xildhibaano. 

Wafdigan sida ay uu ii sheegay ku xigeenka gudoomiyaha baarlamaanka Prof Dalxa oo hada ku sugan Nairobi waxay dib usoo laaban doonaan mudo todobaad ah ka dib iyagoo soo mari doona xarumaha dowladda dagi doonto sida wasaarada arrimaha dibada, Gudaha, Idaacadda Radio Mogadisho, Madaxtooyada iyo meelo badan. 

Wafdigan oo ka hor inta aysan bixin ila soo xiriiray qaarkood waxa ay ii sheegeen in ay ku faraxsan yihiin dib ugu laabashada dalka iyo soo qiimaynta xaaladda iyagoo ku tilmaamay tagistooda mid qiima u leh shacabka kalsoonina ay kaga heli doonaan. 

Laakiin Bixista wafdigan maahan mid ay ku wada qanacsan yihiin dowladda iyo baarlamaanka xubnaha uu ka wada koobmo, qaarkood ayaa qaba in la jabinayo nidaamka dowladda, qorshahana uu ahaa in si wada jir ah loo tago laakiin dowlad iyo baarlamaan is garab socda ay xumayn karto kala warhelida iyo xiriirka dowladda iyo baarlamanka ee ku aadan fulinta howlaha siyaasadeed iyo amni ee horyaala dowlada iyo baarlamaanka. 

Warar xog-ogaal ah oo aan ka helnay dad diblomaasiyiin ah ayaa sheegaya in isku dhac uu imaan karo hadii la keeno ciidamo ka socda dalka itoobiya, iyagoo sabab uga dhigaya dhibaatada ay hadda ciidamada itoobiya ka wadaan dalka soomaaliya meelo ka mid ah, dhinaca kalena ay soo baxayaan diidmo ku saabsan ciidamaas oo ka imaanaysa labada gole xubno ka mid ah kuwaas oo dhaawici kara ama wiiqi kara talaabada ay wadaan wadamada safka hore ee lagu diyaarinayo ciidamo ka socda dadalalkooda.

Canab Mumtaz | SomaliTalk Nairobi
Email: canabmumtaz@hotmail.com

MUQDISHO & MAANTA: Waftigii Guddoomiyaha baarlamaanka oo heer sare loogu soo dhoweeyeye Muqdisho


Waraysi: Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya, Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com


Sh Xasan & Qanyare

jaamac cali jamac & Jees

Wafdigaan waxaa hogaaminayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan, waxana wafdigan tiradiisu waxa ay ahayd 50 Xubnood oo iskugu jira Labada Gole ee Doowlada ku meelgaarka ah ee Soomaaliya. 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan waxa aan waydiiyay ujeedada Safarkooda waxa uuna ii sheegay in ay tahay muhiimada Socdaalkooda inta waxaan joognay Labo sano iyo dheeraad sidaa darted waxaan hada u aadaynaa Dalka in aan la soo tashano umada ugana dhaadhicino nabada. 

Gudoomiye waxaa jira warar sheegaya in Dadka aad Hogaaminaysa ay yihiin mucaarad is aruursaday marka Figradaa adiga Sidee u aragtaa? 

Warkaas ma ahan war sal & raad leh umada Soomaaliyeedna waa ka gudubtay Figradaa oo hada waa qaran mida kale Gudoomiye Baarlamaan Mucaarad ma noqon karo. 

Gudoomiye waxaa ay dadka qaar saadaalinayaan marka aad gaartaan Muqdisho in aad abaabushaan Moowduuc lid ku ah Xukuumada Sababtuna wafdigaaga waxa ay dadku sheegayaan in ay galayaan diyaar garoow culus miyaadan adigu amuurtaa waxba kalla socon? 

Waxaas ma ahan wax sal & raad leh waxaana u arkaa in ay saxaafudu abuurayso dhibkaa. 

Gudoomiye marka aad Gaartaan Caasimada waa maxay waxa ugu muhiimsan oo aad qabanaysaan? 

Aniga waxaan utagaynaa waa in aan dadka aragno la tashano la isna cafiyo si aynu ugaarno Midnomo wadankeenana anaga oo wada jira wax ugu qabano. 

Gudoomiye goorma ayaad dib ugu soo labanaysaa Nairobi? 

Waxa ay ku xirantahay sida aan hoowsha aan u socono aan u soo dhamayno waxaana ay ku sii xirantahay dadka aan u tagaynaa sida ay noo soo fasaxaan. 

Gudoomiye Golaha Wasiirada waxa ay u codeeyeen in Wadanka Soomaaliya la keeno Ciidamo Adigu sided u aragtaa? 

Aniga kolay waxa aan sheegaa waxa Baarlamaanku go aansado walina golaha Wasiirada nooma aysan Soo gudbin qorshahaas. 

Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo isugu jiray Labada gole ee doowlada waxa ay xaqiijinayaan qodobadan: 

  • 1-     in Caasimada Soomaaliya Tahay Muqdisho
  • 2-     in Muqdisho ay tagi karaan wafuud ka socota Doowlada
  • 3-     in muqdisho ay booqan karaan Qabiilo ka kooban 4.5
  • 4-     in ay Hogaamiyaasha Muqdisho ka soo dhaadhiciyaan nabada& Doowladnimo
  • 5-     in Xarunta Doowladu Noqon karto Muqdisho lagana maarmi karo ciidamo shisheeye

wafdiga waxaa ka mid ahaa Wasiirada Maxamed Qanyare Afrax, Cumar Finish, C/kariim Axmed Cali, Salaad Cali Jeele iyo Xubno kale, oo ka tirsan labada Gole ee Doowlada. 

waxaa hore ugu sugnaa Magaalada Muqdisho Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Boqore. 

wafdiga ayaa si heer sareeysa loogu soo dhaweeyay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. 

wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan waxaa sii sagooyiyay Gudoomiye Xigeenka Baarlamaanka Prof Maxamed Cumar Dalxa iyo Xubno ka tirsan Baarlamaanka , Wasiiro,Wasiiro ku Xigeeno, Xidhibaano.


Golaha Guurtidda Somaliland oo Ansixiyey Xeerka Doorashada Golaha Wakiillada

Shiine Cilmi Kaahin Shiinenet@yahoo.com  Hargeisa Somaliland 
waxaa somalitalk soo gaarsiiyey:
C/qaadir Cilmi  dollar_1@hotmail.com

Hargeisa 5/2/04) Waxaa Shalay  ka dhacaya xarunta Golaha Guurtidda  Somaliland  ee Hargeisa    inay   Cod  Aqlabiyadd leh ku Ansixiyay Xeerkii Doorashadda ee  ay Hore u Ansixiyeen Golaha wakiiladdu Xeerkan Oo Dib u Dhigaya.

Xeerkaas oo aanu goluhu waxba ka beddelin sidii uu kaga soo gudbey Golaha Wakiillada, waxa ogolaaday in sidiisa lagu ansixiyo 58 mudane, iyadoo mudanayaasha tirada mudanayaasha fadhiyey ay ahayeen  64 mudane. 4 mudane ayaa diidey hal mudane-na wuu ka aamusay iyo Guddoomiyaha oo aan isagu codayan saxaafada iyo dadweynuhuba dibada ka joogen oo loo didanaa waxaa kalo Maanta Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodi maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Axmed C/laahi Hoori oo buuxinaya jagadii ka banaaneyd Komishanka Qaranka, xubintaas oo uu baneeyey Marxuum ka geeriyooday Komishanka Maxamed C/laahi. Fadhigaas oo ay fadhiyeen 60 Mudane, waxa xubintaa ogalaadeen 56 mudane waxana diiday 3 mudane waxana ka aamusay hal mudane. isla mar ahaantaan waxa Axmed C/laahi cod aqlabiyada ah loogu ansixiyay in uu buuxinayo jagada maanta laga bilaabo

Shiine Cilmi Kaahin Shiinenet@yahoo.com  Hargeisa Somaliland 
waxaa somalitalk soo gaarsiiyey:
C/qaadir Cilmi  dollar_1@hotmail.com


Jaaliyadii ugu horeysay jaaliyadaha Soomaaliyeed ayaa maanta ku soo yaboohday Kaalmo gabadha Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Faadumo Macbuud Cabdi, kuna jirta Isbtalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Jaalaiyadaha kala duwan ee Soomaaliyeed ee ku kala dhaqan qaaradaha Europe iyo America ayaa xariir la soo sameeyay Dr. Cabdi Ibraahim (Jiya) oo ah Diqtoorka gacanta ku haya Gabadhaasi tibaaleysan kana mid ah dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitalka Madiina iyadoo mar aanta booqday Isbitalka Madiina uu ii sheegay Dr, Jiya in uu sara u sii dhaafay Liiska dadka ku soo yaboohaya gabadhaasi Soomaaliyeed 50 qofood, waxana uu sheegay in jaaliyadii ugu horeysay ee soo booqata Isbitalka una keentana gabadhaasi tibaaleysan Hadiyahad iyo Macaawina ay noqotay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sweden gaar ahaan gobolka Gothernburg.

Dr. Jiya ayaa carabka ku dhuftay in dhalinyaro uu ku sheegay in ay yihiin dhalinyaro ku bahaysan urur lagu magacaabo Ururka Samafalka Danyarta Soomaaliyeed oo dhowaan laga dhisay dalka Sweden ay soo gaarsiiyeen deeq lacag ah oo uu ka gaabsaday in uu cayimo isagoo mahad balaaran u soo jeediyay jaaliyadaasi kuma amaanay dareenkooda walaaltinimo iyo wadaninimo.

Sidoo kale waxaan halkaasi kula kulmay gabadha adeerkeeda iyo hooyadeed oo iyana iiga warbixiyay xaaladda gabadhooda iyo kaalmada la sheegay in ay soo gaartay waxana ay ku nuuxnuuxsadeen in aysan qiyaasi Karin dareenkooda kadib markii ay arkeen Walaalo Soomaaliyeed oo gabadhooda oo Ilmooley ah u gubay Shilimaad aad u yar iyo walaalo kale oo aysan garaneynin magocooda iyo muuqooga iyo Haybtooda oo u soo diraya Lacago iyo Hadiyadoodyin kale sida ay warka u dhigeen kuwaasoo ay u rajeeyeen Baraare iyo Horumar caafimaad leh.

Gabadhan oo caafimaadkeeda laga soo deyrinaya maalmihii tagay kadib markii si naxariis la'aan ah ay u gubeen dad wax ma garad ah oo ku lahaa lacago Sh.so ah oo gaarayay ilaa 320,000Sh.so oo u dhiganta $21, ayaa mar aanu maanta booqanay waxa ay ahayd mid ka soo reeneysay sidii ay ahayd maalmihii tagay, waxana aanu ka wareysanay sidii uu u dhacay falka ku dhacay oo wararka qaar ay sheegayeen in gabadhu ay iyada is gubtay waxana ay tiri " sideen isku gubayaa, aniga oo ah Ilmooley ay daba ooynayiin Caruur miyaan Bansiin isku shubayaa oo aan is gubayaa!!!", iyadoo intaasi raacisay iyadoo ka warameysay xaalkeeda in ay ladantahay oo ay soo bogsaneyso ayna dareemeyso Neecaw soo galeysa, waxana ay mahad naq u jeedisay Maamulka iyo dhaqaatiirta Isbitalka ee si Bilaash ah u daweeyay, iyo weliba dadka kale ee Soomaaliyeed ee waqtigooda siinaya booqashadeeda iyo kuwa kale ee caawimaadda siinaya intaba.

Gabadhan Soomaaliyeed oo ka dhalatay dadka aan hubeysnayn, isla ka soo jeeda qoys faqiir ah ayaa korkeeda lagu shubay Bansiin dabadeena lagu daaray taraq ayaysan jirin ilaa iminka talaabo laga qaaday dadkii sidaasi u galay maadaama aysan jrin dowlad dhexe iyo nidaam.

Gudoomiyaha Ururka Samatabixinta danyarta Soomaaliyeed Ibrahim Darbuuxshe ayaa xiligii la gudoonsiinayay deeqdaasi waalidiinta gabadhaasi khadka telefoonka kula hadlay hooyada iyo adeerka gabadha halkaasoo uu uga tacsiyeeyay falka foosha xun ee loo geystay gabadhooda.

By: ABOKAR GA'AL
SODAPOJ EXECUTIVE DIRECTOR
info@sodapoj.org

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2005

Golaha Wasiirada DFKMG oo Ansixiyey in Soomaaliya La keeno Ciidamo IGAD
»DFKMG oo Loogu Deeqay $6-million oo doolar
»Xaalada Kismaayo oo cakiran...
»Qaadwalayaasha oo Kismaayo fowdo ka bilaabay...
Warka oo dhan ka akhri halkan... Feb 5

Kenya oo La Ciirciireysa Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo Shaqo ka rajeynaya DFKMG
Aqoonyahanadaas oo ka kala yimid qurbaha iyo gudaha dalka Soomaaliya ayaa buuxiyey xafiisyada araajida ee... Guji... Feb 4

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD