SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Golaha Wasiirada oo cod ku ansaxiyay in Soomaaliya la Geeyo Ciidamo ka socda IGAD oo suga Amniga ...
  • DFKMG oo Loogu Deeqay $6-million si ay ugu guurto Soomaaliya..
  • Xaalaada Magaalada Kismaayo oo Cakiran
  • Diyaaradii Qaadka oo laga celiyeye Kismaayo, taasina ay sababtay in Qaadwalayaashii ay fowdo bilaabaan

Golaha Wasiirada oo cod ku ansaxiyay in Soomaaliya la Geeyo Ciidamo ka socda IGAD oo suga Amniga ...

DFKMG oo Loogu Deeqay $6-million si ay ugu guurto Soomaaliya..

Kulankii wasiirada ee maanta oo wax badan ka badalnaa kulamadoodi hore waxaa looga hadlayay warmurtiyeedkii ka soo baxay wadamada IGAD ku bahoobay ee ku aadanaa ciidanka ay bixinayaan ee dowladda ka caawinaya dhinaca amniga inta ay ka helayso ciidamo tababaran oo ka shaqeeya nabad galyada.
 
Shirkan qaybtiisa hore waxaa Golaha wasiirada kala qayb galay Madaxweynaha oo usoo bandhigayay waxyaabihii uu kala soo kulmay shirkii abuuja ka dhacay oo soomaaliya loogu soo balan qaaday taageero iyo ciidamo ka socda IGAD loona soo xilsaaray in ay xoogga saaraan wadamada safka hore ee IGAD.
 
Intaas ka dib waxaa la dhagaystay ra'yiyada kala duwan ee ay golaha ka qabaan ciidamadaas,meelaha ay ka howl galayaan iyo wadamada laga qaadanayo sidoo kale in baahida loo qabi karo xiligan mid wax tar leh tahay ama aan qiima ku fadhin keenistooda.
 
Doodan oo saacado qaadatay waxaa loo batay in laga keeno ciidamada dhamaan wadamada ku jira IGAD, iyadoo aan la fiirinayn siyaasada ku kala dhex jirta wadamada safka marka xaaladda soomaaliya laga hadlayo,ee dowladda cusubna ay fiiriso waxa horyaala ee ka jira dalka soomaaliya iyo baahida shacabku u qabo nabadda oo aanay ku imaan karin kaliya sida hadalka loo dhigay siyasiyiinta soomaaliyeed ee soo dagaalamay sanadihii la soo dhaafay oo aan kalsooni badani ka dhex jirin.
 
Ra'iisul wasaare Geddi ayaa soo jeediyay in cod loo qaado ciidamadaas in ay ka howlgalaan dalka ama in ay aan la ogolaanin gabi ahaan, golaha wasiirada oo gaarayay 73 waxaa isku raacday in la keeno ciidamo soomaaliya 63 wasiir, halka sagaal ka mid ahna ay diideen in ciidamo ka socda IGAD ama meel kale gabi ahaanba aan la keenin,waxaana ka aamusay hal wasiir.
 
Kulankan Golaha wasiirada oo ahaa kii ugu adkaa uguna dheeraa waxaa la isku raacay in la keeno ciidamo ka socda Wadamada IGAD oo ay ku jiraan Kuwa safka hore Jabuuti, Kenya Iyo Ethiopia waxaana lagu jiraa ka warsugidda ciidankaas goorta la gaynayo soomaaliya iyo tirada ay keenaan IGAD oo uu qaabilsan yahay Madaxweynaha dalka Ugandha.
 
Dhinaca kale waxaa dowlada loogu deeqay lacag dhan 6 malyan oo dolar ($6 milion) waxaana bixiyay ururka midowga Yurub, Swedhan iyo UNDP, qarshkan ayaa loogu tala galay in ay dowlada ku maamusho howlaha guuritaanka iyo dirista wafdiyada soo qiimaynaya xaalada soomaaliya.
 
Lacagtan waxaa lagu wareejiyay shalay dowladda FKMG ah ee Soomaaliya, waxayna hay'adahaas balan qaadeen in ay la garab istaagayaan waxii lagu socodsiinayo nabad ka dhalata soomaaliya, ururadan bixiyay lacagtan ayaa ahaa kuwa ugu badan ka soo qayb qaatay qarashyadii ku baxay shirka intii uu ka socday dalka kenya, waxaa kale oo dhaqaale kan la mid ah bixinayay jaamacada carabta.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Email: canabmumtaz@hotmail.com

WARBXIIN LABAAD EE ANSIXINTA CIIDAMADA AJNABIGA:::

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Maanta Ansixiyay in Soomaaliya la keeno Ciidamo Nabad ilaalin ah


C/laahi iyo Geedi

xubnaha Golaha Wasiirada

Wasiirada Gudaha iyo Dibada

Shirkan waxaa ka soo qaybgalay Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed, Raysul wasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi & Inta Badan Xubnaha Golaha Wasiirada.

Shirku waxa u ku biloowday warbixin madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ka siinayay Xubnaha Golaha Wasiirada Shirkii madaxwaynayaasha Afrika ee Abuuja, warbixintaas oo dhinacyo badan, isaga oo ka shayeeyay qaabkii loo soo dhaweeyay & Madaxwayna yeeshii ay kulmeen.

Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in Soomaalida looga baahanyahay in ay Wadankooda Dhistaan ayna ka shaqeeyaan Nabad kuwado noolaansho iyo Sidii Dadka Soomaaliyeed ay ugaari lahaayeen Horumar dhinac walba leh.

Warbixintii dheerayd ee Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ka hor aqriyay Golaha Wasiirada ka dib waxaa Biloowday Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya Madaxwaynuhuna waxa uu dib ugu laabtay Aqalka Madaxtooyada Kumeelgaarka ah ee Nairobi.

Kulanka Golaha Wasiirada Sida caadiga ah waxaa gudoominayay Raysul wasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi waxaana la guda galay ka doodida Ajandihii shirka oo ahaa Soomaaliya Ciidamo ma la keeni karaa mise lama keeni karo.

Doodu waxa ay ku bilaabatay dood is waydaarsi iyo oraah ay Soojeedinayeen Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya Doodaa oo ku aadanayd Figrad dhiibasho iyo soo jeedin Xubnaha wasiirada iyadoo si aada looga Dooday Tirada Ciidan, Wadamada ay ka Imaanayaan, iyo waxa ay qabanayaan.

Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradu waxa ay soo jeediyeen in aan loo baahnayn in wadamada Dariska ah laga keeno Ciidamo iyaga halka Qaar kale oo ka tiras Wasiiradu sheegeen in maadaama Soomaaliya maanta u baahantahay in la caawiyo aysan lahayn Doorasho.

Xaalku si walba ha noqdee waxaa la isla ogolaaday in Soomaaliya la keeno Ciidamo Ajnabi ah iyadoo Raysulwasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Gedi halkaa ka sheegay in ay Diyaar uyihiin ku dhawaad 9 dal oo udiyaara in ay walaalahooda Soomaaliyeed Caawiyaan.

Waxaa arinka Ciidamada dood dheer ka dib lagaliyay in loo codeeyo iyadoo 63 Xubnood oo ka mida Golaha Wasiirada ay aqbaleen in Soomaaliya la keeno Ciidamo halka 9 Xubnood qaadaceen.

Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca)
Kenya, Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com 


Sideed iyo afartan saacadood kadib dagaalkii ka dhacay magaalada kismaayo ayaa  waxaa muuqata in uu sii badanayo gulufka calaadeed ee ka jira magaalada kismaayo kadib markii wax xal ah laga gaari waayay waan waantii laga dhexwaday maleeshiyooyinkii dhawaan ku dagaalamay magaalada kismaayo. 

Diyaaradii Qaadka oo laga celiyey Kismaayo, taasina ay sababtay in Qaadwalayashii bilaaban fowdo..

Maanta ayaa magaalada kismaayo waxaa ka jiray dhiilo colaadeed oo xoogan ayadoo ay odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada, culumaa u diinka iyo waxgaradka beelahii dhawaantan ku dagalamay magaalada kismaayo ay ka salgaari waayeen xal u helida qilaafka baaxada weyn ee u dhaxeeya maamulka isbahaysiga dooxada jubba iyo ciidamadii dhawaantan ka gadooday ee la magac baxay golaha nabadgalyada iyo midnimada qaranka. 

Dhiiladan colaadeed oo uu abaabulkeeda ka socdo magaalada kismaayo ayaa waxaa wada labadii garab ee dhawaantan ku dagaalamay magaalada kismaayo ayadoo  abaabulka xoogiisa badan ay wadaan ciidamada isbahaysiga dooxada jubba oo bilaabay sifayta iyo barooweynta qoryaha waaweyn ee lidka dayuurada ee loo yaqaano suuga waxayna sidoo kale ku gaafwereegayaan dhamaan wadooyinka iyo xaafadaha magaalada Kismaayo . 

Dhanka kale waxaa iyana heegan xoogan ku jira garabkii kale ee dagaalka kula jiray ciidamada isbahasiga dooxada jubba ayadoo ay ku suganyihiin oo ay saldhig ka dhigteen saraha dhaadheer ee ku yaala bartamaha magaalada Kismaayo gaar ahaan dabaqa loo yaqaano Sarta Agoonta ee ku taala xaafada Calanleey ee magaalada Kismaayo. 

Abaabulkan caloodeed ee ka jira magaalada Kismaayo ayaa waxa uu dhashay kadib markii odayaasha dhaqanka iyo aqoonyahanada labada garab ee halkaas ku dagaalamaya  ay wax natiijo ah ka keeni waayeen garabka la magacbaxay golaha nabad galyada iyo midnimada qaranka oo uu hogaamiyo ninka lagu magacaabo Jaamac Aadan Dheere isla markaana diiday inay dagaalka ay kala dhex baxaan dadka shacabka ah oo ay saldhiga ka dhex samayesteen taasoo ah  qodobkii ugu horeeyay oo ay odayaal dhaqameedka hordhigeen garabka lamagac baxay golaha nabadgalyada iyo midnimada qaranka. 

Waxaa sidoo kale ay maanta lahayd magaalada kismaayo saansaan bandow kadib markii maamulka isbahaysiga uu soo saaray amar lagu xirayo bakhaarada ganacsiga laguna hakinayo isticmaalka  qalabka war isgaarsiinta sida telefoonada gudaha iyo kuwa dibada.

Taasoo ah markii ugu horaysay oo ay maamulka isbahasiga dooxada jubba ku talaabsadaan arintan lagu xayirayo qadka telefoonada gudaha iyo dibada ayadoo saameyn weyn ay ku yeelatay bulshada rayidka ah, waxaa sidoo kale saakay laga celiyay gagida dayuuradaha ee magaalada kismaayo dayuuradii siday Qaadka mana jiraan war kazoo baxay  maamulka isbahasiga dooxada jubba oo ay ku tafaasiilinayaan xayiraadan xoogan oo ay ku soo rogeen ganacsiga telefoonda iyo qaadka iyo waliba baqaarada waayen ee ganacsiga. 

Sidoo kale waxaa fowdo bilaabay ganacsatada Qaadka kadib markii dib loo celiyay dayaaradii siday Qaadkooda, si kastooy ahaataba waxaa sii badanay qaska iyo fowdada ka jirta magaalada kismaayo ayadoo shacabka ku dhaqan magaaladu ay haatan soo wajahday marxalad kale oo ku kalifaysa in ay guryahooda ka qaxaan.

Cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
Kismaayo soomaaliya
Cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 5, 2005

Kismayo: Waraysi Somalitalk ee Jaamac Aadan Dheere
Gudoomiyaha "golaha nabadgalyada & midnimada qaranka" Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD