SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

 

Kenya oo La Ciirciireysa Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo rajo ka Qaba in Ay Shaqo ka helaan DFKMG

Magaalada Nairobi oo ay ku soo qulqulayay Aqoonyahano Soomaaliyeed oo rajo ka qaba in ay ka mid Noqdaan Xubnaha Doowlada

axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muusse cabdulle (idaawaqaca)

Waxaa magaalada Nairobi ee Wadanka Kenya ku soo qulqulaya Aqoonyahano, Saraakiil iyo dadyoow kalla gadisan oo doonaya in ay ka mid noqdaan Doowlada Federaalka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya. 

Waxaa hore loo magacaabay Raysulwasaare, oo isaguna soo magacaabay Wasiiro, Wasiiro dowlayaal, wasiiro ku xigeeno, Gudoomiyaha Bankiga dhexe iyo Gudoomiyaha Maxkamada. 

Waxa jira xilal badan oo iminka dhiman, Sida: Safiiro, Taliyaasha kala duwan ee Ciidamada, Gudoomiyaasha Gobolada & Dagmooyinka, & Agaasimayaal xilal kale. 

Hadaba waxaa jira Shaqsiyaad iminka ku soo qulqulaya Xarunta Doowlada Ku meelgaarka ah ee Soomaaliya Nairobi, Waxaad ku arkaysaa shaqsiyaad ka Yimid Wadamada Yurub & Ameerika iyo kuwo ka yimid qaybaha kala duwan ee Gudaha Dalka Soomaaliya. 

Shaqsiyaadkan ayaa inta badan hor dhooban Irdaha Xafiiska Madaxwaynaha & Raysulwasaaraha iyagoo ku lamaansan Xubnaha Xidhibaanada Beeshooda. 

Mararka qaar waxaadba is leedaha waxaa hadana irdaha loo furayaa shir kale oo cusub oo waxaad arkaysaa shaqsiyaad kugu cusub oo Dumar & ragba leh marka aad waydiiso Ujeedadiisa waxa uu kuu sheegayaa in horta uu ka yimid Qurbaha muraadkiisuna yahay in Doowlada Soomaaliya shaqo ka helo/ka hesho. 

Marka aad waydiiso inta sano ee wadanka Soomaaliya uusan arag ama ka maqnaa waxa uu kuu sheegayaa ugu yaraan 20 sano& ka badan. 

Marka aad Booqato goobaha lagu garaaco Araajida Ama Cv waxaad arkaysaa Cariiri adigoo arkay goobahaa oo inta badan ku mashquulsan in ay buux dhaafiyeen Ergadaa Muhaajiriinta ah oo ku qoranaya Taariikhdooda shaqo & Siyaasadeed iyagoo wada sheeganaya Prof, Dr, Col, Jan iyo Darajooyin kale. 

Doowlada ku meelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa Asbuucyada fooda nagu soo haya magacaabi doonta Xubnaha aan kor ku soo sheegnay.

axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muusse cabdulle (idaawaqaca)

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2005


Itoobiya oo Qas Ka Abuurtay G/Gedo
»Dagaallo ciidamada cadowga Itoobiya lagu jabiyay
»"Xasuuqii Gambella waa in Itoobiya tallaabo ka qaado"..
Warka oo dhan ka akhri halkan... Feb 4

Warmurtiyeed kusaabsan Soomaaliya oo laga soo saaray shirkii abuja
» Lix Qof oo kudhintay Dagaal ka dhacay Kismaayo
» Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG oo warqad ka helay UK
» Xuseen Caydiid oo la kulmay Safiirka Jarmalka ee Kenya
 Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. Feb 3

Samsam oo Soo Gaartey Garoowe
» Samsam oo soo gaartey Woqooyi Bari...
» Samsam oo shuruud la'aan lagu siidaayey...
...
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Feb 3

Madaxweynaha DFKMG  Kusoo laabtay Kenya
»C/lahi Yusuuf & Wadigiisi oo dib ugu soo laabtay Nairobi
»Wafdigii balaaran oo DFKMG ah oo dib ugu laabtay somaliya
»Cashuur Ururin & Tirokoob si hagaasan uga socda Kismaayo
»Gudiga Xiriirinta & Dabogalka Somaliya oo  ku kulmay Nairobi
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Feb 2

Gothenburg oo Noqotay meel aan fanaaniinta Soomaaliyeed kusoo dhiiran karin
iyo Wafti ka socda DFKMG oo tegey Muqdisho Guji.. Feb 2

Dood kulul oo ka Dhex Taagan Golaha Wasiirada DFKMG
Doodaas oo ku aadan Qaabkii Soomaaliya Nabad galyo loogu soo dabaali lahaa.. Guji... Feb 1

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD