SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • WAFDIGII KA SOCDAY (DFKMF) SOOMAALIYEED OO MAANTA SOO GAARAY MUQDISHO

  • Xafladii U hiilli Hobolkaaga Ee Gothenburg Sweden Oo Ay Carqaladeeyeen Koox Wadaaddo Ah. [Gothenburg Sweden oo Noqotay meel aan fanaaniinta Soomaaliyeed kusoo dhiiran karin]

WAFDIGII KA SOCDAY (DFKMF) SOOMAALIYEED OO MAANTA SOO GAARAY MUQDISHO

W.D. Abuukar Yaasiin Xaaji
Muqdisho, Soomaaliya  
abuukarsom@hotmail.com

Wafdi ballaaran oo uu hor kacaayo ku xigeenka labaad ee golaha baarlamaanka DFKMG mudane CISMAAN CILMI BOQORRE  ayaa maanata soo gaaray magaalada muqdisho wafdigaan oo kasoo dagay saaka gagida diyaaradaha ee BALI DOOGLE ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyay maamulka gobolka banaadir oo uu hor kacaayeen gudoomiyaha gobolka FIRINBI iyo duqa magaalada muqdisho SHAAWEEY ayadoo ey wehliyeen qaar kamid ah urrurada bulshada waxaana wafdigu uu kusoo dagay hotelka SAXAFI oo sida lasheegay qaar kamid ah wafdiga ey dagi doonan.

Banaanka hore ee HOTELKa ayaa waxaa buux dhaafiyay dadweyne badan oo u yimid soo dhaweynta mas'uuliyiintii imaaneysay markii ey soo wada xaroodeen wafdiga ayaa waxaa dadweynaha la hadlay hogaamiyaha wafdiga mudane cismaan boqorre oo dadweynaha iyo mauulyiintii soo dhaweysayba uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ey usoo dhaweeyeen isagoo intaas ku daray in wafdigoodaan uu horudhac u yahay dowladii oo dhan oo imaan doonto waddanka gudihiisa

Wafdiga ayaa xubnihiisa waxaa kamid ahaa waziirka ganacsiga Al-xaaji MUUSE SUUDI YALAXOOW oo isaga markii uu soo dagay dadweynuhu in badan u sacabba tumeen isla markaana u salaameen isaguna uu uga mahad celiyay soo dhaweyn tooda waxaana xusid mudan in xubnaha wafdiga marka laga reebo xaaji muuse iyo C/RAXMAAN IBBI  oo iyagu waziirra ah intiisa kale eey ahaayeen xillibaanno baarlamaan

Dhanka kale waxaa muuqatay in HOTELKA SAXAFI oo ah meeshii wafdigu kusoo dagay anan siweyn loo habeyn habsami udajinta wafdiga iyo waliba warsiinta saxaafadda oo ey muuqatay in wariyayaasha qaar loo diiday galitaanka albaabka hoose ama gudaha HOTELKA oo ey ka dhageysan lahayeen wararka ey bixnayaan masuuliyiinta.

W.D. Abuukar Yaasiin Xaaji
Muqdisho, Soomaaliya  
abuukarsom@hotmail.com


Xafladii U hiilli Hobolkaaga Ee Gothenburg Sweden Oo Ay Carqaladeeyeen Koox Wadaaddo Ah.

Waxaa qortay; Ikraam Cali-kaar 

Habeenimadii sabtida soo galay taariikhduna ku beegneyd 28.1.2005-ta waxa magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ka dhacday xaflad loogu magac darray u hiili hobolkaaga oo hindisaheeda lahaa Abwaanka weyn ee Yuusuf Maxamed Muumin (Yuusuf yare). Xafladan oo lugu taageerayey fanaankii Cabdi Tahliil Warsamey oo ku xanuunsanaya dalka Isutaga Imaaradka Carabta, ayaa fanaaniinta  Soomaalida Sweden iyagoon u hakala harrin kasoo qeybgaleen xafladaasi kuna soo ban dhigeen bandhig faneedyadoodii looga bartay. Hase ahaatee siddii la doonayey xafladaasi uma dhicin sababtuna waa iyadoo ay qaban qaabiyeyaashu ku sheegen wadaado carqaladeeyey, ka hor intii aaney xafladu dhicin.  

Abaarihii 10-kii fiidnimo ayaa meesha ay xafladu ka dhici laheyd oo ah xaafad ay sida aadka ah Soomaalida u tago yimaadeen koox wadaado ah, waxaana halkaasi hadalo kulul is weydaarsadeen qaar kamid ah qaban qaabiyeyaasha xaflada oo arrintoodu qarka u saarneyd iney u yeeraan boolis aminiga ilaalisha, kadib markii labada kooxoodba ay qoloba qolada kale eedeyneyso. Qaban qaabiyeyaasha xaflada ayaa iyagu la sheegay iney wadaada ku yiraahdeen hadaad meesha ka tegiweysaan waxaan u yeereynaa boolis oo aan leenahay waa ”Argagaxiso” Halka wadaadaduna sheegen in iyaguna haddii boolis yimaado oran doonan ”Meesha waxaa lugu iibinayaa maandooriyeyaal”. Muddo gaaban kadib ayaa fanaaniintii reer Stockholm oo hogaaminayey Yuusuf yare oo yimid goobta la hadlay wadaadadii iyo dhalinyaradii oo qoorta iskula jira, waxaana ay aakhirkii ku dhamaatay is afagarasho sida uu ii sheegay Yuusuf yare oo aan goor dambe qadka taleefanka kula hadlay. Mar aan weydiiyey sida ay isku afgarteen ayuu yiri ”Markaan arkay kooxdii wadaada aheyd oo raxan raxan ah, ayaan ku iri marka hore hogaan aan la hadlo oo addiinka idiin kamid ah ayaan rabaa sida ay Diintu Islaamkuba qabto ileyn dhowr iyo qof lamawada hadli karee, kadibna waxaan la hadlay hogaankoodi anah uma arkeyn imaatinkooda wax qalad ah bacdamaa ay gudanayen waajibaad diini, marba haddii meel la iskugu yimaado ay waajib tahay iney Alle ka cabsiga la is xasuusiyo is jiid jiid dheer kadibna waa ay gareysteen wadaadi meshiina wey iskaga tageen”. 

Dhinaca kale ogaal la’aan jiray bulshada oo dhami aaney ogeyn iyo dhinaca wargelinta oo aad u liidatay marka laga reebo in qoraal ogeysiis ahaan loogu dhejiyey website-yada soomaalida ay iyadana aheyd sababta labaad ee xafladaasi nuxurkii iyo ujeedadii loo sameeyeyba ka qaaday, dad tiro ahaan kayar 50 ruux oo kasoo qeybgalay xafladdii habeenkaasiay goob joog ahaayeen. Waxeyna tanin noqotay mid niyad jab ku riday fanaaniintii safarka u soo gashay si ay u kaalmeeeyan walaalkooda Cabdi Tahliil Warsame. 

Xafaladan (u Hiili Hobolkaaga) ayaa qeybteeda labaad waxaa bishan dabayaaqadeeda lugu qaban doonaa magaalada Stockholm oo ah caasimadda Sweden, waxaana ay fanaaniintu rajeynayaan in dad badani ay kasoo qeyb geli doonaan, maadama magaalada Stockhom ay ka shacbiyad badan tahay magaalada Gothenburg oo iyaddu ay aaminsan yihiin bahda fanaaniinta Soomaaliyeed magaaalo ”hoy u ah ragga wadaada ah”.

Fanaaniin badan oo ay kamid yihiin Xassan Aadan Samatar, Maryan Mursal, Saacado Cali Warsame,Hibo Maxamed (Hibo Nuura) iyo qaar kaloo badan ayaa magaalada horey bandhig faneedyadooda luugu carqaladeeyey,waxaana ay magaaladu noqotay mid aaney kooxaha fanaaninta ahi aysan ku soo dhiiran ay ku ekaadan magaalada Stockholm iyo magaalooyinka kale ee Kobahagen iyo Oslo.

Fanaaniin ay kamid yihiin Hobol Yuusuf Muumin, Xabiib Sharaabi, C/kariin Tunni, C/naasir Illeeye,Xabiibo Maxamuud Cabdi (Xabiibo Wanaag), Maxamed Cumar, Deeq Ismaaciil Dheeg, kooxda Soomali Hip Hop, Aamina Faarax Weheliye Sendiko oo iyadu sidey sheegtay ugu timid magaalada London ee dalka Ingiriiska iyo qaar kale oo aan halkan magacyadooda lugu soo wada xusi karrin ayaa habeenkaasi safka hore kaga jiray bandhig faneedkii ay ugu talagaleen hobolkii Cabdi Tahliil iyagoo maamulkooduna uu aad u habeynaa, waana markii ugu horeysay ee sabanadan dambe la arko koox fanaaniin Soomaaliyeed oo tirro intaas la eg iyagoo nidaamsan ay wada jir u sameeyen bandhigfaneed. 

Ikraam Cali-kaar
ikraam@journalist.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 2005


"Qaadkii" oo Ku yaraaday Kismaayo
» Kismaayo: Cashuur Dheeraad oo lagu Soo rogey Qaadka
» Labo qof  oo habeen hore lagu dhaawacay kismaayo
» Beesha Gabooyaha oo Mar Labaad Ka Qaday Dawlada PL
» Beesha Tanade oo Warqad Furan u Diray Gen. Cadde
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. Jan 30

Co.Barre Hiiraale: "Waan Xariirnay Moorgan Lakiin..."
»Barre Hiiraale oo Waraysi siiyeyey Somalitalk
»Wasiirka A/Dibadda oo wareysi siiyey Sharq-Alwsat
»Kulankii Golaha Wasiirada ee Maanta
Wararka oo dhan halkan ka akhri... GUJI... Jan 26

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD