Gudoomiyaha
Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan
ayaa kulankii Baarlamaanka ee Maanta
warbixin ka siiyay xubnaha Baarlamaanka
Safarkiisii Talyaaniga
WD:
Axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muusse
Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya_Nairobi

sh
xasn dalxa boqore

xubnaha baarlamaanka

dalxa,
afay, kipligad

sakiyo_kipligad
Sawirada: Waxaa qaaday Idaawaqaca |
Kulankan waxaa
ka soo xaadiray xubno badan oo ka tirsan
baarlamaanka Soomaaliya waxaana gudoominayay
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan
Sh Adan oo ay dhinac Joogeen gudoomiye ku
xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Prof
Maxamed Cumar Dalxa iyo ku xigeenka Labaad
Ismaaciil Cilmi Boqore,
Kulanku waxa
uu ku biloowday aayadaha Quraanka ka dibna
waxaa hadalkii furay Sh Xasan Sh Adan oo ah
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed isaga
oo ku bilaabay waano& wacyi galin ku aadan
Asluub wanaaga iyo wadan jacaylka iyo mas
uuliyada saran Xubnaha Baarlamaanka
Soomaaliyeed,
Sh Xasan Sh
adan waxa uu ku dheeraaday in loo
baahanyahay in qof waliba gintiga dhiisha
iskaga dhigo sidii uu Dalkiisa u dhisi lahaa
qaybna uga noqon lahaa horseedka nabada iyo
isjacaylka umada Soomaaliyeed,
Intaas ka
dibna waxaa hadalkii la wareegay Gudoomiye
ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka
Soomaaliya Prof Maxamed Cumar Dalxa oo
Bilaabay warbixintii Safarkooda isaga oo ku
bilaabay in safarkoodu ahaa mid guul u ah
wadamada ay booqdeen iyo Soomaalidaba,
Maxamed Cumar
Dalxa waxa uu sheegay in Safarkoodu ahaa mid
ay kuwada Jireen 22 Xidhibaan isaga oo
sheegay in ay la soo kulmeen Gudoomiyaha
Baarlamaanka Wadanka Talyaaniga iyo mas
uuliyiin kale,
Prof Dalxa
waxa uu sheegay in ay kawada hadleen wadanka
Talyaaniga Amuuro la xariira dhinaca
dhaqaalaha isaga oo sheegay in ay u
balanqaadeen in hadii Soomaalida laga helo
in ay wax qabsadaan laga taageeri doono
dhinacyada Dhaqaalaha Siyaasada iyo waxyaabo
kaloo badan,
Prof Maxamed
Cumar Dalxa waxa uu mahad badan u celiyay
Siyinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeya
Safaarada Roba Dadwaynaha iyo Xubnihii Dalka
Talyaaniga oo ay la kulmeen,
Waxaa kaloo ay
mahad badan u celiyeen Ganacsatada
Imaaraadka Carabta iyo Jaaliyada
Soomaaliyeed eek u Nool Imaaraadka waxaa
kaloo ay mahad aan la soo koobi Karin u
celiyeen xubnihi baarlamaanka ee Wafdiga Sh
Xasan ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha
ee Joma Kenyata,
Kulankani waa
kii labaad ee Xubnaha Baarlamaanka ay iskugu
yimaadaan iyadoo kulankii midkan ka horeeyay
laqabtay 13/2/2005waxaa dib loo balamay
kulanka midkan manta xiga maalinka Arbacada
oo ay taariikhdu ku beegantahay30/2/2005
Xubnaha
Baarlamaanka Soomaaliyeed waxa aysan wali
wax go aana ka gaarin in Soomaaliya la keeno
Ciidamo shisheeye amuurtan oo dhalisay muran
xaga Afka ah ka dib marki Madaxwaynaha
Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed dalbaday
ciidamo shisheeye hase yeeshee Xubno ka
tirsan Wasiiradiisa ayaa Amuurtaas
gaashaanka ku dhuftay iyadoo laga Dhursugayo
go aanka kama danbaysta ah ee Baarlamaanku
ka gaaro amuurtaas.