SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dhulkaan Dadkii lahaa meeyey?  

Ali Malaaq Ahmed
raamoraaxo@hotmail.com


Qaramadda Middoobay ayaa waxay  dhawaan sii daysey warbixin cabsi iyo argagax ku abuurtay inta fahmi karta nuxurka ay warbixintu xambaarsan tahay. Waxaa warbixintaa lagu sheegey in badaha Soomaaliya lagu aasay/duugay haraaga sunta qumbula-daruuriyaha oo ah hubka wax gumaada iyo haraaga kiimikooyin kale oo khatar ah. Tani waxay ka dembaysay ka dib markii bad-giriirkii dhawaan ka dhacay badweynta hindiya uu soo debed bixiyey haraaga kiimikada oo shirkado reer galbeed ah ay ku aaseen badaha Soomaaliya shan iyo tobankii sano oo ugu dambeyey, waa xiligii dowlada la’aanta e. 

Warbixinta waxaa lagu sheegay in sunta haatan ku firirsan tahay xeebaha Soomaaliya oo dhan iyada oo waxyeelo xoogan u geysan doonta dadka xeebaleyda ah. Warbixintu waxay lagu xusay in sunta ay ka mid tahay uranium radioactive. Unaniumka waa macdanta  laga sameeyo quwada qumbula-daruuriyaha. Qashinka ka hara marka lasameeyo nuclearka  wuxuu wataa shucaac ama  kaah-fal (radioactive ) oo hawadda iyo biyahaba raaca. Warbixintu waxaa lagu sheegay in konteenaro iyo fuustooyin bada hoosteeda lagu aasay ay qarxeen oo walxihii ku jiray ay soo saartay bad-gariirkii dhawaan dhacay. Waxaa kale oo warbixinta lagu sheegay inaan la ogeyn inta tiro ama xadi  lagu duugay badaha Somaliya balse arrintu ay ku sugan tahay khaddar tii ugu sareysay. Waxaa kale oo lagu sheegay in biyaha badda oo la fadareeyay ama sunta lagu barxay ay waxyeelo xoogan u geysan doonta dadka ku nool xeebaha. Waxyeelada deegaanka la wasaqeeyay way baaxad weyn tahay, lakiin waxyeelada isla markiiba la shaaciyay waxaa ka mid ah, neefsiga oo dadka ku adkaada, qufuc qalalan, afka oo dhiig ka yimaada, uur-ku-jirta iyo saablayda oo dhiig ku dhex furma iyo maqaarka jirka oo la fal-gala sunta kiimikada. Waxaa kale oo waxyeelada kiimikada gaarsiinsan tahay biyaha dhulka hoostooda mara (ground water).  

Laakiin waxyeeleynta intaa way ka sii cirib xuntahay tahay oo suntu waxay saamey ku yeelan doontaa noolaha ku dhaqan badda, beriga iyo waxa ku dhexnool cirka iyo dhulka. Waxay si dhaqso leh u saamyn doontaa caafimaadak dadka iyadoo ku soo gabaneysa kaluunka la cuno, dalagyada beeraha ka soo baxa,  hawada la neefsado iyo biyaha dhulka hoostiisa ku jira iyo ku circa ka yimaada iyada oo ba’ada ama deegaankaba fadareysa/wasaqeysa. Waxyeeleynta suntaan uma kala aabbo yeesho noolaha oo dhan sida dadka, xayawaanka iyo dhirta. Waxaaba ka sii daran iyadoo aan kala garaneynin reer hebal iyo Soomlida  koofur ama tan waqooyi.  

Warbixintu ma aha mid dhameys tiran, waxayna  ku guuldaraysatay inay:

  1. baaritaan qoto dheer ku sameeyaaan inta ay baaxada iyo  wax-yeelada la egtahay
  2. dadka Soomaaliyeed u fidiyaan gacan isla markaana digniin ka siiyaan waxyeelada kiimikada
  3. farta ku fiiqaan shirkadaha iyo wadamada ka dambeeyay dambigaan dadnimada ka baxsan si maxkamad la soo taago
  4. u diraan Soomaaliya quburo cilmiga waxyeelada kiimikada ku dheeraaday

Sababta ay shirkadaha reer gelbeedka haraaga kiimikada u la soo beegsadeen badaha Soomaaliya maha wax lala yaabo  ama u baahan in aad laago fekero, waa afar arrimood:

  1. deganaansho la’aanta iyo qalalaasaha siyaasadeed ee Soomaaliya
  2. waa dhul, biyo iyo hawo dayacan, baylah ah, oo aan ilaalsaneyn
  3. dowlad la’aanta
  4. qiimo jaban. In sunta lagu aasaa badaha wadamada kale waxay ugu kaceysaa shirkadaha reer Yurup $250 dolar halkii tan halka badaha Soomaaliya ugu kacyso “$2.5 oo kaliya”.

Warbixinta Qaramada Middoobay waxaa lagu sheegay inay sababtu ay shirkadaha ugu daadinayaan qashinka badaha Soomaaliya ay tahay dowla’aanta ka jirta Soomaaliya, lakiin haddii aad xasuusataan markii la dhisay Dowladii uu A/qaasim madaxweynah ka ahaa Qoramada midoobay iyo Reer Galbeedkuba ma aqoonsan iyaga oo cillad uga dhigay inuu Mr. Qaasim yahay as-raac dhaqanka diinta ku dhegan (Islamist). Hadda markii lagu dhawaaqay dowladda Mr. Yusuf weli Qaramada Midoobay iyo Reer Galbeedkuba way ka caga taaleynayaan aqoonsigeeda iyada oo cudur daar ugu dhigeya inuu Yuusuf yahay diin-diid (anti-islamist). Haddaba maxaanu ku macneyn karnaa laba wajiilinamada Qaramada Midoobay iyo Reer Gelbeedka? Shaqsi noocee ah ayay raadinayaan? Misa qofka kasta oo yimaada kuma xirnee, la dagaalanka iyo daba tirka shacbiga iyo dhulka Soomaliya? Ma markii hore ayay qaldanayeen, mise hadda? Su’aalahaan jawaabtooda waxaan u deynayaa akhristeyaasha, laakiin Illaahay wuxuu Quraankiisa Kariimka ah ku sheegay inuusan qoomna duleynin ilaa ay iyaga is-duleeyaan, isla markaana duliga ka qaadin ilaa ay iyagu iska qaadaan! Fadlan akhristow aad u feker. 

Ku daadinta sunta iyo walxaha khatarta ah xeebaha Soomaliya waa arrin soo noqnoqotay sanooyinkii ugu dambeeyay oo u baahan isku shuqlin iyo ahmiyad siin. Sanadkii la soo dhafay Soomaali kaluumeysato ah ayaa aragtay maraakiib kontaynaro ku daadinay xeebaha Somaliya. Waxaa kale oo ay arkeen biyaha bada oo fadareysan. Tani waxay ahayd qaaylo dhaan u baahan muhiimad gaar ah, lakiin dhag jalaq looma siin. 

Waxaa marar badan shaki ku jiray sii jiritaanka dhulka Soomaaliya. Hadda waxaa shaki weyn ka jiraa sii jritaanka dadka Soomaalyeed, taas oo uusan qofna ka baxsan doonin. Haddaba si looga hortago dhicitaanka saadaasha cabsida badan waa in la helaa dowlda wax ka qabata amuurtaan, si taa loo helana waxaa qasab ah in laga  tanaasulaa damaca kaligii jeceylka ah oo la isigu yimaadaa xal dhexdhexaad ah. 

Talo soo jeedin: 

Waxaan talo ku soo jeedinyaa inay dowladda cusub ku dhawaaqdo xaalad deg-deg ah isla markaana ku dhaqaaqdo qodobada soo socda: 

  1. in si dhaqso leh loo abuuraa ciidanka  ilaalada badaha
  2. in si dhaqso leh loo abuuraa meelo iyo shaybaaro lagu tijaabiyo (testigareeyo) biyahaya iyo hawada
  3. in si  dhaqso badan loo magacaabaan guddi quburo ah oo ku xeeldheeraday culluunta iyo noocyada kiimikada kala duwan oo daarasad ama cilmi baaris ku sameeya noocyada iyo baaxada sunta lugu aasay badaha Somaliya iyo waxyeeladooda isla markaana ka soo saaro digniin iyo wacyi gelin looga digaayo dadweynaha Soomaaliyeed waxyeeleynta dadka.
  4.  in la magacaabo koox ku xeel dheer shuruucda caalimiga ee badaha oo shaqadoodu tahay inay soo baaraan shirkadaha iyo wadamada ka dambeeyay masiibadan isla markaana la tiigsadaa maxkam caalami ah.
  5.  in la abuuraa xarun cilmi baaris joogto ah howshoodu tahay ku mashquulida daraasadaha la xariira tegnooligiyada, kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta aadanaha.
  6. Inay Somali waqooyi ka qeyb qaadaan dadaalkan oo siyaasada meel iska dhigaan maxaa yeelay kiimikada ma kala taqaan waqooyi iyo kuufur

Waxaan  urrarada iyo aqoonyahanada  ka madax banaan dowladda iyo qabiilka ay mideyaan qalinkooda iyo qalbigooda una howl galaan sidii qaylo dhaan iyo baaritaan loogu sameyn lahaa amuurtaan loona caalamiyeen lahaa. 

Ali Malaaq Ahmed
raamoraaxo@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalakn waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin SomaliTalk.com | Feb 24, 2005

Adduunka oo Hadda Kusoo Baraarugey Halista Sunta Lagu Duugey Soomaaliya
Warbixin ay soo saartay Hay'adda Qaramaad Midoobey u Qaabilsan degaanka ayaa shaaca ka qaaday in..
Guji...

»Dhex-dhexaadin  Fahad Iyo Asad , iyo Arragtidooda Ciidamada Shisheeye | C/Shakur

»Asadoow! Ciidammo Itoobiyaan ah yeelimaynee Fahad iskadaa! | Xoday

»Muusa-nnowga Fahad Iyo Ciidamada Itoobiya | Asad

»URURADA ISLAAMIGA AH IYO CIIDAMADA SHISHEEYE | fahad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD