SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Hay'adda Nabad Raadiyaasha Geeska Afrika loona soo gaabiyo HAPA ayaa sheegtay in ciidamo la geeyo somaliya ay Dab sii hurin doonaan.
  • Xaflad casho sharaf ah oo xalay lagu sakootiyay kooxdii ka socotay dalka Norway. 

Hay'adda Nabad Raadiyaasha Geeska Afrika loona soo gaabiyo HAPA ayaa sheegtay in ciidamo la geeyo somaliya ay Dab sii hurin doonaan.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Kenya
canabmumtaz@yahoo.com Feb 20, 2005

 
Ha'addan oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi  xafiisyona ku leh wadamo kale oo ku yaala geeska afrika ayaa sheegtay maanta in ciidamo la geeyo soomaaliya oo ka socda wadamada IGAD aysan waxba ku soo kordhin karin xaaladda hadda ka taagan dalka soomaaliya.
 
Hay'adan oo ka shaqeysa Arrimaha Nabadda Geeska Afrika talooyinna ka bixisa qaabka nabad loogu soo dabaali karo meelaha nabad la'aanta ah waxa ay dhowr jeer kulamo xiriir ah ula yeesheen siyaasiyiinta soomaliyeed iyo howlwadeenadii IGAD ee shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed gacanta ku hayay labadii sano ee la soo dhaafay iyagoo siinayay talooyin iyo afkaaro la xiriira sidii ay soomaaliya dowladda uga hirgali karto sida ay Hay'adani xaqijisay.
 
Xoghayaha Guud ee Hay'addan Abdi Shiiq kana mid ah mas'uuliyiinta sarsare ee Daladda Muslimiinta Dalka Kenya ayaa kala taliyay wadamada IGAD in aysan ku dagdagin Ciidamo la geeyo xiligan soomaaliya,waana in la qiimeeyo ayuu yiri Hadalada Waxgaradka,Shacabka,Culumadda iyo siyaasiyiinta qaarkood ay uga soo horjeedaan in la keeno Ciidamo ka socda Wadamada IGAD dalka Soomaaliya.
 
Waxa uu xogahayaha Hay'adda HAPA intaas ku daray in dunida ay tusaale ugu filan tahay waxii kala dhex maray 31 kii dowladood ee Raja soo celinta loogu magacdaray ee uu hogaaminayay maraykanka iyo Dadkii soomaaliyeed ee xiligaas sida xun uga soo horjeeday ciidamaas, dagaal ba'ana uu dhex maray,taas mid ka daran ayaana ka dhici doonta ayuu yiri hadii soomaaliya loo geeyo ciidamo aysan isku raacsanayn shacabka iyo dowladooduba.
 
Dhibaatadda ka taagan wadamada safka hore ee ku saabsan Xaaladda Soomaaliya oo iyaga dhexdooda khilaaf ka dhex samayn jirtay xiliyadii shirku bilowgu ahaa ayaa sii xumayn karta ayuu yiri xaaladda siyaasadeed iyo nabad galyo ee ka dhex jirta wadamada safka hore hadii ciidamadoodu ay tagaan dalka soomaaliya.
 
Ugu dambayn waxa ay Hay'adda Nabad raadinta Geeska Afrika ugu baaqday Wadamada safka hore in ay ka fiirsadaan ciidamo loo diro inta bulshada qaybaheeda kala duwani ay diidan yihiin,baarlamaanka iyo dowladuna aysan isku raacsanayn.
 
Waxa ay ku soo gabagabaysay Hay'adda nabad Raadinta Geeska Afrika in Beesha caalamka ay Somaalida dhexdeeda isku dayso,iyagoo ku dhiiri galinaya Qaybaha soomaaliyeed in ay  dib u heshiin buuxda samaystaan  kadibna la baadi goobo sidii loo dhisi lahaa ciidamo soomaaliyeed oo lagu wada kalsoon yahay,taas ayaa ugu dhaw in soomaaliya xal buuxa ka dhasho ayay ku soo koobtay Hay'addan warbixnteeda ku aadanayd in Somaliya la geeyo ciidamo shisheeye oo ka socda Wadamada IGAD oo ay maanta ka soo saartay magaaladda Xafiiskeeda Magaaladda Naiorbi.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Kenya
canabmumtaz@yahoo.com Feb 20, 2005


Xaflad casho sharaf ah oo xalay lagu sakootiyay kooxdii ka socotay dalka Norway. 

turbashaash
turbashaash@hotmail.com


Xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka Somali Sport & Culture ee- kadhisan dalka Norway , ayaa u muuqatay runtii mid si heer-sare ah looga soo shaqeeyay. 

Sidaad ula socotaanba waxaa maalinta bari  20-02-05 ka bilaabanaya - wadanka Finland ciyaarihii laqaban-jiray waqtiyada qaboobaha.

Tartankan kubada cagta ah ayaa sanadkii laba jeer laqabtaa.

Tartankan kii ka horeeyay waxaa lagu qabtay  wadanka Danmark , waxaana koobkaa ku guuleystay kooxdii ka socotay dalka Norway. 

Hadaba ciyaarahan oo ay ka soo qaybgali doonaan dhamaan intooda badan kooxaha Somaliyeed ee ka dhisan wadamada Europe , ayaa u muuqda sanadkan in uu ka duwan yahay kana adagyahay sanadihii hore,, maadaamaa uu wadan walba soo xushay xulkii ugu adkaa. 

Xafladan sii sagootinka ahayd ayaa waxaa ugu horayntii noo furay Mr- Abdikadir Caddaay oo ah xoghayaha Ururka S.S.C.Norway.

Mr Caddaay oo warbixin gaaban naga siiyay , tartankan kii ka horeeyay, wixii nooqabsoomay,, faaiidadii laga helay tartankaas iyo faaiidada uu tartankani u leeyahay dhalinyarada Somaliyeed ee kunool Europe.

Waxaa  Caddaay hadaladiisii ka mid ahaa , markastoo la qabto tartamo noocan oo kale ah , in dhalinyarada afsomaligoodu uu runtii aad u kore, iyo waliba is dhexgalkooduba.

Waxaa kloo uu Caddaay uga digay dhalinyarada in la iska ilaliyo cudurka- AIDS. Sida la iskaga ilaalinayana ay tahay in ay badiyaan salaadooda iyo imaankoodaba. 

Waxaa isna hadalkii la wareegay Mr Hassan Muse oo ah Tababare caan ka ah Dalka Norway, 10kii-sanadood ee ugu danbeeyayna soo saaray dhalinyaro yar yar oo hada u safta kooxaha Norway .

Hassan oo hada ururka Somali Sport & Culture ka tirsan tababarena u ah kooxdan ayaa waxa uu ku booriyay in ay qalabkoodii iyo basabooradoodiiba ay dhalinyaradu diyaarsadaan , lana ilaaliyo asluubta , aynan ogaadaan dadka ay masalayaan in ay yihiin dhamaan umada Somaliyeed ee kunool dalka Norway, magaca iyo edebta ay halkaas ka so hoyaana ay sharaf u tahay dhamaan dadwaynaha Somaliyeed ee kunool dalka Norway.

Waxaa akhristoow ugu danbeyntii hadalkii la wareegay gudoomiyaha ururka Somali Sport & Cultute in Norway Mr Mahad , oo dhalinyarada tusaaleeyay in ay yihiin Ambasadoor, una yihiin umada Somaliyeed ee kunool Norway.

Waxa uu Mahad hadalkiisii ka mid ahaa in ay dhalinyaradu ilaaliso dhaqankooda, lana yimaadaan , ixtiraam, sharaf , dulqaad , iyo kaladanbaynba. 

Waxaa ugu danbeyntii soo gaba gabeeyay xafladaas Mr Abdi Jama Farah iyo Mr Ali Ma-alin oo labaduba ka tirsan ururka Somali Sport & Culture

Iyaga oo gudoonsiiyay bilad sharafeed, wiilkii ugu edebta iyo shaqada badnaa waa Mr KHadar ah kabtanka kooxda , runtiina habeen iyo maalinba u soo jeeda isku xirka kooxdan yar iyo ma-suuliyiinta ururka S.S.C. 

Waxaa hadaba markay saacada Europe ahayd 3:00 galabnimo ka dhoofay garoonka Gardermoen kooxdii ka socotay dalka Norway iyagoon hubno in ay noo soo hoyndoonaan guulal la taban karo, gaar ahaan xaga edebta iyo ismaqalka.

Waxaan kaloo hubnaa in ay reer Finland si fiican u soo dhaweyn doonaan , waalahooda martida u ah. 

Waxaa akhristoow mahadaa leh dhamaan bahweynta Sportiga xiiseesa. 

By turbashaash
turbashaash@hotmail.com

Faafin SomaliTalk.com | Feb 19, 2005


Waftiga Baarlamaanka FKMG oo Booqday Vatican-ka ee Rooma
oo ah xarunta looga taliyo Masiixiyadda, waxaana waftiga halkaas booqday hogaaminayey... Guji... Feb 19

Islaan Maxamed Islaan Muuse oo ku geeriyooday Garoowe
Waxaana tacsi u diray madaxweynaha DFKM iyo... Guji Feb 18

Waraysi: Cusmaan Caato
Waraysi dheer oo
Axmed Yaasiin Maxamed Sooyaan oo ka tirsan IQRA uu la yeeshay Cusmaan Caato ayaa... Guji.. Feb 18

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD