SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO

Barnaamijka Radio Xoriyo

01 Feb. 2005 

  • ·        Ogadenya: Dagaallo gumaysiga Itoobiya lagu naafeeyay

  • ·        Dad rayad ah oo Ogadenya lagu xidhxidhay

  • ·        Qiimaha Gallayda oo cirka isku shareeray Itoobiya

  • ·        Shirwaynaha Midowga Afrika oo Abuja ka dhacay

  • ·        Iyo waraysi aan la yeelanay madaxa Hooggaanka Gaashaandhigga JWXO

===================================

 Ogadenya: Dagaallo gumaysiga Itoobiya lagu naafeeyay 

Halgankii gobonimadoonka Shacabka Ogadenya oo si xawli leh u socda niyad jab iyo khasaare wayna u gaystay gumeysiga Itoobiya ayuu Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogadenya guulo waaweyn ka  soo hoyiyey goobo badan oo ay cadowga isku haleeleen. 

Waxaa ka mid ah meelaha lagu naafeeyey cadowga garaadka daran: 

- 25/12/04 koox ka tirsan CWXO ayaa Heela-dheere oo ka tirsan deegaanka Garbo cadowga kaga dilay 5 askari. Waxayna kaga dhaawaceen 5 kale. 

- 4/01/05 Fallaadh ka tirsan CWXO ayaa alteero u galay Ciidanka cadowga oo  marayey Goonley oo ka tirsan degmada Dhagaxbuur. Halkaas waxaa cadowga lagaga dilay 2 askari,  afar kalana waa laga dhaawacay. 

-5/01/05  Isdaba-deg oo ka tirsan Dhagaxbuur wuxuu CWXO cadowga kaga dilay 6 askari, wuxuuna kaga dhaawacay 8 askari oo kale. 

- 9/01/05 CWXO wuxuu miray xerada Ciidanka cadowga ee Mishinka ee ku taalla magaalada Dhagaxbuur. Waxaa cadowga loogu gaystay khasaare laxaad leh oon tirakoobkiisa la haynin. 

- 17/01/05 Gansale oo u dhow Barmiilka oo Nogob ka tirsan waxaa cadowga lagaga dilay 3 askari, waxaana laga dhaawacay 2 kale. 

-20/01/05 Mir habeenimo ah oo CWXO ku sameeyey saldhiga Gaaska ee Dhagaxbuur waxaa loogu gaystay khasaare weyn oo naf iyo qalaba leh. 

Dad rayad oo Ogadenya lagu xidhxidhay  

Wuxuu cadowgu maalin kasta dilaa, xidhaa ama dhacaa qaar ka mid ah shacabka Ogaadenya een wax galabsan. 

Intii u dhaxaysay 20 - 25 Janwari wuxuu gumaysiga Itoobiya ku xidhay magaalada Baabili dad ka badan 80 qof. Dadkaas faraha badan ee la xidhxidhay waxaa ka mid ah oo magacyadoodii na soo gaadheen:  

  • 1.Xuseen Good  

  • 2. Zahra Dahir oo aaskiisi ah.

  • 3. Wiil yar  oo sano jira oo Zahra iyo Xuseen dhaleen.

  • 4. Cabdi  Ciid 

  • 5. Daahir Diiriye  

  • 6. Haweeya Maxamed 

  • 7. Gabadh  Haweeya dhashay oo laba sano jirta.

  • 8. Suleekha Sh. Aadan. 

  • 9. Faarax Sh. Cumar.

Sida oo kale intii ka denbaysay 23/01/05 wuxuu gumaysigu magaalada Wardheer ku xidhxidhay dad badan ooy ka mid yihiin:  

  • 1. Sucaad Axmed Qorane 

  • 2 Deeq Xasan Siraad (Deeq Uraag) 

  • 3. Cabdi Salaad Jiirow

  • 4. Yusuf Cabdi Saciid 

  • 5. Suldaan Maxamed Dulane Dahir

  • 6. Axmed Sarhaye Xaashi 

  • 7. Cali yare Shafad

  • 8. C/risaaq Xuseen Mire

  • 9 Cusbur Sh. Muuse 

  • 10. Carab Mataan Cali 

  • 11. Maxamed Axmed Siraad  

  • 12. Cabdi Kaydsane Mire 

  • 13. Cabdi Dhuux Sh. Xirsi.

Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya degmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya dhalinyaro aad u tiro badan ku xir-xireen deegaanka Shilaabo. 

Sababta lagu xiray dhalinyaradan ayaa lagu soo waramayaa in ay la xiriirto Funaanado ay ku qoran yihiin halku dhagyo ay ka mid yihiin "ONLF ha guulaysato" oo ay soo xirteen,  kadibna ay dibad bax ku sameeyeen iyagoo ku  dhawaaqayey erayo ka dhan ah Ciidamada Itoobiya. 

Dhalinyaradaas ayaa lagu soo waramayaa inay haatan ku xidhan yihiin Xabsi ku yaala Degmada Shilaabo, iyadoo la filayo in loo dhaadhicin doono Xabsiga weyn ee  Magaaladda Qabridahare. 

Qiimaha Gallayda oo cirka isku shareeray Itoobiya 

Qoysaska saboolka ah ee Itoobiya ayaa dhibaato xun ka soo gaadhi doontaa qiimaha Gallayda oo si aan caadi ahayn kor ugu kacay. Qiimaha Gallayda ee Itoobiya wuxuu cirka isku shareeray wuxuu kediso ku noqday uruurada samafalka ah, sababtoo ah waxaa sannadkan la filayay in dalagga Beeraha ee Itoobiya uu 10% ka bato intii uu sannadkii hore ahaa. 

Sida caadada ah qiimaha Gallayda hoos ayuu xillaganoo kale u dhici jiray, sababtoo ah waa xilliga uu dalaggu soo go’o, hase yeeshee in qiimaha (1000 kg ) ee Gallayda ah u joogo 170 doollarka Maraykanka ah, halka uu sannadkii hore ka joogay 105 doollar. 

Arrintan ayaa la sheegay inay macaluul ba’an u horseedi doonto dad badan oo toobiyaan ah, waxaana ugu wacan siyaasad xumada xukuumadda Addis Ababa, oo aan dadwaynaha u oggolayn inay hantiyaan dhul-beereed ka wayn midka ay u qoondaysay, sidaas darteed ayna dadwaynuhu fursad u lahayn inay dalag fiican beertaan. 

Xukuumadda gumaysiga Itoobiya ayaa bishii Disember dalalka deeqda bixiya ka codsatay in lala soo gaadho 387,000 oo tan oo cunto ah, si loogu quudiyo dad ay tiradoodu gaadhayso 2,2 milyan oo qof oo macaluuli ku soio food-leedahay. 

Dadwaynaha reer Ogadenya waxay ka mid yihiin dadyowga ay Itoobiya macaluusha ku disho, si ay yaboohsigeeda ugu adeegsato. Deeqaha yaboohsiga noocan ah lagu siiyana waxay u isticmaashaa dagaallada xaq-darrada ah eey la gasho dalalka deriska ah iyo jabhadda xornimo doonka ah. 

Shirwaynaha Midowga Afrika oo Abuja ka dhacay

Shirwaynaha madaxda dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ayaa axaddii ka furmay magaalada Abuja ee xarunta dalka Nigeria, waxaana klagaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka Qaaradda Afrika daashaday ee saboolnimada, cudurrada iyo xasillooni darrada. 

Madaxda Afrika ee kulankan ka qayb galay ayaa ballanqaaday inay ka shaqaynayaan sidii loo soo afjari lahaa faqriga iyo cudurrada daashaday Qaaradda Afrika, iyadoo la deegsanayo iskaashi dhex mara dalalka Qaaradda ku yaalla.

Madaxdu waxay sidoo kale ka wada-xaajoodeen sidii loo joojin lahaa dagaallada ka socda dalalka Ivory Coast, Congo iyo gobolka Darfur ee galbeedka dalka Suudaan.

 Waftiga Soomaaliya uga qayb galaya shirwaynahan oo uu horkacayo madaxwaynaha dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ku dadaalay sidii uu madaxda uga dhaadhicin lahaa inay ahmiyad dheeraad ah siiyaan arrimaha Soomaaliya. 

01 Feb. 2005

C/Nuur Sh.Mohamed
radioxoriyo@ogaden.com 
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 1, 2005


"Qaadkii" oo Ku yaraaday Kismaayo
» Kismaayo: Cashuur Dheeraad oo lagu Soo rogey Qaadka
» Labo qof  oo habeen hore lagu dhaawacay kismaayo
» Beesha Gabooyaha oo Mar Labaad Ka Qaday Dawlada PL
» Beesha Tanade oo Warqad Furan u Diray Gen. Cadde
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. Jan 30

Co.Barre Hiiraale: "Waan Xariirnay Moorgan Lakiin..."
»Barre Hiiraale oo Waraysi siiyeyey Somalitalk
»Wasiirka A/Dibadda oo wareysi siiyey Sharq-Alwsat
»Kulankii Golaha Wasiirada ee Maanta
Wararka oo dhan halkan ka akhri... GUJI... Jan 26

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD