SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Waftiga Baarlamaanka FKMG oo Booqday Xarunta Looga Arimiyo Masiixiyadda ee Vatican-ka ee Rooma
  • Dabaylo Xooggan oo  Maanta ka Dhacay Kismaayo

Waftiga Baarlamaanka FKMG oo Booqday Xarunta Looga Arimiyo Masiixiyadda ee Vatican-ka ee Rooma

 
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
Kenya, Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com
  • Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sh Xasan Sh Adan ayaa Maanta Roma kula Kulmay Saraakiil ka Tirsan Vaticans-ka iyadoo isla Maanta uu la kulmi doono Jaaliyada Soomaalida ee Rooma
Wafdigii baarlamaanka ee dowladda federalka ku-meel-gaarka Soomaaliyeed ee ayaantanba joogay magaalada Rome ayaa saakay booqday xarunta Vatican-ka ee magaaladaas, sida warku sheegayo wafdiga oo uu horkacyo Af-hayeenka barlamanka Soomaaliyeed Mdn. SHarriif Xasan Sheekh Adan ayaa waxaa halkaas ku qaabilay wasiir-ku-xigeenka ee Vaticans-ka, waxayna ka wada hadleen xariirka is kaashi ee ka dhaxeeya labada Wadan ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Wafdiga Baarlamaanka Soomaaliyeed oo ayaantaanba boqosho ku marayay magaalada Rome ayaa sida wararku sheegayo lagu wadaa inuu galabtay xaruntii hore ee safaaraddii hore ee Soomaalida kula kulmo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan, mar aan la hadalnay xoghaynta wafdigaas ayuu inoo sheegay in Af-hayeenka baarlamaanka uu Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Rome deggan uu kala hadli doono arrimo la xiriira sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen taageerrada dowladda iyo arrimo la xiriira sidii ay Jaaliyadda isu dhisi lahayd iyadoo huwan magacooda Soomaalinimo.

Warkan ayaa intaas ku daraya in dhammaan kulannadii ay wafdiga baarlamaanka la yeesheen mas'uuliyiintii ay is arkeen ay ku dhammaadeen is af garrad, sida uu xoghayuhu ku waramay wafdiga baarlamaanka ayaa berrito 10:00 aroornimo waqtiga Rome ka soo ambabixi doona halkaas iyagoo ku soo jeeda magaalada Nairobi.

Dhanka kale, waxaa isagana saaka ka dhoofay magaallada Nairobi Mdn. SHeekh Adan Max'ed Nuur wasiirka gar-soorka ee DFKMS isagoo ku sii jeeda magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, socdaalka wasiirka ayaa wuxuu ka mid yahay talaabooyinka ay DFKMGS u qoondaysay sidii ay dib ugu guuri lahayd Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in maalmaha  soo socoda uu wafdi uu hoggaaminayo R/wasaare Cali Max'ed Geeddi u ambo baxaan Qaybo ka Tirsan Gobolada Dalka Soomaaliya.

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
Kenya, Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com


Dabaylo Xooggan oo  Maanta ka Dhacay Kismaayo

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaliya
cabdiqadar84@hotmail.com

Waxaa maanta hakad ku yimid  habsami u socodkii howolahii dakada caalamiga ah ee magaalada kismaayo kadib markii dabaylo xoogan ay ka bilowdeen xeebaha ku yaala gobolka jubbada hoose gaar ahaan magaalada kismaayo 

Manta ayaa waxaa gabi ahaanba hakad ku yimid howlahii baaxada lahaa ee ka socday dakada caalamiga ah ee magaalda kismaayo kadib markii dabaylo xoogan ay ka bilowdeen subaxnimadii hore xeebaha ku teedsan gobolada jubboyinka taasoo qalqalgalisay dhamaanba gaadiidka kaluumaysiga iyo kuwa howlaha kale u jooga xeebaha iyo dakada magaalada kismaayo. 

Dabaylahan saakay ka bilowday xeebaha gobolada jubboyinka ayaa waxa ay yihiin kuwo soo noqnoqnayay in dhawaana ah ayadoo ay dabaylahan ay dhalisay hirar xoogan oo qiyaastii la sheegay in ay gaarayaan ilaa afar mitir oo kor ah taasoo sababtay in maanta ay baaqdaan howlo fara badan oo ay ka midyahiin kuwii kaluumaysiga dajinta iyo daabulida maraakiibta iyo doonyaha ku xiran dakada iyadoo haatan ay dakada ku xiranyahiin ilaa labo  markab oo waaweyn iyo afar doonyood oo siday badeecooyin kal duwan. 

Dabaylahan xoogan ee saakay ka bilowday xeebaha g/jubooyinka ayaa waxaa la sheegayaa in ay timid kadib markii la sheegay in bad gariir uu ka dhacay jasiirad lagu magacaabo sulawaysi oo ku taala dalkaas indunusiya. bad gariirkaas oo u muuqday kii tsunami oo dhibaatada banayed gayestay balse uu san hada bad garirkani gaysan wax dhibaato ah yadoo gobo badan ay waxyeelaysay dhibaadatii tsunami goobahaasna ay ka  midtahay magaalada kismaayo, 

Sikastooy ahaataba waxaa baaq kasoo baxay maamulka dagmada uu ugu baaqayaa dadka  howol maaledka ku xiranyahay bada in ka baaqsadaan xiliyada ay dareemaan in bada ay kacsantahay ayadoo ay dhici karto in dhibaatooyin soo foodsaaraan islamarkaana  ay mudantahay in arintaas taxadar dheeri ah laga muujiyo

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaliya
cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 19, 2005

"Heshiis Saddex Geesoole ah oo Lagu Gatay Xaafuun Muddo 99 sanadood ah"
HAFZA oo ah shirkada sheegtay in ay ijaaratay Xaafuun muddo 99 sanadood ah ayaa shaaca ka qaaday waraaqo ay ku saxiixanyihiin Madaxweynaha DFKMG, madaxweynihii hore ee DGPL iyo wasiirkii Hawlaha Guud ee PL.. Guji.. Feb 19

Islaan Maxamed Islaan Muuse oo ku geeriyooday Garoowe
Waxaana tacsi u diray madaxweynaha DFKM iyo... Guji Feb 18

Waraysi: Cusmaan Caato
Waraysi dheer oo
Axmed Yaasiin Maxamed Sooyaan oo ka tirsan IQRA uu la yeeshay Cusmaan Caato ayaa... Guji.. Feb 18

Bom Lagu Qarxiyey Muqdisho::
»Ugu Yaraan labo Qof ayaa kudhintay & lix dhaawac ah..
»Kismaayo Hal qof ayaa dhintay, hal dhaawac ah...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji..

»WARBAAHINTA ADDUUNKU WAXAY KA QOREEN SOOMAALIYA

Wafdi ka socda DFKMG ah oo booqanaya Jowhar iyo Baladwayne
iyo Xaflad ay ardeyda Soomaaliyeed ku qabteen magaalada Karachi ee waddanka Pakistan ka akhri halkan... Guji... Feb 16

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD