SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORIYO

Barnaamijkii Radio Xoriyo

11 Feb. 2005

  • Ciidamo diiday inay Ogadenya ka dagaallamaan oo xidhxidhan
  • Itoobiya oo hub uruursi ku jirta
  • Qanyare Afrax iyo Caato oo diiday in ciidamo Itoobiyaan ah Soomaaliya la keeno
  • Mucaaradka Itoobiya oo xukuumadda ku eedeeyay inay dad ka laysay
  • Iyo Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga

======================

Ciidamo diiday inay Ogadenya ka dagaallamaan oo xidhxidhan

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga waxay sheegayaan in askar badan oo ka tirsan Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ay ku gacan saydheen inay ku sii jiraan hawlgallada millatari ee ciidamada gumaysigu ka wadaan Ogadenya.

Askarta amar-diidadan sameeyay waxaa ka mid ah 180 askeri oo qaarkood ay hadda socoto Maxkamad Ciidan, waxayna intooda badan ku xidhan yihiin xabsiga Ciidanka ee magaalada Jigjiga.

Waxay kaloo wararku intaas raaciyeen inay jiraan ciidan Jigjiga lagu hayo oo tiro ahaan gaadhaya 300 oo askari, kuwaasoo iyaguna ku gacan-saydhay amarkii Dawladda Woyanaha. Askartan waxaa loo qorsheeyay in lagu wareejiyo Maamulka Boliska, si ay hawlo cusub uga billaabaan gudaha Ogadenya, hase yeeshee waxay codsadeen in marka hore siiyo mushaarkoodii seddexdii bilood ee Gu'gii la soo dhaafay. Hawlgalladii ay ciidamadaasi qaban lahaayeen ayaa hakad la geliyay ilaa iyo muddo danbe.

Itoobiya oo hub uruursi ku jirta

Xukuumadda Itoobiya ayaa ku jirta hub uruursi iyo sidii ay kor ugu qaadi lahayd cududeeda millatari. Kaligii-taliye Meles Zenawi ayaa dhawaan wax laga weydiiyay hubka faraha badan ee Itoobiya gacanta ugu jira iyo ciidamada ay uruursanayso.

Keligii taliye Meles Zenawi waxaa la waydiiyay in Itoobiya baahi u qabto hub iyo ciidaamo fara badan ama ay u baahan tahay nabadgelyo iyo horumar, wuxuuna ku jwaabay in marka dib loo eego dhacdooyinkii ku meermeersanaa dagaalkii Eritreya, isla markaana la qiimeeyo xaaladda qasan ee Somaliya, suurtagal ma noqon karto inaan keligano hub dhimis sameyno, mar haddii ayna dalalka deriska ahna sidaasoo kale samaynaynin.

Hadalka keligi taliye Meles Zenawi wuxuu daliil u yahay in xukuumadda Itoobiya ay ku hawllan tahay hub uruursi iyo abuurida ciidamo hor-leh, sidaas waxaa horrantii bishan qoray wargayska afka amxaariga ku soo baxa Reporter.

Qanyare Afrax iyo Caato oo diiday in ciidamo Itoobiyaan ah Soomaaliya la keeno

Wasiirka amniga gudaha ee dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya Maxamed Qanyare Afrax ayaa sheegay in dadwaynaha soomaaliyeed ay aad u jecel yihiin inay samaysataan dawlad dhexe, balse ay mari la’yihiin caabiga ay xukuumadda Xabashidu arrintaas kaga soo horjeedo.

Maxamed Qanyare Afrax oo magaalada Muqdisho kula hadlayay dadwayne aad u tiro badan oo isu soo baxay, ayaa sheegay in xukuumadda Itoobiya ayaa kala qaybisay dadwaynaha soomaaliyeed, isla markaana colaado kala dhex dhigtay.

Wuxuu kaloo intaas ku daray "waxaan magaca Eebe ku dhaaranayaa in dadkayagu ay jecel yihiin inay helaan dawlad dhexe, waxaana muuqata inay Xabashida neceb yihiin".

Maxamed Qanyare Afrax wuxuu kaloo sheegay in dawlada cusub ee ku meelgaadhka ahi ay hawlaheeda ka billaabi doonto dalka Soomaaliya, wuxuuna dadwaynaha soomaaliyeed ka codsaday inay kalsooni iyo taageero u muujiyaan dawlada cusub.

Dhinaca kale wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta ee dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya Cismaan Xasan Cali (Caato) ayaa aheegay inuu ka soo horjeedo in ciidamo Itoobiyaan ah la keeno dalka Soomaaliya.


Cismaan Caato wuxuu sheegay imaatinka ciidamo Itoobiyaan ahi ay dhigan tahay in mar kale dib loo soo nooleeyo colaad soomaalida dhexdeeda ah. Wuxuu kaloo intaas ku daray in Itoobiya ay damacsan tahay inay Soomaaliya ka aar-goosato.

Cismaan Caato wuxuu intaas ku daray "waana la dagallamaynaa haddii ciidamo Itoobiyaan ah gudaha Soomaaliya la keeno. Dadka soomaaliyeedna waxaan ugu baaqayaa inay la dagaallamaan oo iska dhiciyaan cadowgooda soo-jireenka ah ee Xabashida".

Dadwaynaha soomaaliyeed ayaa si wayn uga soo horjeeda in Soomaaliya la keeno ciidamo Itoobiyaan ah oo qayb ka noqda ciidamada nabad ilaalinta ah ee dalalka IGAD ku deeqayaan. Dadwaynuhu waxay rumaysan yihiin in Itoobiya dano siyaasadeed ka leedahay ciidamada ay Soomaaliya keenayso, isla markaana ay u adeegsan doonto sidii ay u kala tuuri lahayd dadaalka loogu jiro in dib loo dhiso qaran soomaaliyeed.

Mucaaradka Itoobiya oo xukuumadda ku eedeeyay inay dad ka laysay

Is-bahaysiga mucaaradka Itoobiya ayaa maamulka EPRDF ku eedeeyay inuu ka dilay 5 xubnood, 22 kalana ka dhaawacay, ka dib markii dhawaan weerar lagu qaaday xubno mucaarad ah.

Is-bahaysiga mucaaradka ah ee CUD ayaa sheegay in bishii u denbaysay weerarro kala duwan lagu qaaday madaxda mucaaradka ee isu diyaarinaya doorashada la qabanayo bisha May, iyadoo weerarradaas uu ka denbeeyo ururka talada haysta ee EPRDF.

"Waxaan wadaynaa halganka, dhegna uma dhigayno xadgudubyada xuquuqda aadanaha ka dhanka ah iyo sharci darrada ay xukuumaddu nagu samaynayso, sidaas waxaa lagus heegay bayaan uu is-bahaysigu talaadadii soo saaray. Masuul u hadlay xafiiska doorashooyinka ee Itoobiya oo is-qariyay ayaa sheegay in arrintan laga war-hayo.

Shantan xubnood ee la dilay waxay ka tirsanaayeen xisbiga All Amhara Unity, oo hoos yimaada is-bahaysiga CUD, waxaana labadii toddobaad ee u denbeeyay lagu dilay woqooyiga galbeed ee gobolka Gojam. Ugu yaraan 11 madaxda mucaaradka ka mid ah ayaa Itoobiya lagu dilay sannadkii 2004, sidaas waxaa yidhi Hailu Shawel oo madax u ah is-bahaysiga mucaaradka. Waxaa kaloo la afduubay oon la ogayn meel ay ku denbeeyeen 17 mucaaradka ka mid ah.

Radio Xoriyo, 11 Feb. 2005

C/Nuur Sh.Mohamed
radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2005


»Maxaa Hortaagan in idaacado madax banaan la keeno SL | Qodax
»
Boobkii Dhulka Soomaaliyeed oo Puntland laga bilaabay  | C/waxid
»Ha la Aamusin Aragtidaada - Faalo | Afyare
»SOOMAALIDU MA U BISISHAHAY DOWLADNIMO ?! | Istiilla
»YAA U GARNAQI DOONA SOOMAALIA IYO QAB-QABLAYAASHA?
»Muqdisho:- Soo Dhaweyntu Daacad Maka Tahay. | Asad 
»BANAADIR LAMA BOOQAN KARO, BEEN DHEH! | Garaad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD